SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Talyaaniga: Xukuumadii Gumeysatey Itoobiya Shanta sano (1936-1941)

  • Ethiopia was colonized by Italy for five years (1936-1941)

Dalalka Afrika waxay soo mareen xilli ay hoos galeen gumeystayaashii reer Yurub, arrintaas Itoobiya kama badbaadin, waxayna ahayd Talyaaniga dawladdii Itoobiya gumeysiga ku haysatey muddo shan sano ah (1936-1941). Dad badan ayaa is weydiiya: Maxaa loo yiraahdaa Itoobiya waa dalka keliya ee aan Afrika laga gumeysan. Arrintaas xeeldheerayaal Soomaaliyeed waxay kaga jawaabeen: Gumeystayaashii reer Yurub waxay db u gocdeen warqad uu Boqor Menelek u diray dawladaha reer Yurub 1891, warqaddaas oo Muujisay in "markii quwadihii Masiixiyiintu ay u soo hiilin waayeen Itoobiya in xeebta ay ka qabsadeen Muslimiin".

Taas ayaa loo malaynayaa in ay dhalisay in Itoobiya lagu abaal mariyey laba arrimood oo ah: In la siiyo dhul Muslimiintu leeyihiin si ay gumeysto, iyo in aan taariikhda buugaagta reer Yurub lagu qorin in la Itoobiya uu Talyaanigu gumeystey, oo marka laga hadlayo xilligii uu Talyaanigu Gumeystey Itoobiya ee shanta sano ahayd in la yiraahdo waa: shan sano oo militari faashiiste ah haystey Itoobiya.

Sababtaas ayaa keenta in buugaagta Itoobiya lagu qoro, haddiiba la qoro taraiikhdaas, sidan: "five-year military occupation of Ethiopia by fascists". Taas oo lagu xoojiyo oraahda ah: Itoobiya waxay ku faraxsan tahay in ay tahay dalka keliya ee Afrika ee aan la gumeysan: "Ethiopia proudly claims to be 'the only African country that has never been colonized'". Halkii xaqiiqada laga qori lahaa: Ethiopia was colonized by Italy for five years (1936-1941) - ama (Italy colonized Ethiopia for five years).

Maxaad kala socotaa Dhulka Soomaali Galbeed ee Itoobiya u Qaybisay(Blocks) si Batrool looga Baarto: eeg Khariidada Hoose


Sawirka oo weyn...Guji...



Niilka Buluuga iyo Niilka Cad
Sawirka: Wikipead

Hadalkii Xusni Mubaarak ee January 4, 2007: Waan Fahmi karaa sababta ay Itoobiya uguduushay Soomaaliya

Madaxweynaha dalka Masar, Hosni Mubarak, ayaa yiri "waan fahmi karaa sababta ay Itoobiya ugu duushey Soomaaliya". Waxa uu hadalkaas yiri maalin Khamiis ah, Janaayo 4, 2007, mar uu magaalada xeebta ah badda cas ku taal ee Sharm el-Sheikh ee Masar kula kulmay wasiirka Arrimaha dibada ee Itoobiya Seyoum Mesfin, isla mar ahaantaasna dhambaal ka helay ra'iisul wasaaraha Itoobiya la sheegay in ay ku qornayn warbixin uu Zenawi kagahadlay xaladda ku soo siyaadey Soomaaliya.

Jariidada ka soo baxda Shiinaha ee Xinhua oo arrintaas ka hadleysey waxay qortay cinwaanka: "Mubarak expresses understanding on Ethiopian intervention in Somalia". Haddaba xeel dheerayaasha Soomaaliyeed waxay muujiyeen sababta uu Mubaarak hadalkaas u yiri in ay salka ku hayso biyaha webiga Niilka.

Waxaa jira heshiis sannadkii 1929 dhex maray dalka Masar iyo Boqortooyadii Ingriiska (oo ku hadleysey codka Sudan maadaama ay xilligaas gumaysaneysey), heshiiskaas oo loo yaqaan "1929 Nile Treaty" waxa uu dalka Masar siinayey xusuuqda ugu badan ee adeegsiga biyaha webiga Nile. Waxaana heshiiskaas markale dib loo eegay sannadkii 1959 (waxaana sidaas dalbatay Sudan).

Heshiisyadaas wax tixgelin ah lama siin Ethiopia oo qiyaastii ilaa 80% biyaha webiga Blue Nile ay ka soo bilowdaan [Webiga Niil ee uu ku tiirsan yahay dhaqaalaha dalka Masar waxa biyihiisu ka yimaadaan labada webi ee Niilka Cad "White Nile" oo ka soo bilowda Harada Victoria ee ay wadaagaan Kenya, Tanzania iyo Uganda, iyo Webiga Niilka Buluugga "Blue Nile" oo kasoo bilowda Haarata "Lake Tana" oo ku taal Ethiopia, waxaana webigaas dhanka Ethiopia looga yaqaan "Abay" ama "Giyon". Labada webi ee Niilka-Cad iyo Niilka-Buluuga waxay ku kulmaan bartamaha magalada Khartuum ee dalka Suudaan, markaas ayey noqdaan Niilka waraabiya beeraha dalka Masar oo ay dagaalka ka xigto haddii biyahaas ay Ethiopia ka faa'iidaysato iyadoo aan Masar lagala tashan ]. Sidaas darteed Ethiopia looma ogola in ay mashaariic horumarin ah ka fuliso Webiga Blue Nile ee dalkeeda ka soo bilowda, haddii ay sidaas samayso dalalka Sudan iyo Masar ayaa soo weeraraya Ethiopia oo ah dalal aad u xoog weyn.

Markaas waa in Itoobiya hesho meel kale oo ay horumar ku samayso si ay dadkeeda oo hadda kor u dhaafay 75 million u helaan cunto ku filan. Haddaba meesha ugu dhow ayaa noqotay dhulka baaxadda weyn ee Soomaaliya maadaama tirada Soomaalidu ay yihiin 9 million oo keliya ayna haystaan dhul ballaaran oo ay maraan Webiyada Jubba iyo Shabeelle iyo xeeb aad u dheer, sidaasna dadka tirada badan ee reer Itoobiya la soo dejiyo dhulkaas barwaaqada ah.


1. Addis Ababa 2. Afar 3. Amhara 4. Benishangul-Gumaz 5. Dire Dawa 6. Gambela 7. Harari 8. Oromia 9. Somali 10. SNNPR 11. Tigray

Daawo Filim laga duubay: Xorayntii Soomaali Galbeed & Soomaali Abow ee 77.. Daawo


Blair's departure: Blair's approach to Africa was simplistic and lacked an understanding of how the continent works | The independent


Yoweri Museveni: Soomaalida ayaa laga rabaa in ay Qarankooda dhistaan...
Madaxweynaha Dalka Uganda oo Talaadadii (May 15) su'aalo laga weydiiyey arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in qaranka Soomaaliya ay Soomaalidu burburisey sidaas daraadeedna ay tahay in Soomaalidu qarankooda dhistaan. Hadalkaas Yoweri Museveni waxa uu yiri xilli uu la kulmay Madaxweynaah DFKMG oo booqday Uganda... Dhanka kale C/laahi Yuusuf waxa uu guriga madaxtooyada Uganda kula kulmay Khadiija (Xaaskii Caydiid) iyo saddex carruur ah oo ay dhashay.... Eeg halkan..

Dagaalka Qarsoon ee Batroolka:

Qoraal dheer oo warbixin lagaga qoray Soomaaliya ayaa lagu xusay hadalkii Afhayeenkii hore ee Hawlgalkii Qaramada Midoobey ee Ciraaq 2003, Salim Lone, oo hadda ah qoraa ka tirsan jariida Daily Nation iee Kenya, oo dhawaan u waramay telefishanka Democracy Now. Hadalkaas oo ahaa: "Ra'iisul wasaaraha (DFKMG, Geeddi) isku daygiisa in uu u gacan haadiyo shirkadaha Batroolka waxay u dhigantaa qayladiisa uu markasta ku qaylinayo Al-Qaeda. Markasta oo aad waraysi ka qaadid saraakaal Soomaaliyeed, waxa ugu horeeya ee aad ka maqleysaa waa Al-Qaeda iyo Argaggaxiso. Taas ayey isticmaalayaan. Qof taas rumaysan ma jiro. Qof taas rumaysani ma jiro haba yaratee, sababtoo ah dhammaan warbixinada madaxa bannaani waxay tibaaxayaan arrin taas ka duwan. Akhri: [The Hidden War for Oil]

"Cali Maxamed Geeddi Guri Villa ah miyuu ka iibsadey Nairobi" Waa hadal haynta Muqdisho...

"Waxyaabaha loogu hadal haynta badan yahay Muqdisho waa in Geeddi uu guri Villa ah ka gatay Nairobi iyo in qaramada Midoobey shaqaalohoodii oo dhan kala baxeen Muqdisho", Sidaa qoray qoraal kusoo baxay Inner City Press. Qoraalkaasi waxa uu sheegay in arrinta loogu hadal haynta badan yahay Muqdisho ay tahay in Ra'iisul wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geeddi uu dhowaan Nairobi ka gatay guril Villa ah. Taageerayaasha aadka ah ee DFKMG waxay rabaan in ay arrintaas caddayn loo helo. Tan kale qormadu waxay xustay sida lacagata loogu raadinayo kulanka dib u heshiisiinta Soomaalida... AKHRI....


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya


Eeg sawirka oo weyn


Gobolka: Benishangul Gumuz



Dhulka Oromada


Dhulka Tigreega

Fikru Jeldessa Nikuss oo xubin ka ahaan jirey jabhadda BGPDUF (Waa Jabhadda Gobolka Benishangul Gumuz oo ah gobol ku yaal galbeedka Itoobiya), haddana ahaa xildhibaan ka tirsan xisbiga EPRDFayaa magan gelyo waxa uu ka dalbaday daalka Holland (Netherlands) asagoo ka fakaday tacadiga aadka u kordhaya (Ciqaabta), sidaas ayaa Jimacadii May 18 shaaca laga qaaday, sida ay faafiyeen warbaahinta Itoobiya (EMF).

"Ciqaabta siyaasadeed waa kuwo aad ugu badan gobolada, haddii uu qofku ka soo horjeedo rabitaanka xisbiga talada haya," ayuu yiri Fikru.

"Qofka waxaa soo wajahaya jirdil, xabsi iyo dhimasho haddii uusan u hoggaansamin danaha gaarka ah ee kooxda sare ee xukunka haysata. In kabadan 300 oo siyasadaas ka soo horjeeda oo uu ka mid yahay madaxweyne ku xigeenkii gobolka, Mr. Abdul Mohamed Ibrahim, waxay ku tabaalaysan yihiin xabsiga. Boqolaal uu ka mid yahay madaxweynihii maxkamada sare ee gobolka, Ms. Zeneba Mohammed, waxaa khasab looga dhigay in ay dalka ka haajirto oo aado Suudaan." ayuu yiri.

Kaddib markii bishii May 2005 ay xukuumadu lumisay ku dhowaad dhammaan kuraaskii doorashii guud, xukuumadu waa ay jaah wareertay, waxayna ku dhaaratay aargoosi ka dhan ah dadka. Fikru waxa uu yiri waxaa mucaaradka aad ugu soobadanaya xildhibaanada iyo saraakiisha Itoobiya.

Waxa uu intaas ku daray in xukuumada Meles Zenawi ay noqotay qeyru mas'uul intii ka dambeysey doorashii guud ee May 2005, isagoo ka cabanaya in xukuumadu ay nin reer Suudaan ah oo la yiraahdo Mr. Al Bedri u magacawday madaxa waxbarashada ee gobolka. Mr. Bedri waxa uu markii dambe Suudaan ula fakaday Malaayiin birr ah oo loo qoondeeyey gobolka.

Mr. Fikru, oo mas'uuliyadiisa ay ka mid ahayd u qaabilsanaanta gobolka xagga xisaabi-xil-maleh, waxaa la xiray laba jeer kaddib markii uu daaha ka rogey musuqmaasuqa madaxda sare.

Isaga oo ka hadlaayey arrinta Qabaa'ilka iyo nidaamka loo yaqaan Federaalka, Fikru waxa uu yiri: Gobolka Benishangul Gumuz kama duwana gobolada kale ee maxalliga ah oo dammaan jagooyinka muhiimka ah ay xukumaan xisbiga Tigreega TPLF (Tigrian People's Liberation Front).

Mr. Zeray Asgedom, oo ah xubin ka mid ah guddiga sare ee TPLF, jaal dhowna la ah Meles Zenawi, ayaa maamula gobolka. Madaxweynaha gobolka, Mr. Yaregal Aysheshum, isagu waa baqbaqaa (u jiibiya ama dhaajiya codka xisbiga Tigreega) sida in badan oo ka mid ah gobolada kale. Keliya isagu waa calaamad maqaar saar ah oo lagu khaldayo dadweynaha gobolka.

Fikru waxa uu muujiyey intii uu ka mid ahaa aqalka Baarlamaanka sida uu uga niyad jabay xukuumada ay hoggaamiyaan Tigreegu (TPLF).

"In ka badan 400 oo qof ayaa lagu diley iska hor imaad dhex maray qabaa'ilka Benishangul Gumuz iyo Shinasha, taas oo ay xukuumadu ka dambeysey iyadoo adeegsaneysa nidaamkeeda qaybi oo xukun" ayuu yiri Fikru.

Minnesota: Dumarka iyo Carruurta Soomaaliyeed oo Bannaanbax ku Dhigaya Aqalka Looga Taliyo Minnesota..May 25, 2007.

Isha: EMF http://www.ethioforum.org/News/article/sid=2618.html

Faafin: SomaliTalk.com | May 19, 2007

MURTIDA MAANTA::: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 |

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com