SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Taariikhda Colaadeed ee soo jireen-ka ah ee Somalia iyo Ethiopia - Qaybtii 3aad.

Waxaan ku soo sheegnay qoromooyinkii hore loolaanadii u dhaxeeyay Muslimiinta iyo Christianka Geeska Afrika, sidoo kale waxaan uga soo hadalnay kala duwanaashiyihii xadaaradeed ee u dhaxeeyay xabashida iyo Somalida, waxaan ku xusnay qoromadii koobaad in xabashi loogu yeeri jiray dadka ku nool laga soo bilaabo xuduudka Sudan ilaa gacanka cadan, hadaba dad badan ayaa is waydiinaya halka uu ka yimid magaca xabashi, Abyssinia, Aagawa, dhamaan loogu yeeri jiray xabashida, sidoo kale soo ifbixii magaca Ethiopia iyo sababta xabashidu ula baxday magacaas,halka uu ka yimid asal ahaan? Iyo cidda bixisay, deegaanka asalka u ah xabashida?

Arimahaa oo idil waxaan ku faah faahin doona qoromadaan soo socta hadii Allah uu idmo.

AAGAWA, XABASHI IYO ABBYSSINIA

Howsha ugu horeeysa waxay tahay marka wax laga qoraayo Aagawada ama Xabashida in la go, aansado magacii loogu yeeri lahaa, maxaa yeelay waa arin murugsan oo aan wali meel laysla dhigin.Aagwadu waxay isku magacowday “Ethiopia”iyadoo ka fogaanayso magaca Xabasha oo ahaa magac ay lahayd qolo Carab Xabashaad (Xabuush, Axbaash) ah oo waayihii hore dalka ku timid hayaan awooda dalkana la wareegtay dabadeedna ay carabtii u hirgalisay magacaas.

Waxaa la sheegay in Xabuushta ay ka soo hijrootay Yamen xiliya fog dabadeena ay sidaa ku soo dagtay dhulkaas.

Aagawada ama Xabashida deegaanka asalka u ah waxaa weeye dusha weyn ee T akase iyo dooxooyinka ku hareereysan ee uu kala qaybiyo webiga Niilka Buluugga waxayna ka koobantahay:

Tigray, Begender (Axmaara), Dambaya, Aagow-Medda, Damoot iyo Gojaam oo gidigood loo yaqaan Xabasha, waxayna tahay Xaamiyiinta Kushutiga ah oo uu aad u dheehay Samatiga dalka soo galay, waxaase la moodaa dheehidaa saamiyiintu in aneey wax wayn ka doorin dhalashadeedii iyo muqaalkeedii xaamigag ahaa.
Ethiopia waa magac soo jireen ah oo leh macnooyin waaya badan soo jiray oo ay taariikhyaqanada Yurubta qaarkood qaloociyeen mid ka mid ah macnooyinkii hore uu iska lahaa.

Ereyga Ethiopia wuxuu ka koobanyahay labo eray oo AF giriig (Greece) ah oo macnohuudu yahay “Fool-madoowe” waxay AF ahaan isku asal yihiin erayga “Negro”oo Latin ah iyo erayga “Aswad”oo Carabi ah oo dhamaantood lagu tilmaamo dadka gibilka madoow.

Taariikh-yaqaanadii hore: Hormer, Herotodus, Strabo iyo kuwa kale waxay ugu yeeri jireen ereyga Ethiopia goortay tilmaamayaan gobalka u dhexeeya Niilka iyo Hinduska oo idil kaas ay u yaqiineen gobalkay daganyihiin dadka uu gibilkoodu madowyahay oo ay u qeybsheen:

Ethopiada Bari oo ahayd Carabta, Shaamiyiinta, Mesopotaniya iyo Hinduuska.

Ehopiada Galbeed oo ahayd dadka Xaamiyiinta ah ee ku nool Bada Cas dhinaca Africa.

Qoreyaashii hore kuma aynan darin Xabashida qeybta ethopiadii Galbeed, waayoo, ma aysan aqoon dadka Xabashida iyo dalka ay ku nooleeydba.

Waxaa kaloo muuqata in Qoreyaashii afka Geezka ku turjumay Injilka ay magacii Kush ku badaleen Ethiopia, iyagoo u jeedadoodu ahayd in ay tilmaan ka bixiyaan gobalka Nuuba ee Koofurta Sudan oo aynan u jeedin Xabashida.

Hadaba waxa is weyndiin mudan maxay Xabashidu ugu daalaysaa ama u sheeganaysaa magac loo aqoon jiray, guud ahaan, dadkii gibilka madoobaa oo idil ama ku koobnaa dadkii daganaa woqooyigeeda ee waagaa la yaqiin?
Qorayaashu waxay sheegaan in kuwii ku turjumay Injiilka afka Xabashida kuna badalay afka Geez ineey magaca xabashida ku badaleen ereyga Ethopia oo soo jireenka ah si ay ugu muujiyaan, aduunka Dowlada Masiixiga ah, inay tahay mid facwayn oo soo jireen ah.

Hase yeeshee waxaa cad in Xabashidu ay magacaas ula baxday si ay u hirgashato hamigeedii ku dhisnaa is balaarinta, si ay ugu fido dadyowgii dariska la, ahaa iyo dhamaan dakii ku noolaa Qaarada Afrika, taas ay qorshaheeda wax ka wadeen quwadihii gumaysiga, maxaa yeelay xabashidu waxay magaca Ethiopia la baxday markii ay dadyow kale qabsatay qarnigii 19aad, marwalibana waxaa taageerayay gumaystayashii reer galbeedka ow ugu horeeyay Boortaqiisku.

Ethopia waxay marwaliba si, is daba joog dal balaarsi ah, ugu soo durkaysay dhulka somalida iyo qowmiyadihii kale ee ku noolaa Geeska Afrika sida Oromada iyo Cafarta, iyagoo oromada dhamaan wada qabsaday.
Wuxuu hakad ku yimid isbalaarinta ethopia intii ay shaqaynaysay madax banaanidii somalida mudadii 30 sano ahayd.

Waxaa jira sheego ka dhaqan gashay xabashida taas oo oranaysa in Nabi Nuux dhalay Xaam’ xaamna uu dhalay Kush oo isaguna dhalay Ethopia oo ah magaceedu halkuu ka yimid, kaasoo ku aasan magaalada Akhsum oo loogu magac daray wiilkiisii Akhsum oo aasaasay magalada.

Runtu waxay tahay in magaca Xabashi ka yimid qolo Carab ah oo kasoo haajiray Yaman ka hor miiladiga, kadibna la wareegtay siyaasadii iyo dhaqaalihii dalka, dabadeedna uu sidaa magucu ugu hirgalay.

Kadibna waxaa dalka soo galay qolo la oranjiray Qays oo dagtay Shamsana, Akele-Gusay iyo Agame.Qoladaan dambe waxaa afkeeda lagu turjumay Injiilka masiixiga wuxuuna aad u dhalaanrogay afkii kushitiga ahaa. Qarnigii 4aad miiladiga saldanadii Xabashidu waxay ku fiday woqooyi iyo dusha dalka manta loo yaqaan Eritrea, uuna boqorkii Xabashidu la baxay boqorkii boqorada waxaana magaalo madax u ahayd Akhsum.

Waxaa kaloo kusoo biiray sanadku goortuu ahaa 641 miiladiga, qolooyin Yuhuud ah oo lagasoo eryay dhulka Carbta.

Qoloda Amxaarada waxay ku abtirsataa Menelikii kowaad oo ay sheekadooda oraahda ahi ku sheegto in uu ahaa wiil ay iska dhaleen Nabi Suleiman iyo Boqoradii Balqiisa, sheekadan oo aynan taarikhyahanadu rumaysan, ahna mid aan la rumaysan karin, waxaa cad in asalka xabashidu uu u noqonayo qabaail Zanji ah iyo xaamiyiin uu dhalan rogay cunsurkii samitiga ahaa oo badankoodu ahaaYuhuud ka soo haajirtay Yaman iyo jinsiyada kale oo is kugu jiray African,Carab, Creece iyo Roman.waxaa dhacday hijra wayn qarnigii 18aad miiladiga kadib, kala qaybsamadii roomanka taas oo ay dadbadani u soo haajireen xabashida.

  • Xuduudkii Xabashidu ka hor isbalaarintii qarnigii 19aad.
  • Ethopia waxay dhacday ka hor isbalaarinteedii qarnigii 19aad m.
  • Koofur Bari waxay xuduud kala lahayd Eritrea.
  • Galbeed waxay xuduud kala lahayd Sudan iyo Eritrea.
  • Koofur waxay xad kala lahayd Imaaradii Jamawa.
  • Bari waxay xad kala lahayd Somalia.
  • Badka Dhulka waxay gaareysay 300600km2.
  • Population dadka: 6milion.

Waxay siyaasad ahaan u qaybsanayd ka hor isbalaarintii qarnigii 19aad 3 walaayadood:

1. Walayada Tigray. Waxay ahayd tan ugu awooda badan, ayada ayaana xukunka gacanta ku hayn jirtay waxayna ahayd tan ugu dadka badan, waxaana lagu sheega in ay tahay xarunta masiixiyada Geeska Afrika waana halka aalaa looga soo duulo Islaamka iyo Muslimiinta dhamaan dagaaladii dhexmaray Christinka iyo Islamka.Hase yeeshee wuxuu xukunkii u wareegay Amxarada oo gacan ka helaysay Dowladihii gumaysiga dhamaadkii qarnigii 19aad ee miiladiga kadib markii ay dileen Daraawiishtii Sudan ee uu hogaaminayay mahdigu Boqorkii Yohna, caasimadeedu waxay ahayd Akhsom.

2. Walayadi Axmara ama Bagendara: waxaa loogu yeeri jiray dhulkii casaa waxana loogu bixiyay dadkeeda ayaa caan ku ahaa la dagaalanka Muslimiinta dagaalkii Macatab u dirirka ee lagu qaaday dhamaan dalalkii Muslimiinta aha, laga soo bilaabo Andalus, Qooqaaz, Qudus, India ilaa Geeska Afrika, caasimadeeduna waxay ahayd Gandar.

3. Walaayadi Gojaam: walaayadaa waxaa la wareegay Xayla Silesia (Tafarra Maknon) isagoo marag ku dilay boqorkii xukumi jiray sanadii 1951 miiladiga, caasimadeedu waxay ahayd Monkobar.

4. Walayadi Walow: waxay ahayd walaaya Islami ah,waxayna gacanta Muslimiinta ka baxday dagaaladii isdaba jooga aha ee ay ku soo qaadeen salibiyiintii Boortaqiiska iyo Xabashida, waxay si buuxda gacanta ugu dhigeen kadib geeridii Imaam Axmed Gurey qarnigii 17aad iyo wixii ka dambeeyay, iyadoo dadkii Muslimiinta ahaa ee daganaa lagu qasbay in ay christianka rumayaan iyo in la laynayo, sidii horay uga dhacday Dalkii la oran jiray Andalus(span iyo Portugal) kadib markii boqoradii Isabella iyo Fernando ay ku khasabeen dadkii reer Andalus ee Muslimiinta ahaa in ay labo mid doortaan, in la laynayo iyo in ay qaadanayaan diinta christianka.

5. Walaayadi Shawa: waa walyadii shanaad ay qabsadaan kadib qarnigii 19aad waxaana laga aasaasay dowlad masiixi ah kadib markii xididada loo siibay Imaaradii Islaamiga ahayd ee Owfaat ama Iifaat,waxayna dhacday woqooyiga Addis Ababa xarunta ethopia.waxay la wareegeen markii la jabiyay xoogagii Muslimiinta qarnigii 16aad,dagaaladii macatab u dirirka ee boortaqiiska iyo Xabashida, wali waxaa ku dambeeyo raadreebyadii muslimiintii ku noolaa walaayadaa sida uu shaaca ka qaday mustashriqii talyaaniga ahaa Shabbily sanadii 1935 miiladiga,wuxuuna sheegay in laga helay raad reebyo iyo qoraalo Carabi ah oo aan lagaranayn ciddii qortay,marka taas waxay cadaynaysaa in muslimiintu xukumi jireen laga soo bilaabo sanadii 1063 miiladiga ilaa iyo sanadii 1289 miiladiga.

Sanadkii 1935 miiladiga waxay xabashidu la wareegtay imaaradii ugu dambaysay ee Islaamka ee Jamaa.

TIXRAAC (References).

Waxaad ka tixraaci kartaa isla masaadirtii hore, ee aan ku xusnay maqaladeenii hore, sidoo kale kuwa soo socda:
1. Islam in Ethopia.By J.Spencer Triminingham.
2. Altanaafus alduwali fii bilad al somaal.By Dr.Jalal Yaxya.
3. Rixlatul-somali wal xabasha by fariq saadiq al muayad.
4. Taariikhda Somalia (dhulkii filka weynaa ee punt).by J.maxamed Ibraahim maxamed Liiqliiqato Iyo tixraacyadii hore.


FG.waxaan u mahadcelinayaa dhamaan intii talo iyo tusaaleba iga siisay qoraalkan, walina Kama maarmo talada iyo tusaalaha akhristayaasha sharafta leh, waana soo dhawaynayaa cidii igu caawinaysa tixraac ama reference aan ugu noqdo taraaikhdan.

Qore: Zakaria Ismail Haji nur.

Pakistan—Islamabad.
Email: zakarie_21@hotmail.com  ama ugaaszaki@yahoo.com 

Wallaahu waliyyu- ttowfiiq

Akhri: Qaybta 4aad...

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 23, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com