SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS

Qado sharaf ay soo abaabuleen beesha Faqi Muxumed oo ka dhacday Magaalada Minneapolis

Waxaa Maalintii axada oo ay bishu ahayd Agoosto-19-2007 ka dhacdey Magaalada Minneapolis ee cariga mareykanka qado sharaf ay soo abaabuleen beesha Faqi Muxumed, eheladii iyo qaraabadii ay ka xijaabatay marxuumada Sacdiya iyo gabadheeda Hana.

Qado sharaftaas oo ay ka soo qeyb galeen dhamaan beelaha Direed iyo Somali community ee ku dhaqan magaalada minneaplos.

Qado sharaftaas waxaa ka soo qeyb galay dad kor u dhaafaya boqolaal oo iskugu jira dad wadanka gudihiis iyo dibadiisa ka kala yimid waxaana ka mid ahaa dadkii halkaas ka hadley waalidiintii qoyska oo uu ugu horeeyo:

• Generaal Abdiaziiz sheekh hassan

• Sheekh hassan kare

• Abdullahi khadiib

• Iyo culumaudiin halkaas ka soo jeediyay wacdi iyo wargelin

 

Afhayeenka beesha Faqi Muxumed
Hagi Abdullahi Abdiaziiz Sheekh Hassan


DAREENKA AY DADWEYNAHA KA MUUJIYEEN DADKII KU DHINTAY AMA LAGU LA'YAHAY BUUNDADII DUNTAY EE MINNEAPOLIS 

Burburkii buunddada isku xirta magaallooyinka mataanaha ee Minneapolis iyo St.Paul ayaa ka mid ah musiibooyinka Rabbaaniga ah, una baahan in laga qaato cibro qaadasho aad u weyn., iyadoo buundada duntay ay aad ugu dhoweyd xaafadda Cedar ee ay deggan yihiin kumanaanka kun ee soomaalida. 

Ilaa iyo hadda waxaa si rasmi ah loo shaaciyay in la la'yahay ilaa 8 qof, oo ay ku jiraan hooyo soomaaliyeed Sacdiyo Sahal iyo gabadheeda oo 2 jir ahayd, waxaana annigoo soo aruurinaya aragtida iyo dareenka ay soomaalida ka muujiyeen abbaaray goobaha iyo suuqyada ay ku badan yihiin Soomaalida ee magaallada Minneapolis. 


Maxammed Guuleed, oo ka mid ah qaraabada qoyska buundada lagu la'yahay.

Nasiib uma aanan yeelan inaan la kulmo Sacdiyo aabaheed iyo ninkeeda toona, hase ahaatee waxaa ii suurtogashay inaan la kulmo Maxammed Guuleed oo ay Sacdiyo ilmo  adeero yihiin, waxaana weydiiyay markii ugu danbeysay ee ay maqlaan ama ay arkaan hooyada soomaaliyeed iyo gabadheeda, wuxuuna yiri ”waxay ahayd isla maalinimadii arabacada ee ay buundada duntay, waxaa noogu danbeysay iyadoo u jeedday xaafadda St.Paul oo aalaaba la sii maro waddada I-35 W ee uu hoos dureera webiga weyn ee Mississippi” ayuu yiri Xaaji Maxammed Guuleed oo ay ka muuqato tiiraanyo aad u xeeldheereed, wuxuuna annigoo su’aashaydii danbe weydiinin markale ayuu haddana yiri ”adeer waa musiibo rabbaani ah, 3 habeen oo wada socda ma aanan seexan, anniga iyo gabadha aabaheed, waxaan maalmihii u danbeeyay ka daba laabanaynay booliiska iyo shaqaalaha red cross-ka, wixii ka horeeyay duhurnimadii shaleey oo sabti ahayd waxay na lahaayeen is dejiya oo ha rumeysanina hadallada warbaahinta iyo iyagoo aanan noo sheegin inay hayaan meydka gabdhaheena iyo inkale” ayuu sii raaciyay iyadoo ay ilmadana kaa daadanayso, kana muuqatay walbahaar ballaaran. 

Waxyar ayuu aamusnaa, anniguna aan aamusnaa oo aan la wadaagayay dareenkiisii xanuunka badnaa, wuxuuna markale misna yiri ”Sacdiyo Sahal oo 23 jir ahayd iyo gabadheeda 2 jirka-ka ahba waxay ahaayeen kuwo aan ku raaxaysano wehelkooda, waxay Sacdiyo ku rajo weynayd inay dhamayso oo ay guul ka gaarto waxbarashada caafimaadka, qof Illaah taqaana oo naxariis badan bay ahayd oo dadkoo dhami ay jecel yihiin, waxay lahayd uur shan billood ah, Rabbigii horey na siiyay ayaa dib nooga ceshtay, waana ku qasbannahay inaan u hoggaansanno qaddarta iyo qallaha Eebbe” ayuu yiri Xaaji Maxammed Guuleed oo si weyn daal iyo tacab uga muuqday markaan kula kulmay suuqa Karmel ee ay soomaalida ku leeyihiin tobaneeyo goobo ganacsi, markii aan dareemay inuu dhibayo hadalka ayaan annigana ka joojiyay waraysigii aan ka qaadayay. 


Salwo Maxammed

Xaafaddii ayaan sii socday, waxaana la kulmay gabar soomaaliyeed oo magaceeda la yiraahdo Salwo Maxammed, waxayna iyadoo dareenkeeda ku aaddan dadkii ku dhintay buundadii duntay ay tiri ”dhab ahaantii waa wax aad looga naxo, dabcan waa wax qornaa inay sidaan u dhacaan, keliya waxaan aad uga naxay dadkii ku dhintay ama la waayay oo ay ugu  horeyso Sacdiyo iyo gabadheedii yarayd” ayay Salwo tiri oo ii sheegtay in waddada buundadan ay marto ay u ahayd waddo ay marwalba marto, ayna ku faraxsan tahay inuu Allaah (sw) ka badbaadiyay shilkii maalintaas ka dhacay. ”waxaa igu waajibay sujuud shukri” ayay tiri iyadoo farxadi weyn ay haraysay wejigeeda. 


Ahmed Omar

Ahmed Omar ayaa isagana ii sheegay inay dhacdadii buundada ku ahayd fajaciso iyo argagax weyn, wuxuuna u arkay inay ahaayeen awood Alle oo danta laga lahaa ay ahayd inay aadanuhu ku cibro qaataan, ogaadaana inay tani noqon karto digniin. 

”waxaan tacsi u dirayaa dhammaan dadkii ku geeriyooday, annigoo si gaar ahaan u muujinayo dareenkayga walbhaareed ee aan ka muujinayo hooyadii soomaaliyeed iyo gabadheedii ee iyadu ku le’dey shilkaas naxdinta badnaa” ayuu yiri Ahmed Omar. 

Abdicasiis Maxammed oo 18 jir ahaa ayaa isagana dhinaciisa arrintan ka muujiyay naxdin, wuxuuna hooyada soomaaliyeed iyo gabadheeda u gudbiyay duco uu Ilaahay uga baryayo inuu u naxariisto, isla markaasna samir iyo iimaan ka siiyo qaraabada ay ka tagtay. 

Muxsan Baxsane oo ka mid ah dhalinyarada ku nool magaallada Minneapolis ayaan markaan weydiiyay dareenkiisa buundada aad isu baddalay, wuxuuna ii sheegay inuu aad uga naxay oo uga gilgilay dhacdadii dhacday arbacadii la soo dhaafay, wuxuuna u rajeeyay inay hooyadaas soomaaliyeed iyo gabadheeda nasiib u noqdaan shuhado. 


Muxsan Baxsane

”anniga diinta kuma fiicna, hase ahaatee waxaan culumada in badan ka maqlay in qofkii shilka noocaan oo kale ku dhinto uu noqonayo shahiid, oo uusan shahiid-ku ahayn keliya qofka dagaalka ku geeriyooda iwm” ayuu yiri Muxsan isagoo mahad ballaaran u soo jeediyay culumada iyo imaamyada soomaaliyeed ee kaalmada ka gaysatay guud ahaan dhacdadan taariikhiga ah ee la soo gudboonaatay gobolka Minnesota.

Ibraahim Saalax
ibra88@hotmail.com
Minneapolis, Aug 5, 2007


 

Sacdiya Sahal iyo Gabar 2-jir ah oo ay Dhashay oo Weli lagu La'yahay Burburkii Buundadii Minneapolis

Sabti, Aug 4, 2007: SomaliTalk.com : Maxamed Sahal oo ah Aabaha dhalay Sacdiya Sahal oo ah hooyo Soomaaliyeed oo uur leh oo ka mid ah dadka lagu la'yahay burburkii buundadii Minneapolis ayaa sheegay sida uu uga walaacsan yahay gabadhiisa oo aan ilaa hadda war laga hayn.

Maxamed Sahal oo uu caawa (Aug 3) waraystay TV-ga ABC, ayaa waxa uu sheegay sida uusan war uga hayn gabadhiisa iyo gabadha yar ee uu awoowaha u yahay meel ay ku dambeeyeen, isaga oo murugo ka muuqato.

Hooyada Soomaaliyeed ee la la'yahay waxay leedahay uur shan bilood ah, da'deeduna waa 23-jir ah, gabadha ay dhashay ee la socoteyna da'deedu waa 2-sano-jir oo magaceeda la yiraado Hanah Mohamed.

Hooyada la la'yahay oo waa arday aad wax u baran jirtay oo ka qalin jebisay Dugsiga sare ee Washburn ee magaalada Minneapolis hadana baran jirtay culuumta la xiriirto caafimaadka dadka. Waxayna Minneapolis yimaadeen sannadkii 2000 ayagoo ka yimid Soomaaliya.

Imamyo iyo xubno ka mid ah masuuliyiinta Somalida Minnesota oo warqad tacsi ah u direy shacabka & madaxda & qoysaskii ay saamaysay buudadii duntay.. Akhri Aug 4

Hoos ka akhri warbixinadii hore.


BUUNDADII KU BURBURTAY MINNEAPOLIS OO DAD SOMALI AH WAX KU NOQDEEN

  • Waxaa ilaa hadda la la'yahay hooyo Soomaaliyeed oo leh uur shan bilood ah, oo magaceeda la yiraahdo Sacdiya Sahal [Sadiya Sahal], 23-jir ah, iyo gabar ay dhashay oo da'deedu tahay 2-sano-jir oo magaceeda la yiraado Xanaan Maxamed [Hanah Mohamed]
  • waxaana dhaawacmay Afar Soomaali ah...

Arbacad Agoosto 1, 2007 : Qiyaastii 6:05 galabnimo waqtiga magaalada Minneapolis waxaa burburtay buundo isku xirta labadda magaalo ee mataanaha ah oo uu dhaxmaro webiga Mississippi. waxaan ladhisay 1967 buundadaas oo ah mid ay aad u isticmaalaan dadweenaha degan magaalooyinka mataanaha ah ee St.Paul/Minneapolis. waxaan maalitii mara 140 kun oo baabuur oo isku jirta kuwa yar yar iyo kuwa waaweeyn. waxaa halkaa ka sacotay dayactir iyo dib u habeen buundadaasi markuu shilka dhacay.

Waxaa loomaleenayaa in ay uduntay laba sababood oo kala ah 1) (FATIGUE) oo ah culees soo noq noqda oo ka yimid baabuurta faraha badan oo isdabajoogga ah iyo shubka saaran buundada. 2) Kuleel ka dhashay heerkulka xagaaga oo kor u kacay daciifiyay awoodii birta ku jirta shubka buunda dabadeedna sababay in buundadii hoos u dunto.

Meesha uu shilka ka dhacay oo ah xaafada ay ku badan tahay soomaalidda luguna magacaabo CEDAR oo ay dagan yahiin ugu yaraan soomaali dhan 10 kun, Sidaa daraadeed waxaa soo booqaday dad badan oo soomaali iyagoo isweediinaayay waxa meesha ka dhacay. waxay is weediinaayeen siday buundada u duntay.

Wararku waxay sheegayaan in soomaali ay wax ka soo gaareen dhibaatadaa halkaa ka dhacday. ilaahatan waxaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen 4 qof oo soomaali ah iyadoo wilba uu ku jiro wiil lug ka jabay intaa waxaa dheer in dadka lalayahay ay kujirto hooyo uur leh iyo ilmo yar oo labo jir ah oo xiligaa hooyadiis lasacday ilaa hadana aan war laga hayn hooyadaas waxay xaaladeeda ay ku sugan tahay nolol iyo geeri.

Wali waxaa halkaa ka siisocda howlihii gurmadka ee lagu baadigoobayay baabuurta iyo dadkii lasocday ee wabiga ku dhacay.

MNDOT oo ah hay'ada u qaabilsan dhismooyinka wadooyinka Gobolka Minnesota waxad dowladda kacodsatay lacag lagu dhiso buundaddii burburtay lacagtaas oo dhan 250.milyan. hay'adaas waxay sheegtay in ay qaadanayso mudo laba sano kabadan.

zakaria aden
zakihaji@yahoo.com
 Somali Media
Aug 3, 2007

Minneapolis: Buundo Baaxad Weyn oo Ku Dul Dhacday Webiga Mississippi, Gawaaridiina ay ku daateen Webiga....

  • Wararka ugu horeeya waxay tibaaxeen in ilaa 5 qof ay ku dhinteen... 8 qof la la'yahay.... 79 qofna dhaawacmeen...
  • Markii hore tirada dhimashada waxaa la gaarsiiyey 7, laakiin waxaa waaberigii khamiista tiradaas hoos loogu dhigay ilaa 4 qof - Agoosto 2, 2007

Buundada Jabtay waa I-35 W/ University oo ka mid ah buundooyinka isku xirta Magaalada Labadeeda Dhinac ee Webiga Mississipi Dhex maro...

Arbacad Agoosto 1, 2007 : Qiyaastii 6:05 galabnimo waqtiga magaalada Minneapolis waxaa gebi ahaanba webiga Mississippi ku dul dhacday buundo weyn oo isku xiriirisa magaalada oo ah siddeed wadoo is garab mara, xiili ay dul marayeen gawaari aad u tiro badan ooah waqtiga shaqada laga soo baxay.

Wararka ugu horreeya ee ka soo baxay khasaaraha arrintaas ka dhacay ayaa sheegay in ugu yaraan ay dhinteen saddex qof, in kasta oo Telefishan maxalli ah uu sheegay in tirada dhimashadu ay intaas ka badan tahay oo tirada gaarsiiyeen ilaa 7 qof, laakiin waaberigii Khamiista tiradaas waxaa lagu sheegay 4 qof. Lama xaqiijin tirada dadka ku dhaawacmay, laakiin waxaa tefeshahanada la iska tusay dad badan oo loo qaaday cisbitaalada.

[Warar dheeraad ah ayaa sheegay tirada dhaawaca in ay gaarayan ilaa 61 qof, waxaana wararku tibaaxeen in ilaa 20 qof la la'yahay, laakiin tiradaas waxaa lagu sheegay in ay tahay 8 qof.].

Xilliga ay buundado jabtay oo ahaa waqtiga shaqada laga baxo, buunduna ay isku xiriiriso labada dhinac ee magaalada ayaa wararku sheegayaan in gawaarida ay buundado la jabtay tiradooda lagu qiyaasay 50 ilaa 100 gaari [Waxaa biyaha webiga ku dhex dhacay ilaa 50 gaari ayey wararka ugu horeeya tibaaxeen].

Gawaaridaas waxaa ka mid ahaa gaari bas ah oo ah kuwa Dugsiyada oo sidey carruur da'dooda lagu qiyaasay ilaa 5 ilaa 13-jirro, kuwaad tiradoodu dhamayd ilaa 60 oo dhammaantood wararka ugu horeeya sheegeen in ay badbaadeen.

Buundada oo magaceeda la yiraahdo I-35W oo u dhow Jaamacadda Minnesota waxaa la dhisay waqti hore, waxayna ka samaysan tahay oo qaariyado u ah Bir iyo shub. Waxaana buundadaas la dhisay 40 sano ka hor [1967]. Waxay buundadaadi webiga ka saraysey 64 feet oo u dhiganta qiyaastii 20 mitir. Waxaana buundadaas lagu qiyaasay in maalin kasta maraan gawaari tidadoodi dhan thay 140 kun.

Sida caadiga ah buundooyinka marka la dhisayo waxaa cimrigooda lagu qiyaasaa 70 sano in la adeegsan karo kaddibna la bedelo.

Ilaa hadda lama oga sababata keentay in ay buundadaasi I-35W jabto.

Cimadala magaalada Minneapolis Arbacadii aad ayey u kululayd, waxaana kulayl gaarey qiyaastii 91 oF oo u dhiganta 33 oC.

Xilliga aan qoraalkan qoreyney waxaa lagu jiraa habeen magaalada Minneapolis, waxaana la kala ogaanayaa khasaaraha dhabta ee dhashay buundadaas iyo gawaarida ku daatay webiga marka waagu beryo Khamiista. Waxaa hadda baaritaan ka wada webiga hay'adaha gargaarka oo baaraya gawaaridaas in dad ku xanniban yihiin iyo in kale.

Webiga Mississippi ee dhexmara magaalada Minneapolis waxa uu ka mid yahay webiyaasha ugu dheer qaarada Woqooyiga Ameerika, dhererkiisaan waxaa lagu qiyaasaa 3733 km oo u dhiganta 2320 miles, waxan auu ka soo bilowdaa harada Lake Itasca ilaa uu ka gaaro gacanka loo yaqaan "Gacanka Mexico".

Sawiroo laga qaaday kaddib markii buundado jabtay:


Sawirada waxaa qaaday Mark Lacroix, Slide.

Faafin: SomaliTalk.com | Agoosto 1, 2007 | Updated: Augst 2, 2007 | updated: Aug 3, 2007

Isha Wararka: Channel 5, WCCO, KARE Minneapolis.

Augosto 2: WARARKA MUQDISHO::: Madaafiic iyo rasaas xoogan oo xalay laga maqlay qaybo ka tirsan Muqdisho.

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com