SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Dhiig Inaad Aragto Xiise Makuu Hayaa??!! (Warbixin) - Qaybtii 4aad


Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com , +253624079


Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad | 4aad | 5aad

Xiligii aan kasoo tagey Hargeysa

03/06/2008-da saacadu markay ahayd 5:30 ayaan ka soo baxay Magaalada Hargeysa anigoo kusoojeed dalka Jabuuti, kadib markii halkaas ay ii cuntamiweysey joogitaankeeda, waxaan soo marey wado la iigu sheegey in ay mareen Ciidamadii Xooga dalka Soomaaliya xiligii duulaanka culus ay ku qaadeen dalka Ethopia, inkastoo markii aan arkey wadadda ay igu soo istaagtey Ilmo dadku aysan arkeyn, maadaama ay Habeen ahayd, waxaana xasuustey qiimaha dalka iyo dadku lahaa xiligaas iyo waxa aan ku suganahay waqtiga aan marayo iyo waxa ka dambeeya oo aan ogeyn.

Runtii wadadaasi hada waxay noqotey wado caadi ah oo ay maraan gaadiidka isaga goosha Jabuuti iyo Hargeysa, waxaana wada dhinaceeda midig yaaley, marka aad ka timaado Hargeysa Kaare Ciidamadii XDS ay lahaan jireen, kaasoo lagu gubey markii dagaal ay isaga horyimaadeen ciidamadii XDS iyo dagaal yahanadii SNM, dagaalkaasoo ahaa kii burburka u keeney in meesha ay ka baxdo Dowladii dhexe ee Soomaaliya.

Wadaddan waxay martaa dhul isugu jira Buuraley, Dooxooyin, Bacaad iyo dhul jilicsan oo xili kasta gaadiidka mara ay dhib ku qabaan maritaankeeda, sababtoo ah marka laga Reebo Dooxooyinka iyo Buuraha labada kale maritaankooda xiliga jiilaalkii waa Boodh ama boor oo gaadiidka maraya wey duugmaan, xitaa mararka qaar boorkaas ayaa darawalka ka qariya wadadda uu ku socdo, laakiin meesha ugu halisan oo dadd badan ay dhibaato ka soo gaarto waa waadi weyn oo ay dadku u yaqaanaan Dixda, balaca waadigaas wuxuu la egyahay ugu yaraan 5-km, wadaha gaariga wuxuu ii sheegey

“in waadigaas uu ka yimaado dalka Ethopia, islamarkaana marka uu Roob ka da’o dhulka Ethopia biyaha ka soo rogmada ay soo maraan waadigaas, waxaana dhacda mararka qaar, in iyadoo gaadiid uu dhex socdo ay biyuhu kusoo gaaraan, waxayna sameeyaan Biyahaasi hirar cul culus oo u eg kan Mowjadaha Badda, taasoo gaadiidka mara halkaas uu ku rogo daqiiqado yar, balse anagu waxaan soo marney isagoo markaa soo bilaabey Biyihii ugu horeeyey, markii ay dadku arkeen Biyahaas dadka qaar waxay qaadeen shoog, halka kuwa qaar ay ku jireen Alle bari, aniga waxaan ku jirey dadka looga sheekeynayey Taariikhada waadigan, waxaan bilaabey inaan Ilaahay Baryo, waqti aan ku qiyaasey ugu yaraan 30-daqiio ayaan ku dhex jirney oo waan ka baxney waadigii, inkastoo intii aan soo soconey aan jidka ku soo marney Buurta la yiraahdo Foodka xili dambe Reero Guuraaya oo wata Ari fara badan.

Buurtu waxay leedahay Qarar waaweyn oo aad u dhaadheer wax alaale wixii ku dhaca aysan Naftu dhulka la tegeyn, waayo waxaa ka hooseeye Geedo iyo dhagxaan waaweyn, markii aan aragney in Reero guuraayo ay wadadda ku soo jiraan, Gaariga waa la joojiyey gebi ahaantiisa, nalkii waa la demiyey si xooluhu guuxa gaariga aysan uga didin oo aysan uga daadan qararkaas dhaadheer.

Arigaas waxaa wadey Nin iyo Xaaskiisa oo ninku uu wado Awrkii reerku uu ku guuraayey iyo laba caruur yar yar oo midka u weyn uu yahay 10 jir, taasoo aniga iga yaabisey, Ariga tirada intaa la eg ninka iska leh, saacada uu guuraayo, halka uu maraayo iyo waxa ciidan ahaan ula jira, waayo waxaan ka imid dhul ay dagaalu aafeeyeen.

Habeenkii waxaan seexaaney Tuulo yar oo meel banaan ah ku taal, oo la yiraahdo Caato, islamarkaana ku dhow Lowya cade, Aroortii markii uu waagu baryey oo saacadu ay ku beegan tahay 7:30 subaxnimo ayaa ka soo tagney Tuuladii.

Dhinaca kale markii aan dib u eegey intii aan soo socdey halkii aan ka soo bilaabey saafarka ee Magaalada Baydhabo ilaa iyo Lowya-cade, marka laga Reerbo, halka xuduud beenaadka u ah ee labada maamul mac-maleedka Somaliland iyo Puntland ee Laascaano, wixii ka xiga Gobolada Kooofureed ee Soomaaliya waxaa ku badan walxaha Qarxa waxaana ka dhaca inta badan daagaal beeleedyada oo ay isu adeegsadaan Hubka noocyadiisa kala duwan, taasoo ay wataan dadka Reer guuraaga ah iyo kuwa Reer Magaalka ahba.

Sabab too ah Dadka Reer Magaalka ah, Qoryuhu waxay u noqdeen Bakoorada lagu xaragoodo, gaar ahaan dhalin yarada, maadaama ay halkaas ka jirto colaad beeleed in mudo ah, ay ka dhex jirto beelaha Soomaaliyeed, halka Reer guuraaguna ay u noqotey Usha Xoolaha lagu raaco, marka laga reer intaas, Ciidamada Ethopia deegaanka ugu dambeeya ee ay joogeen xiligaas waxay ahayd Kala Bayr oo ka tirsan Xarun Goboleedka Gobolka Hiiraan, sidoo kale Ciidamada Ethopia xiligaas aan ka soo tagey Soomaaliya, waxay keloo joogeen Caasimada Soomaaliya oo ay ka deganaayeen goobo badan, inkastoo xanuunka ugu weyn ee wadna qabadka ah ee ay degan yihiin uu ahaa Madaxtooyada Soomaaliya iyo Xaruntii Wasaarada Gaashaandhiga, taasoo muujineysey in dareenkii wadaninimo ee Soomaaliya uu gebi ahaanba meesha ka baxay, islamarkaana qiimaheediina uu bedeley waxa ka dhacaya dalka 19-ka sano.

Halka Gobolada Woqooyi ee Soomaaliya oo aan soo marey, joogitaankeyga iyo maritaankeyga marka laysku celceliyo dhan ilaa iyo lix maalmood, kuma arag wax hub sita, dadkuna waxay mash-quul ku ahaayeen danahooda gaarka ah, inakstoo uusan soo kordhin maamulkan wax horumar ah weyn oo la taaban karo, waxayna guud ahaan degan yihiin xarumihii hore ee Dowladii dhexe ee Soomaaliya dhistey, marka laga reebo dhismooyin yar oo kooban, dadku waxaa ka muuqdey shaqo la’aan baahsan, gaar ahaan dhalin yarada wax bartey iyo kuwa taagta yar ee Dowlad ku noolka ah, maamulkuna hawlihiisa wey koobnaayeen marka loo eego sheegashadooda iyo nabadgelyada ay haystaan.

Marka aan dul istaagey Lowya-cade, waxaa igu soo dhacay su’aalo fara badan oo aan jawaab u waayey, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen maxay tahay sababta ku koobtey ciidamada Ethopia Gobolada Koofureed ee Soomaaliya in joogaan, maxayse ugu kala hiilineysaa dadka Soomaaliyeed ee dagaalamayey in mudo ah, DKMG sideedaba ma in ay bur buriso Goboladii dalka ugu muhiimsanaa iyo in ay gumaado shacabka Soomaaliya ayaa loo dhisey, mise in dalka ay ka hirgeliso nidaamkii iyo kala dambeyntii luntey, caalamkuse arintaan dhaceysa ma isagaa wada, mise waxaa wado kooxo gaar ah oo caalamka ka tirsan, islamarkaana dowladaha ay ka socdaan hanti fara badan kaga soo qaata sidii Soomaaliya loo bur burin lahaa, iyadoo aysan ogeyn shucuuta kala duwan ee caalamka, maamulka Gobolada Woqooyise maadaama uu haysto nabad gelyo laysku haleyn karo, muxuu shacabka qaybihii kale ee nidaamkii dowladnimo u soo celin waayey, hadii uusan awoodina muxuu qayb uga qaadan waayey dejinta Gobolada Koofureed ee Soomaaliya?!!.

Lowya Cade Markii aan imid Maxaa dhacay?!

Lowya cade waxaan soo gaarney 10:00 subaxnimo, halkaas ayaan ka quraacaney qadar 30 daqiiqo ahna ciidamada Xadka ee Soomaliland ayaa igu haystey, waxay I weydiiyeen halka aan ka imid iyo halka aan ku socdo, markii aan u sheegey, wax lacag ah ima weydiin, waxaan usii gudbey dhinaca iyo Jabuuti, intii aan dhexda socdey Kuleyl dartiis mar baan dhulka ku dhacay, iyadoo dadka qaarkii ay u maleeyeen inaan cudur qabo oo wey igu soo ordeen, waxaana iga socdey dhidid daran, waxayna isiiyeen Biyo, sidaas baan ku roonaadey oo ku tegey xadkii ciidamada Jabuuti ee Lowya Cade.

Intii aan dhexda sii socdey waxaa naga hor imaanayey Qoysas badan oo wata Caruurtooda oo kusii jeedaha dhinaca Hargeysa, markii aan weydiiyey dadkii ila socdey, dadkaan ma Muqdisho ayey u socdaan, waxay iigu jawaabeen “maya ee waxay u socdaan Hargeysa oo way xagaa baxayaan, waxaa la gaarey xiligii Xagaa baxa”, anigu xagaa baxa hore ayaan u maqli jirey, laakiin waxa laga xagaa baxayo xumaan iyo wanaag iima sawirneyn waxa uu yahay, inkastoo hore la iigu sheegey in kuleyll daran uu iga soo horeeyo, hadana dhibaatada ka jirta Soomaaliya awgeed ruuxa marka uu ka soo tagayo, wuxuu ka soo baxaa sidii ruux daroogeysan oo kale, marka uu dhex galo mashaqo ayuu dib u xasuustaa faa’iidadda dalkii Hooyo, taasina ma ahan wax uu isagu keensadey ee waa lagu khasbey.

Ciidamaddii xadka Jabuuti waxay I weydiiyeen lacagta Fiisaha dal ku galka, waxaan u sheegey inaan wax lacag ah wadan, ahayna ruux ka soo cararey dil, xarig, digniin ay laa socoto hanjabaad iyo caga jugleyn in mudo ah kusoo jirey oo doonayana meel uu ku badbaado, ahayna Reporter Wargeyska Ayaamaha iyo Webseit-ka Somalitalk tuseyna qalabkii iyo Kaarkii Aqoonsiga, si marka aan gudaha galo aysan iigu noqon xujo kale oo cusub.

Taliyihii ciidamada xadka hadalkaas waa uu qaadan waayey, maadaama arimo noocaas ah iyo kuwo la mid ah uu hore ula kulmey, wuxuuna iga qaadey qalabkeyga oo dhan ee aan u isticmaalayey Saxaafada, wuxuuna dib iigu soo celiyey Xadkii Lowya Cade, taasi waxay igu noqotey Ruux dusha laga saarey Buur aad u weyn, hadalna waa iga soo bixi waayey, markii uu Sarkaalkii igu dejiyey Xadkii Lowya Cade, wuxuu igu yiri “maalinta Sabtida ah ayaan kuu imaanayaa qalabkana anigaa sii haynaya ee iska joog halkaan, arintaadana waxaan kuu soo raadinayaa hawlo Qoxootinimo”. Wax ma diidi karo, waxna ma ogolaan karo, isagiina waa uu iska tegey, wuxuuna la hadley ciidamadii Somaliland, wuxuuna ku yiri “warninkaas inta sabtida halkaan ha sii joogo, hawshiisa anigaa ku maqane”.

Waxaan halkaas joogey ilaa 5:30 Galabnimo, waxaan qaylo dhaan u dirsadey qaar ka mid ah asxaabteyda, waxayna islamarkiiba iisoo shubeen lacagtii Fiisaha layga doonayey, markii aan heley waxaan raacey Gaari jabuuti u socda oo ka yimid Somaliland, wuxuu igu dejiyey qaybtii Socdaalka ee xadka Lowya Cade, waxaan u tegey Sarkaalkii oo fadhiya meel laab ah, wuu yaabey oo aad buuna uga xanuunsadey xiliga aan u imid iyo waxa aan markii hore isku ogeyn, wuxuu igu yiri “wax lacag ah kaama rabee gaarigaas raac oo Hoteelka ku seexo lacagtaada Sabtidana iigu imaaw Emagareshinka, Wuxuuna igu darey gaari ku soo jeeda Jabuuti, gaarigii wuxuu igu dejiyey Hoteel Jabuuti.

Jabuuti Hooyadii Dibu-heshiisiinta Soomaaliya Xiligii aan soo galey


Hoteel Daarusalaam oo qayb ka mid ah hada dhisme ka socdo

Hoteel Daarusalaam ayaan u soo gudbey oo dadka Soomaaliya ka yimaada, inta badan ay ku degaan, waxaa iigu daranaa Kuleylka igu dhacaya oo aan meel uga gabado lahayn ilaa aan galo Hoteelka, waxaana maskadeyda ku soo dhacay dadka Reer Jabuuti waxay ka qaxayaan Kuleyl, adiguna waxaad ka qaxaysaa Xabad keebaa daran labadiina, maalmo yar kadib waxaan ogaadey in Xabada laga gaban karo, balse kuleylka Jabuuti aan marna laga gaban Karin, ilaa la helo qaboojiye.

Habeenkii aan galayey Taariikhdu waxay ahayd 5/06/2008-da saacadu ay tahay 9:30Pm ama Habeenimo, waxaan seexdey Habeenkii Hoteel Daaru-salaam, inkastoo aan la kulmey jawi aad u kulul iyo isbedel aan hore ugu talo galin, markii waagu baryey waxaan raadiyey halka ay joogaan Wariyeyaashii ka soo cararey Muqdisho, sababtoo ah waxaan ku taamayey bal in ay ugu yaraan xog isiiyaan, maadaama ay ogyihiin dhibaatooyinka ay soo mareen mid la mid ah inaan soo marey iyo waxa nawada keeney halka aan joogno oo ah Jabuuti, taasina wey beenowdey oo waxay noqotey mid ka daran waxa ka dhacaaya dalkeena.

Markii aan gaarey maalintii lay balanshey si kasta ha ahaatee, waxaa la ii gudbiyey qaybta Dembi baarista JABUUTI ee Waaxda Socdaalka, waxaana u sheegey waxa igu kalifey inaan imaado Jabuuti, waxayna igu yiraahdeen Isniinta inoo imow, waana maalinta la go'aansadey in dib la ii celiyo, balse wixii aan sheegayey waxay ku dhacdey Alle ha u naxariistee saaxiibkey Nasteex Daahir oo maalintaas maalintii ka horeysey la diley, anigoo aad uga murugoonaya dilka wariyahaas shekina ka qaba in dib la ii celiyo ayaan u imid maalintii Isniinta ahayd, sarkaalkii waaxda socdaalka ee Dembi baarista Jabuuti, waayo waxa ku dhacay wariyahaas oo kale in ay igu dhacdo ayaan ka baqayey, inkastoo dhimashu ay xaq tahay, hadana waxaa ka daran waxa laguu dilaayo iyo cida ku dishey in lagu soo koobo kooxo aan la garaneyn ayaa ku dishey deegaan hebel abaaro intaas nin sidaas iyo sidaas ah.
Qaybtii Dembi baarista Jabuuti, markii aan u imid maalintii Isniinta, Iyagaa igu salaamey dilka saaxiibkey Nasteex, Waxay igu yiraahdeen, “waxaa la diley Saaxiibkaa Nasteex Daahir ee mala socotaa”?!!!, Runtii aniga su’aashaas waxayna igu noqotey mid ii digeysay, waxaana iga yimid ilmo badan, heer ay ila yaabaan, sababtoo ah waxaan xasuustey xiliga iigu dambsey Noloshiisa iyo waxa aan ka sheekeysaney xaalada saxfiyiinta joogtey Baydhabo iyo arimaha hada aan ka soo cararey oo xiligaas ay ahayd mid aan ka fikireynin, balse sarkaalkii iyo xubno kale oo la joogey waxay isku raaceen hadalkan “soo sameyso qoraal, anaguna mid kale ayaan ku dareynaa, waxaana kuugu gudbinaynaa Hay'ada Qoxootiga”, Baasaboorkii aan watey waxay iigu dhufteen bil fiiso ah inta ay iigu gudbinayaan Hay’ada Qoxootiga, mudo kadib waxay ii gudbiyeen 11/08/2008-da Hay-ada ONARS la yiraahdo ee Jabuuti oo u qaabilsan qaybta diiwaan gelinta Qoxootiga, islamaalin nimadii Hay’ada ONARS waxayna iyagiina ii gudbiyeen UNHCR.
Dhinaca kale markii aan imid Jabuuti, waxaan kusoo hagaagey iyadoo shirkii labada dhinac TFG iyo ARS uu socdo, islamarkaana uu marayo gebogebo, ciidamadii dembi baarista Jabuuti, waxay igu yiraahdeen u tag saaxiibadaa iyo Soomaalida kale ee shireysa, markii aan u tegey waxaan kala kulmey labada dhinac sida Garabka Dowlada, mid ka mid ah mas-uuliyiintii shirka ka qayb galeysey wuxuu igu yiri: oo halkaan shaqo miyaad u timid, waxaan ugu jawaabey maya ee adinka iyo ciidamadiina oo aan iska warqabin ayaan ka soo cararey kadib isagii wuxuu igu soo celiyey hadalkan “dadku Qoriga ayey nala dhacayeen weyna ordayeen, adiguna qalinka iyo carabka ayaad nagu dileysey, dadkuna kaama caqliyara oo waa lagu ogaa ee hadii aad soo baxsatey ayaad nasiib leedahay,"

Halka mid kale oo ilaalada Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo la socotey oo la yiraahdo Siciid Dheere, isna aan ku kulaney Hoteelka shirka uu ka socdey ee Kempinski oo hore iigu dhibi jirey Al-baabka Madaxtooyada Baydhabo ee C/llaahi Yuusuf "inaad soo baxsato ma ahayn ee waxay ahayd in lagu dilo".

Sidoo kale Halka Is-bahaysiga qaar ka mid ah hawl wadeenada hoose, iyaguna Hoteelada ay ka degan yihiin Jabuuti, Hoteel ka mid ah oo aan tegey xiligaas kuwa waardiyaha u ah ay ku yiraahdeen yuusan soo dhaafin Al-baabka hore ee Hoteelka, ninka tilmaantaas leh, hadii uusoo gudbo wixii ka yimaada adinkaa ka mas-uul ah.
Taasina waxay igu dhalisey cabsi kale in wixii hore aan ka soo cararey wax la mid ah uu halkaan igu qabto.
Inkastoo maalmo kadib markii uu shirku dhamaadey, rag badan oo aan ka garanayey Is-bahaysiga arintaas oo aan u sheegey ay aad uga xumaadeen, islamarkaana arintii si weyn loo dabagaley, balse layga qaadey culeyskii xiligaa laygu hayey.

Markii aan arkey qaabka shirka uu u socdo dhegeysteyna waxyaabaha laysku diidan yahay oo ay ahayd, Ciidamada Ethopia waa In dalka ay ka baxaan iyo ka biximaayaan ilaa la helo, cid damaanad qaada amaanka dowlada, runtii aniga waxay ila noqotey mid aan si weyn ula yaabo, waayo waxa lagu murmayaa waa arin Soomaaliyeed ee Dowlada Ethopia maxaa meesha keeney ayaan is iri, taasina waxay ahayd mid dalka iyo dadka Soomaaliyeed u soo jiideysa magac xumo, marka loo eego waxa ka dhacaya dalka, sababtoo ah in lagu doodo ka bixitaanka iyo joogitaanka ciidamada Ethopia ayaa ah wax aan u fiicnahayn ruux mas’uuliyad Soomaaliyeed sheeganaya in halkaas ay gaarto hawshooda, iyadoo la og-yahay taariikhaha labada dall dhex yaal, tan kale waxay ii muujisey in awooda DFKMG aysan ahayn wax lagu xisaabtamo tahayna caqabad ku soo korodhey masiirka Ummada Soomaaliyeed, loona baahan yahay in shacabka Sooomaaliyeed meel uu uga soo wada jeesto dhibtaas jirta, halka Is-bahaysiguna xili uu lumiyey waqti aad u muhiim ah, ay iyaguna xiligaas ay wadahadal la galayeen dowlada aan ma talin shacabka Soomaaliyeed, balse jiritaankeeda uu ku xiran yahay afka Ururada Beesha Caalamka iyo ciidamada kala duwan ee jooga dalka ee isugu jira Ethopia iyo kuwa Afrikaanka ah ee magaca looga dheeley.
Tan kale Shacabka Reer Jabuuti marka ay ku fahmaan inaad tahay Soomaali, runtii si weyn ayey kuu tixgelinayaan, waxayna si aad ah ula yaabaan ooo ay ku leeyihiin “Allaa huuno waa dadd walaallo ahe maxay isu dilayaan”, waxayna kuu sii raacinayaan waxaad haysataan Dhull barwaaqo ah, hadii ay nabad tahay Soomaaliya, anagaaba u tagi lahayn Alla iLaahay maslaxd dhexdooda ha dhigo iyo hadalo kale oo fara badan oo wanaag ah”, inkastoo Soomaalida ay yihiin dadd xun, marka aad si hoose u eegto dhibaatoooyinka ay u geysteen dadka Reer Jabuuti, sababtoo ah waxay yimaadaan, iyagoo magacyadii kala duwanaa ee ay la baxeen 19-ka sano wata, waxaana loola dhaqmaa in ay yihiin dadd walaallo ah oo hal wadan ka soo jeeda.

mid kasta oo yimaada wuxuu u sheegaan wax aan hore loo maqal, aakhirna wuxuu ugu bedelaa, waxa aysan mudneyn, sidaas ay tahayna inta badan lagama fahmo dhibtaas loo geystey, shacabka reer Jabuuti iyo mas’uuliyiintooda, waxayna diyaar u yihiin in ay wax u qabtaan walaallahooda kale ee Soomaaliya, maadaama ay u egyihiin dadd waalan, waayo shacabka reer Jabuuti waa dadd aad u dulqaad badan, marka loo eego waxa ku dhacaya dushooda iyo sida ay u aamusan yihiin.

Xiligaas aan tagay Jabuuti markii uu dhamaadey shirkii Dibu-heshiisiinta, waxaa dagaal ka dhex qarxay Dowlada Jabuuti iyo Dowlada Asmara, kadib markii ay duulaan ku soo qaadey dowlada Asmara dalka Jabuuti, dadka reer Jabuuti in badan oo ka mid ah waxay ku celcelinayeen Alla walaallaheena Soomaaliya oo garab inoo ahaa, iyagaa is dilaya ee iLaahoow heshiisii maanta kuwaan xun xageena namasoo dayeen, taasi kama ahayn Reer Jabuuti tabar yari, balse waxay muujineysaa qiimaha walaallnimada ay inoo hayaan, Runtii markii aan maqley hadaladaas iyo kuwo kale oo ka badan oo igu dhalinayey mowjado kala duwan oo fikir xambaarsan ayaa mararka qaar markii aan Qolkii ka deganaa Hoteelka tago, Habeen iyo maalin la gododoomi jirey sida wax laga yeelayo dhibta haysata Soomaaliya.

Sababtoo ah waxay anigu igu ahayd xujo aan marna ka gudbikarin waxaan dhegahayga kusoo dhacaaya, ma jirin wax ii furan oo aan ahayn inaan qalbiga ka Ooyo ciil dartii iyo fikir, waxaan dib u eegey isku dayadii dibu-heshiisiinta ay sameysey Dowlada Jabuuti, raadkii ay reebeen iyo halka ay ku dambeeyaan wax qabadkii Dowlada Jabuuti, waxaana ii cadaatey in Hooyada Dibu-heshiisiinta dhabta ah oo ay Soomaaliya ku dawoobeyso ay gacanta ku hayso dowlada Jabuuti.

Balse ay xagal daacinayaan Dowladaha Ethopia, Kiiniya, Mareykanka, Talyaaniga, Ingiriiska iyo in badan oo ka mid ah Dowladaha Carabta iyo Afrikaankada kale, sababtoo ah Intii uu shirka dibu-heshiisiinta ARS iyo TFG socdey waxaan Indhahayga ku arkey faragelin badan oo ay wadaan dowladahaas kala duwan, inkastoo ay kala daran yihiin, Soomaalida shirka loo qabtey tiradooda sedax laab ayaad ku arkeysaa goobta shirka uu ka socdo oo aan Soomaali ahayn, waxaadna moodaa in ruux kasta, ruux kale la raaciyey ama laba ruux, tan kale xiliga shirku uu soconayo ma helaan Soomaalida dhexdooda, fursad iyaga ay ugu doodaan danahooda, xili kasta waxaa ka dhex muuqda xubno gaar ah oo aan Af-soomaaliga aqoon, dantuna waxay khasabtaa in lagu wadahadlo luqadaha kale ee caalamka, si ay u fahmaan dadkaan la jooga, tan kale Hadii aad si hoose u eegto inta badan Soomaalidu wey is fahmi lahayd, haadii aysan ku dhex jirin beelaha dan leeyda caalamka.

Inkastoo ay fiicnaan lahayd beelaha danleeyda caalamka, in marka hore mas’uuliyiinta Soomaaliyeed ay isla fahmaan caalamka waxa uu ka doonayo iyo waxa iyaga danahood ah, si aan waqti loo lumen.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele hadal kasta oo uu u jeedinayo dadkiisa, inta badan kama marna in uu ku xuso arinta Soomaaliya, waayo waxay ku haysaa culeys gaar ah oo kaga imaanaya Is-bedelada deganaansho la’aaneed ee ka jirta geyiga Soomaali in mudo ah oo aan la qiyaasi karin guntiisa iyo tan caalamka xiligaan, wuxuuna doonayaa inta uu nool yahay oo uu xilka hayo, in uu arko Soomaaliya oo soo ceshatey sharafteedii qiimaha lahayd.

Intii uusan dhamaan shirkii dibu-heshiisiinta ee dhinacyada ARS iyo TFG-da 09/05/2008-da ayaa waxaan halkaas ku kulaney Taliye ku xigeenka saldhiga Garoonka Balidoogele Dowladii dhexe ee Soomaaliya Duuliye sare Col/ Axmed Maxamed Xasan, islamarkaana ahaa duuliyihii Diyaarada M-17 ee ku dejiyey Xeebta Magaalada Jabuuti 1988, Bishii Julay markii ay dagaalada ka qarxeen Gobolada Woqooyi ee Soomaaliya, islamarkaana amar lagu siiyey in uu weerarr dhinaca Cirka ah uu ku qaado Magaalada Hargeysa, oo ay u cuntami weysey in uu fuliyo arinkaas, waxaana isku weydaarsaney sheeko dheer oo dhinacyo kala duwan ka hadleysey haba ugu badnaatee, ruux kasta qaybaha ugu muhiimsan Taariikhdiisa, kadib waxaan go’aansadey inaan wareysigii iigu horeeyey ka qaado, markii aan imid Jabuuti, runtii wareysigu taariikh-da aan qaadey waxay ahayd 09/06/2008-da inta aan la sixiixin heshiiska, maadaama uu ahaa mid xiiso badan oo ay is khuseeyaan safarkeyga iyo xaalada dalka uu mareyey ayaa waxaana go’aansadey inaan qormadan ku daro oo aan dib u dhigto, wareysigiina waxaa uu u dhacay sidan:-


Duuliye Col. Axmed Maxamed Xasan

Col/ Axmed Maxamed Xasan, waxaana weydiiyey ujeedka safarkiisa dalka Jabuuti iyo arimo kale, isagoo arimahaasi ka hadlaya wuxuu yiri

“ Ugu horeyn aniga ciidamada Cirka Soomaaliya waxaan ku biirey 1972-dii, waxaan wax ku soo bartey dalka Masar, kadibna waxaan keloo waxbarsho u tegey dalka Ruushka, waxaana ku soo takhasusey M-17 iyo nooca diyaaradaha Bamka qaada oo aan Soomaaliya xiligaas la siinin, balse lagu talo jirey biloga 1980-aadkii in la siiyo, laakiin markii ay kala go’een calaaqaadkii Ruushka iyo Soomaaliya, anigoo xiligaasi waxbarasho u jooga xiligaasi ayaan dalka dib ugu soo noqdey” ayuu yiri Col/ Axmed,

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku darey “markii aan dalka dib ugu soo noqdey waxaan hawgalo ka bilaabey dalka, laakiin waxaa dhacay in dalka ay ka qarxaan dagaalo, gaar ahaan Gobolada Woqooyi ee Soomaaliya, kaasoo runtii ahaa kuwa dalka bur burka u keeney, si nasiibdaro ahna u dhacay, Bishii Luuliyo 1988-dii, anigoo laba diyaaradood wadana in naloosoo direy Magaalada Hargeysa oo markaasi ka soconayey dagaal xoog leh, waxaan ku soo hoyaney Garoonka Magaalada Hargeysa markii aan maqley diryanka iyo madaafiicda laladhacaayo Magaalada Habeenkii ma seexan Habeenkaas, sababtoo ah waxaan is weydiinayey in ciidamadii Qaranka ay dalkooda iyo shacabkooda si aan loo meel dayin ay u garaacayaan Magaalada, inkastoo Garoonka aan ugu nimid Diyaarad M-19, aniga iyo midka kale ee duuliyaha ah ee saaxiibkeyna waxaan wadney nooca M,17-ka, laakiin aniga markii aan maqley waxa dhacaya waxaan goostey inaanan fulin amarkaas, diyaarna uma ahayn inaan fuliyo hawshaash, inaan Diyaaradii aan ku garaacno qayb ka mid ah dalkeena, iyadoo ay ku nool yihiin dadd shicib ah oo aan waxba galabsan, ilaahaybaa mahadaas leh waan ku guuleystey arinkaas sidaas ayaan dadkeyga ku badbaadiyey”.

Co/, Axmed mar uu ka hadlaayey micnaha dagaalkaas ayaa wuxuu yiri “Dagaalkaas wuxuu ahaa mid nasiibdaro ku dhacay, sida loo fasiraayana aysan ahayn, in Koofur ay kusoo duushey Woqooyiga Soomaaliya, balse wuxuu ahaa nidaam faasid ah oo u adeegsanaayey ciidamada XDS, in xukunkiisa uu ku adkeysto, anigana raalikama ahayn arinkaas”.

Waxaan weydiiyey Col/ Axmed xiligaas waxa dhacaayey iyo waxa xiligaan dhacaya waxa ay ku kala duwan yihiin?.

J:- Runtii labaduba waa labo dhibaatooyin badan geystey, laakiin hadii aan eego tan xiligaan waa wax maskaxda Bani’aadamku aysan qaadankarin, in dadkaadii aad u soo kireysato dad kale, oo lagu laayo maatidii, iyadoo madiidin loo yahay dadd kale, waana arin aan Maskaxdeyda marna aysan ku jirin, in Soomaaliya ay ka soo dhex bixikaraan dadd noocaan oo kale ah.

Sidoo kale waxaan weydiiyey Dadka mas’uuliyadaasi sheeganaya, iyaguna waxay leeyihiin waxaan dooneynaa inaan dalka iyo dadka Soomaaliya aan ku soo celino, nidaamkii iyo kala dambeyntii bal kawaran arintaasi?.

J;- Sida ay aniga ila tahay waa dadd fulinaaya Barnaamij cadow wato, waana mid lagu xalaaleysanayo, in dalka lagu soo duuley, islamarkaana dhiiga shacabkeena iyo dalkeenana la doonayo in bilaa sabab la’aan lagu daadiyo, waxaana leeyahay Ummaduna waa ay nooshahay oo wey is difaaceysaa, waxa ay sheegayaana ma ahan wax jira.

S;- Maxay tahay ujeeddada aad u timid dalka Jabuuti?.

J;- Xaqiiqdii anigu waxaan maqley in arimaha Soomaaliya lagu hayo, waxaana hada arkaa in Hoteelkan Kempinski uu ka socdo shir, waxaana arkaa in arinta Soomaaliya dibada laga faragelinayo, laakiin arintooda, iyagaa laga rabaa inay xalistaan oo aan dibada laga faragelin, ayna ka dhexbaxaan Wadamadda reer Galbeedka iyo dowlada Ethobia, inta ay kuwaas faraha kula jiraan, uma arko in xal laga gaarikaro arimaha Soomaaliya, aniga waxaan u imid cidii wax iga maqleysa inaan talo ka geysto labada dhinacba, labada kooxood ee is haya.

S;- Adiga ra’yiga aad ka qabto muxuu yahay labada kooxood, is-haysadkooda?.

J;-Aniga waxaan u arkaa maleeshiyo u adeegaysa cadowga iyo dadweynaha Soomaaliya oo is-difaacaya oo u halgamaaya inay dalkooda cadowga ka saaraan, inay kala yihiin.

S;- Co/ Axmed hawada dalkeena qaab sidee ah baa loo difaaci jirey, sideedse u argataa hawada Soomaaliya xiligaan, maadaama aad adigu ka tirsanaan jirtey difaacayaashii Ciidamada Cirka XDS?.

J;- Hortii hawada Soomaaliya waxay ahayd mid koontaroolan, Taako ka mid ahna aan lagu soo xadgudbikarin, markii uu aas aasmey Ciidanka Cirka Soomaaliya, ayna heleen diyaaradaha dheereeya, waxayna ahayd mid ilaashan oo loogu kalsooni badan yahay dhinaca Afrika, nasiib darose in xiligaan hawada Soomaaliya wixii la rabo laga sameysto, iyadoo cidla ah, taasina waan ka xumahay, sababtoo ah diyaaradaha kusoo xadgudba hawada dalkeena, waxaa jirey qalab lagu ogaado, islamar ahaantaasna waan ka hortegi jirney, waxaana tusaale inoogu filan, intii uu jirey ciidanka Cirka waxaa jirey diyaarado kusoo xadgudbey, waana la soo dejiyey, arintaasna ma ahan mid qarsoon oo waa la wada ogyahay, laakiin maanta waa la xalaaleystey.

S;- sida aad sheegtey ciidamada Cirka Soomaaliya xiligaas waxay lahaayeen awood balaaran, su’aashuse waxay tahay, Hawada Soomaaliya waxaa ku dul meereysta xiligaan diyaaradaha Ethobia iyo Mareykanka, Ethobia waxay wadaagaan Soomaaliya xuduud dhuleed, waxaana ka dhexeeya taariikh colaadeed oo soo jireen ah, laakiin xad Soomaaliya iyo Mareykanka oo ka dhexeeya miyaa jira oo dhinaca hawada ah?.

Akhri Qaybta 5aad

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti
fatxumaalik@hotmail.com

Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad | 4aad | 5aad

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 4, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS