C/Risaaq Xaaji Xuseen
oo 2002 Qoraal Dheer Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku
Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya...
Dhanbaalkii Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo AfSoomaali Loo
Rogey:
Waxaa
af-soomaali u rogey: Axmed F. Cali idaajaa
Adareeska ama e-mailka:
idaajaa21@hotmail.com
-
Warqadii
Boqor Menelik-II u diray Reer Yurub: April 10, 1891:
"Waayadii hore soohdinta Itoobiya badda ayay ku
sinnayd, hase ahaatee kolkii ay weydey awood ku filan oo
ay wax isaga caabbido, xoogagga kiristaanka ahina ay wax
kaalmo ah taaran waayeen ayay soohdimahayagii badda
gaarsiisnaan jirey waxay u gacan-galeen quwado muslin
ah".
Hordhac:
Dabayaaqadii bishii May ee sannadkan 2002da ayaa bar ka mid ah baraha
internetka ee ay soomaalidu wax isugu tebiso (somalitalk)
waxa la iiga soo saaray dhanbaal 8 bog ka kooban oo uu qoray siyaasiga
soomaaliyeed ee ruugcaddaaga ah; Cabdirasaaq Xaaji
Xuseen. Haddiiba aniga oo aan in badan ka akhriyin ayay
sadarradii hore i soo jiiteen. Dabadeedna bogba bog buu
ii dhiibay, goor aan dhammeeyeyna ma aan ogeyn. Mar kale
iyo mar saddexaad ayaan akhris ugu noqday, aniga oo
faqrad-faqrad u dhadhansanaaya, aadna i mooddid arday
kor ka qaybaaya cashar goor dhow loo dhegeysan doono.
Badanaa
waraaqaha siyaasadda soomaalida lagaga hadlo ee baraha
internetka ka buuxa, waayadan ma daneeyo, haddii ay
gacantayda soo galaanna, ma daneeyee, waa baylihiyaa.
Agtayda way ka xiise-beeleen. Muxuu, kolka, dhanbaalkani
maanka iiga xaday weeye su'aashu, jawaabteeda oo
koobanina waxay tahay: farriinta uu sido iyo hugunka
laabtayada ayaa iswaafaqay.
Aan ku
noqdo dhanbaalka Cabdirasaaqe, horta wuxuu ku qoray
Af-Ingiriis (May 19, 2002), wuxuuna ku saabsan yahay Itoobiya wixii
ay shalay soomaalida ku fashay, sida foosha xun ee
maanta dandarrada haysa ay uga faa'idaysanayso iyo
tabcooyinka lagama-kacaanka ah ee ay berri la maaggan
tahay. Waa xilligii loo baahnaa dhanbaal ku soo beegmay
oo, shisheeyaha loogu talo-galay ka hor, soomaalida lagu
daafacayaa ay baahi weyn u qabto. Waxaan is-iri: Waa
dulmi dhanbaalkan oo kale inuu ku dhex-wareego oo keliya
soomaalida inta kombiyuutarrada haysata ee internetka
rukuman karta, af-ingiriiskana wax ku akhrin karta.
Kolka maxaa la yeelaa? markii aan isweyddiiyeyna waxaa
ila habboonaatay in aan soomaaliyeeyo, dabadeedna lagu
faafiyo internetka iyo wargeysyada dalka iyo dibeddaba
ka soo baxa.
Waxaa
haddaba jira dhawr sababood oo aan dartood hawshan u
galay, iguna dhiirri-geliyey, waxaana ka mid ah:
1) Inay muuqato soomaalida dhexdeeda weli inay ku
dambeeyaan qofqof meelo ku qarsoon oo isaga oo aan kursi
iyo xoolo ka jeeqaaqayn aayaha dalka ay dani ka hayso,
darxumadiisana ka gubanaaya;
2) Inay
soomaalida u caddaato Cabdirisaaq oo 80 sano
cagacagaynaya inuu dalkii hiil u doontay; markii ay
dadkiisii u qaybsameen kooxo Itoobiya kolba cad ka
iibinaaya, in kuwaas u sacab-tumaysa iyo in, cabsi
awgeed, ku fiirsanaysa;
3) Bal
inay dadweynaha soomaaliyeed maqlaan hawraar iyo doodo
ka duwan waxa silloon ee siyaasiyiin-ku-sheegga
aqoondarradu dilootay ay dhegaha ugu shubayeen
toban-iyo-dheeraadkii sano ee la soo dhaafay; dood madax
bannaan oo saraakiisha nabadsugidda Itoobiya aan
markeedii hore laga soo maqlin, mar walbana lagu
raalli-gelinayn; dood ka sarraysa magaalo-hebla,
reer-hebel baa leh, degmo hebla reer-hebel baa laga
haystaa, qabiil-hebelna Tigrayga Itoobiya ayaa ii dhaama;
dood qab-waddaninnimo uu ka dhadhamaayo oo ninka inoo
soo jeedinayaa uu si walba u hubo fikradda ah: Itoobiya
inay dal tahay, Soomaaliyana ay dal kale tahay;
fikraddaas oo aad mooddo soomaali badan oo gudaha ku
sugan in waayadaan madmadow laga geliyey!
4.
Sababta afraad ee aan dhanbaalkan u soomaaliyeeyey waxay
tahay ummaddu inay ogaato garaadka sare iyo maskaxda
weyn ee dadkii xisbigii Leegada (SYL) ku soo barbaaray
ay soomaalida kale dheer yihiin. Waxaan ka xumahay inaan
iraahdo, Leego cidi kama dambayn!, waanse ku qasbanahay.
Sida ay taasi ku dhacdayna waa arrin u baahan in
sababteeda baaris loogu noqdo, aynuna uga faa'idaysanno
hawlaha dib-u-abuurka ummaddeenna marka aynu u
qalab-qaadanno, haddiiba dadka dib loo abuuri karo!
Haatanna waa dhanbaalkii oo soomaaliyaysane, akhris
wacan oo wax-ku-qaadasho leh.
***
Shantii
ilaa lixdii sano ee aynu soo dhaafnay,taliska Meles
Zenaawi ee Itoobiya marnaba ma qarsan sida uu ugu
raad-joogo meel-marinta himilada haliilka joogtada ahi
weheliyo ee muddada qarniyada ah uu dalkaasi ku soo
taamaayey; taas oo ah isballaarinta iyo
dhul-ka-gogashada dalalka deriska la ah sida soomaaliya.
Boqorradii taliskan ka horreeyey sida Mililiqii II iyo
Xayle-selaasihii I waxay galaangal ula tageen xoogaggii
Reer Yurub ee xilligoodii, si ay uga kaalmeeyaan tabihii
ay riyadoodaasi ugu dhaboobi lahayd. Hoggaamiyeyaashaasi
waxay dareensanaayeen kaalmada caynkaas ah inay xaq u
leeyihiin, helina doonaan, marba haddii iyaga iyo
kiristaanka Yurub ay diin qura wadaagaan.
"waayadii hore soohdinta Itoobiya badda ayay ku
sinnayd, hase ahaatee kolkii ay weydey awood ku filan oo
ay wax isaga caabbido, xoogagga kiristaanka ahina ay wax
kaalmo ah taaran waayeen ayay soohdimahayagii badda
gaarsiisnaan jirey waxay u gacan-galeen quwado muslin
ah"
Menelek II: April 10, 1891
WARQADII MENELEK OO
DHAMAYSTIRAN
Ciidamo Itoobiyaan ah oo harsanaya Geed-hindi;
Muqdisho Jan 4, 2007. AFP |
Arrintaas iyada ahi si ay noogu sii caddaato, waxaa
halkaan ku habboon inaynu markhaati ahaan u soo qaadanno,
waxna ka soo xiganno warqad-wareegtadii caanka noqotay
ee ku taariikhaysnayd 10kii Abriil 1891kii; taas oo
boqor Mililiq uu ku hagaajiyey xoogagga Reer Yurub, gaar
ahaan Ingiriiska, Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga iyo
Ruushanka. Qodobbadii dhawrka ahaa ee uu warqaddaas ku
sheegay waxaa ka mid ahaa kii uu ku lahaa, "Afar iyo
toban qarni ayay Itoobiya ahayd jasiirad ku dhex-taal
bad wada cawaan iyo diinlaaweyaal miiran ah". Isla
warqad-wareegtadaas meel kale oo ka mid ah wuxuu Mililiq
ku yiri, "waayadii hore soohdinta Itoobiya badda ayay ku
sinnayd, hase ahaatee kolkii ay weydey awood ku filan oo
ay wax isaga caabbido, xoogagga kiristaanka ahina ay wax
kaalmo ah taaran waayeen ayay soohdimahayagii badda
gaarsiisnaan jirey waxay u gacan-galeen quwado muslin
ah". Taasi ma aha sheegasho iyo himilo ku ekayd amaba la
dhimatay Itoobiyadii Miliq iyo Xayle-selaase ay ka talin
jireen. Maantadan la joogo ayaa waxaa la maleegayaa
qorsheyaal iyo shirqoollo hor leh oo lagu ebyaayo
hawshii qabyada ahayd; hawshaas oo ah isballaarinta
xagga dhulka iyo gacan ku dhigidda badaha ay ummadda
soomaalidu leedahay.
Riyadaas Itoobiya si uu uga dhabeeyo, Meles Zenaawi
wuxuu isku deyayaa inuu qorshihiisa ku meelmariyo hab
doqon-ma-garato ah iyo hannaan la dahaaray, isaga oo ay
la tahay sidaas inuu ku gaari karo fulinta himiladiisa
ku kooban qabsashada iyo xalaalaysiga dhammaan
Soomaaliya amaba qaybo ka mid ah. Maabka dalka isaga oo
isha ku haya, isla markaasna ka faa'iidaysanaya
ismari-waaga siyaasadeed ee xilligan Soomaaliya ka jira
iyo, weliba, soohdimaha dheer ee ay Itoobiya la leedahay
ayuu Zenaawi waxa uu ku shaqaynayaa tabo hor leh oo sida
soo socota isu xiga:
· Marka
koowaad xoogagga shisheeyaha ah inuu ku qanciyo
Soomaaliya in loo arko dal Itoobiya looga dambeeyo,
iyadana wax laga weyddiiyo;
· Marka
labaaad, tabihii gaboobey ee gumeysteyaashii hore isaga
oo adeegsanaaya inuu kooxba koox ku jeediyo,tolbana uu
tol ku dilo;
· Marka
saddexaadna inuu si fudud ugu dhex-fido,danihiisa ku
fushado, sidaasna uu ugu gogol-xaaro falka gunaanadka
ah, siday qarnigii 19d yeeli jireen gumeysteyaashii Reer
Yurub markii uu hooshkii Afriki socdey. Falka gunaanadka
ahi waxa uu yahay Soomaaliya oo dhammaanteed ama qaybo
ka mid ah ciidammo lagu qabsado, si kama-dambays ahna
loogu daro Imberaadooriyadda Itoobiya.
Haddii
aysan arrintu sidaas ahayn, waa maxay sababta
hoggaamiyaha Itoobiya ay uga go'an tahay tan iyo 1996kii
inuu dhexda ka kala jebiyo dedaal kasta oo lagu
heshiisiinaayo kooxaha soomaaliyeed ee tartanku ka
dhexeeyo? Qaar ka mid ah qabqableyaasha dagaalka muxuu
uga dhigtaa la-haysteyaal;kuwaas oo Addis Ababa iyo
Soomaaliya inta badan Addis Ababa ku sugan, Zenaawi
amarradiisana sida ay yihiin iyo su'aal la'an ku fuliya?
Waxa uu Zenaawi taas uga gol leeyahay waxay tahay inuu
qabqableyaashaas ka dhigto markhaati uu ku
muujiyo,xoogagga shisheeyahana uu ku qanciyo
Soomaaliyada maanta in loo aqoonsado dhul raacsan
Itoobiyada maanta oo ku quud iyo qaaraan ah!
"Waa
in aynaan kuxiraan in aan akhbaarta keliya ka
qaadano Itoobiya kuwaas oo inkasta oo ay
saaxiibadeen yihiin haddana waxay wataan qorshe
iyaga u gaara oo aan caddayn, waxayna
kabadbadiyaan khatarta." sidaas waxa yiri
Ken Menkhaus, oo professor sare ka ah Davidson
College, USA, kaas oo ku takhasusay Soomaaliya
iyo dhaqdhaqaaq yadeeda Islaamiga ah,
islamarkaana lataliye xagga siyaasadda uga ahaa
hawlgalkii Qaramada midoobey ee Soomaaliya,
marka uu hadalkaas yiri waxay ahayd talaado
November 27, 2001 asagoo ka hadlayey kulanka
Carnegie Endowment for International Peace
symposium (Washington, D.C.) oo looga hadlay
Afrika, Islaamka iyo argagixisada "Africa,
Islam, and Terrorism". GUJI.... |
1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite
Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great
Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya
[Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka
Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo
eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo
bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu
wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato
dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan
Ogaden.
GUJI... |
adopted 6 February 1996
Calanka Cusub ee Itoobiya oo lasameeyey 1996 (oo
ah intii ay Soomaaliya ku jirtey burburka) sida
kamuuqata sawirka sare waxaa dhexda kagajira
xidig shangees ah oo kudhexjirta qayb buluug ah.
Sida hoos kamuuqata Calanka
Soomaaliya waa buluug xidig dhexda kagajirto.
Taariikhda Calanka Soomaalida |
|
Bandhig-taariikheedkaas kooban ka sokow, waxaa jira
laba arrimood oo waaweyn, ilaa maantana Itoobiya iyo
ummadda soomaalidu aanay xal ka gaarin.
Arrinta
koowaadi waa u-halganka madaxbannaanida ee ka jiri jirey
gobolka ay soomaalidu degto ee Ogaadeenya lagu magacaabo,
kaas oo weli taliska Itoobiya ku hoos-jira. Dadweynaha
gobolkaas dega aayahooda ayaa mar walba saldhig u ahaa
colaadda labada dal.
Dadkaas
oo ku dheggan xaqa ay aayo-ka-tashigooda u leeyihiin iyo
Itoobiya oo xaqaas lama-duudsiyaanka ah diidmo la
hor-taagan ayaa u sabab ah xiisadda joogtada ah ee
astaanta u ah xiriirka Itoobiya iyo Jamhuuriyadda
Soomaaliya. Sida la garawsan karo, soomaalidu waxay
taageeraysey himilooyinka sharciyadda ku qotoma ee
dadweynaha ay xigtada yhihiin, halkaasna ku dhaqani ay
higsanayeen. Xiiisaddaasi waxay sabab u noqotay labadii
dagaal ee ay labada dal isaga hor-yimaadeen 1900 iyo
lixdannadii iyo 1900 iyo toddobaatannadii.
Sida ku
xusan, hannaanka federaalka ee Itoobiyada uu Zenaawi
maanta ka taliyo, gobolkaas ay soomaalidu degto waxaa
waraaqaha dushooda ugu qoran amaba lagu hafraa inuu u
xuub-siibtay geyi madaxbannaan oo iskiis isu maamula.
Hase ahaatee, runta biyo-kama-dhibcaanka ahi taas si
walba ayay uga duwan tahay, sida aynu ku arki doonno
meelo kale oo qoraalkan ka mid ah oo, si kooban, aannu
arrintaas ugu falanqayn doonno.
Istaraatiijiyaddan sida xarfadda leh loo qorsheeyey,
loona dhaqan-geliyey ee ku saabsan waxa lagu sheegay
gobollaynta dalka iyo ismaamullada madaxa bannaan ayaad
mooddaa in soomaalida geyigaas ku dhaqan si fudud loogu
siray, loogana tallaabsaday dabin dusha sare laga
qurxiyey oo ay hadda ku dhex-dhaceen. Taasina, ugu
yaraan, xilligan maanta la joogo, waxay dadweynahaas ka
dhigtay samaley warma la' aan cidina huur iska saarin,
lana tixgelin.
Sidaasna waxaa ku baabba'day arrintii u-dagaallanka
madaxbannaanida oo haatan noqotay baal ka mid ah
baalasha taarikhihii hore ee la soo dhaafay. Si kastaba
ha ahaatee, inta uu socdo halganka lagu tiigsanaayo xaqa
dabiiciga ah iyo himilada sharciga cuskan, loogana gol
leeyahay ummadda soomaaliyeed ee xaqdarrada lagu kala
googgooyey inay ku gaadho aayo-ka-tashigeeda iyo
madaxannaanideeda; inta uu halgankaasi socdo shaki kuma
jiro kuwa horseedka iyo hormuudka u noqon doonaayi hadba
inay la kulmi doonaan niyadjab,kacaa-kuf iyo goobo
lagaga gacan-sarreeyo.
Ha
yeeshee, marba haddii ay ka go'an tahay qadiyaddaas xaqa
ah ilaa dhammaadka inay u halgamaan, waxaa hubaal ah
dagaalka kama-dambaysta ah inay iyaga guushu ku raaci
doonto.
Arrinta labaadi waxay tahay soohdimaha labada dal oo aan
weligeed si wadajir ah loo qeexin. Isla dhibaatadan ayaa
ahayd sababtii ugu weyneyd ee dhalisay dagaalkii
Talyaaniga iyo Itoobiya ka dhex-dhacay intii u dhexaysey
1935kii-1936kii; kaas oo soo gebaggaboobey kaddib markii
uu Talyaanigu dalkaas gacanta ku wada dhigay.
Dabayaaqadii 1949kii kolkii Soomaaliya qaybtii uu
Talyaanigu ka talin jirey Qarammada Midoobey la
hoos-geeyey, awoodda maamulkeedana Talyaaniga loo
agmaday; waqtigaas isaga ah Qarammada Midoobey si buuxda
ayay uga dheregsanayd dhibaatadan soohdinta ee aan la
isla meel-dhigin. Labada dhinac ee ay arrintu khusayso
waa Itoobiya iyo Talyaanigee ayay hay'addaas caalamiga
ahi waxay ku guubaabisay inay si toos ah arrinta uga
wada hadlaan, xalna uga gaaraan ka hor inta aanu
dhulkaasu gobannimadiisa qaadan.
In
kastoo Talyaaniga iyo Qarammada Midoobeyba ay
wax-ka-qabadka arrintaas ku dedaaleen, haddana
bartamihii 1900 iyo lixdannadii ayay Soomaaliya
gobannimadeedii qaadatay, iyada oo aan Itoobiya la
lahayn soohdimo qeexan oo lagu nabad-geli karo. Taasna
waxaa sabab u ahaa tabihii manjo-xaabinta iyo
waqti-lumiska ee ay Itoobiya ku dhaqmaysey iyo ,weliba,
iyada oo wax tanaasul ah aan inna dhego u lahayn. Sidaas
darteed, ilaa maanta labada dal waxa kala soocaa waa
xarriiqda kummeelgaarka ah; taas oo dabayaaqadii 1949kii
uu sameeyey maamulkii Ingiriiska ee markaas xilka
wareejinaayey, isaga oo uga gol lahaa inay noqoto
tallaabo aan ku-dhaqan dheer lahayn oo xilligaas uun ku
eg.
Ingiriiska oo hormuud ka ahaa kala-googgoynta ummadda
soomaaliyeed oo ah ummad dhinac walba isaga mid ah ayay
malaha qaniinyada damiirku danaqday, markaas ayuu
dagaalkii 2d ka dib si aan kal iyo laab ahayn wuxuu u
soo jeediyey in ummaddaas kala qaybsan dib loo mideeyo,
iyada oo taana magaca soomaali-weyn lagu meel-marinaayo.
Ha
yeeshee,qorshahaasi ma suuraggelin, waxaana ugu wacnaa
maamulkii waqtigaas oo isbeddal ku yimid iyo, weliba,
dano kale oo uu Ingiriiska arrintaas uga muhiimsanaa;
taas oo u horseedday inuu wax walba sidoodii hore u
daayo. Haddaba, iyada oo ka faa'idaysanaysa maqnaanshaha
cod soomaaliyeed oo caalami ahaan la aqoonsan yahay ayay
xukuumaddii Ingiriiska ee markaas jirtey, dhinaca
Itoobiyana u janjeertay waxay xarriiqdii kummeelgaarka
ahayd ka jeexday bartii ay Itoobiya u doonaysey!.
Muddo toban sano ka badan ismari-waaga siyaasadeed ee
Soomaaliya hadduu soo jiitamaayey,soomaaliduna ay si
buuxda u muujisay inaanay awood u lahayn arrimahooda
gudaha inay maaro u helaan ayaad mooddaa Itoobiyada
Meles Zenaawi inay taasi ugu muuqatay fursad u soo
martay. Waxay u aragtay in la gaarey waqtigii ku
habboonaa ee ay ka faa'idaysan lahayd soomaalida
jilib-jilibka iyo degmo-degmada u dagaallamaysa, garaad
waddaninnimo iyo mid qawmiyadeedna aan, haba yaraatee,
lagu ogeyn. Itoobiyada Zenaawi waxay haddana og tahay,
kana faa'idaysanaysaa bulashada caalamku inay ka
niyad-jabtay, kana daashay dhibaatooyinka Soomaaliya ee
loo maaro waayey, markaasna, waxay mudanayso ha mudatee,
iyada iyo waayaheeda faraha la isaga qaaday!
Arrintaasina waxay Itoobiya u suuraggelinaysaa inay
noqoto awoodda keliya ee laga tixgeliyo Geeska Afrika oo
leh xeeb dheer iyo dekado casri ah oo maraakiibta
waaweyni ay ku soo xiran karto.
Hadalkii oo kooban, waxaa muuqata Itoobiya inay maanta
ka go'an tahay soomaalida iyo bulshada caalamkaba inay u
caddayso wax iska dhammaaday inay yihiin labadii
arrimood ee kala ahaa madaxbannaanida Ogaadeenya iyo
soohdimaha aan qeexnayn ee labada dal. Taas oo keliyihii
kama go'nee, waxay u tafo-xaydan tahay weerar ay uga gol
leedahay cadcad inay u kala googgoyso wixii soomaalida
ka haray; dawlad ahaan iyo ummad ahaanba. Arrintan
haddii dhinac kale laga eego, waxaa muuqata Itoobiyada
Zenaawi inay ka leedahay laba ujeeddo oo isfeer-socda,
isla markaasna iskaabaya. Middood ayaana midda kale
iyaga uga degdegsan.
Tan
koowaad ee haddana ugu muhiimsani waxay tahay in god
dheer lagu hubsado arrimihii ku saabsanaa himilada
madaxbannaanida soomaalida iyo murankii soohdimaha, si
kama-dambays ahna loogu arko bog xirmay oo ka mid ah
bogagga taariikhda. Sida ugu habboon ee taas lagu
meel-marin karaana waa burburinta iyo baabba-ka-yeelka
dawladda soomaaliyeed; dawladdaas oo ah waxa ay Itoobiya
u aragto kicinta dadweynaha iyo car-isu-taagga inay
iyadu sabab u tahay. Taasi kolkii ay u meel-marto, waxaa
iyadana si fudud loo gaari karaa ujeeddadii kale iyo
riyadii da'da weyneyd ee ahayd Soomaaliya oo idili qayb
Itoobiya ka mid ah inay ku dambayso!
11kii
Sibtembar ka dib
Si
degdeg ah ayay Itoobiya waxay dardar cusub u gelisay
faroggelintii xumaatada huwanayd ee ay ku haysey
arrimaha gudaha ee Soomaaliya; iyada oo ka
faa'idaysanaysa 11kii Sibtembar falalkii naxdinta lahaa
ee dhacay iyo maantaas ka dib welwel iyo hiyikac siyaado
ah wixii ay dhacdooyinkaasi dunida oo dhan ku ekeeyeen.
Sidaas
darteed, falalkeedii hore kuma adkaysan oo keliyahe,
waxay Itoobiya beryahan dambe aad u xoojisay muddadii
10ka sano ahayd ku-xadgudubkii ay kula kacaysay
madaxbannaanida Soomaaliya iyo dhammaanshaha dhulkeeda.
Si joogto ah ayay ciidammadeedu dhowaanahan u soo
gelayeen qaybo Soomaaliya ka mid ah, gaar ahaan
gobollada Gedo, Bay, Bakool iyo Waqooyi-bari (puntland);
iyada oo, haba yaraatee, aanay jirin marmarsiinyo run
cuskan oo aan ka ahayn halkudhegyada haatan laga daaley
ee laga badbadiyey sida Al-itixaad iyo argaggixiso.
Waraysi:
Dr. Cumar Cusmaan Raabeh
Waraysi
dheer oo ay SomaliTalk la yeelatay Dr. Raabeh
ayuu kaga hadlay arrimo badan oo ay kamid yihiin
"Khatarta Culus ee Maanta uu kujiro Qaranka
Soomaaliyeed iyo Xallinteeda.." Waraysigii ka
dhegeyso
halkan |
Tan iyo
11kii sibtembar, erayga laga wada baqo ee argaggixiso
ayaa wuxuu noqday qalab waxtar ah oo ay adeegsato cid
walba oo sida Itoobiya ay ka hor-muuqato dan iyo ujeeddo
ay fushanayso; iyada oo aan ka cabsanayn inna wax canaan
ah oo uga timaadda meelaha wax canaanan kara, gaar ahaan
ummadda adduunka ugu xoogga badan; waa Maraykankee. Qof
alla qofkii fursaddaas wacani ay dhaafto ama ka
faa'idaysan waayaana wuxuu noqonayaa doqon salleello ah,
Zenaawina ma aha, umana dhowa.
Sababahaas aan soo taxnay daraaddood, tan iyo 1996kii
Itoobiyada Zenaawi waxay ahayd dhagaxa ay ku
dul-burburto tallaabo kasta oo loo qaado xagga
dib-u-heshiisiinta qaranka soomaaliyeed. Si ay dedaalka
caynkaas ah u manjo-xaabiso waxay Itoobiya kaalmaysaa,
isla markaasna dhiirri-gelisaa qabqableyaasha dagaalka
tiro ka mid ah. In kastoo kuwaas badankoodu ay hadda
cidla' taagan yihiin oo aysan taageereyaal
lahayn,haddana,iyada oo garabgalka Itoobiya uu ugu wacan
yahay, waxa ay weli awood u leeyihiin wararka inay ku
jiraan oo magacyadooda idaacadaha laga maqlo,tilmaanta
haatan laga xishoodo ee "qabqable-dagaal" iyaga oo
huwanna ay iyada nolol ka daydaan, kuna xoogsadaan.
Waraysi C/Risaq Xaaji Xuseen ee Somalistar
Nidaamka Federalku Makashaqaynkaraa Soomaaliya!,
Waa su'aal kamida waraysigii Somalistar ee
ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya oo
markaas kusiijeedey Eldoret
GUJI 6/11
C/risaaq Xaaji Xuseen oo Itoobiya
canbaareeyay - Nov 15, 2002
Cabdirisaaq Xaaji Hussein oo Soomaalia horay
uga ahaan jiray raíisulwasaare ayaa dawlada
Itoobiya ku eedeeyey inay xagal-daacinayso
Shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee ka socda
Magaalada Eldoret ee dalka Keenya .
Cabdirisaaq Xaaji Xuseen wuxuu sheegay in
xalka Soomaaliya uu ku jiro in iyaga loo daayo
inay aayahooda ka tashadaan, isla markaana ay
itoobiya faraha kala baxdo arrimaha shirka ,wuxuuna
meesha ka saaray in wax natiijo ah ay ka soo
baxi doonto shirka Eldoret inta ay Itoobiya
hor-boodayso.
Wuxuu kaloo sheegay in taliska Addis Ababa uu
wixii ka dambeeyey ridistii xukuumaddii
Milatariga ahayd ee Soomaaliya, ay ku soo
daad-guuraynaysay dalka Soomaaliya rasaas iyo
miinooyin, wuxuuna wax lala yaabo ku tilmaamay
in Itoobiya oo sal u ahayd colaadda Soomaaliya
ay xilligan isku tilmaanto mid ka shaqaynaysa
dib u heshiisiinta Soomaalida..
Hibaaq samatar
Radio Xoriyo
Nov 15, 2002
|
Sidoo
kale, Itoobiya waxay ku guuleysatay inay sasabato oo ay
oggolaansho ka hesho qaar ka mid ah
hoggaamiye-dhaqmeedyada koonfurta iyo waqooyiga dalka ku
kala sugan, si dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya ay u soo
gasho mar alla markii ay dan u aragto,iyada oo
ammaankeeda qaran marmarsiinyo ka dhiganaysa. In kastoo
hagaag loo duri karo hoggaamiye-dhaqameedyada awoodda
siinaysa sharciyaynta ku-xadgudubka ay Itoobiya kula
kacayso dhammaanshaha dhulka dawladda soomaaliyeed,
haddana oggolaansho doonashada qudheeda ayaa waxay si
caddaan ah u muujinaysaa waxa u qarsoon ee Itoobiyada
Zenaawi ay Jamhuuriyadda Soomaaliya la maaggan tahay!
Waxaa
lagama-maarmaan ah in la xusuusto laba sano iyo dheeraad
ciidammo Itoobiya leedahay inay si joogto ah xeryo ugu
lahaayeen, una fadhiyeen intooda badan gobollada Bay,
Bakool iyo Gedo. Weliba dhulka ay degganaayeen waxaa ka
mid ah meelo magaalooyin ah sida Baydhabo, Luuq, Xuddur
iyo Buulo-xaawo. Qof kasta oo isku deyey ciidammadaas
dalka qabsaday inuu su'aal ka keeno waxaa lagu dhejiyey
inuu Al-itixaad ka tirsan yahay,sidaasna uu argaggixiso
ku yahay, dabadeedna waxa uu mudan karo, cidi kaama
xigtee, adiguba bal malee!
Waxaa
iyaguna jirey warar aad loo baahiyey oo sheegaaya 11kii
sibtembar ka dib,faroggelinta dardarta cusub la geliyey
ee Itoobiya ay kula kacday arrimaha gudaha ee Soomaaliya
in loo qaadan karo hawlo ay Maraykanka wakiil uga ahayd.
Wargeyska Washington Post ee soo baxay 4tii
Nofembar,2001dii siduu qoray, dawladda Maraykanku waxay
Itoobiya kala shaqaynaysaa qorshe wadajir ah; kaas oo ay
Itoobiya ku heli doonto tabobbar xagga wardoonka ah,
iyo, malaha, qalab iyo gaadiid. Haddaba,wararka caynkaas
ahi haddii ay run noqdaan, soomaali allaha u naxariisto!
Mar
kale, hadalkaasi hadduu dhab yahay, waxaa u eg tahay
Maraykanka in la siiyey talo aan hagaagsanayn oo ku ridi
karta waddo aan hagaagsanayn, timaaddadana dhibaato
xaddi ballaaran laga filan karo. Ruux kasta oo si fiican
ula socda taariikhda qarniyada soo taxnayd ee Itoobiya
iyo Soomaaliya marnaba kuma uu degdegeen inuu Itoobiya
adeegsado, si uu Soomaaliya gudaheeda uga fuliyo
ujeeddooyin cayiman iyo bartilmaameedyo qeexan. Habka
keliya ee ay taasi ku hirgeli kartaa waa ciidammada
Itoobiya inay si toos ah dalka u qabsadaan; iyaga oo ku
naalloonaaya madax-salaaxa iyo taageerada dawladda
Maraykanka.
11kii
sibtembar toddobaadyadii xigey ee hiyikaca ballaaran iyo
walaacu ay dunida saabteen ayaa, sida lagu warramay,
waxaa laga shaqaysiiyey qorshihii wadajirka ahaa ee
Itoobya iyo Maraykanka. Kooxo labada dhinac ka tirsan oo
iskaashi xagga wardoonka ahi uu ka dhexeeyo ayaa loo
diray qaybo ka mid ah Jamhuuriyadda Soomaaliya, si ay u
soo baaraan dalkaas gudihiisa inta uu awood ku leeyahay
ururka jiritaankiisa sida weyn loo buunbuuniyey ee
Al-itixiaad. Arrintaasna waxaa dardar geliyey saraakiil
sarsare oo Maraykan ahi markii ay ku dhawaaqeen
Soomaaliya inay tahay bartilmaameedka Afgaanistaan ku
xigi doona.
Baaristii xagga wardoonka ee uu Maraykanku gudaha dalka
ka sameeyey waxaa, sida muuqata, ka soo baxay inaan wax
caddayn ah loo haynin arrintii muddada dheer la wadwaday
ee ku saabsanayd awoodda iyo saamaynta Al-itixaad uu
Soomaaliya ku leeyahay; taas oo ahayd Itoobiya iyo ilo
kale oo warmoog ahi wax ay dunida ka dhaadhiciyeen.
Sidaas darteed, waxaad moodda xukuumadda Maraykanku inay
u aragtay wax aan faa'iido ku jirin inay maal iyo xoogba
ugu sii waddoo hawl-qabadkii loo dhammaa' ee lagu soo
warramay iyada iyo Itoobiya inay wada qorshaynayeen.
Haddii ay arrintu sidaas tahayna, waa dharbaaxo xoog leh
oo ku dhacday ra'iisal-wasaare Meles Zenaawi rajadiisii
ahayd inay xukuumadda Maraynku kala qayb-gasho
ka-faa'iidaysiga iyo faroggelinta foosha xun ee arrimaha
gudaha ee Soomaaliya uu ku hayo.
Dhaqdhaqaaqii xoraynta ee Zenaawi kolkii uu ololaynaayey
xukuumaddii keli taliska ahayd ee Mengistu in talada
laga wareejiyo, waxa uu lahaa barnaamij ku ballan-qaadi
jirey habkii xukun-shuuciga iyo keli-talisnimada ee
dalkaasi ku socdey inay xididdada u siibi doonaan,
Itoobiyana ay u rogi doonaan dimoqraaddiyadda
baarlamaaniga ah dal lagu maamulo.
Haddii
arrintaas dhab loogu sii fiirsado, macnaheedu wuxuu ahaa
isla markiiba in dhidibbada loo aaso hannaan cusub oo
dastuuri ah; kaas oo leh qaabka lagu yaqaan dawlad
federaal ah. Hannaankaas ayay tahay, iyada oo qaynuunka
la raacayo, inuu ilaaliyo qawmiyadaha ay dawladdaasi ka
kooban tahay, si ay mid waliba u yeelato ismaamulkeeda
madaxa bannaan, iyada oo, juqraafi ahaanna, ku dhaqan
dhul qeexan oo loo og yahay. Awoodda qura ee xukuumadda
federaalka ahi leedahay waxay tahay: gaashaandhigga
qaranka, maaliyadda iyo arrimaha dibedda. Runtii, waa
war wanaagsan,hase ahaatee, sida la yiri, dhadhanka
doolshaha markii la cuno ayuun baa loo tagaa.
Bilihii
Mey iyo Juun 1991kii, isla markii uu xukunka gacanta ku
dhigayba, Meles Zenaawi wuxuu si degdeg ah u burburiyey
taliskii Mengistu ee ku dhisnaa habkii shuuciga ee
Soofiyeetka . Halkiisii, wuxuu taliska cusubi soo
geliyey hab dastuurigii federaalka ahaa ee lagu
ballan-qaaday; iyada oo dalkii loo qaybiyey gobollo
federaal ah oo iskood isu maamula,qawmiyadana ku dhisan.
Arrinta kala furfuridda hab xukunkii xoogga lahaa ee ay
qawmiyadda Amxaaradu hormuudka ka ahayd ma ahayn fikrad
daacadnimo ku dhalatay iyo dareen aadaminnimo amaba
tallaabo looga gol lahaa silic-ku-noosha dalkaas in laga
bedbaadiyo maamulladii cadaadiska ku hayey ee muddada
qarniyaasha ah madaxa kaga fadhiyey. Sababta runta ah ee
ka dambaysa xukun-baahinta iyo abuurka hannaanka
federaalka ah waxaa laga lahaa laba ujeeddo:
1) Tan
koowaadi waxay tahay habka federaalka debecsan in laga
dhigto xayndaab adag oo lagu hor-joogsanaayo Amxaarada
oo ay suuraggal tahay inay xukunka ku soo noqdaan;
2) Ujeeddada labaadina waxay ahayd in habkaas loogu
adeegto qalab dib loogu abuuro, lagu adkeeyo oo lagu
joogteeyo talis ay qawmiyadda Tigraygu hormuud ka tahay.
Riwaayadda inteeda kale waxay ahayd, welina tahay
indho-sarcaad iyo walalac been ah.
Waayo-aragnimada laga dhaxlay 10kii iyo dheeraadkii sano
ee aynu soo dhaafnay siday inoo muujinayso, ma jiraan
faa'iidooyin sheegis mudan oo, Tigrayga mooyee, ummadda
inteeda kale u soo hoydey. Xataa waxaan waxba ka
naaso-caddayn xorriyadda hadalka oo si gaar ah iyada in
badan loo buunbuuniyey. Runtii waa wax aan magaca
dhaafsiisnayn waxa lagu sheego gobollo madax bannaan oo
dastuurka qoran haddii la raaci lahaa yeelan kari lahaa
awoodo sharci-dejineed oo ismaamulka ku saabsan. Iyada
oo adeegsanaysa khiyaamooyin iyo tabo inkaaran ayay
xukuumadda dhexe ee Zenaawi waxay soo magacwdaa madaxda
gobollada, sidaas daraaddeedna waa malluugyo aan cod
lahayn oo kolba dhinac loo jeediyo.
Si
kale haddii loo yiraahdo, waa wax lagu dagmi karo haddii
gobolladaas lagu sheego kuwo 'madax bannaan oo iskood
ismaamul u leh. Waxay taasina aad u muuqanaysaa markii
loo fiirsado tabaha khiyaamooyinka huwan ee uu Zenaawi u
samaystay faro-gelinta arrimaha gudaha ee gobolladaas
iyaga ah; tabahaas oo ay ka mid yihiin ciidammadiisa
meel walba tuban ee sida xoogga leh u hubaysan, kana
wada tirsan qawmiyadda Tigrayga.
Mashruuca dhabta ah ee meel-marintiisa lagu hawllan
yahay waa in la dhiso xukun Tigraygu calanka u sido oo
Itoobiya ka hirgala. Ilaa maanta, wuxuu u eg yahay
mashruuc shaqaynaya, su'aasha cid walba u furanse waxay
tahay: waqti immisa le'eg ayay sidan wax u soconayaan?
Si kastaba ha ahaatee, waxaa haatan dibadda soo
shaac-baxay astaamo muujinaya dadweynaha Itoobiya
baraarug ku soo kordhay iyo taliska halkaas ka jira sida
looga qash dhacay, niyaddana looga nacay.
Sababaha iyo ujeeddooyinka aan soo xusnay ka sokow,
muruq-gilgilka iyo dhoollo-tuska ay Itoobiya ka waddo
soohdimaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaa suuraggal ah
inuu ku lug leeyahay dhibaatooyinka isa soo taraya ee
gudaheeda ka aloosan. Markaas oo kale, si qulquladaha
gudaha ka jira ummadda looga jeediyo, sida Al-itixaad
iyo argaggixiso in cadow dibedda ah loo abuuraa, waa tab
weligeed soo jirtey oo buuraha la da' ah!
Ra'iisal wasaare Meles Zenaawi waxa uu istusay
Soomaaliya inay tahay goob aan cidina cid ka xigin; taas
oo ah sababta wax laga saari karo dalkaas habaaran
faro-gelinta joogtada ah ee arrimihiisa gudaha uu ku
hayo. Waxa uu falkaas ugu dhiirranayaana waa mawqifyada
iska soo horjeeda iyo xiisadaha soo af-jarmi waayey ee
Soomaaliya siday faraha ugala baxeen ururrda caalamiga
ah ee ay ka midka yihiin Qarammada Midoobey, Ururka
Midowga Afrika, Ururka Islaamka iyo, weliba, warbaahinta
dunidu.
Ka-hor-tag iyo car-isu-taag iyaga haba sheegine, cid uu
ka cabsado ama ku canaanata kolkii uu arki waayey ayaad
mooddaa Zenaawi inuu uba qaatay Jamhuuriyadda Soomaaliya
halka aan anigu weli u aqaani inay tahay arli qayb ka ah
Itoobiyada uu hadda milikiga u yeeshay.
Waa
yaabe, arrinta ay runteedu sidaas tahay ayuu,
indho-adayggiisa, wuxuu Zenaawi isku deyayaa caalamka
inuu madaxiisa manjo u rogo, isuguna muujiyo inuu yahay
nin daacadnimo ka badatay oo haysta kalsoonida ummadda
soomaalida, sidaas darteedna doonaaya kaalin hormuudnimo
oo wax-ku-ool ah inuu ka galo hawlaha dib-u-heshiisiinta
qaran ee soomaalidu sida weyn ay baahida ugu qabto. Dhab
ahaanna, ujeeddada u hillaacaysaa waxay tahay ummadda
iyo dawladnimada soomaalidaba inuu u kala googgooyo
degaammo yaryar oo mid walba uu ka taliyo
qabqable-dagaal dabodhilif ah, isaguna shan farood iyo
calaacal uu meesha ku geystey. Taasi markay hirgashana,
adeegeyaashaas yaryar ee midiidinka laga dhigay waxay
Addis Ababa u arki doonaan magaalo-weynta xaruntooda ah,
waxaana ku xiga inay rajadeedu dhimato ummad
soomaaliyeed oo dawlad leh; halkaasna waxaa ka
bilaabanayaa fulinta heerkii ugu dambeeyey tallaabadii
dalka oo idili uu Itoobiya kaga mid noqon lahaa.
Haddaba,su'aasha taagani waxay tahay: ilaa goorma ayuu
damiirka caalamiga ahi u dulqaadan doonaa ama uu ka
indho-qarsanan doonaa hanti-ka-qaadka sidaas u qaawan ee
horornimada ba'ani ay ka muuqato?
.
Warqaddii Menelek u Direy Reer
Yurub oo dhamaystiran Ka Akhri halkan (English)
Qore:
Cabdirisaaq Xaaji Xuseen Ra'iisal-wasaarihii Soomaaliya
1964kii - 1967kii | Emailka:
hussen100@yahoo.com
Waxaa af-soomaali u rogey: Axmed F. Cali idaajaa
Adareeska ama e-mailka:
idaajaa21@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com |
Nov 18, 2002 | Updated:
Jan 6, 2007
Dhanbaalkii
Asalka Ahaa ee uu Qoray C/Risaaq - ENGLISH VERSION - May
19, 2002