SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - CAMUUD

DUFCADII LIXAAD OO KA QALINJABISAY JAAMACADA CAMUUD.

Boorama - Munaasabad lagu gudoonsiiyay shahaadooyinkoodii waxbarasho ee heer jaamacadeed 104 arday oo ah dufcadii lixaad ee ka qalinjabisa jaamacada Camuud ayaa shalay lagu qabtay xarunta Jaamacada Camuud oo dhacda darifka bari ee magaalada Boorama.

Munaasabadan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay dadka ka soo qaybgalay oo boqolaal kor u dhaafayayna ay wajiyadooda ka muuqatay shucuur iyo dareen farxadeed oo ay la qaybsanayeen ardayda jaamiciyiinta ah ee maanta nasiibka u helay inay gudoomaan shahaadooyinkoodii waxbarashada sare ee heer jaamacadeed oo ay kasbadeen samir iyo dulqaad dheer oo ay u soo mareen dhamaystirka waxbarashadoodii ay sanadaha badan soo wadeen,dadka farxadooda aad markaaba wajiyadooda ka dareemaysay waxa ka mid ahaa waalidiinta ardaydan qalinjabinaysa oo awlaadooda mudo dheer la soo halgamayay, waxa kale oo munaasabadan ka soo qaybgalay wasiiro,madaxda  xisbiyada siyaasiga ah qaarkood,maamulka gobolka,hayadaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah,qurba joog,gudoonka iyo macalimiinta jaamacada camuud,aqoonyahano, duqayda dhaqanka iyo boqolaal ka mid ah dadwaynaha reer Boorama iyo kuwo kale oo ka kala yimid gobolada kale ee dalka.

Xafladan waxa bilowgiiba ka hadlay gudoomiyaha Jaamacada camuud prof Saleebaan Axmed Guuleed oo si balaadhan uga waramay marxaladihii ay soo martay jaamacada camuud iyo heerka ay maanta taagan tahay oo uu ku sifeeyay maqaam wanaagsan isaga oo carabaabay in jaamacad oo ay ku bilaabeen laba kuliyadood maantana ay marayaan  7 ba kuliyadood oo kala ah maamulka iyo maaraynta,waxbarashada, caafimaadka oo ay maanta shantii dhakhtar ee ugu horeeyay qalinjabinayaan oo iyaga oo soo dhamaystay todoba sano oo ay kuliyadan baranayeen, waxa kale oo uu ka waramay xidhiidhada caalamiga ah ee ay camuud ku guulaysatay oo ay ka mid yihiin inay gudoomiye u yihiin jaamacadaha bariga africa oo dhan, iyaga oo jaamacado kale oo caalami ahna xidhiidho la leh kuwaas oo u suuro galiyay in ardayda halkan ka baxdaa jaamacadaha ku soo diyaariyaan derejada Masterka oo ay halkan ka diraan taas oo ka dhigan in caalamku aqoonsaday shahaadada jaamacada camuud,kuliayadaha kale  ee ay soo kordhiyeena ay ka mid yihiin shareecada iyo qaanuunka, kuliyada beeraha iyo deegaanka, kuliyada technolojiyada iyo Nurse ka, ardayda jaamacada hada dhigatana waxa uu ku sheegay in ka badan 1700  arday,halkii ay aas aaskeedii kaga bilaabeen 40 arday oo kaliya.

Waxa kale oo uu si weyn ugu dheeraaday midhihii ka soo baxay jaamacada camuud inay noqdeen kuwa lagu kalsoonaado,qaar badana ay ka hawlgalaan hayadaha caalamiga ah, macalimiina ay ka yihiin dhamaanba dugsiyada sare ee dalka halka ay qaarkoodna jaamacada lafteeda wax ka dhigaan,isaga oo ka hadlayay dufcadan maanta qalinjabinaysa waxa uu yidhi"waxa aanu maanta halkan ka cadaynaynaa inaad buuxiseen dhamaanba aqoontii looga baahnaa iyo shuruudihii ay jaamacadu ku bixinaysay shahaadooyinkeeda digriiyada iyo diblomadaba maantana la idin gudoonsiin doono,waxa jira waajibaad aad leedihiin oo ay inooga wakiil yihiin maamulka dalka oo wasiiradiina inala joogaan,idinkana waajib ayay qaranka iyo umaduba idinku leeyihiin waana fariin ee umadiina u shaqeeya lacagna ha raadinina ee sidii sagrifaayska la idiinku sameeyay umadiina ugu shaqeey, sidii ay kuwii idinka horeeyayba yeeleen idinkuna noqda kuwo dadka mideeya umaduna ha idiin sinaato kana fogaada shayga qabyaalada la yidhaa waayo aqoonu wax bay dawaysaa"

Ugu dambayntii waxa uu sheegay inaanu haba yaraatee jirin shir qaranimada soomaaliland laghaga soo horjeedo oo uu maqlayay ama uu waligii ku fikiray inuu tago, isaga oo carabka ku dhuftay in wakhtiyo dhawayd arintaa suuqa la soo galiyay.

Gudoomiyaha xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo isna halkaa ka hadlay ayaa carabka ku dhuftay in furitaankii jaamacada camuud uu astaan u ahaa inay dhamaadeen xiligii dagaalada sokeeye lana galay xiligii horumarka lagu tartami lahaa,iyada oo waliba wakhtiyadaas meelo ka mid ah dalka aanay xataa dugsiyo hoose ka furnayn,waxaanu ku sifeeyay camuud hooyada jaamacadaha soomaaliland. Waxa uu si gaar ah ugula dardaarmay ardayda qalinjabintooda loo fadhiyay inay ka dheeraadaan qabyaalada oo ah xanuun ay bulshada kala kulmi doonaan iyaga oo rag siyaasiyiin iyo masuulo sheeganayaa ka dhiganayaan salaan ay kursi ku gaadhaan,si waxyaabaha umada looga suuliyana looga baahan yahay jiilkan mutacalimiinta oo maskaxda fayow inay ka shaqeeyaan midaynta iyo walaalaynta umada. Waxa kale oo uu si weyn u amaanay gudoonka iyo macalimiinta jaamacada camuud oo wakhtigoodii qaaliga ahaa u huray inay soo saaraan bulsho da,yar oo aqoontooda iyo dadnimadooduba dhisan tahay,iyada oo ay dalkeena ku yar yihiin dad wadaniyiin ah oo sidaa u fikirayaa.

Edna Aadan oo ah wasiirkii hore ee arimaha dibada oo iyana halkaa ka hadashay  ayaa xasuusisay ardayda qalin jabinaysa iyo ay bulshadoodu ugu hamiyayso iyada oo sheegtay inay ka marag kacayso in ardayda jaamacada camuud helaan aqoon aan ka jirin caalamka intiisa badan gaar ahaan ardayda kuliyada caafimaadka ee markii u horaysay qalin jabinaya oo ay ka marag kacday inay dhamaanba leeyihiin aqooontii dhakhtar looga baahnaa kaalin weyn oo umadu u baahnaydna ay buuxin doonaan,waxaanay si weyn ugu tirtirsiisay inay ka xoroobaan  dunida balwada qaadka oo ay iyagu noqdaan kuwii dagaal la gali lahaa  waayo waa cadowga koowaad ee umadeena ayay hadalkeeda ku soo xidhay.

Wasiirka arimaha guduaha jamhuuriyada soomaaliland md C/laahi cali ismaaciil[ciro] oo isna halkaa ka hadlay ayaa ku dheeraaday nabada iyo qiimaha ay leedahay taas oo loo baahan yahay in duruuusta waxbarasho ee jaamacada iyo dugsiyada dalka lagu daro si loo abuuro bulsho wadaniyiin ah oo nabada ilaashada waayo hadii la waayo waxba jiri maayaan ayuu yidhi wasiir cirro waxaanu ugu dambayntii u hambalyeeyay una dardaarmay arday  qalin jabainaysay. Badhasaabka G/awdal Maxamuud Sheekh ayaa isna ka waramay aas aaskii iyo sidii qaybaha bulshada oo uu ku jiraa siyaalo kala duwan wax ugu darsadeen hanaqaadka jaamacada maantana uu ku faraxsan yahay inay dhakhaatiirna inoo soo saareen.

Waxa kale oo halkaa ka hadlay Abwaan Gaariye oo isagu sheegay inuu maanta ka qaybgalayo arooskii ardaydiisa taas oo aanay jirin farxad uga wayn oo noloshiisa soo martay,waxaanu umada xasuusiyay sida uu u dulman yahay afkii soomaaliga oo loo baahnaa in la koriyo,waxa sidoo kale ka hadlay sarkaalka madaxada ka ha xafiiska hargaysa ee hayada who mr Caib Mulci,odayadii ka qaybqaatay bud dhiga iyo hirgalinta camuud, C/risaaq Faarax Xasan oo ku hadlayay magaca ardaydii shalay qalin jabisay, hormoodka kuliyada  caafimaadka iyo qaliinka Dr Walhad.
Waxaana munaasabadan oo ahayd mid la yaab leh ugu dambayntii ardaydii qalin jabisay shahaadooyinkoodii gudoonsiiyay wasiirka waxbarashada  Md Xasan Maxamuud Warsame[xasan gadhwayne] oo sidoo kale hadal uu halkaa ka jeedisay ugu mahadnaqay maamulka iyo macalimiinta camuud iyo cidkasta oo gacan ka gaysatay taabogalinta jaamacada camuud oo ah hooyada waxbarashada soomaaliland waxaanu si gaar ah u amaanay prof Saleebaan oo uu ku sifeeyay wadani umadiisa wax la jecel oo aan jaamacada uun ku koobnayn ee haday noqoto la talinta wasaaradiisa iyo horumarka kaleba u taagan,waxaanu ugu dambayntii kula dardaarmay arday qalin jabinaysa inay noqdaan kuwo umadoodu u aydo oo ka taga dhaxal ay ku daydaan inta ka dambaysaa.

cabdiraxmaan maxamad habane
habane777@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Agoosto 6, 2007

suuriyaDr.Cumar Raabi Oo Muxaadaro Cinwaankeedu Yahay Istiraatiijiyada Itoobiya Ee Ku Wajahan Soomaaliya Ka Jeediyey Magaalada Dimishiq... Akhri... Aug 3

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com