SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Ban Ki Moon: Burcad badeeda Somalia caalamka ayay Khatar ku yihiin. 

"Somalia oo loo balan qaaday aduun lacageed oo gaaraya 213 Million dollar"

Shirka deeq ururinta dalka Somalia oo ka dhacay caasimada dalka Belgium ee Brussels April 23, 2009 ayay dowladaha deeq bixiyaasha dowladda Somalia ugu deeqeen aduun lacageed oo sida saxaafadda caalamku sheegtay gaarayaa in ka badan 250 Million oo dollar. Lacagahan loogu deeqay dowladda Somalia ayay dowladdaha reer galbeedka oo gaashana Heyadaha Qaramadda Midoobay ugu tala galeen in dowlada Somalia laga caawiyo dhanka aminiga iyo ka hortagida kooxaha Burcad badeedka. (Inkasta oo warsaxaafadeedka UN-ta Xafiiskeeda siyaasadda qaabisan Soomaaliya uu sheegay in lacagta Soomaaliya loogu yaboohay ay gaareyso $213 million oo loogu talo galay hay'adaha ammaanka Soomaaliya iyo AMISOM)


Madaxwayne Shariif, Shariif Xasan iy CIID BEDDEL. Isha sawirka/ Ap 

CIID BEDDEL: December 13, 2006 oo laga waraystay VOA TV, isagoo ka hadlayey waxa uu isagu ama iyagu doonayeen iyo waxa ay doonayeen maxkamadihii uu hoggaaminayey Sh. Shariif, waxa uu yiri "Waxaan rabnaa in aan Soomaaliya ka Asaasno Dowlad 'Secular' ah (diin iyo aakhrino toona shaqo ku lahayn), iyaguna (Maxkamadaha) waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah". Akhri...


Ciid Beddel oo taagan Sh. Shariif gadaashiisa, Brussels
April 23, 2009

 

Kulankan oo ay soo abaabushay Qaramada Midoobay ayaa markii hore waxaa loogu talo galay in lagu ururiyo lacag dhan 166 milyan oo dollar  si loo maalgaliyo ciidamada nabad ilaalinta midawga Afrika ee horay u joogay Soomaaliya iyo ciidamada boliiska iyo kuwa amniga Soomaaliya. Iyadoo  Xoghaya Guud ee QM Ban Ki Moon ayaa ka sheegay kulanka in burcadbadeednimada ka jirta Soomaaliya ay calaamada u tahay ammaanda darro xagga dhulka ah. Waxaa uu intaas ku daray in xaaladdu ay ula muuqato mid adag laakiin hadii dhaqaale la kaashado ay arrintu noqon doonto mid la xakameeyo

Xasilinta Soomaaliya waxaa diiradda lagu saaray kulanka maanta laakiin sidoo kale waxaa ajandayaasha sare kamid ahaa qatarta kooxaha burcad badeedda Soomaaliya. Burcad badeedka ka dilacday Somalia ayaa walaac badan ku beertay dowladaha ugu dhanka dhaqaalaha iyo awooda ciidanka horumarka balaaran ka gaaray.

Inta badan lacagtan la ballan qaaday ayaa waxaa la sheegay in ay aadi doonto dhanka ciidamada Afrikaanka ah ee gaaraya 4000 ee askari ee ku sugan Soomaaliya lana filayo in la gaarsiiyo tiradii loogu talo galay ee aheyd 8000 oo askari. 

Lacagta ayaa sidoo kale waxaa ka faa’iidaysanaya dawladda uu hogamiyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo iyadu sheegatay in ay dhisanayso ciidamo baliis ah oo gaaraya 10,000 askari iyo ciidamo gaar ah oo xagga amaanka la sheegay in ay wax ka qabanayaan kuwaas oo tiradoodu gaarayso 6000 askari. 

Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan Manoucher Mattoki ayaa ku booriyay dawladda KMG ah ee Soomaaliya in ay dar dar galiso hannaanka dib u heshiisiinta qaran. 

Waxaa uu ugu baaqay Dawladda in ay ku soo darto kooxaha ka maqan dawladda kuna dhiiri galiso in ay ka qaybqaataan hannaanka nabadda cusub. 

Sheekh Sharif Sheekh Axmed madaxwaynaha Soomaaliya ayaa isna sheegay in dawladdiisu ay qaaday tallaabooyin xagga nabadda iyo xasiloonida isla markaana ay ka go’antahay in ay la heshiiso kooxaha la dirirsan. 

Ma ahan markii ugu horeeysay ee dowlad Somaliyeed loogu deeqo lacago iyado dowladihii ka horeeyay dowladahan sidan oo kalle lacago intan ka badan loo balan qaaday iyadoo lacagahaas meesha ay ka baxeen aan wali laga warqabin. 

 

Calanka Somalia oo ka dhax muukhanaya shirka magaaladda Brussels ka furmay. Isha sawirka AP.

Madaxwayne Sh. Shariif oo gacan qaadayna, Xogahaya Qaramadda Midoowbay

Ibraahim Da’ud “Gentleman” 
sayfudiin@hotmail.com 
ibraahim@jorunalist.com 
Nairobi-Kenya

Diplomat: Somalia wants help rebuilding navy

Faafin: SomaliTalk.com | April 24, 2009

Axmed Walad Cabdalla oo la weydiiyey waxa uu ka ogyahay heshiiska Is-afgarad ee badda ee Somalia iyo Kenya
iyo Kenya oo Markale ka hadashay Heshiiska is-Afgarad ee ay la gashay DFKMG.. Akhri... Apr 23

"Burcadda Qalinka: Norway, UN, iyo Kenya oo Qorshaha Xuquuqda Shidaal Qodista ka wada Xeebta Soomaaliya"
"Qarammada Midoobay waxay ka qayb qaadanaysaa Norway iyo Kenya gacan ku dhigidooda xuquuqda shidaal qodista ee badda Soomaaliya" InnerCityPress.... Apr 22

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: