:::::::::::Hordhac::::::::::::::
Soomaaliya waa dal 17 sano ku dhex
jira dhib iyo qaxar,kala qob
qobqobid qab qablayaal jeebkooda wax
ku soo dhaca iyo kursigooda wax ay
ku ilaashadaan kaliya ka
fakara iyagoo aanan u dananayn umada
taagta yar ee dhibku ka caalwaayay.
Dhibka ugu badan ee dadka
Soomaaliyeed ku dhacay ka sokow
dagaalada waxaa lagu tilmaamay in uu
yahay,lacagaha been abuurka ah iyo
dhibaatooyinka ka dhasha ee ay
hormuudka u tahay sicir bararka
maciishada [cunada laga ma maar
maanka ah ] waxaana lacagaha been
abuurka ah ee dalka Soomaaliya ay
sii naafeeysay danyarata oo uu
dalku u badan waxaana ka masuul
ah marka koowaad hogaamiyaasha
kooxaha iyo ganacsatada danta dalka
iyo tan dadka ka doorbiday
doqonimadooda tan iyaga u gaar ah.
::::Bilow::::Lacagaha Been
Abuurka ah ee Soomaaliya
Qoraalkaan waxaan ku soo qaadan
doonaa Lacagta Been Abuurka ah ee
Soomaaliya 17kii sano ee uu dalka
Soomaaliya ku jiray Dowladnimo
la'aanta waxaana soo qaadan doonaa
Agaasimihii Hore ee Bankiga Dhexe ee
Soomaaliya Dr Maxamed Dalmar
C/rixmaan oo mudu 28 sano ah ka
shaqayay Bankiga dhexe ee
Soomaaliya, aqoon dheerna u leh
qaabka lacagaha loo xadido,dalka
Soomaaliya ma ugu horayn bur burkii
in lacag been abuur ah la soo
samaysto balse waxaa dhacday
1980-maadkii in lacag boqol boqol
shiling ah mar la soo sameeyay balse
ay dowladii Soomaaliya ee uu madax
waynaha ka ahaa Marxuum Maxamed
Siyaad Barre ay gacanta ku dhigtay
iyadoo dadkii lacagtaasi soo
sameeyayna ee Soomaalida ahaa la
maxkamadeeyay.
Dad xeel dheerayaal ah oo arimaha
lacagta Soomaaliya si fiican uga
soo shaqeeyay ayaa waxay
tilmaameen, in bur burkii Dowladii
Soomaaliya sanadkii 1991 ay sabab u
ahayd dowlada oo lacag xad dhaaf ah
Soo samaystay taas oo dalka galistay
jahwareer iyo fawdo sida uu xitaa
Amisan yahay Dr Maxamed Dalmar.
Inta badan lacagaha been Abuurka ahi
maahan kuwa ay dadka dan yarta ahi
ku inticaafadaan balse waxaa kaliya
oo ay ku keentaa dhib maxaa yeelay
lacagahaasi maahan kuwo lagu hor
marinayo mashaariic maahan mid lagu
taageerayo danyarta
Soomaaliyeed,waxaana lacagaha been
abuurka ah samaysta Hogaamiyaasha
kooxaha Soomaaliyeed intooda
badan,ganacsatada waa wayn waxayna
ka faa'iidaan oo kaliya in dhibka
umada oo ay ku gaaraan
dheeftooda,isla markaana waxay ku
jabiyaan quwad siyaasadeed ama mid
ganacsi oo ay is lee yihiin fursada
aad haysataan ayay idinka saarayaan.
Maxamed Dalmar C/rixmaan Agaasimihii
hore ee Bandhiga Dhexe ee Soomaaliya
ayaa waxaa uu shaxdaan Hoose ku
qeexay laga soo bilaabo 1991-2001
lacagaha been abuurka ah ee ay
samaysteen hogaamiyaasha kooxaha
Soomaaliya iyo Ganacastada,
Cidda soo saartay |
Qiimaha lacagta |
Cali Mahdi |
104 |
billyan Shilin |
Ganacsato Waqooyiga Muqdusho |
90 |
billyan Shilin |
Caydiid iyo Ganacsato |
165 |
billyan Shilin |
Dawladda Ku Meelgaarka
(Carte) |
90 |
billyan Shilin |
Puntland |
86 |
billyan Shilin |
Ganacsato kala duwan |
60 |
billyan Shilin |
Wadar |
595 |
billyan Shilin |
Markii
ay bur burtay Dowladii Soomaaliya
sanadkii 1991 ee lana doortay Cali
Mahdi Maxamed ayaa waxaa soo baxday
lacag cisin oo la oran jiray N [News
Cusub] waxaana ay ka koobnayd N50 oo
u dhiganta 5000 ,iyo N20 oo la qiimo
ah 2000,waxaana uu yiri Maxamed
Dalmar C/rixmaan '' Lacagtaasi
waxay ahayd lacag ay dalabtay
dawladdii hore ee Maxamad Siyaad
intayan dhicin. Lacagtaas waxaa ka
mid ahaa lacag xaashi ah oo cusub oo
halkii shilin u dhigmo 100 shilin.
Lacagtaas waxay ku suntan tahay
xarafka "N" oo laga hormariyey
qiimaha lacagta. "N" waxay u taagan
"New". Waxaa la dalbay N50 oo la mid
ah 5000 shilikii hore iyo N20 oo la
mid ah 2000 shilinkii hore. Fiiri
sawirkan hoose. Lacagta "N" waxay ka
socon jirrtay waqooyiga Muqdisho iyo
nawaaxigeeda oo keliya, waxayna
wayday , aqbalaad dalka intiisa
kale'' dadka qaar ayaa waxay qabaan
in lacagtaasi ay ahayd mid been
abuur ah oo uu soo samaystay Cali
Maxamed Maxamed sidaa darteedna
waxay gabi ahaaba ka gadisnayd
lacagaha kale ee been abuurka ah ee
Soomaaliya iyadoo ay ahayd lacag
cayn magac iyo qaab kale leh oo
aysan aqoonin dadku..
Sanadkii 1996dii ayaa Maxamed Faarax
Caydiid waxaa uu hishiis la galay
shirkad samaysa lacagaha oo
magaceeda la yiraahdo "British
American Banknote Company" oo dalka
Canada laga lahaa waxayna lacagtaasi
been abuurka ah ay dalka soo gaartay
ka dib geeridii Maxamed Faarax
Caydiid,waxaana meel mariyay Xuseen
Maxamed Faarax Caydiid oo isagu
markaasi badalay Aabihiis,waxaana
lacagtaasi ay ahayd mid ka kooban
500 Shilling Somali,iyo 1000, Sh
So,lacagtaasi markii ay soo baxday
waxaa laga diiday Gobolada Waqooyi
Barri ee Soomaaliya Puntland ,iyo
waqooyiga magaalada Mogadishu balse
markii danbe caadi noqotay waxayna
keentay lacagtaasi sara u kac ku
yimid qiimaha dollar iyo hoos u dhac
ku yimid sarifka lacagta Soomaaliga
.
Sanad ka dib Dhisimihii Maamul
Goboleedka Puntland ee Soomaaliyeed
1998 ayaa Madax waynaha DFKMG ah ee
Iminka oo xiligaasi ahaa madax
waynaha Puntland waxaa uu hishiis la
galay shirkad samaysa lacagta been
abuurka ah oo ku taalay dalka
Indonesia,waxaana loo soo daaabacay
lacag aad u badan oo uu maamulkiisa
uu ku socodsiinayo,waxayna keentay
lacagahaasi been abuurka ahaa in ay
si deg deg ah daaqada uga saarto
lacagtii
100ka shilling ahayd iyo waliba
tan
50 Shilling . marka laga yimaado
in ay lacagtaasi suuqa ka saartay
boqolka iyo kontonka shilling waxaa
ay keentay sicir barar dhaqaale oo
ku habsaday Puntland,iyo koonfurta
soomaaliya balse in mudu ah markii
la joojiyay lacagtaasi koonfurta ay
dib ugu laabtay suuqayada Mugadishu
.
Sanadkii 2000-2001 ayaa ganacsada
Soomaaliyeed waxay dalka ku soo
faraqeen lacago been abuur ah oo
keenay sicir bararkii ugu xumaa
iyadoo lacagta Shilling Somaaligu
qiimo beel ku yimid maciishadiina
cirka isku shareertay 100 USD ayaa
waxaa uu ku dhawaaday qiyaastii
sadex Milyan oo Shilling Soomaali
ah meelaha ugu badan ee uu dhibku
sida daran u qabsaday waxaa ka mid
ah Magaalada
Mogadishu,Kismaayo,Boosaaso.
Waxaa Waxaa iminka is badal xoogan
ku yimid lacagaha been Abuurka ee
Puntland iyadoo markii hore dalalka
Dibadiisa lagu soo daabici jiray
ayaa iminka lagu farsameeyaa
lacagta xaaraanta ah ee been abuurka
ah gudaha Puntland magaalooyinka
waa weyn taasina waxay cadaysaa sida
aan umada dan yarta ah loogu
turnaynin Maamul iyo ganacasatadiiba
waxay furteen warshadu dadka lagu
dhaco oo been abuurka lacagta ah
lagu sameeyo.
24kii July 2007 ayay ahayd markii
magaalada Boosaaso lagu soo
qabtay makiinad lagu sameeyo lacagta
been abuurka ah waxaana dad xog
ogaal ahi si hoosaad ugu sheegeen
warfidiyeenada in markii lagu
dhamayay howshii makiinadaasi
wasiirka maaliyada Puntland Maxamed
Cali Yuusuf Gaa
gaab soo godbiyay,waxayna ganacsada
Puntland ku eedeeyeen maamulka
Puntland in uu masuul ka yahay
samaynta lacagta been abuurka ah.
Madax waynaha Puntland Maxamud Muuse
Xirse [Gen Cade}oo
26kii bishaan saxaafada u waramayay
ayaa waxaa oo shaaca ka qaaday in
Dowladisuu samayso lacag kuna
samayso Puntland,isagoo ku adkaystay
in lacagtaasi lagu fuliyo howlaha
Dowlada Puntlnd sida xaga mushaarka,
waxaana uu sheegay in ay ka hor
tageen lacagu sharci daro ah, maxay
ku kala duwan yihiin tan maamulka
Puntland samayay iyo tan
ganacsatada? miyaysan dhamaan wada
ahayn lacagu been abuur ah oo dadka
dhib ku haya.
Bashiir Maxamed Bahile oo ka
tirsanaa Bandhiga Soomaaliya
xiliyadii 1980kii ilaa 1990kii ayaa
waxaa uu ii sheegay in Puntland
arinta iminka ka jirto ay sabab u
noqon karto bur bur dhaqaale
maadaama ay maamulka iyo
ganacsataduba si bareer ah u
sameeyeen lacag been abuur ah meel
kasta meeshii ay lacagta been
abuurka ahi gashana waa laga
shalaali doonaa.
Madax waynaha Puntland Gen Cade
Muuse ayaa Marki ay shacabka
Puntland ka mudaharaadeen Sicir
bararka iyo lacagta been abuurka ah
siyaasadeeyay banaan bixii ka dhacay
Garoowe dhawaan oo uu ku tilmaamay
mid ay soo qaban qaabiyeen Xarakada
Islaax oo doonaysa in ay khal khal
galiyaan Puntland,balse
Af hayeen u hadlay Xarakada Islaax
oo magaciisa la yiraado Shiikh
C/laahi Cali Xayle ayaa beeniyay
eedaynta ka soo yeertay Puntland
Dhibaatooyinka ay keento Lacagaha
Been abuurka ah:-
Dhibka ugu badan marka laga hadlayo
lacagaha been abuurka ah waxaa uu
saamayn ku yeeshaa dadka danyarta ah
marka koowaad iyo gabi ahaanbba
dadka ku nool nolosha dhex dhexaadka
ah oo inta badan ku tiirsan
lacagaha dalka dibadiisa laga soo
diro ee Dollarha ah tusaale ahaan
100 USD hadii uu maanta ka yahay
suuqa sarifka,1800000 Shilling
Soomaali ah(halmalyan iyo sideed
boqol) reer kii biilkoodu boqolkaa
ahaa si waafiyana ay u
deeqeeysay,marka ay lacag been
abuurahi soo gasho suuqa sarifkiina
laba kacleeyo , waxey noqoneysaa
iney baahaada reerka dabooliweyso
boqolkii, ayna u baahdaan lacagtii
mid ka badan
laakiin badeecada,raashinka kirada
dhamaan way kaxaysaa mana dabooli
karto lacagtii Shilin Soomaaliga
ahayd ilaa Dollarkii la kordhiyo si
uu Shilin Soomaaliynga u siyaado.
Run ahaantii waa dhib ay
masuuliyadiisa qaadayaan cidii umada
lacagu been abuur ah oo Xaaraan ah
ku soo faraqa iyyagoo dantooda
kaliya ay tahay sidii ay dhaqaale u
helilaayeen waxii gaajo u
dhimanayana aysan waxba ka galin.
Diinta Islaamku Maxay ka Qabtaa
Lacagta Been Abuurka ah Sideesa
looga Bixi Karaa?
Rasuulka Muxammed SCW ayaa Xadiith
waxaa uu ku yiri [ Qofkii wax naga
qisha anaka nagama mid ah]yancii
qofkii na khalda,ilxada,been soo
dhoodhooba si uu wax u samaysto
dadka Islaamka ah kama mid ah,
Xadiithkaan waxaa ay ku timid
qisadiisu (Nabiga NNKH ayaa maalin
maalmaha ka mid ah u baxay suuqa
magaalada Madiina,waxaa uu arkay
Rasuulka SWC nin timir
iibinayo,markaasi ayaa uu Rasuulka
SCW gacantiisii wanaagsanayd galiyay
timirtii waxaana uu sameeyay qaybtii
kore ayaa uu hoos galiyay qaybtii
hoosena kor ayaa uu soo mariyay
waxaana oo arkay biyo iyo qoyaan
qaybtii hoose ku yaala,ka dib
Rasuulka ayaa waxaa uu waydiiyay
ninkii timirta gadayay waxa qoyay
qaybta hoose ee timirta waxaana uu
sheegay in habeenkii xalay ahayd
cirku ku roobeeyay,markaasi ayaa uu
rasuulku ku yiri maxaad u soo kor
marin wayday qaybta hoose ee
qoyanayd si ceebta loo arko [qofkii
anaka na qisha naga mid maahan]
waxaan banaanayn oo kale cid aan
muslim ahayn oo aan kula dagaal
sanayn inaad khinaaynto oo aad
xoolihiisa sidaa ku dhacdid.
Rasuulka SWC ayaa Nin saxaabi ah oo
timir iibinaya ku booriyay waxa oo
gadayo in oo hadii ay ceeb ay
leedahay dadka tusiyo xagee bay
joogaan kuwa inta ay lacagta been
abuur ah soo samaystaan dadka ku
falisaya oo ku bur burinaya
dhaqaalaha umad dhan oo Muslim
ah,waxaan shaki ku jirin in ay
xaaraan maqdac ah ay tahay dadka
samaynaya lacagta been abuurka ah
waxaa Islaamku diidayaa in qof la
faliso,miyaysan ahayn lacagta been
abuurka ah mid falisaad ah oo dad
dhan lagu falisayo waxaa ladiiday
qof kaliya in aad falistid maxay
noqoysaa danbiga ka imaanaya umad
dhan iyo dal dhaan oo lacag been ah
lagu faliso?
Ugu danbayntii Maxamed Dalmar
C/rixmaan ayaa waxaa uu sharxayaa
qaabka looga bixi karo '' Waxaa
looga bixi karaa iyadoo la dhiso
Hay'adda Maamulka Lacagta oo gebi
ahaanba ka madaxbannaan dawladda,
siyaasiyiintuna aayan lug ku yeelan
lacag soo saaridda. Hay'addaasi
waxay yeelaneysaa kayd lacag qalaad
oo 100% daboolaya lacagta suuqa ku
jirta. Shilinka waxaa lagu xirayaa
ama doollarka Maraykanka ama Euro-ha
Yurubka. Hay'addaas waxaa kor ka
ilaalinaya Bankiyo caalami ah,
waxaase intaasoo dhan ka horreeysa,
horta in Soomali heshiiso, ooy ku
heshiiso inay dhisato dawlad xeer
iyo nidaam leh''
Halkaan ka Daawo Sawirada Lacagtii
Soomaaliya
( 5)
Sawirka 100 Shiling
( 6 )
Sawirka 500 ( 7)
Sawirka 1000 Shiling Isha
Sawiradaan
Tixraac Qoraalkaan
waa
Dhamaad
Halkaan ka akhirso qoraaladii
Hore ee M C M Bootaan
Maxaa dan u
ah shacabka iyo dalka, yaase ay Shacabka
Soomaaliyeed dhowrayaan in ay masiibada ay ku
jiraan ka saaraan... Akhri...
Sanad Ka dib Dagaalkii Lubnaan iyo
Israel,Yaa Guulaystay labada dhinac,Waase
Kuma Xasan Nasrulaah,Maxaa ka taqaan
Taariikhiisa.
Fanaanka Soomaaliyeed Xasan Aadan Samater,
ayaa Bari samaadkii sanadkii 1973 hees uu
qaaday ayaa waxay gil gishay dowladii Israel
ee xiligaasi waxayna sababtay in ay dowlada
Israel ay ku han jabtay in ay weerari doonto
Radio Mogadishu
Maxay ka noogtaa ama ku noogtaa bishimo iyo
naaaso midna ma lehWaxba
wax baa lagu keenaa sheekadaan dheer waxaan
ku keenay maanta ayaa
waxay ku aadayn 1-Jully 2007 waa 47 guuridii
ka soo wareegtay xiligii ay soomaaliya
ay xoriyada ka qaadatat Talyaaniga isla
markaasna ay midoobeen labadii Gobo lee
Soomaaliya ee Waqooyiga Somalia iyo
Koonfurta Soomaaliya.
Waa
kuma maxaase ka taqaanaa Hogaamiyaha dalka
Libiya Col Qadaafi
Madax waynaha dalka Libiya Col Mucamar Al
Qaddafi waxaa uu dhashay sanadkii 1942
isagoo ku dhasnay Degmada Sirta,waxaana uu
ahaa nin,madi ah [aynan walaalo kale la
dhalan]waxaana uu ka dhashay qoys daga
baadiyaha,xiligii uu yaraa waxaa uu ahaa nin
xoolaha raaci jiray geele iyo ariga saxaraha
Sirta .
Waa
Kuma, Maxaadse ka taqaan
Taariikh Nololeedkiisii: Dr. Cabdicasiis
Cali Cabdilxafiid (Al-Rantiisi)
Shahiid
Dr. Cabdicasiis Cali Cabdilxafiid
(Alrantiisi) wuxuu ku dhashay tuulo yar
oo la yidhaahdo Yibnaa oo u dhaxaysa
(Casqalaan iyo Yaafa)markay ahayd
taariikhdu 23 October 1947kii --waxaana
uu shahiiday 17kii Abril 2004ta
Waa Kuma, Maxaadse ka taqaan
Taariikh Nololeedkiisii: Shiikh Axmed
Yaasiin Aasaasaha Xamaas iyo is bar bardhig
DFKMG Somalia iyo Fatax.
lix iyo toban jir markii uu ahaa,ayaa Shiikh
Axmed Yaasiin,waxaa ku dhacay shil aad u
khatarsanaa oo saamayn wayn ku yeeshay gabi
ahaanba noloshiisa iyo jiritaankiisa ilaa
intii ay yuhuudu ka dileen ee uu ka
shahiiday...
Waa kuma Aadan Cadde Maxaase ka taqaanaa
Taariikh nololeedkiisii,Madax waynihii ugu
horeeyay Somalia.
Waa madax waynihii ugu horeeyay 53-da dal ee
Qaarada Afirka oo idil si calaad ah uga
dagay Kursiga madaxtimada taas oo soomaaliya
Magac wayn u soo jeediy oo tusaale lama
ilaabaan ah ay ka dhigtaan Madaxda afrika.
Waa
kuma Mahathir Bin Maxamed Maxaadse ka
taqaanaa taariikhdiisa horumarka oo dalkiisa
gaarsiiyay sidee Soomaaliya ku gaarsiin
karnaa ?
Waa mid ka mid
ah dadka ugu cad cad madaxda dalalka
islaamka ee casrigaan, da'diisu iminka waa
82 sano jir. Waa ra'iisul wasaaarihii
Malaysiya intii u dhexeysey 1981 ilaa 2003.
Waa
Kuma Masuulka dagaalo sokeey oo 16 sano ah
ka dib Soomaali oo dhan bad baadiyay oo 80% laga taageeray
gobolada dalka soomaaliya oo dhan, laguna
tilmaamo inuu yahay ninka ugu siyaasada iyo
maamulka fiicnaa Soomaaliya 16 sano waa Shiikh
Shariif Shiikh Axmed, Haddaba maxaad ka
Taqaan Taarikhiisa...
Waa kuma: Aasaasihii Xarakada Ikhwaanu
Muslimiinta maxaase ka taqaan
taariikhiisa,qaab noocee ah baa loo dilay. Aasaasihii Xarkada Islmaamiga ah ee
Ikhwaanul Muslimiin,Shiikh Xasan Axmed
Cabdirixmaan (Ustaad Xasan Al Banaa) waxaa
uu dhashay barqanimo maalin Axed ah 25kii
bisha Shacbaan sanadkii 1324(Hijiryaha)
14kii October 1906, waxaana uu ku dalka
Masar deegaanka loo yaqaano Buxayra.
Waa
Kuma Ninka Soomaalida 90% ay ugu Necebtahay
Afika maxayse ku Neceb yihiin.
Qoraa soomaaliyeed ayaa waxaa uu yiri Melez
Zenawi waa Ninka ay soomaalida 90% ay ugu Neceb
tahay Africa,Mid kale ayaa waxaa uu yiri Melez
Zenawi soomaalidu waxay ay u necebtahay
siyaasadiisa Qalafsan ee uu kula dhaqmo
soomaalida iyo Muslimiinta,Qoraa kela ayaa
qoraal ciwaan waxaa uu uga dhigay Zenawi oo
kaliya afrika oo dhan maxaa ay soomaalidu u
necebtahay?
17kii
March 2005 iyo 17ka March 2007 Baarlamaanka
Soomaaliya maxaa u dhexeeyo.
Waxaan doonayaa in aan maanta 17ka March
2007 iyo 17kii March 2005 is bar bardhigno
sida ay tahay xaalada baarlamaanka DFKMG ah
ee soomaaliya labo sano ka dib markii
gacmaha ay isku la tageen xubnaha
baarlamaanka DFKMG ah ee soomaaliya, Hotelka
(Grand Regency, Nairobi) dhexdiisa.
Tixraaca
/isha: sawirada: Google search/news, yahoo
search/news, wiki, wikipedia