Hordhac
Fanaanka Soomaaliyeed Xasan Aadan
Samater, ayaa Bari samaadkii sanadkii
1973 hees uu qaaday ayaa waxay gil
gishay dowladii Israel ee xiligaasi
waxayna sababtay in ay dowlada Israel ay
ku han jabtay in ay weerari doonto Radio
Mogadishu,hadaba dad ay heesi gil
gilshay maxay ka dhihi lahaayeen
ganaalaha ay ku garaaceen ururuka
Xisbulaah Sanadkii Hore iyo kooxaha
falastiiniyiinta ee Xamaas ugu horysay.
;;;;;Heestii Xasan Aadan Samater ayaa
waxay ahayd,Sidaan :;;;;
Israel Ma boodeen,Bari dhex intuu tagay
nabad kuma bariisteen
Waa Boqol Yuhuudiyo ragbaa baa
biirinaayee,beerka u firayaa barqa
laguma gaareen
Beydkii Ilaaliyo Barxadii ILAAHIYO
barxadii RASUULKA waxaan loo bannayn
iyo bakhti kuma dhex kariyee
Bishimaha Dushoodiyo Been weeye Nabaduye
Baaruudda qiiqdiyo buntuq weeye dunidyo
Afirkay isbiirsoo Isa soo bahaystoo
Ninkii Baal u leexda basar wax ugu
sheego ku ballama dagaaal.
Dagaalkii Lixaad ee Carabta iyo
Yuhuuda
Dagaalkii lixaad ee u dhexeeyay Carabta
iyo Israel ayaa waxaa uu ahaa kii dhacay
kal hore [sanadkii 12-July- 2006] sida
ay inta badan warbaahinta iyo
warfidiyeenada carabtu sheegaan
dagaalkaasi ayaa waxaa uu socday muddo
ah 34 maalin waxaana uu baabiyay
bilicdii Caasimada Dalka Lubnaan ee
Bayruut,iyadoo dhulka lala smiay dhanka
koonfurteed ee magaalada Bayruut inteeda
badan oo ay dagan yihiin Taageerayaasha
Ururka Shiicada ah ee Xisbulaah.
Ujeedka Dagaalkii lagu qaaday
Lubanaan
Ka dib markii ay xoogaga Xisbulaah
ay gudaha u galeen dhulka ay Yuhuudu
maamusho ee Waqooyiga Israel ayna ku
dileen 8 Askar oo yuhuud ah laguna
dhaawacay 21 kale ayna qafaasheen 2 kale
oo magacyadooda la kala yiraahdo,Ehud
Goldwaser Iyo Aldad Regev, sida ay
sheegeen Kooxda Xisbulaah,weerarka lagu
soo qafaashay labadaani Askari ayaa
dhanka Xisbulaah waxay ugu magac dareen
[BALANTII LAGA RUNSHEEGAY] halka ay
Israel-na ugu magac dartay,[CADAALADII
SUGNAYD].
Ehud Goldwasser iyo Eldad Regev
Dagaalka ayaa ahaa mid ay labada dhinac
isku dhigeen duruus lama iloobaan
ah,[CADAALADII SUGNAYD] ayaa warbaahinta
carbeed waxay ku macneeyeen in ay tahay
labo arimood oo ay Israel doonaysay
kuwaas oo kala ahaa (1) soo daynta
labada Askari Ehud Goldwasser Iyo Eldad
Regev ee gacanta ay ku hayaan Xisbulaah
ilaa maantada aan joogno,waa tan (2) de
in meesha laga saaro Kooxda Iska
caabinta Xisbulaah guud ahaanba dalka
Lubnaan waxayna gacan lixaad leh ka
helaysay Dowlada Maraykanka iyadoo
ciidamada Dowlada Lubanan aysan wax
tilaabo ah qaadan lagu taageerayo kooxda
iska caabinta Xisbulaah taa oo ay dad
badan oo siyaasada falan qeeyo ku
tilmaamayn in ay ahayd dhagar la soo
maleegay sidii Ururkaas meesha looga
saari lahaa.
Waxaa laga saaray dalka Lubnaan 2000 oo
qof oo u badnaa dadka u dhashay wadamada
reer Galbeedka taas oo caydan u ahayd in
ay Nalka cagaaran u daarayen Israel si
ay dhulka ula sinto Lubnaan,waxayna isku
raaceen dalalka reer galbeedku in ay
Israel xag buuxa u lee dahay [is
difaacad].
Dowlada Sucuudiga ayaa ku hadashay war
aad ugu xumaadeen Kooxda Shiicada ah ee
Xisbulaah waxayna tiri Sucuudig ''
Afduubka loo gaystay labada Askari waa
Is biimayn aan lagala tashan Dowlada
sharciga ah''
Wargayska New York Times ayaa waxuu
shaaciyay '' in ay dowlada Washintong
ay ku dhaqaaqday sidii ay Bambaanooyin
deg deg u gaarsiin lahayd dagaalka
Lubanan lagula jiro,isla markaasna
wasiirada Arimaha Dibada ee Maraykanka
Naagta la yiraado [Condoleezza Rice ]
ayaa waxay ka codsatay in aan xabad
joojin la samayn.
Dhamaadkii Dagaalka Farxadii Xisbulaah
iyo Murugadii Israel
Dagaalkii Lubaan iyo Israel ayaa ahaa
mid ku dhamaaday guul lama filaan ku
noqtay dowladaha reer Galbeedka iyo
Israel-ba ka sogow bururkii loo gaystay
Bayruut kama aysan bad baadin
Magaalooyinka Israel duqaynta ay Ururka
Xisbulaah ku qaadeen waxaana ay taas
keentay in ay Israel joojiso si shuruud
la'aan ah weeraradii ay waday ka dib
markii ay Xisbulaah sheegtay ina y
caasimada Israil ee Talaabiib ay hayaan
ganaalo gaaraya
Meelaha ay beegsanayeen diyaaradaha
Israel ayaa waxaa kala ahaayeen [
buundooyinka,ilaha dhaqaalaha,Qorshaynta
quwada,Garoomada diyaaradaha,Caruurta
iyo Xisbulaah sida ku cad Tusmada kore.
Fashil ayay ku noqday Dowlada Israel
dagaalkaas waxaana ka xumaaday
Asaxaabtii Israel waxaana ku farxay
xulafadii Xisbulaah oo ay ugu horaysay
Dowlada Iran iyo Suriya waxay khal khal
galisay dowlada Ehed Olmort oo ay
xisbiyada Mucaaradku ugu baaqeen in oo
is caliso oo ay ilaa maanta sumcad
daradii ka soo gaartay dagaalkaasi ay
taagan tahay.
Habada Waa Kuma Ninka Guusha Xisbulaah
ay gaartay loo tiiriyo Maxaase ka taqaan
Tiirkhdiisa.
Sawirka Xassan Nasralaah xiligi uu
yara/Sawirka Wekipedia
Xasan Nasralaha waa Gudoomiyaha guud ee
Ururka Xisbulaah waxaa uu dhashay 10
August,1960 waxaana uu ku dhashay
magaalada Baazuurah,uu u dhow magaalada
Suur,waxaa uu wax barashada Dugsiga
hoose ka bilaabay magaaladaasi isagoo ku
biiray Madarasada [xaafada Najaax]
waxaana uu watay wax barashadii waxaana
saamayn ku yeeshay dagaalkii sukeeye ee
dalkaasi ka dhacay 1975, balse waxaa uu
sii amba qaaday wax barashada Dugisa
Sarre waxaana uu ku biiray Dugisa Sarre
ee Lubnaaniyeenta ee ku yaala magaalada
Suur oo 10 KM u jirtay magaaladii uu ku
dhashay Baazuurah.
1976 ayaa Xasan Nasrulaah waxaa uu tagay
dalka Ciraaq gaar ahaana magaalada ay
shiicadu ka dhigtaan meelaha barakaysan
ee Najaf isagoo dib uga soo laabtay
sanadkii 1978,halkasina waxaa uu u tagay
arimo la xiriira barshada Diinta
islaamka gaar ahaana Qaciiqadaha
Cawaaliyada ama shiicada ee uu aamin san
yahay Nasrulaah.
1979 ayaa waxaa isagoo ku dhex jira
dhanka diinta islaamka uu docda kale
arimaha siyaasada ku biiray waxaana uu
xubin ka noqday Ururka Shiicada ee la
Yiraahdo [Amal] waxaana uu wakiil uga
noqday Ururkaasi Gobolka Biqaah ee dalka
Lubnaan.
1982 ayaa waxaa uu isaga baxay Ururkii
Amal ka dib markii uu dhacay khilaaf
wayn oo soo kala dhex galay madaxda sare
ee Amal,khilaafkaasi oo ka dhashay sidii
loo waajihi lahaa ciidamada Israel oo
xoog ku soo galay dhulka Lubnaan,isla
sanadkaasi 1982 ayaa waxaa la yigleelay
Ururka Xisbulaah oo firkir ahaan ku
dhisan afkaarta Khumayni'i-ga Iran,.
Xasan
Nasrulaah waxaa uu xilal kala gadisan ka
soo qabtay Ururka Xisbulaah,sanadkii
1985 ayaa dhaqdhaaqiisu waxaa uu gaaran
Madaarista cilmiga ah iyo waliba
deegaanadii uu u yaqaanay sida tooska ah
ee uu wax ka soo bartay, isgoo ugu
danbayntiina soo gaaray magaalada
Bayruut ee caasimada dalka Lubnaan
isagoo ay da'diisu aad u yarayd waxaana
uu jiray 32 sano.
1987 ayaa waxaa loo magacaabay Xasan
Nasurlaah waxaa loo magacaabay masuulka
ugu sareeye ee gudiga Fulinta iyadoo
sidoo kale loo magacaabay xubin ka
tirsan gudiga golaha shuurada [waa
jagooyinka ugu sareeya ee Xisbulaah].
1992 ayaa ay Dowlada Israel waxay dileen
Gudoomiyihii Ururka Xisbulaah [Cabaas
Muusawi]waxaana isla sanadkaasi loo
maacaabay Xasan Nasurlaah inoo noqdo
Gudoomiyaha Guud ee Ururka
Xisbulaah,waxaana aad u taageersan inta
badan dadka lubaaniyiinta ah kuwa
Shiicada ah.
Gabo gabo
Su'aal badan ayaa waxay ka dhalatay
umada Soomaaliyeed dhexdeeda dagaalkii
lubnaan ka dhacay ka dib, waxay qaar
yiraahdeen Shiicada lubnaan ka
dagaalmaysa iyo Yuhuudu waxba isma
dhaamaan khilaaf ayay ka dhex abuurtay
culumada qaarkood masaajida ayaa looga
duceeyay Xisbulaah waxaana ka xumaaday
,dadka qayb ka mid ah oo yiri '' waa
shiico waxbna uma hayaan
Suniyiinta,wayna noo siman yihiin iyaga
iyo kuwa ku soo duulay waxaana masaajida
qaar ka mid ah Nairobi ka dhacday
Muxaadaroon 10 muxaadaro ku dhow oo ay
culumada si is daba joog ah kala
hadlayeen shiicada waxay aamin san tahay
ee ay ka mid tahay waxa ay ka aamin san
yihiin Asxaabta Rasuulka,
Dagaalkii Lubaan Sanad ka dib yay
weerari doontaa Israel waa su'aasha ugu
wayn ay dadka carabtu isla dhex marayaan
walow ay Iran ku dhawaaqaday hadii
Suuriya la weeraro ay ganntaalo ku ridi
doonto Israel..
Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan
Faafin SomaliTalk.com | July 15,2007
Tixraaca Qoraalkaan iyo meelaha laga
heli karo.
Afeef:-Waxaan ka
afeefan in aanan qormadaan cid gaar ah ama
koox gaar ah ula dan lahayn oo aan Si sheeko
ahaan ah soomaaliya xaalada ka taagan u soo
bandhigayay [qaab sheeko ah ayaan u
diyaarinay oo kaliya]
Dhamaad.
Halkaan ka akhirso qoraaladii
Hore ee M C M Bootaan
Maxay ka noogtaa ama ku noogtaa bishimo iyo
naaaso midna ma lehWaxba
wax baa lagu keenaa sheekadaan dheer waxaan
ku keenay maanta ayaa
waxay ku aadayn 1-Jully 2007 waa 47 guuridii
ka soo wareegtay xiligii ay soomaaliya
ay xoriyada ka qaadatat Talyaaniga isla
markaasna ay midoobeen labadii Gobo lee
Soomaaliya ee Waqooyiga Somalia iyo
Koonfurta Soomaaliya.
Waa
kuma maxaase ka taqaanaa Hogaamiyaha dalka
Libiya Col Qadaafi
Madax waynaha dalka Libiya Col Mucamar Al
Qaddafi waxaa uu dhashay sanadkii 1942
isagoo ku dhasnay Degmada Sirta,waxaana uu
ahaa nin,madi ah [aynan walaalo kale la
dhalan]waxaana uu ka dhashay qoys daga
baadiyaha,xiligii uu yaraa waxaa uu ahaa nin
xoolaha raaci jiray geele iyo ariga saxaraha
Sirta .
Waa
Kuma, Maxaadse ka taqaan
Taariikh Nololeedkiisii: Dr. Cabdicasiis
Cali Cabdilxafiid (Al-Rantiisi)
Shahiid
Dr. Cabdicasiis Cali Cabdilxafiid
(Alrantiisi) wuxuu ku dhashay tuulo yar
oo la yidhaahdo Yibnaa oo u dhaxaysa
(Casqalaan iyo Yaafa)markay ahayd
taariikhdu 23 October 1947kii --waxaana
uu shahiiday 17kii Abril 2004ta
Waa Kuma, Maxaadse ka taqaan
Taariikh Nololeedkiisii: Shiikh Axmed
Yaasiin Aasaasaha Xamaas iyo is bar bardhig
DFKMG Somalia iyo Fatax.
lix iyo toban jir markii uu ahaa,ayaa Shiikh
Axmed Yaasiin,waxaa ku dhacay shil aad u
khatarsanaa oo saamayn wayn ku yeeshay gabi
ahaanba noloshiisa iyo jiritaankiisa ilaa
intii ay yuhuudu ka dileen ee uu ka
shahiiday...
Waa kuma Aadan Cadde Maxaase ka taqaanaa
Taariikh nololeedkiisii,Madax waynihii ugu
horeeyay Somalia. Waa madax waynihii ugu horeeyay 53-da dal ee
Qaarada Afirka oo idil si calaad ah uga
dagay Kursiga madaxtimada taas oo soomaaliya
Magac wayn u soo jeediy oo tusaale lama
ilaabaan ah ay ka dhigtaan Madaxda afrika.
Waa
kuma Mahathir Bin Maxamed Maxaadse ka
taqaanaa taariikhdiisa horumarka oo dalkiisa
gaarsiiyay sidee Soomaaliya ku gaarsiin
karnaa ?
Waa mid ka mid
ah dadka ugu cad cad madaxda dalalka
islaamka ee casrigaan, da'diisu iminka waa
82 sano jir. Waa ra'iisul wasaaarihii
Malaysiya intii u dhexeysey 1981 ilaa 2003.
Waa
Kuma Masuulka dagaalo sokeey oo 16 sano ah
ka dib Soomaali oo dhan bad baadiyay oo 80% laga taageeray
gobolada dalka soomaaliya oo dhan, laguna
tilmaamo inuu yahay ninka ugu siyaasada iyo
maamulka fiicnaa Soomaaliya 16 sano waa Shiikh
Shariif Shiikh Axmed, Haddaba maxaad ka
Taqaan Taarikhiisa...
Waa kuma: Aasaasihii Xarakada Ikhwaanu
Muslimiinta maxaase ka taqaan
taariikhiisa,qaab noocee ah baa loo dilay. Aasaasihii Xarkada Islmaamiga ah ee
Ikhwaanul Muslimiin,Shiikh Xasan Axmed
Cabdirixmaan (Ustaad Xasan Al Banaa) waxaa
uu dhashay barqanimo maalin Axed ah 25kii
bisha Shacbaan sanadkii 1324(Hijiryaha)
14kii October 1906, waxaana uu ku dalka
Masar deegaanka loo yaqaano Buxayra.
Waa
Kuma Ninka Soomaalida 90% ay ugu Necebtahay
Afika maxayse ku Neceb yihiin.
Qoraa soomaaliyeed ayaa waxaa uu yiri Melez
Zenawi waa Ninka ay soomaalida 90% ay ugu Neceb
tahay Africa,Mid kale ayaa waxaa uu yiri Melez
Zenawi soomaalidu waxay ay u necebtahay
siyaasadiisa Qalafsan ee uu kula dhaqmo
soomaalida iyo Muslimiinta,Qoraa kela ayaa
qoraal ciwaan waxaa uu uga dhigay Zenawi oo
kaliya afrika oo dhan maxaa ay soomaalidu u
necebtahay?
17kii
March 2005 iyo 17ka March 2007 Baarlamaanka
Soomaaliya maxaa u dhexeeyo.
Waxaan doonayaa in aan maanta 17ka March
2007 iyo 17kii March 2005 is bar bardhigno
sida ay tahay xaalada baarlamaanka DFKMG ah
ee soomaaliya labo sano ka dib markii
gacmaha ay isku la tageen xubnaha
baarlamaanka DFKMG ah ee soomaaliya, Hotelka
(Grand Regency, Nairobi) dhexdiisa.
Tixraaca
/isha: sawirada: Google search/news, yahoo
search/news, wiki, wikipedia