SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Dhiig Inaad Aragto Xiise Makuu Hayaa??!! (Warbixin) - Qaybtii 3aad


Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com , +253624079


Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad | 4aad

Xiligii aan ka soo tegey Gaalkacyo

30/05/2008 saacadu marka ay ahayd 5:30 daqiiqo oo galabnimo ayaan ka soo tegey Magaalada Gaalkacyo, waxaan go’aan sadey inaan ka tago Gaalkacyo, soona aado Hargeysa, waxaana soo raacey Gaari yar oo MRTWO ah, waxaana soo marey wadadda isku xirta Gaalkacyo, Garoowe, Laas-caano, Burco, Berbera, Hargeysa.

Inkastoo ilaa Gaalkacyo iyo Laas-caano aan kusoo marey wadada Habeen, intii aan jidka kusoo jirey, hadana wadadda waxaa iiga muuqdey in aysan lahayn bur bur sida kuwa qaar aan soo marey oo kale, laakiin waxay ka sinaayeen, Is-bedelka guud ee dalka ka dhacey intii burburka dowlad la’aantu ay jirtey, waxaadna moodaa in ay ka wanaagsanaayeen Gobolada Koofureed ee Soomaaliya oo burburku uu saameyn weyn u geystey mooyee dhinac kasta, hadana waxaa laga dheehanayey, isku ekaasho dhinac kasta, Gobolada Soomaaliya guud ahaan intii aan soo marey, mana helin fursad aan ku weydiiyo goobaha il-qabadka leh sida, Laas-caano oo ahayd meesha iigu horeysey ee aan ku arko, Is-bedel ka duwan kuwii aan soo marey, waayo waxay laheyd laba ahmiyadood sida waxaa isku hor fadhiyey laba ciidan oo ka kala tirsan maamulada macamalka ah ee Somaliland iyo Puntland iyo Deegaanka Taariikh-diisa, waxa uu caanka ku ahaa iyo maamuladii soo marey in aan wax ka weydiiyo dadka deegaanka.


Astaanta Burco

Tan kale waxaan si weyn qalbiga iigu soo dhacay saxaafada joogta deegaanada aan soo marey ee Puntland iyo Gal-mudug maxay wax uga soo qori waayeen, inkastoo ay maqnayd dowrkii madax banaanida saxaafada, intii aan ku soo arkey xubnaha saxaafada ee ka hawl-gala Gaalkacyo aad moodo in ay kala taageerayeen, labada maamul ee ka jirta deegaankaas, hadana labada dhinac xubnaha ka shaqeeya waxaa saarnaa culeysyo kala duwan oo mid kasta u baahan in si dhab ah looga hadlo.


Buuraha Fiiq fiiqan Laaso hablood iyo wada marta Ber bera


Balse maadaama ay iyagu ahaayeen dadd ku qanacsan hawshaas, ayaa waxaaba haaboon inaan lagaba hadlin, waayo waxaana farqaha ku dheganaa qabaa’ilada deegaanka iyo maamulada kala duwan ee ka jira halkaas, sidaas darteed waxaa loo baahnaa in saxaafada laga dhigo mid ka madax banaan waxa ay kala qabaan Maamulada iyo Qabiilada degan halkaaas, si wax badan looga ogaado, inta u dhexeysa Gaalkacyo iyo Hargeysa.


bidix geedaha waxaa lagu dheelayaa saar, midig ceel xoolaha ay ka cabaan


Magaaladii xigtey Laas-caano oo ahayd Burco ayaa iyaduna waxaan ku arkey dhismooyin cusub wadadda hareeraheeda iyo laba Warshadood oo waaweyn, waxaa kale oo aan ku arkey, halka ay ku kala leexdaan, wadooyinka Boorame aada iyo kuwa aada dhinaca Berbera oo leh Tilmaantan gaarka ah, waxaadna arkeysaa Aargo ay ku sawiran yihiin, (Orgi iyo Wan), taasoo muujineysa in deegaanku uu yahay deegaan Xoolo, waxaana la ii sheegey in ay ahaan jirtey saylada ugu weyn xoolaha Soomaaliya, waxayna isku xirtaa Soomaaliya inteeda kale iyo kuwa ay Ethopia xooga ku haysato.

Marka xiga Burco waa meesha lagu gaarey go’aanka midowga labada Gobol Koofur iyo Woqooyi ee Soomaalidii xorowdey 1960-kii, waxaana halkaas isugu yimid Shanta Soomaali meel kasta oo ay joogto, waxaana yimid halkaas xubno kala matalayey shanta Sooomaali sida uu ii sheegey Odey Soomaaliyeed oo xiligaa joogey oo la yiraahdo Xaaji Cabdi oo Bisha Cas qaybta Boorame madax ka ah, oo aan ku kulaney Jabuuti.

Halka maanta kuwa ku doodaya gooni isutaaga, iyagoo aan is weydiin waxa laga soo marey iyo waxa ka imaankara waxa ay wadaan ay Ummadii Soomaaliyeed, ee ku nooleyd Gobolada Woqooyi ay isugu dhiibeen Maskax mariid leh, walaallahooda kale ee ku nool Koofurta Soomaaliya oo dumiyey magacii Soomaalinimada iyo dowladnimadooda, dayrka uu ku hayanayana uu yahay mid aan dhaamin wixii ay markii hore Ummada ay ku kiciyeen, iyadoo in badan oo ka mid ah Shacabka Soomaaliyeed ee ku noool meel kasta ay isu ooman yihiin, in mar ay si nabad ah u kulmaan, marka laga reebo kuwa la sumeeyey ee dhinac kasta jooga, halkii laga rabey in ay ogaadaan dhibta aan dhamaaneyn in ay tahay, in la xureeyo qaybaha kale ee la gumeysto.


Geedka Wadaamo gooye

Dhinaca kale waxaad dareemeysaa marka aad joogto Burco in aad soo gashey deegaan ka duwan kii hore aad ugu soo jirtey, gaar ahaan Gobolada Woqooyi ee Soomaaliya, waxaase ii xigey inaan arko Geedka uu ku hoos yaaley Ceelka Wadaamo gooye oo Gaadiidku labada dhinac ka maraayo, islamarkaana u baahan, in la dayactiro Hido Taariikheedkii Soomaaliya, gaar ahaan Gobolada Woqooyi ee Soomaaliya, maadaama kuwa Kooofureed ay colaad ka holcayso.

Mar aan weydiiyey sababta loogu bixiyey wadaamo gooye wadihii gaariga ayaa wuxuu iigu sheegey “in Ceelku uu ahaan jirey Ceelka keli ah ee ay dadka iyo Duunyada ka cabi jireen Biyaha, islamarkaana daqiiqadna uusan firaaqo ahaan jirin oo Ceelka Wadaamaha loo wada deysan jirey, kadibna ruux kasta marka uu isku dayo inuu la soo baxo Wadaantiisa waxaa ku marmi jirey kuwo kale, Ruuxii xoogiisu uu yar yahay ama Xarigiisu yahay mid jilcan, si dhakh-so ah ayuu uga go’I jirey marka la kala jiito Wadaamaha”.


wadadda marta Buuraha Sheekh

Waxaan wadadii ku soo soconaba waxaan soo gaarney Buurihii Sheekh oo aan is iri runtii halkan waxa yaal waa dhaxal ma guuraan ah oo ay Soomaalidu leedahay ee maxay uga faa’iideysan weysey, Buuraha dushooda waxaa mara Wadadda Laamiga ah oo runtii noqon karta wadadii dalxiisayaasha Soomaaliya.
Wadihii gaariga waxaa uu igu yiri “ hadii loo helo dowlad ilaalisa sharciyadii dalka iyo dadka Soomaaliyeed, waxaa ka soo geli kara, hadii la habeeyo dhaqaalo fara badan, inkastoo la xasdey markii hore qaab dhismeedkeeda, waxaana intaa u sii dheer noocyada dhagxaanta uu ilaahay ku maneystey deegaankaas oo leh nooc walba”.

Buurahaas Sheekh waxaa hoostooda mara Dooxooyin waaweyn oo marka xili Roobaadka Biyuhu ay maraan, wax kasta looga faa’iideysan karo, xili roobaadka waxaa ka soo geli lahayd daawashadooda Hanti aan dhamaan waligeed.

Markii aan ka soo gudubney Buurihii Sheekh, waxaan soo gaarney Warshadii Sibirka ee Berbera oo ay dhistey Dowladii hore ee Soomaaliya, una baahan dayactir yar oo keli ah, balse waxaa la iigu sheegey in markii laysku dayey in la dayactiro uu dagaal ka dhaliyey beelaha Gobolka ku nool, kadibna sidaas lagu daayey.


qayb kamid ah Dekada Ber bera

Sidoo kale waxaan soo gaarney Dekedii Berbera oo markaa uu Taagnaa Markab, waxa uu sido iyo halka uu ka yimid aan la iisheegin, mar aan ku degney meel ku dhow Dekeda, balse halkaas waxaa iiga bilowdey cimilo ka gedisan tii aan hore ugu soo dhex jirey, waxaana dareemey Kuleyl daran oo xitaa aan gaariga kala soo degiwaayey ilaa dadku ay wada degaan, islamarkaana ay I yiraahdaan maxaa kugu dhacay gaariga waa laga degaye oo aad u saaran tahay.

Imaatinkeygii Hargeysa

Magaalada Hargeysa, waxaan soo gaarney 5:30 Galabnimooo taariikh-du ay tahay 31/05/2008-da, ugu horeyn waxaa uu gaariga soo istaagey halka lagu magacaabo Kheyriyada, balse anigu aan is iri waa halka shartii Dowladii Militeriga lagu xuso iyo naceybka midnimada Soomaaliya, sababtoo ah, waxa ku sawiran halkaas ama dadka ay u daliishadaan, dhibaatadii hore uu ugu geystey maamulkii dalka ka jirey 18-sano ka hor oo dalka ku reebey, raad Taariikheed xumaan iyo samaanba leh, marka loo eego waxa maanta Soomaaliya ka dhacaya.


waa calaamad ka mid ah dhacdooyinkii murugada lahaa ee horseedka burburkii dowlad la'aanta

Waa maalintii iyo saacadii iigu horeysey ee aan cagaheyga saaro dhulka leh magaca Hargeysa, Magaalada waxay ila noqotey sidii beri samaadkii Muqdisho ay ahayd, waxaa dhegahayga ku soo dhacay Firinbi uu yeerinayo mid ka mid ah Ciidamada Wadooyinka, waxaa uu sitey calaamad Guduudan oo uu ku kala hayago Gaadiidka wadadda isaga goosha, inkastoo wadadda dhexdeeda ay iiga muuqdeen daryeel la’aan aan sidaa u baahsaneyn, balse u baahan in la daryeelo, wadihii gaariga waxaa uu I weydiiyey xageen kugu dejiyaa aniguna kala magaraneyn Magaalada, waxaan ugu jawaabey walaalloow waxaad I geysaa Radio Hargeysa oo hhore la iigu soo sheegey, mid ka mid ah Wariyeyaashii hore ee Idaacadaha Muqdisho iyo Hargeysa, maadaama deegaanadii aan soo marey waqtigooda uu I barey inaanan ruux keligii meel iska degi karin, iyadoo ruux yaqaana uusan jirin, balse markii aan tagney waxaa la ii sheegey in uusan joogin, wadihii gaariga ayaa waxaa loo sheegey in uu I geeyo Madbacada Maan deeq.


Hargeysa- dhallinyaro i soo dhoweysey

Markii leygeeyey goobtii la ii tilmaamey, ugu horeyn waxaa ila hadley mid ka mid ah kuwa ilaalada ka ahaa goobtaas, waxaana u sheegey waxa aan doonayey iyo halka aan ka imid, intii uusan isii deynin waxaa goob ka ag-dhow fadhiyey kuwo I bar garaneyey oo dadka Magaalada Hargeysa ah oo hore iigu arki jirey Muqdisho, wuxuuna ku yiri ilaaladii “soo daa waa ruux musaafir ahe aan ogaanee, waxa uu doonayo”, waxaan kala hadley ujeedkeyga iyo sida aan dadba uga aqoon meesha, wuxuuna I weydiiyey qaar ka mid ah Wariyeyaashii hore looga ceyriyey Hargeysa magacyadooda waxaana u sheegey inaan garanayo dhamaantood, wuxuu kaloo I weydiiyey Gabar ka hartey wariyeyaashii hore u baxay oo meesha joogta oo magaceeda la yiraahdo (Kiinkoos), waxaan u sheegey inaan garanayo, kadib iyada ayaa Talefoon loo direy waana layla hadashiiyey si aad ah ayeyna iigu gurmatey, waxayna ka codsatey shaqaalihii meesha joogey in meel laydejiyo inta ay iyada iiga imaaneyso, waxaana lay geeyey Hoteel Wajaale wixii xiligaa ka dambeeyey waqtigu wuxuu noqdey Habeen.

Dib ayaan banaanka ugu soo baxay waxaan arkey koox Rag ah oo Hoteelka banaankiisa, Gabadho meel Shaah lagu iibiyo la fadhiya Jaad dhererkiisa aan is Iri wuxu ma xaaqin baa inta uu dhererkiisa gaarayo oo ay ku cunayaan halkaas, waxaan casho u tegey Maqaaxi ku dhoweyd oo aan ilaa iyo hada aan magaceeda xusi karin, waxaana weydiiyey kii lahaa bal in uu ii tilmaamo meel khad laga dirsado in uu jiro iyo in kale anigoo si aad ah u baqaaya, waayo Asxaabteydii hore sida meesha loogu galey ayaan hore ula socdey.

Markii uu ii tilmaamey halkii Internetka ayaa waxaan ugu tegey Nin cadaan ah oo khadka fadhiya, wuu isoo eegey kadibna wuxuu hore u sii watey hawshiisa, taasi waxay igu noqotey la yaab, waayo waxaan ka imid meel Ruux cadaan khad aan isla galno iska dhaafe marka uu soo dego ninka cadaanka ah oo dhinacyada Qoryo lagala taagan yahay sidii ruux dembiile oo kale, waxaan gudagaley hawsheydii aan u socdey, inkastoo Qabow daran iyo Xays isla socda uu magaalada ka jirey, hadana markii aan dhameytey waxaan imid Hoteelkii aan deganaa.


waadiga Beyr

Markii waagu uu ii baryey hore waan u soo bixiwaayey qabowga dhacaayey dartii, inkastoo Magaalaada iyo aniga isku xili aanu ahayn, waayo Muqdisho iyo Baydhabo aroor hore ayey dadku ka kacaan, laakiin Hargeysa dadku wuxuu waagu u baryaa 10:00 ilaa 11:00 subaxnimo, inta ka horeysa dadka Ganacsatada waxay jiifaan guryahooda, marka laga reebo in yar, markii aan weydiiyey waxay iigu sheegeen in dadku inta badan Habeenkii ay ku soo jeedaan Jaadka cunistiisa, halka ganacsataduna ay soo jeedaan xiliyo dambe.

Waxaan eegey shacabka ku nool Magaalada Hargeysa, ugu horeyn marka ay ku dareemaan inaad ka timid Gobolada Koofurta Soomaaliya, waxay ku leeyihiin waa (Xamraawi), dee adinkaa dhulkiina soo gubee maxaad ka soo doonteen halkaan iyo arimo kale oo aan halkan lagu xusi karin, mid ka mid ah ragii ka baxay Jaamacadii Ummada ee Lafoole oo aan sheekeysaney ayaa wuxuu igu yiri “maad naga hartaan maxaad noogu dhegan tihiin anagu idin dooni meynee??!!.

Aniguna waxaan ugu jawaabey “maxay tahay, sababta aan idiin kaga hareyno, koleey aniga kala go’ iyo geeri, Geerida ayaan ka jeclahay”, ninkii intuu istaagey oo aad u xanaaqey ayaa wuxuu igu yiri “walee hadii aydan naga hariweysaan, waad eedi doontaan”. Taasina waxay muujineysaa in mustaqbalka ay isu diyaarinayaan dagaal, hadii aan la helin xal Soomaali ay ku wada heshiin karto, waxaadna moodaa in dagaalku uu ka fog yahay halka uu hada jooogo.

Markii uu sidaas iigu jawaabey ayaan meesha isaga tegey, hal maalin si toos ah Hoteelka ugama soo bixin, maalintaas waxay ahayd, tii xigtey maalintii iigu horesey ee aan imaado Hargeysa, maalintii xigtey, Gabar meesha aan ku sheekeysaneyney ninkii hore, oo mehrad ku lahayd ayaa waxay ii sheegtey mar labaad oo aan ku soo noqdey halkii aan ku sheekeysaney ninka “in kala go’a Soomaaliya iyo Somaliland dib dambe aan dadka ugala sheekeysan, waayo wey ku dilayaan ama waxay kuu dhiibayaan Ethobia-nka halkan jooga ee iska aamus” ayey igu tiri gabadhii.


Biriijka Hargeysa

Arintan waxay muujineysaa in shacabka Woqooyi in mudo ah, lagu Qulaaminaayey, siyaasad sumeysan oo aan la aqoon ujeedada iyo faa’iidada ay ka helayaan marka laga reebo nabadgelyada ay haystaan, waxaana adag sida looga saaro maanka siyaasadaas Guracan.

Wixii maalintaa ka dambeeyey waxaan arkey dhalin yaro reer Banaadir ah oo aan hore isu naqaaney, waxayna ii sheegeen inaanan sheegin halkii aan ka imid iyo waxa aan ka shaqeeyo, islamarkaana aan daayo soc socodka magaalada, sababtoo ah waa lagu dabagalayaa oo waa lagu soo wareysanayaa dabadeed waa lagu xirayaa ee sidii aad ugaa bixi lahayd u diyaar garoow.

Mid ka mid ah odayaashii hore ee deegaanka oo aan kulanay wuxuu ii sheegey “Hargeysa waa nabad, nabadeedu waxay ku xiran tahay, inaan la faragelin Ethopia, sababtoo ah buu yiri hadii aad casyo Madaxweynaha cid kor kuu eegeysa ma jirto, laakiin hadii aad Meles wax ka sheegto ama Ethopia si dhakh-so ah baa laguu dafayaa ee iska jir halkaan”.

Tan kale Magaalada waxaan ku arkey lacag aan la yaabo oo runtii dadku ay aad ugu qanacsan yihiin, halkii doolar waxaa lagu sarifayey xiligaa 6000 oo lacagtaas ah, balse aniga igalama duwaneyn kuwa been abuurka ah ee lagu sameynayey Goboladii Koofureed ee Soomaaliya oo ay la dageen dagaalada Sokeeye, kuwaasoo dadka looga dhacayey hantidooda, maadaama uusan jirin wax la yiraahdo kala go’a oo dunida ay aqoonsan tahay.


Iskuul Axmed Warsame


Buundada Ceel Gaal.

Xiligii aan kasoo tagey Hargeysa

03/06/2008-da saacadu markay ahayd 5:30 ayaan ka soo baxay Magaalada Hargeysa anigoo kusoojeed dalka Jabuuti, kadib markii halkaas ay ii cuntamiweysey joogitaankeeda, waxaan soo marey waddo la iigu sheegey in ay mareen Ciidamadii Xooga dalka Soomaaliya xiligii duulaanka culus ay ku qaadeen dalka Ethopia, inkastoo markii aan arkey wadadda ay igusoo istaagtey Ilmo dadku aysan arkeyn, maadaama ay Heen ahayd, waxaana xasuustey qiimaha dalka iyo dadku lahaa xiligaas iyo waxa aan ku suganahay waqtiga aan marayo iyo waxa ka dambeeya oo aan ogeyn.

Runtii wadadaasi hada waxay noqotey wado caadi ah oo ay maraan gaadiidka isaga goosha Jabuuti iyo Hargeysa, waxaana wada dhinaceeda midig yaaley, ...

AKHRI QAYBTA 4aad

Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com , +253624079

Faafin: SomaliTalk.com |  Oct 13, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda..  iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS