Taariikhda Colaadeed ee soo jireen-ka ah ee Somalia iyo
Ethiopia - Qaybtii 4aad.
Waxaan uga soo hadalnay maqaalkii
3aad, magaca xabashi halkuu kasoo jeedo,
dhulka xabashidu ay asal ahaan u leedahay, soo ifbixii magaca Ethiopia iyo
sababta ay xabashidu is kugu magacowday Ethiopia,hadaba maqaalkan waxaan ku soo
qaadan doona,isballaarintii Xabashida iyo dagaaladii galbeed. Isballaarintii gumaysiga Xabashida iyo daglaadii Galbeed Qarnigii 12aad ee miilaadiga, waxaa ka jiray dhulka galbeed ee manta Xabashidu
gumaysato Saldanado Islaami ah waxayna ahaayeen: Zaylac (adal), Iifaat, Waalow,
Haadiya, Dawaaro, Baali, Jamaa iyo kuwa kale. Qarnigii 13aad miilaadiga, Saldanada Xabashidu waxay ku koobnayd dusha buuraha
sarsare waxaana u talinayay dadka Agowada sheegta.Boqorodii Xabashidu ma ay
lahayn boqor isku magacaabi jiray boqorkii boqorada (Negus Negesti) taariikhda
Xabashiduna waligeed ma noqon mid ku salaysan run.Waayihii dambe waxay ku
koobnayd boqrtooyooyin yar yar oo isku bahaystay diin, kuna dhisan qaab
foowdaali ah, boqorkii u taagroona ayaa lagu magacaabi jiray boqorka boqorada. Horaantii qarnigii 14aad miilaadiga, waxay saldanadaha Xabashidu ka koobnayeen
boqora yar yar, waxaana ka dhax dillaacay dagaalo awood sheegad ah waxaana
loollan iyo dagaal dheer kadib, ku guulaystay in uu mideeyo Saldanadaha
Xabashida Boqorkii ku abtirsanayay qoysk Suleymaan iskuna magtacaabay Boqorkii
Boqorada.
Wayahaas waxaa socday dagaaladii salibiyiinta ama macatab u dirirka ee u
dhaxeeyay Muslimiinta iyo Kiristiyanka, lagasoo billaabo Andalus, Qudus,
Qooqaaz, Khuraasaan, Ciraaq ilaa Geeska Afrika.
Ujeedooyinka dagaalku wuxuu ahaa siduu ka dhawaajiyay Vasco De Gama,markii u
duqeeyay magaalada Muqdisho,18,4,1499 miilaadiga,isagoo burburiyay dhamaan
dhismayaasheedii,shacab aad u tira badana xasuuqay,hase yeeshee kuma uunan
guulaysan in uu hantiyo magaalada,waxaa dagaal aad u kulul kala horyimid dadkii
reer Muqdisho una diiday in uu gudaha u soo galo magaalada,hadaba mar wax
lagawaydiiyay Vasco de gama,babaha uu u burburiyay muqdisho iyo ahdaafta
dagaalku wuxuu ku jawaabay:
Ujeedada nagu waxay tahay: 1.In Macatabku uu kula dagaalamo Bisha dunida dacalkeeda ilaa laga
takhalusayo,taas macnaheedu waxaa weeye in Kiristiyaanku uu la dagaalamo
Islaamka dunida oo idil inta laga takhalusayo dadka Muslimiintah,maxaa yeelay
macatabku waa shicaarka Kiristaanka,bishuna waa shicaarka Muslimiinta.
2. In Rooma ay Makka kala dagalaanta dhulka ka fog in ka badan 1500 farsakh, waa
dhulka Falastiin ee maanta ay haysato Yuhuudu, ujeedka hadalkaasi waxaa weeye in
Muslimiinta dhulkooda loogu tago inta aynaan Kiristaanka lagu weerarin
dhulkooda, sidii dhacday waagii Muslimiinta ay awooda lahaayeen oo ay qabsadeen
caasimadda labaad ee France ee Liyoon, sidoo kale dowladii Cusmaaniyiintu ay
garaacday irdaha Vienna, taas oo ah qaacida caan ah oo alaa ay adeegsadaan
wadamada reer Galbeedku.
3. In ciidamadii Khilaafadii Cusmaaniyiintu ay iskaga huleelaal Yurub, waa
wadamadii ay xukumi jirtay khilaafadaas, sida Qubrus, Giriig, Uguslaafiya, Jeeg
ilaa Ostariya.
4. In wadamada Yurub ay ciidamo u diraan Afrika si, muslimiinta loo go, doomiyo.
5. in la cunaqbateeyo wadamada Muslimka, si dhaqaalohoodu hoos ugu dhaco,
awoodooduna ay u daciifto, taas waxaa loo xilsaaray Vasco, wuxuuna kala jaray
ganacsigii India iyo wadamadii Carabta u dhaxeeyay.
6. In la taageero Boqortooyada Xabashida ee masiixiga ah, laguna xiro wadamada
Yurub, si Xabashidu uga takhalusto Saldanadihii Islaamiga ahaa ee dariska la,
ahaa, istaraatiijiyada ka dambeysaa waxaa weeye in Xabashidu la wareegto ilaa
Badacas dabadeedna sidaa ay ku weerarto Kacbada ama Maka iyo Madiina, Vasco ayaa
ku goodiyay in uu kasoo saari doono qabriga Nabigeena Muxammed.s.c.w.dabadeedna
uu gayn doono Rooma si muslimiintu isu dhiibaan. Run ahaantii taa way isku
dayeen hase yeeshee diinta Islaamku waxay leedahay qarni waliba iyo zaman waliba
dad u sara kaca diffaaceeda, waxaa arintaas riyo lagu tusiyay Nuuradiin Zanki
Amiirkii muslimiinta ee la dagaalamayay Salibiyiinta,isagoo ku guulaystay in uu
ka hortago falkaas, khaarijiyana kuwii ka dambeeyay,taageerida Xabashida la
siinayay waxaa saldhig u ahaa burburinta Xaramaynka(Makka iyo Madiina). Hadaba Boqorkii Xabashida ee isku magacaabay Boqorkii Boqorada goortuu mideeyay,
xukunka Xabashida isagoo ka faaidaysanaya fursadaas, kaashanaya Dawladihii
Masiixiga ee Yurub, wuxuu bilaabay inuu isku ballaariyo saldanadihii Islaamka
ahaa ay dariska ahayeen.Wuxuu ugu horayntii isku dayay in uu qabsado Saldanadii
Iifaat oo waagaa ugu awood roonayd Saldanadaha Muslimka uguna
ballarnayd.Saldanada Iifaat waxaa waagaa u talinayay Suldaan Xaqa Al Diin-1, ee
qoyskii Waali Asmac.1321 miilaadiga,waxaa muran ka dhaxdhashay Suldaankii Iifaat
iyo boqorkii Xabashida,murankaas markii dambe wuxuu isu rogay dagaal lagu dilay
Suldaan Xaq al diin dabadeedna Xabashidu waxay xukunkii ku wareejisay wallakiis
Sabru Diin.Waaguu Sebru diin dhintay qoyskii Waali Asmac waxaa ka dhexe
aloolsamay loollan awoodeed,kaasoo 1376 miilaadiga,saldanadii waxaa qabsaday Xaq
Al Diin-II. Xaqul diin wuxuu ka soo horjeestay isballaarintii Xabashida waxay
dagaal iskaga soo horjeesteen,sanadkii 1386/7 miilaadiga,waxaa lagu dilay
suldaan Xaqul diin,Xabashidana waa lagu caabiyay.
Sacduddiin Muxammad cali oo ahaa suldaankii la dilay walaalkii,ayaa noqday
hogaamiyaha Saldanada wuxuuna sii waday dagaalkii looga soo horjeeday dhul
ballaarsigii Xabashida Masiixiga.markii horay wuxuu ka soo hooyay guulo hase
yeeshee weerar dambe oo Xabashidu ku soo qaaday ayaa lagu jabshay,Xabashidu ku
qabsatay saldanadii Iifaat.halkaasna waxaa gacanta uga baxay Saldanadii Islaamka
ahayd ee faca waynayd.
Sacadu al diin wuxuu u haajiray magaalada Zaylac oo ahayd Boqortooyadii
Islaamka.1415 miilaadiga,boqortooyadii Xabashida oo sii waday dhul ballaarsigii
waxay weerar ku qaaday magaalada Zaylac waxaana lagu dilay Amiir Sacdu Al diin
Maxamed Cali oo ku aasan Geeska koofur bari ee jaziirada loogu magacdaray. Sanadkii 1487kii miilaadiga Boqor Johankii-IIaad ee Boortaqiiska, wuxuu Pedro
Cavilhan u soo diray Boqortooyadii Xabashida si uu ula saxiixdo heshiis
saaxibtinimo wuxuuna boqorki Xabashidu ku yiri “Waa waajib saaran boqotooyada
Masiixiga ee Xabashida iney Saldanooyinka Muslimka ka go,doomiso caalamka
Islaamka”.
Boortaqiisku wuxuu u balan qaaday Xabashida in uu ilaaliyo xeebaha iyo xarumaha
si uu gacan u siiyo xabashida. Hadaba Boortaqiisku isagoo fulinaya heshiiskii ahaa in la go, doomiyo
Saldanooyinka Muslimiinta waxay ciidamadiisii badu bilaabeen in ey duqeeyaan
magaalooyinka xeebaha soomaaliya. Daandaansigii Boortaqiiska, waxaa ugu horeeyay weerar uu sameeyay Pero De
Cavilhan, 1487, waa uu ka soo laabtay socdaal uu ku tagay India.Waxaa xigay
Vasco Da Gama oo ka soo laabtay socdaalkii dheeraa ee caanka noqday ee uu ku soo
maray India, ayaa marsada Muqdisho yimid 2dii Janaayo 1499m, isagoo hogaaminaya
koox xaryanna ah.Wuxuu isku dayay in uu magaalada gun uga dhigo xukunkii
Boortaqiiska, haseyeeshee waxaa ka horyimid dadkii reer Muqdisho uuna mari wayay
wuxuuna duqeeyay magaalada. Sannadkii 1506M, Boortaqiisku wuxuu duqeeyay magaalooyinka Soomaaliyeed ee
Baraawe,Muqdisho.Kulkuu Boortaqiisku isku dayay in uu ciidankiisa magaalada
Baraawe ku dajiyo waxaa ka horyimid ciidan hubaysan oo gaaray 6000 soomalai
ah,dagaal kulul ayaa laysku hardiyay,waxaa Boortaqiiska goobtaas looga dilay 800
askari,waxaana looga dhawacay in kabadan iyadoo lagu sandulleyay in uu ka hilfa
gurto magaalada.Markuu ka quustay magaalada Baraawe ayuu isku dayay in uu
magaalada Muqdisho markale qabsado hase yeeshee taa wuu ku hingoobay,magaalada
Muqdisho waxaa lagu tirinayay magalada ugu qanisan magaalooyinka Geeska
Afrika.Kadib wuxuu weerayay Jaziirada Soqotara,markii hore wuxuu kala kulmay
isaka cabin hase ahaatee mar dambe ayay u suurtagashay in uu qabsado
magaaladaas.
Sannadki 1517M, Lope Suarez wuxuu duqeeyay uuna gubay magaalada Zaylac,sanadkii
xigay 1518M,wuxuu duqeeyay magaalada Berbera.Waxaa isla wagaas ka horyimid
Boortaqiiska Khilaafadii Cusmaaniyiinta oo awood xoogan ku lahayd bada horayna u
midaysay dunida Islaamka. Sanadkii 1526M, Boqorkii Xabashida Labna, markuu gaboobay wuxuu awoodii
gaashandhiga ku wareejiyay Degelhan in uu sii wado weerarkii Islaamka lagu
hayay.
Sanadkii 1527 waxaa dhankale awoodii gaashandhigga Islaamka la wareegay Imaam
Axmed Ibraahin Alqaazi Gureey.
Akhri: Qaybta 5aad
Imaam Axmed Ibraahim Gureey iyo Qabsashadii Xabashi. (899H…950H/1492M….1543M). Tixraac: waxaad ka tixraaci kartaa masdarada soo socda.
- 1. Alislaam walthaqaafah fii ifriiqiyah.Dr Xasan Axmed Maxmuud
- 2. Al Islam wal Xabasha cibrad taariikh.Fatxi qayth.
- 3. Taariikhda Soomaaliya (Dalkii Filka Weynaa ee Punt).J.M.Ibrahin Liqliqato.
- 4. Al Buldan Al Islaamiyah wal aqalliyaat al muslimah filcaalam al
mucaasi.Dr.M.Sayid Qulaab, Dr.Xasan C/qaadir.Kaatib Maxamuud Shakir.
- 5. Wathaaiq Cani Soomaal wal Xabasha wa Ereteriya Axmed Barkhad Maaxi.
- 6. Futuuxul Xabasha. Carab Faqiih.
FG: Wixii talo iyo tusaale ah waan ka aqbalayaa akhristayaasha sharafta leh.
Qore: Zakariya Ismaciil Xaaji Nur.
Pakistan-Islamabad
Email: Zakarie_21@hotmail.com ,
Zakariyei@gmail.com .
Wabilllaahi Attowfiiq.
Qaybta 1aad |
Qaybta 2aad... |
Qaybta 3aad... | Qaybta 4aad... |
Qaybta 5aad
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 24, 2008
|