SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - QORMADA AXADDA
Daabaco Boggan | Print
"waayadii hore soohdinta Itoobiya badda ayay ku sinnayd, hase ahaatee kolkii ay weydey awood ku filan oo ay wax isaga caabbido, xoogagga kiristaanka ahina ay wax kaalmo ah taaran waayeen ayay soohdimahayagii badda gaarsiisnaan jirey waxay u gacan-galeen quwado muslin ah"
Menelek II: April 10, 1891... Akhri...

Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid Ra'iisul-wasaare K/xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha DFKMG ee lagu soo dhisay Nairobi oo Magaalada Muqdisho dhawr maalmood kadib markii ay qabsadeen ciidamada Ethiopia kula hadalyey odayaal dhaqameedyo ayaa  sheegay in la baabi'inayo Xadka Soomaaliya oo lala midaynayo Ethiopia, oo Hal Ciidan ay yeelanayaan, Hal dhaqaale yeelanayaan, hal Baasaboor ay qaadanayaan Soomaalida iyo Itoobiyaanku.
Xuseen Caydiid: Jan 2, 2007.. Akhri..


Ciidamo Itoobiyaan ah oo harsanaya Geed-hindi;  Muqdisho Jan 4, 2007.  AFP

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri

Waa kuma maxaase ka taqaanaa Hogaamiyaha dalka Libiya Col Qadaafi

Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan

Nairobi, Kenya ,

Botaan1@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 8 2007

Magac Allaah ayaan ku bilaabayaa mahad oo idil eebe ayay u sognaatay naxariis iyo nabad galiyo rasuulka SWC kor kiisa ha ahaato intaa ka dib .

Hordhaca

Waan la dhisaa Hal dowlad oo ay lee yihiin dowladaha qaaradaan afrika waana in la sameeya ciidamo,anigu waxaan u shaqayn sidii Askari u taagan qaaradaani afrika,

''Dhibka ka taagan Daafuur oo kaliya maxaa ay dowladaha reer Galbeedku uga hadlaan intaasi,yaa ka danbeeyo dhibka ka taagan Ciraaq,Soomaaliya,Daafuur waxaa weeye dhib ka dhex aloosan dadka reer Sudan dhexdooda wayna xalin karaan,laakiin maxaanan looga hadlayn gumaysitaan Soomaaliya iyo ciraaq dhibka ka wada'' sidaa waxaa yiri Col Mucamar Al Qaddafi.

Carabtii hadii ay wax tar yeelan waayeen madaxtoodii waxaa uu isku dayayaa in uu madaxda afrikaanka ah ee yaa gacanta na qabto socod baro sidaa waxaa yiri qoraa.

 Waxaa lagu sheegaa inuu yahay nin kaligi taliye ah hal adag jecelne in uu ka dhabeeyo hamigiisa,Mar wax laga weydiiyay Muslimiinta mintidka ah waxa uu sheegay inay asalraacnimadu aysan xumeyn laakiin kuwa bamamka qarxinaya ilmaha gowracaya inaysan Islaamka waxba ka ahayn oo yihiin ku burburinaya islaamka.

Ciidanka wardiyeeye ee ilaalada Gaarka ah u ah  waa dumar, waxa uu difaacay kaalinta ay dumarku ku leeyihiin bulshada isagoo sheegay inaysan jirin wax Dumarka ka reebaya inay ciidan noqdaansida uu hadalka u dhigaye 

Qormada Asbuucaan waxaan ku soo qaadanaynaa Hogaamiyaha Dalka Libiya ka dib markii asbuucii aanu soo dhaafnay Kulan ka dhacay dalka Ghana gaar ahaana magaalada Casimada u ah

Waa kuma maxaase ka taqaan Hogaamiyaha dalka Libiya Col Mucamar Al Qaddafi

Madax waynaha dalka Libiya Col Mucamar Al Qaddafi waxaa uu dhashay sanadkii 1942 isagoo ku dhasnay Degmada Sirta,waxaana uu ahaa nin,madi ah [aynan walaalo kale la dhalan]waxaana uu ka dhashay qoys daga baadiyaha,xiligii uu yaraa waxaa uu ahaa nin xoolaha raaci jiray geele iyo ariga saxaraha Sirta .

Wax barashadiisii

waxaa uu wax barashadii dhanka dhaqanka  ku dhismayn ee islaamiga ahayd ku bartay baadiyaha waxaana uu ku soo xifdiyay qur'aanka sharafta leh,iyo cilmiga fahamka[fiqiga carabiga lagu yiraahdo].

Waxaaa uu wax barashadii Dugsiga sare ka bartay Magaalada la yiraahdo Sabhaa laakiin markii la arkay fir fircoonidiisa ku wajahan dhanka siyaasada ayaa laga cayriyay Dugsigii Sare ee magaalada (Sabhaa)waxaa uu ku biiray ka dib kuliyada ciidamada Binqaazi ee   magaalada(Masiraadah)sanadkii 1964, waxaa kale oo uu wax ku bartay jaamacada Binqaazi isagoo darajo aad u saraysa uga baxay ka dibna u baqoolay dhanka Boqortooyada Ingiriiska oo uu tababar u aaday, waxaa uu ahaa nin aad iyo aad u necbaa gumaysiga reer galbeedku ku hayay, waxaana xus gaar ah ku noqatay sanadkii 1911 xiligaasi  oo ay dileen owowgiis gumaystihii Talyaaniga ee dalkaasi gacanta ku hayay.

Noloshiisa ayaa waxaa saamayn ku yeeshay hadalada Jamaal C/nasir oo hal hayskiisu ahaa midaynta Carabta iyo fogaynta Reer Galbeedka, si uu dariiqaas u raaco waxa uu go'aansaday inuu ku biiro Kuliyadaha Ciidanka 1963 isagoo tusaale u soo qaata Jamaal C/nasir sida uu gu guulaysatay hamigiisa hididiilihiisii.

inqliibkii uu ku qabsaday Libiya

Col Mucamar Al Qaddafi iyo asxaabtisii ciidanka ahayd ayaa waxay dalka Libiya ku qabsadiin afgabi aan dhiig ku daadan 1-dii bishii  September, 1969 xiligaasi oo uu jiray Col Mucamar Al Qaddafi 27-jir xiligaasii oo ay taladii waydaariyeen boqorkii dalka Libiya  Idiris,kaas oo dalka Libiya xukumayay tan iyo markii uu helay Xoriyada 1951.

Col Mucamar Al Qaddafi iyo asxaabtiisi ciidanka ahayd ee dalka la wareegay 1969 ayaa waxay sheegeen in ay dalka ka hormarinayaan arimaha dhanka dhaqaalaha iyo maamul wanaaga isagoo isku magacaabay madax golaha kacdoonka,waxaana uu ku dhawaaqay [Jamhuuriyada Carbata ah ee Libiya]markii uu talada dalka la wareegay ayaa waxaa soo la dareemay nololosha oo ka soo ranayso.

1977,Markii la gaaray ayaa Col Mucamar Al Qaddafi waxaa uu la kali noqday maamulka dalka isagoo isla markaasi ku dhawaaqay maamulka shacabka,waxaana markii ay dhaltay Jamaahiirta Libiya ee carabta ah ee hanti wadaaga ah,waxaana uu ka tanaasulay madaxtimada Xisbiga Kacaanka.

Isla sanadkaasi 1977 ayaa waxaa uu qoray Col Mucamar Al Qaddafi buug la magac baxay (Buuga Cagaaran)kaas oo uu kaga hadlayo xalinta kama danbaysita ah eek u saabsan mushaakilka dhaqaale iyo bulshadeed,dalkaasi Libiya ayaa Buuga Cagaaran waxaa looga arkaa inuu yahay manhajka siyaasadeed ee dalkaasi.

Xiriirka uu la lee yahay dalalka Dibada.

Laga soo bilaabo markii uu talada dalkaasi la wareegay Col Mucamar Al Qaddafi ee uu cinqilaabay Boqor Idirs,waxaa uu xiriir wacan la samaystay dalalka Maraykanka iyo kan Ingiriiska isagoo iskaashi dhanka ciidanka ah iyo mid dhaqaaleba  la lahaa dalalkaasi,balse xaaladaasi ayaa is badashay oo khilaaf iyo carqaladu waa wayn ayaa soo kala dhex galay Libiya iyo Dalalkaasi,taas oo keentay in Madax waynihii Maraykanka Ronald Regan ee xiligaasi oo amaray 14,April 1986 in weerar lagu qaado hoyga Col Mucamar Al Qaddafi waxaana weerar lagu qaaday magaalooyinka Tiribulis iyo binqaazi waxaana weerar ka dhacay hoyga Qadafi ku dhintay gabar uu dhalay Qadaafi oo magaceeda la oran jirya Hinaa,waxaana dhulka lala simay Gurigii Qadaafi,waxana ku nafwaayay oo kale 60 qof ka gadaal maray iskaashadeen Americanka iyo Ingiriisku,waxaana ay dowladaasi ku eedeeyeen Libiya in ay maleegtay silsiladu dilal ah oo xitaa taabatay askar ka tirsan Ingiriiska,qaraxu lago qaaday goobo habeenkii lagu caweeyo,waxaana ay si toos ah ugu eedeeyeen Col Mucamar Al Qaddafi inoo taageero kooxaha argagaxisada .

 Dalka Liibiya ayaa waxaa lagu soo rogay  Cuna qabtayn,taas oo sabab looga dhigay inuu ka danbeeyay qaraxii diyaaradda rakaabka ee ku burburtay Locarbi, Scotland 1988.

Xiriir fiican ayaa waxaa uu la lahaa Madaxda afrikaanka ah waxaana uu gacan wayn ka siiyay madax waynihii dalka Koonfur afrika Mr Nelson Mondela xiligii uu la dagaalamayay Midab-takoorka, dalkaasi,waxaa kale oo uu isku howlaa sidii qaarada afrika hal dowlad looga dhigi lahaa isagoo dadaal dheeraad ah ku bixiyao,waxaa uu yigleelay Ururka Siin Saad (ee xeebta iyo saxaraha ) sanadkii 1989

Dhalka Soomaaliya waxaa la sheegaa in Col Mucamar Al Qaddafi uu taageeri jiray kooxaha soomaalida isagoo rasaas iyo dhaqaale gabi ahaanba ku soo daabuli jiray,taas oo ay dadku ku tilmaameen inuu yahay mid ka mid ah kuwa shidaalka ku shuba xaalada Somalia ee cakiran.

Waxaa uu kulamo la qaaday madax badan oo ka tirsan Somaliya oo uu ka mid ahaa Madax waynihii TNG C/qaasim salaad xasan,isagoo dhaqaale ku bixiyay in ay dowladiisu hir gasho balse qabqablaashii dalka ka jiray ay fashiliyeen,Sidoo kale waxaa uu kulamo la qaatay Golahii Maxaakimta islaamiga ahayd madaxda ugu sarayso isgoo ku casumay magaalada Sirta,ka dib cusmaadaasi ayaa waxaa dheleeceeyay Qadaafi Raiisul wasaaraha DFKMG ah ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi,C/laahi Yuusuf Axmed Madax waynaha DFKMG ah ayaa dhawaan kulan kula qatay magaalada Sirta Qadaafi.

Qadaafi waa nin waji  kasta oo soomaaliya ka soo baxa si diiran oo la mid ah kii isaga ka horeeyay u soo dhaweeya waxaana ay dadku qaar sheegaan in uu xitaa hadii uu hub iyo dhaqaale siiyay hogaamiye ka mid ah kooxaha soomaaliya kuwa kalana uu siiyo taakulayn la mid ah tii hore waxaana arintaasi micnaysaa inuu doonayo ka fogaanta eed hal dhinac uga timaado balse umada soomaaliyeed wax faa'iidu ah uguma jirto.

 

Dowlada Liibiya ayaa sida ay qortay sanadii 2006 shabakada Somali weyn waxay siiday labo gaari oo ah kuwa aaynaan gari xabdu madax waynaha Soomaaliya C/laah Yuusuf Axmed taas oo qayb ka ah taakulaynta ay siiso kooxaha soomaaliya dowlada Libiya

Madax waynaha Dowlada Liibiya Col Mucamar Al Qaddafi, waxaa ay siyaasad ahaan khilaaf xoogan u dheexaysaa madaxda carabta,arimaha ku aadan sida ay ula dhaqmaan Gumaysitaha,waxaana xusid mudan kulan dhex marayay madaxda jaamacada carabta oo ay isku aflagaadeeyeen Qaafi iyo madaxda boqortooyada Sucuudiga,arimaha ay isku khilaafsan yihiina waxaa ka mid ah duulaankii ciraaq lagu qaaday ka aamusnaanta arimaha ka taagan Falastiin,iyo daafuur,iyo Soomaaliya.

 Dhacdoon Muhiim ah waxaa soo aruuriyay Bahada Somalitalk.com

1942: ku dhashay saxaraha Libyiya'
1963: waxa uu ka qalanjabiyay Jaamacadda Libiya kuna baasay Digriiga ugu sareeya.
1965: kuliyadda Ciidanka ayuu ka qalinjabiyay, guulo badan ayuu ku tilaabsaday.
1969: September 1: Xukunka ayuu ku qabsaday afganbi aan dhiig ku daadan.
1970: Saldhigyadii Ciidan ee Maraykanka & British ayuu xiray.
* : waxa uu masaafuriyay Talyaanigii dalka daganaa iyo Yuhuudii ku noolayba.
1973: shirkadihii Petorl-ka shisheeyaha ayuu qarameeyay.
*: Waqooyiga Chad ayuu weeraray muran dhul owgii.
1976: Buug la magacbaxay 'Green Book' ayuu qoray.
1977: Waxa uu soo bandhigay 'jamahiriyya'.
1979: Dowladiisa ayuu kala diray isagoo casilay dhamaan howlwadeenadii.
1986: April 15: Maraykanka ayaa weerar ku qaaday.
1990: Qabsashadii Kuweyt waa ka gaabsaday.
1993: October: 2,000 oo ciidan ayaa isku dayday inay majaxaabiyaan.
1994: May: Chad ayay ciidankiisu ka soo baxeen dibna ugu soo laabteen xuduudda.
1995: August: in la afganbiyo ayaa lagu guulaysanwaayay.
*: September:Falastiiniyiinta ayuu dalka eryay isagoo ku xumeynaya heshiiska Yuhuudda.
1996: July: Rabshado ayaa ka dilaacay kubad cag iyadoo lagu diidanaa Qadafi.
1999: February 13: Waxa uu ogolaaday in maxkamad la saaro labo nin oo loo haystay qarax diyaaradeed.
2000: Mundela ayaa codsaday in Cuna qabateynta laga qaado libiya .
2002: Balan ayuu Qadafi ku qaaday inuu Soomaalia hiil iyo hooba la garab taaganyahay 

2002 waxaa uu gacan wayn ka gaystay dhimaha ururka Midowaga afrika ee (AU)

2004 ayaa wargayska New York times waxaa oo sheegay in qadaafi oo shir qool la maagan yahay boqorka iminka ee sucuudiga Boqor C/laahi bin C/casiis oo xiligaasi dhexal sugi ahaa.

2007,waxaa uu soo jeediyay in hal dowlad loo sameeyo qaarada afrika iyo hal ciidan

Dhamaad

Tix raaca qoraalkaan

SomaliTalk.com Qadaafi 2002

Wikipeida.org Qadaafi 2007

 Shabakkada Qathafi.org

Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan
Nairobi,Kenya,Botaan1@hotmail.com
Faafin SomaliTalk.com | July 15,2007

Afeef:-Waxaan ka afeefan in aanan qormadaan cid gaar ah ama koox gaar ah ula dan lahayn oo aan Si sheeko ahaan ah soomaaliya xaalada ka taagan u soo bandhigayay [qaab sheeko ah ayaan u diyaarinay oo kaliya]
Dhamaad.


Halkaan ka akhirso qoraaladii Hore ee M C M Bootaan

Waa Kuma, Maxaadse ka taqaan Taariikh Nololeedkiisii: Dr. Cabdicasiis Cali Cabdilxafiid (Al-Rantiisi)
Shahiid Dr. Cabdicasiis Cali Cabdilxafiid  (Alrantiisi) wuxuu ku dhashay tuulo yar oo la yidhaahdo Yibnaa oo u dhaxaysa (Casqalaan iyo Yaafa)markay ahayd taariikhdu  23 October 1947kii --waxaana uu shahiiday 17kii Abril 2004ta

Waa Kuma, Maxaadse ka taqaan Taariikh Nololeedkiisii: Shiikh Axmed Yaasiin Aasaasaha Xamaas iyo is bar bardhig DFKMG Somalia iyo Fatax.
lix iyo toban jir markii uu ahaa,ayaa Shiikh Axmed Yaasiin,waxaa ku dhacay shil aad u khatarsanaa oo saamayn wayn ku yeeshay gabi ahaanba noloshiisa iyo  jiritaankiisa ilaa intii ay yuhuudu ka dileen ee uu ka shahiiday...

aaden cadde

Waa kuma Aadan Cadde Maxaase ka taqaanaa Taariikh nololeedkiisii,Madax waynihii ugu horeeyay Somalia.
Waa madax waynihii ugu horeeyay 53-da dal ee Qaarada Afirka oo idil si calaad ah uga dagay Kursiga madaxtimada taas oo soomaaliya Magac wayn u soo jeediy oo tusaale lama ilaabaan ah ay ka dhigtaan Madaxda afrika.

Waa kuma Mahathir Bin Maxamed Maxaadse ka taqaanaa taariikhdiisa horumarka oo dalkiisa gaarsiiyay sidee Soomaaliya ku gaarsiin karnaa ?

Waa mid ka mid ah dadka ugu cad cad madaxda dalalka islaamka ee casrigaan, da'diisu iminka waa 82 sano jir. Waa ra'iisul wasaaarihii Malaysiya intii u dhexeysey 1981 ilaa 2003.

Sheikh Sharif Sheikh AhmedWaa Kuma Masuulka dagaalo sokeey oo 16 sano ah ka dib Soomaali
oo dhan bad baadiyay oo 80% laga taageeray gobolada dalka soomaaliya oo dhan, laguna tilmaamo inuu yahay ninka ugu siyaasada iyo maamulka fiicnaa Soomaaliya 16 sano waa Shiikh Shariif Shiikh Axmed, Haddaba maxaad ka Taqaan Taarikhiisa...

Waa kuma: Aasaasihii Xarakada Ikhwaanu Muslimiinta maxaase ka taqaan taariikhiisa,qaab noocee ah baa loo dilay.
Aasaasihii Xarkada Islmaamiga ah ee Ikhwaanul Muslimiin,Shiikh Xasan Axmed Cabdirixmaan (Ustaad Xasan Al Banaa) waxaa uu dhashay barqanimo maalin Axed ah 25kii bisha Shacbaan sanadkii 1324(Hijiryaha) 14kii October 1906, waxaana uu ku dalka Masar deegaanka loo yaqaano Buxayra.
 

Waa Kuma Ninka Soomaalida 90% ay ugu Necebtahay Afika maxayse ku Neceb yihiin.
Qoraa soomaaliyeed ayaa waxaa uu yiri Melez Zenawi waa Ninka ay soomaalida 90% ay ugu Neceb tahay Africa,Mid kale ayaa waxaa uu yiri Melez Zenawi soomaalidu waxay ay u necebtahay siyaasadiisa Qalafsan ee uu kula dhaqmo soomaalida iyo Muslimiinta,Qoraa kela ayaa qoraal ciwaan waxaa uu uga dhigay Zenawi oo kaliya afrika oo dhan  maxaa ay soomaalidu u necebtahay?

17kii March 2005 iyo 17ka March 2007 Baarlamaanka Soomaaliya maxaa u dhexeeyo.
Waxaan doonayaa in aan maanta 17ka March 2007 iyo 17kii March 2005 is bar bardhigno sida ay tahay xaalada baarlamaanka DFKMG ah ee  soomaaliya labo sano ka dib markii gacmaha ay isku la tageen xubnaha baarlamaanka DFKMG ah ee soomaaliya, Hotelka (Grand Regency, Nairobi) dhexdiisa.


Tixraaca /isha: sawirada: Google search/news, yahoo search/news, wiki, wikipedia

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH