SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
 
  • Shil naxdin ah oo ay dad ku dhinteen oo ka dhacay agagaarka Garoowe
  • Koox dooneysay iney dhistaan garoon ciyaareed iyo dhalinyaro ku ciyaarta garoonka oo iska horimaad dhex maray.

Shil naxdin ah oo ay dad ku dhinteen oo ka dhacay agagaarka Garoowe

Garoowe:-Waxaa xalay shil naxdin leh oo ay ku geerriyoodeen 3 qof, 5 kalana ay ku dhaawacmeen uu ka dhacay tuulada laacdhaare ee u dhow magaalada Garooowe.

Shilkan oo ahaa mid ay 2 gaari oo isu soo gurmaday ay labaduba ay gaddoomeen ayaa markii hore waxaa gadoomay mid ka mid ah baabuurtan oo ku soo jeeday magaalada Garoowe waxaan ku dhintay 2 Nin , dabadeedna waxaa gurmad ahaan ugu soo baxay gaari kale oo ay saarnaayeen ehelada 2-da Nin ee ku geeriyootay , hase ahaatee intii uusan soo gaarin gaariga gaddoomay ayaa isna uu ku gaddoomay isla agaas waxaana ku geeriyooday 1 Nin.

Magacyada marxuumiinta geeriyootay Allaha u naxariistee

  • Dr. Bashiir Xaaji Xusseen Jibriil
  • Siciid C/laahi Xaaji Xusseen
  • Maxamed Faarax Yaxye

5 qof ee ku dhaawacantay ayaa 3 ka mid ah waxaa la sheegayaa in uu dhaawacoodu uu aad u culusyahay waxaana iminka lagu daawaynayaa Isbataal si gaar ah loo leeyahay oo lagu magacaabo Karama Hospital.

bashiir cumar cali
bashiir137@hotmail.com

Koox dooneysay iney dhistaan garoon ciyaareed iyo dhalinyaro ku ciyaarta garoonka oo iska horimaad dhex maray.

Iska horimaad sababay dhaawac soo gaaray kooxihii dagaalamayey ayaa maanta ka dhacay Koonfurta magaalada Gaalkacyo kadib markii labada maliishiyo beeleed ay isku qabteen dhismaha garoonka K/cagta ee C/llaahi Ciise.

Dagaalkan oo ay ku dhaawacmeen labo ruux oo kooxihii dagaalamayey iyadoo dagaalkana uu dhex maray maliishiyo dooneysay in ay garoonka dhistaan iyo kooxo dhalinyaro ah oo garoonka ku ciyaara kuwaasi oo ka soo horjeestay in ay dhistaan.

Dagaalkan oo socday mudo 30 daqiiqo ah ay istaagtay iyadoo weli Koonfurta magaalada Gaalkacyo laga dareemayo saan saan colaadeed oo u dhaxeysay kooxihii dooneysay in ay dhistaan garoonka iyo dhalinyarada ka soo horjeeda dhismaha sharci darada ah, waxaana jira dadaal odayaal dhaqameedyo ay ka soo kala jeedaan labada dhinac ay wadaan oo lagu doonayo in lagu xaliyo khilaafka gacan ka hadalka dhaliyay.

Dhacdadan ayaa dadka ku nool magaalada Gaalkacyo ay la noqotay mid ay la yaabeen iyadoo dhalinyaradii difaaceysay inaan la dhisan garoonka K/cagta ee Cabdullaahi Ciise shacabka ka heleen taageero.
 
bashiir cumar cali/puntland
bashiir137@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 7, 2007

camuudDUFCADII LIXAAD OO KA QALINJABISAY JAAMACADA CAMUUD

Boorama - 104 arday ayaa... Akhri Aug 6

guuleedDareenka ay Dadweynuhu ka muujiyeen Dadkii ku dhintay ama lagu la'yahay Buundadii Duntay ee Minneapolis

Maxammed Guuleed oo ay qaraabo... Akhri Aug 6

xamarShirka Muqdisho oo looga dooday xagjir diimeed waxa ay tahay

balse aan looga doodin sidii la filayey arintuna waxey u ekeyd afwax cunay xishood... Akhri Aug 6

Yuusuf BudleGudoomiyaha Kulmiye ee Minnesota Oo Beeninay Shir lagula Hadlay Axmed Siilaanyo

Waraysi uu bixiyey Yuusuf Budle ayuu Akhri Aug 6

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com