Qore:
Mohamud M. Isse (Ufayn)
Kala xiriir WhatsApp: +252907727411
Nairobi, Kenya
7-
Jidka Alle (Fii sabiilillaahi)
Jamhuurat
culumadu waxay mareen inlooga jeedo
halkaan duulaanka lagu duulayo jidka
Alle oo ah Jihaadka,iyo in saamigan
lasiinayo kuwa udiyaarkaa duulaanka
jihaadka, kuwaasoo an mushahara
kulahayn dawlada, kuwaas noocaas ah
ayaa lasiinayaa saamiga 7aad ee zakada
kamida, farqina makala laha inay hodon
yihiin iyo inay sabool yihiin.
8
- Musaafirka (Ibnu sabiil)
Culumadu
waxay isku waafaqeen nin musaafir
beledkiisii ama magaaladiisii kago’ay
ama kabaxay lasiinayo zakada wuxuu
kugaaro dantiisa ama ujeedadiisa,waana
hadii aaney usahlanayn wax maalkiisii
kamida inuu helikaro sida xawaalada oo
kale,waxaana loosiinayaa ayadoo
loofiirinayo faqrigiisan kuyimid ama
kudhacay, waxayna culumadu ushardiyeen
ama kuxireen inuu musaafirka
safarkiisu yahay daaco(mid sharcigu
amray inloo safro) Ama waa inuusan
ahayn macsiyo (mid denbi lagala
kulmaayo oo sharcigu reebay inloo
safro)
Culumadu
waxay isku khilaafeen safarka mubaaxa
ah (iska banaan) malasii nayaa zakada
?
Shaaficiyadu
waxay ukala qaadeen musaafirka labo
qaybood,
- - mid kabilaabaya safarkiisa
magaaladuu kunegaa ama kusugnaa
haduu doono wadankiisaba hanoqdee,
- - iyo musaafir qariiba oo kategey
magaaladiisii, waxay dheheen
labaduba xaqbay uleeyihiin in zakada
wax lagasiiyo, xataa hadii lahelo
qof amaah ama deyn siinaya, isaguna
uu kahelayo magaaladiisii hanti uu
isaga bixin karo deyntaas.
Maaliki iyo Axmad waxay qabaan
musaafirka mutaystay zakada in lasiiyo
waa midka safarka kudhexjira ee
socdaalka ah, laakiin kan bilaabaya
lamasiin karo. Waxay kaloo qabaan
inaan lasiinayn zakada qofka heli kara
cid siinaysa amaah ama deyn isagoo
heli kara hanti utaal magaaladiisa
taasoo deynta uu isaga bixin kar,
laakiin haduusan heli karin cid amaah
siisa ama aanu haysan hanti kadambaysa
oo deyntaas kabixin karta markaas waa
lasiinayaa zakada.
Zakada oo loo qaybiyo dhamaan cida
mutaysatay ama qaar kamida
Noocyaasha sideedaa ee zakada
mutaystay inlasiiyo ee aayadda lagu
sheegay Fuqahadu waa isku khilaafeen
sidii loogu qaybin lahaa sakada,
Shaafici iyo ragiisu waxay dheheen
haduu kan zakada qaybinayaa yahay kii
maalka iskalahaa ama wakiilkiisii waxa
meesha kabaxaya halnooc oo ah
caamiliin ama kuwii kashaqay nayey
zakada, waxaana markaas waajibaya
inloo qaybiyo todobada soo hartay ee
sinfi ama nooc kaad tiraahdaba, haday
yihiin kuwa laheli karo, hadii kalena
intii laheli karo ayaa lasiinayaa ee
nooc yadaas kamida, mana haboona in
nooc kamida lagatago isagoo jooga ama
lahelayo, haduu katago waxa laga rabaa
inuu bixiyo qaybtoodii.
Ibraahimu nakhaci wuxuu yiri haduu
maalku badan yahay oo wada gaari karo
noocyadaas sideedaa oodhan wuu
uqaybinayaa, haduuse yaryahay maalku
waxa banaan inuu siiyo halqolo ama
nooc kamida kuwa mutaystay zakada in
lasiiyo.
Axmad ibnu xanbali wuxu yiri, inuu
wadagaarsiiyo ayaa mudnaan badan,
haduuse qolo kamida siiyo waaka
gudaysaa zakadii oo maburayso. Maaliki
wuxu yiri, wuuku dadaalayaa ama
hakudadaalo inuu siiyo hadba qolada
ugu baahi badan, haduu arko qolada
fuqaradaayi inay baahi badan yihiin
sanadkan ayaguu kuhor marinayaa, haduu
arko sanadka danbe musaafiriintu
inaybaahi badanyihiin ayaguu
uwareejinayaa inuusiiyo,zakada.
Xanafiyada iyo Sufyaanu sowri waxay
dheheen isagaa khiyaar uleh kan zakada
dhiibayaa oo wuxuu siin karaa sideeda
nooc kuudoono. Intaasoo waji ayaa
fuqahadu kala mareen sida sawaabkaana
Alle ayaa og.
Dadka zakadu xaaraam katahay,
Waxaanu horay kusoo sheegnay meelaha
zakada lagubixinayo, iyo cida
xaquyeelatay inlasiiyo, waxaa hadaba
inooharay inaan xusno dadaan zakadu
xalaal u ahayn oo anmutaysan in
lasiiyo, waxayna kalayihiin sidan,
- -1 qolada kowaad waa kufaarta ama
gaalada, saasina waa siday isku
waafaqday kelimada fuqahadu, inaan
gaalada lasiin karin zakada, waxana
loodaliishan xadiiskaan horay kusoo
marnay waxa kamid ahaa, (waxaa
lagaqaa dayaa kuwooda maalqabeenkaa,
waxaana lagucelinayaa kuwooda
saboolkaa)
qasadka loogajeedo maalqabeenada
iyo fuqarada muslimiinta waa cidii
iyaga kasoo hadha lamasiinkaro
zakada, Ibnu mundiri wuxuu yiri,
cidkatoo ahlucilmiga kamida,
kuwaasoo aanu waxkaxifdinay waxay
iskuraaceen inaan gaalka balanta
kujira zakada lasiinkarin, waxana
lagasoo reebay kuwa quluubtooda
lasoodumayo sidaanu horay
kusoomarray (mu’alafatul quluub).
- -2 qolada labaad ee zakadu
kaxaaraam tahay waa Banuu Haashim:
waana ahlu Cali ibnu abii daalib,
ahlu Caqiil, ahlu Jacfar, ahlu
Cabaas, ahlu Xaaris.
Ibnu Qudaama wuxu yiri,
garanmeyno wax khilaafa oo kajira
inaan zakadu xalaal u ahayn Banuu
Haashim, waxana taas daliil u
ah,xadiiska rasuulka nabadgelyo
iyo naxariisi korkiisa
hanoqotee,wuxu yiri: (sadaqadu
umabanaana ahalka Muxamad,
waxkalena maaha ee waa wasakhdii
dadka) waxa weriyey Muslim,
Abuuhureyra waxa lagaweriyey inu
yiri, Xasan Ibnu cali ibnu
abiidaalib ayaa qaatay xabad
timira oo kamida sadaqaadkii,
markaas ayuu Nabigu nabadgelyo iyo
naxariisi korkiisa hanoqotee,
kuyiri: isagoo adeegsanaya kelimad
uu kagadhicinayo(kakh kakh,
miyaadan ogayn inaanaan cunin
sadaqada) waxa weriyey Bukhaari
iyo Muslim.
Culumadu waxay isku khilaafeen
Banii mudalib in zakadu ubanaan
tahay iyo inay kaxaaraam tahay,
Shaafici wuxu qabaa inayan waxba
zakada kaqaadan karin sida reer
banii Haashim oo kale.
- 3-4, qolada sadexaad iyo afraad ee
zakadu aney ubanaanayn waa
Aabayaasha iyo wiilashaada,
Aabayaasha lasheegayaa waa Aabahaa
iyo Aabayaashii uu kasoo farcamay,
wiilashaada lasheegayaana waa kuwaad
adigu dhashay iyo kuway siidhaleen,
Fuqahada diintu waxay isku
waafeqeen inayan ubanaanayn zakada
inlasiiyo Aabyaasha iyo Awoowa
yaasha, Hooyooyinka iyo
Ayeeyooyinka, wiilashaad dhashay
iyo kuway siidhaleen, gabdhahaad
dhashay iyo kuway siidhaleen,
sababtoo ah qofka zakada bixinaya
waxa dushiisa kuwaajiba inuu
nafaqeeyo Aabihiis iyo wixii
kakoreeya ee Awoowayaal ah,
wiilashiisa iyo wixii kafarcamay,
hadii ayfuqaro ama sabuul yihiin
waxay maalqabeen kuyihiin qofkan
zakada bixinaya ee masuuliyadoodu
saarantahay maalqabeen nimadiisa,
hadii zakada uu siiyo kuwaas aynu
soosheegnay naftiisa ayuu nafci
usoojiidey oo zakadii larabey
inuusiiyo dadkale ayuu kusoo
celiyey ciduu quudinayey,
xaaladaas aynu kasoo hadalay
waamarkey yihiin faqiir ama
sabool, laakiin hadey soogalaan
baabkale sida inay kujiraan
duulaan lagudagaa lamayo jidka
Alle, markaas waalasiin karaa
zakada sida hadii ay deyngalaan
iyo hadii ay kujiraan kuwa zakada
kashaqaynaya, arimahaas ama
sifaadkaad oo dhami waakuwo
ubanaynaya zakada inay kaqayb
qaataan.
- 5- qolada shanaad ee zakadu aney
ubanaanayn waa ninka zakada bixinaya
xaaskiisa,
Ibnu Mundiri wuxu yiri Ahlu
cilmigu waxay isku raaceen inaanu
ninku xaaskiisa zakada siinkarin,
sababtuna waa masruuf keeda oo
waajib dushiisa lagarabo ah, umana
baahna oo hodon ayey katay inay
qaadato zakada, laakiin hadey
tahay midqabta deyn wuxuu
siinkaraa saamigii ama qaybtii
kuwa deyntagalay sey isaga bixiso
deynta laguleeyahay.
Ninka haweentiisu hadey haysato
maal zako kawaajibtey waxay
siinkadhaa ninkeeda zakada haduu
kamid yahay kuwii mutaystay zakada
in lasiiyo, sababtoo ah masruuf
kiisu masaara nafteeda, waxaana
uhaboon isaga siintiisa kanahaboon
inay siiso mid ajnebiya, Allaah
ayaa u cilmileh, waxaa loodalii
shadaa xadiiska uu werinayo Abii
Saciid Alkhudriyi Allaha karaali
noqdee inu yiri, Zeynaba oo ahayd
xaaskii Ibnu Mascuud ayaa tiri
Nabi Allow waxaad amartay maanta
sadaqo, waxaana iiyaal waxa laysku
qurxiyo (dahab ama fiddo) waxaan
damcay inaan sadaqaysto, Ibnu
Mascuudna wuxuu sheegayaa isaga
iyo caruurtiisu inay uxaqleeyihiin
in lagu sadaqaysto, markaasuu
Nabigu nabadgelyo iyo naxariisi
korkiisa hanoqotee, wuxu yiri:
(runbuu sheegay Ibnu Mascuud,
ninkaaga iyo ciyaalkaaga ayaa uxaq
mudan cidaad kusada qaysato) waxa
weriyey Bukhaari.
Qofka maalqabeenkaa maku badbaadi
karaa dhiibid zakada loodhiibo
madaxweynaha ama imaamka
muslimiinta,
Hadii muslimiintu leeyihiin
madaxweyne kudhaqmaya diinta Islaamka
waxa banaan zakada in loodhiibo,
caadil ama jaa’ir kuudoono hanoqdee,
waxayna kubadbaadeysaa hantiilaha
naftiisu dhiibidaas uu udhiibey
Imaamka, laakiin haduu yahay midaan
kubixinayn zakada meelihii loogu
talagalay markaas waxaa wanaagsan oo
ufadli badan inuu isagu uqaybiyo cidii
mutaysatay, laakiin hadii Imaamku ama
shaqaale uu soodiray yiraahdo keen
zakada markaas inuu dhiibo ayaa
lagarabaa,
Daliilkuna waa xadiiska lagaweriyey
Anas inuu yiri, nin reer baniitamiim
ah ayaa uyimi Rasuulka nabadgelyo iyo
naxariisi korkiisa hanoqotee, markaas
ayuu ninkii yiri rasuulkii Allow
mawaxa igufilan inaan zakada udhiibo
ninkaad soodirtay oo keliya miyaa
naftaydu kubadbaadi kadhaa? Markaasuu
Rasuulku nabadgelyo iyo naxariisi
korkiisa hanoqotee,wuxu yiri:
(Haa hadaad udhiibto zakada
kiilasoodiray (1)
waad kabari noqotay zakadii, waxadna
leedahay ajarkeeda, denbigeedana waxaa
iskaleh qofkii bedela (2)
waxa weriyey Axmad,
Erey bixin,
(1)kiilasoodiray
waa zakaqaadihii Rasuulka nabadgelyo
iyo naxariisi korkiisa hanoqotee;
(2)qofkii bedela
waa qofkii kabedela meeshii loogu
talagalay in lagubixiyo;
Dhammaad
Waxaan halkaan kusoo khatimayaa
kitaabkii Zakaat, Waxaan marka hore
Alle weydii sanayaa inuu miisaanka
xasanaadka iisaaro waxaan saxay,
waxaan kaloo Alle weydii sanayaa inuu
iidhaafo waxaan gafey, waxaan Alle uga
baryayaa inuu intii akhrisatay kadhigo
kuwii waxa wanaagsan qaatay
-----------------
Waxaan kacodsanayaa
qofkasta oo muslim ah ee akhrista
qoraalkan Inuu Alle iigabaryo
Denbidhaaf iyo Naxariis waasica.
Qore: Mohamud M. Isse
(Ufayn)
Kala xiriir WhatsApp: +252907727411
Nairobi, Kenya
|