SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARAR GOOSGOOS AH:

Baarlamaanka Turkiga oo ogolaaday in Xijaabka lagu qaadan karo Jaamacadaha Turkiga: Baarlamaanka Turkiga ayaa Sabtidii February 9, 2008 waxay si aqlabiyad xoog leh ku ogolaadeen in la khafiifiyo mamnuucii saarnaa xijaabka iyagoo ogolaaday in Jaamacadaha Turkiga lagu qaadan karo Xijaabka ay qaataan Gabdhaha Muslimiintu iyadoo ay jirtey mudaharaad ay kuwa cilmaaniyiintu arrintaas [secularist] ay arrintaas kaga soo horjeedeen. Baarlamaanka oo ka kooban 550 xubnood waxaa 411 kamid ahi ay codkooda ku ogoladay in la qaado mamnuucii Xijaabka oo ay markaas Gabdhuhu Xijaab ku xiran karaan Jaamacadaha Turkiga. Waxaa loo baahnaa oo keliya 367 xubnood in ay ogolaadaan si arrintaasi u dhaqan gasho, waxaase ogolaaday 411 oo ah aqlabiyad aad u badan. [Akhri Wararkii hore ee Dagaalka lagu hayo Xijaabka]

Dood ka socota Dalka Ingriiska in laga ogolaado Qaybo ka mid ah Shareecada Islaamka: Waxaa beryahan dalka UK ka socdey dood aad u xooggan oo la xiriirta in dalka Ingriiska laga ogolaado hirgelinta qaybo ka mid ah shareeca Islaamka. Arrintaas ayaa bilaabatay (February 7, 2008) kaddib markii baadariga Canterbury, Dr. Rowan Williams uu yiri "in la qaato qaybo ka mid ah shareecada Islaamku waa arrin aan laga maarmi karin". Muslimiinta dalka UK waa soo dhoweeyeen  hadalkaas. Dhegeyso Waraysiga Dr Williams.

Ciidamada FKMG oo Madaafiic ku garaacay Suuqa Bakaaraha: Galabta (Axad Feb 10, 2008) waxaa iska hor imaad xooggani ka dhacay isgoska Hawlwadaag ee magaalada Muqdisho halkaas oo dad goobjoogayaal ah ay sheegeen in ay ka dhecayeen hubka noocyadiisa kala duwan. Waxaa gobjoogayaashu tibaaxeen in ciidamada DFKMG ay madaafiic ku garaaceen Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho. Weli lama oga khasaaraha ka dhashay madaafiicdaas.

Hadalkii Sheikh Shariif Sh. Axmed ee Aljazeera: “Dawladda (FKMG) waxay ku kacday danbiyo dagaal, waxayna dalka Soomaaliya ka gashay khiyaano Qaran taas oo ay waajib tahay in maxkamad lagu soo taago. Laakiin haddii ay qaataan Mas’uuliyadda danbiyadii dagaal ayna soo gaba gabeeyaan joogitaanka ciidamada Itoobiya, markaas waan aqbali karnaa wada hadal”.....

Ma Dhabaa In Khilaaf Soo Kala Dhex Galay Madaxweynaha DFKMG Yuusuf Iyo Raysal Wasaare Nuur Cadde.

Wararka laga helayo Ilo Muhiim ah oo xog ogaal u ah masuuliyiinta dowlada KMG ah ugu sar sareeya ayaa sheegaya inuu durba Khilaaf soo kala dhex galay labada masuul ee ugu sareeya dowlada FKMG ah ee madaxweyne C/laahi yuusuf iyo weliba Raysal wasaarihiisa Nuur xasan xuseen (Nuur Cadde).

yusuf vs Nuur CaddeKHilaafkan ayaa la sheegay inuu ka dhashay dadaalo fara badan iyo Meelo badan oo Nuur Cadde u galay sidii uu khilaafka daba dheeraaday ee soomaaliya u dhamayn lahaa oo la sheegay inuu madaxweynaha DFKMG Yuusuf ka biyo diiday arinta oranaysa in Xoogaga mucaaridka ee fadhigoodu yahay Magaalada Asmara ee wadanka Eretariya oo raysal wasaare Nuur cadde doonayo inuu ugu tago fadhigooda si uu ula meel dhigo xaalada cakiran ee wadanka Soomaaliya ku jiro.

Dhinaca kale khilaafkan oo durba soo shaac baxay ayaa la sheegay inuu madaxweynuha DFKMG ka Taagan yahay in Mucaaridka Asmara ay Qaarkood ay Yihiin waxa Loogu Yeero "Argagixisada" caalamiga ah .

Si kastaba ha ahaatee khilaafkan xoogan Ee durba soo kala dhex galay labada masuul ayaa kusoo beegmaya xili ay xoogaga Asmara ee dowlada kasoo Horjeedaa ay soo dhoweeyeen imaatinka raysal wasaare Nuur cadde uu Imaanayo magaalada Asmara ee wadanka Ereteriya.

Sh,Shariif Sh,axmed Oo Sheegay Inay Diyaar U Yihiin Inay Dowlada La Heshiiyaan.. Haddii.

Sheekh shariif sh, axmed oo Hore u ahaan jiray gudoomiyihii Gudiga fulinta ee Golaha maxaakiimta soomaaliyeed islamrkaana xiligan gudoomiye u ah ururka la baxay Dib u xoraynta soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday inay Diyaar u yihiin Inay dowlada FKMG ah La Heshiiyaan balse ay Doonayaan inay Ciidamada Ethiopia dalka iskaga Baxaan.

shariifka oo xiligan ku sugan Magaalada Dooxa ee wadanka Qadar ayaa saxaafada u sheegay inay ka dhiidhiyaan cadowga dalka haysta oo ula jeeday ciidamada ethiopia inay wadanka iskaga baxaan tasina ay sahlayso ayuu yiri wada hadal ay yeeshaan iyaga iyo dowlada KMG ah .

Sidoo kale sh,shariif ayaa saxaafadu weydiisay malaga yaabaa hadii ay ciidamada ethiopia baxaan inaad markaas dagaal ku qaadaan dowlada islamrkaana aad ka saartaan dalka sidee ayaa laysu aamini karaa ,sheekha ayaa ku jawaabay waxaan u malaynayhaa inaysan jirin xataa hadii ay dhacdo taasi inaysan jirin shacab u baahan iminka dowlad ku sheegan.

Dhinaca kale shekh shariif ayaa meesha ka saaray inaysan suurtoobayn ciidamada Ethiopia oo dalka ku sugan inaysan jirin wax heshiis ah uu suurtoobaya balse ay soomaalidu isa hor fariisan karaan oo aysan diidanayn inay dowlada FKMG ah la Hesiiyaan .

Waa markii ugu Horaysay ee ururka dib u xorayntu ay sheegaan inaysan diidanayn heshiis iyaga dowlada FKMG ah dhexmara islamrkaana ay hore ugu cel celiyeen inay ciidamada Xukumada Ethiopia dalka iskaga baxaan. Waxaase taas shardi u ah bixitaanka Ciidamada Itoobiya.

yaasiin maxamed faytin
yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 10, 2008

Saddexdii Dhallinyarada ahaa ee ku xirnaa Thailand oo la soo daayey...: 3-dii dhallinyarada ahaa ee katirsanaa Cidamada Daraawiishta Puntland ee saddexda sano (2005-2008) ku jirey xabsiga Thailand ayaa helay Xoriyadoodi, waxay hadda ku sugan yihiin..... Akhri...

G/sare C/lahi Yusuf: DFKMG waxay jiri doontaa 5-sano ka badan, Itoobiyaankuna kama bixi doonaan Soomaaliya.... Daawo Waraysi

Cali Maxamed Geeddi oo Lacagtii uu Qaatay Guri kaga iibsadey Los Angeles, USA.. Jariidada The Independent ayaa shaaca ka qaaday in magangelyo USA laga siiyey Geeddi oo uu... Akhri

nuur caddeKulan Ku Saabsan Batroolka oo Addis Ababa uga socda Yusuf, Cadde Muuse & Nuur Cadde: G/Sare Nuur Cadde Ma aqbali Doonaa heshiiska Range iyadoo aan Baarlamaanka Baydhabo ansixin Sharciga Batrool DFKMG.. Akhri...

cise dholawaaWaraysiyo Ku saabsan Qaraxyadii ka dhacay Boosaaso: Raadiyaha Australia ee SBS ayaa waraysi ku saabsan qaraxyadii Boosaaso waxa uu la yeeshay Maamulaha Cisbitaalka Boosaaso, duqa Magaalada Boosaaso iyo tifatiraha wargeys ka soo baxa Boosaaso... Guji

macalinGuddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya, Faarax macallin, oo waraysi siiyey Idaacadda Australia ee SBS halkan ka dhegeyso ama halkan (mp3)

Dagaal ka Dhacay Balli-Doogle
Kulan ka dhacay Gobolka shabeelaadda Hoose
iyo Olole nadaafadeed oo ka soconaya isbitaalka hooyada iyo dhalaanka degamad guriceel ee goblka Galgaduud
Akhri Jan 25

sakariyeZakariye Xaaji: Nuur Cadde Waa Nin Odey ah Waxase uu Saaran yahay Gaarigii Dalka Lagu Qabsaday (Waraysi)... Akhri...

oilShirkadihii Shiidaalka oo Maalgelin toos ah ku samaynaya Cabudhinta Shacabka Puntland.
Warbixinta ka akhri halkan...

norwayMu'tamaradii Norway-Sweden oo khayr kudhamaaday.. mu’tamarkii “Horumarinta Samafalka iyo Iskaashiga”... Sawiradii mutamarka...

ukBannaanbax looga soo horjeedey Xasuuqa iyo Joogitaanka Itoobiya
London: Mudaharaadkan oo noqday kii ugu weynaa ay isugu yimaadaan Jaaliyada Geeska Africa.. Akhris/sawirro...

Sawiro: Bannaanbaxii ugu weynaa oo ka dhacay London, UK Jan 16, 2008


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com