Hodhac
Waxaan hadii Allaha awooda sare lihi
ogolaado halkaan kudiyaari nayaa
Maqaal kusaabsan zakada, taasoo an ugu
talagalay cidii doonaysa inay afkooda
Hooyo ugaciil baxaan mawduucan maadaam
oo ay jiraan dadbadan oo luqada
Carabiga an fahmikarin hadana ubaahan
inay gutaan waajibaadka Alle saaray
dushooda, saas awgeed waxaan Alle
karajeynayaa inuu noqdo maqaalkani mid
Faa'iido badan utara walaalaha
muslimiintaa ee doonaya inay
kafaa'iidaystaan.
Qeexidda Zakada
Zakada qeexideedu waa waxa uu bixiyo
qofku ee kamida xaqa Alle, Lanasiiyo
dadka saboolkaa, waana tiir kamida
tiirarka Islaamka ee shanta ah, Waxana
lagu xariiriyey sheegitaankeeda
salaadda 82 aayadood, sideetan iyo
labada meelood markastoo lasheego
salaadda waxaa laraaciyaa zakada,
Wuxuu Alle kufarad yeelay kitaabkiisa
iyo sunada rasuulka nabadgelyo iyo
naxariisi korkiisa hanoqotee,
Ummadiisuna waa isku waafaqday.
Ibnu cabaas waxa lagaweriyey asaga
iyo aabihiisba Allaha karaali noqdee
Inuu nabigu nabadgelyo iyo naxariisi
korkiisa hanoqotee markuu mucaad ibnu
jebel udiray yaman wuxuu kuyiri
(waxaad utegeysaa qolo ahlu kitaab ah
ee waxaad uguyeertaa shahaadada inaanu
Alle maahee ilaah kale jirin iyo inaan
ahay rasuulkii Alle, haday kaayeelaan
arinkaas ogeysii in Allaha cisada lihi
kufarad yeelay dushooda shan salaadood
maalin iyo habeen kasta, Hadey
kaayeelaan arinkaas ogeysii in Alle
kor ahaaye kufarad yeelay korkooda
sadaqo maalkooda dhexdiisaa lagana
qaadayo kuwooda maal qabeenkaa laguna
celinayo kuwooda saboolkaa, haday
kaayeelaan arinkaas waxaan ukala
digayaa adiga iyo maalkooda midka
karaamada badan, kanabaq kanladulmiyey
ducadiisa wax xijaaba oo udhexeeyaa
majiraan Alle iyo ducadiisa)
Nusuusta Zakada
Zakada nusuusta boorinaysa in
labixiyo,waxaa kamida ,
1-Suuratul towbah
----Aayadda----103—104
2-Suuratul
daariyaat---Aayadda------015-019
3-Suuratul xaj
--------Aayadda-------041
4-Suuratul towbah
-----Aayadda------081
5-Suuratul
baqarah-----Aayadda------276
Nusuusta cabsi gelinaysa zakada oo
ladiido waxaa kamida,
1-Suuratul towbah------Aayadda
-----034
2-Suuratul
Alcimraan----Aayadda------180
xaga axaadiista waxaa kamida
xadiiskii dheeraa waana sidan,
Abuu hureera wuxuu werinayaa xadiis
kusugan Axmed, Bukhaari iyo Muslim
inuu rasuulku nababad gelyo iyo
naxariisi korkiisa hanoqotee yiri,
(majiro nin haysta kayd (1)
oo ankagudin zakada illaa haduujiro
waxa lagusoo kululaynayaa (2)
naarta jahannama dhexdeeda waxaana
lagayeelaa gaballo (3)
markaasaa lagu gubaa gabaladii
dhinacyadiisa iyo wajigiisa ilaa Alle
kala xukumayo adoomihiisa dhexdooda
maalin qiyaaskeedu yahay konton kun oo
sano markaasaa latusiyaa jidkiisa inuu
xaga jannada yahay ama inuu xaga
naarta yahay, majiro qof geel haysta
oo anka gudin zakada illaa haduu jiro
waxaa loofidiyaa (4)
banaan siman asagoo geelii markuu
ugubuurnaa lamida ayuu kusoconayaa
dushiisa markastoo ay dushiisa dhaafto
tan ugudanbaysa waxaa lasoo celinayaa
tii uguhoraysay ilaa Alle kala xukumo
adoomihiisa dhexdooda maalin
qiyaaskeedu yahay konton kun oo sano
markaasaa latusiyaa jidkiisa inuu xaga
jannada yahay ama inuu xaga naarta
yahay, majiro qof ari haysta oo
ankagudin zakada illaa haduujiro waxaa
loofidiyaa banaan siman arigii oo
markuu ugubuurnaa lamida waxay
kulasoconaysaa cidiya heeda waxayna
kudooxaysaa (5)
geesa heeda kumana jiraan mid
geeslaaban iyo mid an geeso lahayn (6) markastoo ay
dushiisa dhaafto tan ugudanbaysa waxaa
lasoo celinayaa tii ugu horaysay ilaa
Alle kala xukumo adoomihiisa dhexdooda
maalin qiyaaskeedu yahay konton kun oo
sano lamida kuwaad tirsanaysaan (7)
markaasaa latusiyaa jidkiisa inuu xaga
jannada yahay ama inuu xaga naarta
yahay)-ilaa aakhiral xadiis.
Erey
bixin
1-nin
lacag zaka gaadha haysta.
2-lacgtii ayaa lasoo
shiilayaa siloogu cadaabo qofkii
haystay.
3-waxaa lagasoo
dhigaa gaballo bira ama xadiid ah
oo balbalaaran.
4-qofkii ayaa
lagoglayaa dhul banaan oo siman.
5-waxay kuduraysaa
ama kumudaysaa geesaheeda.
6-dhamaan arigii
waxaa looyee layaa geeso ee malaha
midgees jaban iyo midan geesa
qabin.
7-halkaas maalin
ayaa wuxuu lamid yahay konton kun
oo sano ee kuwan aduunka
latirinayo.
Zakada oo ladiido
xukumkeeda
Haduu diido qofku zakada waajib
nimadee-da wuuka baxayaa islaamka,
Waxana loodilayaa gaalnimo haduusan
ahayn nin dhowaan soo islaamay oo
markaas waxa loogu cudur daarayaa
jaahil nimadiisa, laakiin haduu
diido qofku zakada isagoo aaminsan
waajib inay tahay zakadu, kaasi wuu
denbaabayaa diidmadiisa darteed
laakin kama baxayo islaamka, Waxana
xaakimka ama qaadiga dushiisa ah
inuu xoog kagaqaado zakada
tacsiirna(ganaax) kusameeyo, kamana
qaadayo wax kabadan zakada, Laakiin
Axmad iyo Shaafici qowlka hore waxay
qabaan in lagaqaado zakada iyo
maalkiisa barkiis taasoo ciqaab
looga dhigayo.
Hadii qabiilo ama qolo awood leh ay
diidaan zakada bixinteeda ayagoo
rumaysan inay tahay waajib waalala
dagaalamayaa ilaa ay dhiibaan
zakada, Daliilkuna waa xadiiska
kusugan Bukhaari iyo Muslim,
Cabdullaahi ibnu Cumar isaga iyo
aabiniis Allaha karaali noqdee wuxuu
werinayaa inuu nabigu nabad gelyo
iyo naxariisi korkiisa hanoqotee
yiri:
(waxalay amray inaan
dadka ladagaalamo ilaa ay qiraan
Alle maahee inaanu jirin Ilaah kale,
Muxamad na inuu yahay rasuulkii
Alle, salaadana ay oogaan (1),
zakadana ay bixiyaan, hadey sidaas
yeelaan waxay iga nabad geliyeen
dhiigooda iyo maalkooda xaqa islaamka
mooyee (2), xisaab
tooduna waxay utaal Allaah.)
Ereybixin,
(1)
salaada oogaan = salaada tukadaa.
(2) xaqa islaamka =
macnaa haduu qofku isagoo muslima
dhiig muslim galo waaloo qisaasayaa
oo lama oranayo waamuslim ee
haladaayo.
Yaa zakadu
kuwaajibtey
Waxay kuwaajibtay muslim (gaal maya)
xor ah (adoon maya) oo haysta maal
zaka gaarey (nisaab) noockasta hanoqdo
ee noocyada maalka oo zakadu
kuwaajibto.
Shuruuda
nisaabka(ama zaka goyska)
1- Waa inuu ahaadaa zakadu wax kasaa
ida qofka xaajadiisa, taasoo anu
kamaarmi karin qofku, sida contadiisa,
dharkiisa, gurigiisa, gaarigiisa ama
gaadiidka uu raacayo markuu meelrabo
inuu aado, iyo qalabka shaqada,
2- Waa inuu kasoo wareego sanad (12
bilood) lagasoo bilaabo maalintuu
gacanta kudhiay maalkaas gaaraya
nisaabka, waana lagama maarmaan
sanadkoodhan inuu maalku kaamil yahay
ee waxnusqaana aney kudhicin, haduuse
nusqaamo sanadka dhexdiisa hadana
kaamil noqdo marlabaad waxaloo
fiirinayaa markuu kaamil noqday oo
markaas ayaa lagasoo bilaabayaa tira
sanadeedka.
Imaamu Nawawi wuxu yiri mad
habkayaga, mad habka Maaliki, mad
habka Axmad, iyo jamhuurta culimada
waxay qabaan in looshardiyo maalka
zakadu kawaajibto cayntiisa sida
dahabka, fiddada,iyo xoolaha soofa,
inuu joogto yahay nisaabku sanadka
dhamaantiis, hadiise nisaabkii
nusqaani kudhacdo daqiiqad sanadka
kamida,markaas waxa go’ aya tirsigii
sanadka ee lootirinaayey maalka, haduu
markaas kabacdi kaamil noqdo maalkii
markaas ayaa tirsi horle
loobilaabayaa.
Abuu xaniifa wuxu yiri: waxa kaliya
oo lafiirinayaa sanadka awalkiisa iyo
aakhirkiisa oo hadii nisaabkii kaamil
yahay markuu sanadku dhamaado wax
dhiba malaha nusqaanta kudhacday
sanadka dhexdiisa, wuxu yiri xataa
haduu qofku haystay laba boqol oo
dirham markaasna ayka baaba aan
haldirham mooyee intiikale, ama
afartan ariya ayuu lahaa markaasaa
waxa ugasoo haray halneef oo kaliya
sanadka dhexdiisii,markaasuu
dhamaadkii sanadka wuxu helay
afartankii iyo wax kasiibadan waxa
lagarabaa zakada maalkaas oodhan.
Maalka zakada
lagadhiibaa waa laba qaybood
1- Mid waanooc naf ahaantiisa u
kordha sida xabuubka (bariiska iyo
masangada iyo wixii lamid ah) simaarta
(miraha sida timirta cinabka iyo wixii
lamid ah), noocaas waxay zakadu
kuwaajibtaa markii lagoosto ee gacanta
lagudhigo wixii beeraha kasoo go ay,
2- Qaybta labaad waa wixii
qaabganacsi loodiyaariyo inay kordhaan
sida Dirhamka, Diinaarka, Hantida
ganacsiga(curuudul tijaarah) iyo
xoolaha soodaaqa cawska banaanka,
kuwaasna waxa loofiiirinayaa sanad
inuu kasoo wareego, markaas ayaa
lagadhiibayaa zakada, saasna waxa yiri
fuqahada dhamaantood, waxaad kaheli
kadhaa Majmuuca uu leeyahay imaamul
Nawawi.
Zakada maalka
ilmaha yar
Qofka yar iyo kanwaalan zakadoodu
waxay kuwaajibaysaa inuu kabixiyo
maalkooda haduu gaaro nisaab qofka
weligooda ama masuuliyadooda haya.
Qofka deynka qaba
Qofkii haysta maal zako kawaajibtey
islamarkaana deyn qaba wuxu
kabixinayaa deynta, intasoo hadhay
ayuu kazakeynayaa haduu gaaro nisaab
hadiise nisaabkii nusqaamo wax zakaa
dushiisa lagumalaha sababtoo ah
xaaladaas lajoogo waa sabool (faqiir)
Qofkii dhintay
asagoo laguleeyahay zako
Qofka dhintay isagoo dushiisa
laguleeyahay zako waxay ku waajibaysaa
maalkiisa, waxana lahor marinayaa
zakada intaan lasiin dadka
deyntakuleh, iyo dadka meydku
udardaarmay inmaalka waxlagasiiyo,iyo
kuwadhaxalka leh kuwaasoo dhami waxay
sugayaan markii zakada lagadhiibo
maalka lagadhintay, waxanaloo
daliishanayaa xadiiska lagaweriyey
ibnu cabaas asaga iyo aabihiisba
Allaha karaali noqdee wuxu yiri nin
ayaa uyimid rasuulka nabad gelyo iyo
naxariisi korkiisa hanoqotee,
markaasuu ninkii yiri hooyaday ayaa
dhimatay ayadoo laguleeyahay
bilsoonkeed ee makagudaa (makasoomaa)
Markaasuu yiri rasuulku nabadgelyo iyo
naxariisi korkiisa hanoqotee (hadii
hooyadaa deyn qabto miyaadan
kagudeen?) markaasuu ninkii yiri haa
waanka bixinlahaa, markaasuu yiri
(deynta Alle ayaa xaqmudan inlagudo)
waxa weriyey Bukhaari iyo Muslim.
Shardiga niyada
zakada marka labixinayo
Zakadu waa cibaado waxaana loo
shardiyaa ansixideeda niyo,
niyadaasina waa in qofka zakada
bixinayaa u qasdo wajiga Alle, wuxuuna
kuraadinayaa zakadaas abaal marinta
Alle, wuxuuna kago aaminayaa
qalbigiisa inay tahay zakadaasi waajib
dushiisa ah, Kitaabka Alle sidakucad
suuratul bayinah aayadda –5aad,
waxaana kucad in Alle keligiis diinta
lookhaalis yeelo (loobarax tiro) oo
ancidna waxba lala wadaajin, Waxa
kaloo daliil u ah xadiiska kusugan
saxiixul bukhaari, rasuulka nabad
gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee
waxa laga weriyey inuu yiri: (Acmaashu
waa niyada qofkastaana wuxuu leeyahay
wuxuu niyoodo)
Zakada gudashadeedu
waa waqtiga ay waajibto,
Waxa waajiba zakada inloo bixiyo
sidegdega markay waajibto, waxana
xaaraam ah in lagadib dhigo bixinteeda
markay waajibto, inay bixinteedu
suuroobi weydo maahee oo markaas waxa
banaan dibudhigid ilaa ay suurowdo
bixinteedu, taasna waxaa daliil u ah
xadiiska kusugan Bukhaari iyo Axmad,
Cuqbata ibnu xaaris wuxuu yiri:
waxaan latukadey salaad casar
Rasuulka nabadgelyo iyo naxariisi
korkiisa hanoqotee, markuu salaama
naqsaday ayuu ukacay si degdega
wuxuuna ugalay qaarkamida xaasaskiisa
hadana waasoo baxay markaasuu wuxuu
arkay waxa kamuuqda wajiyada saxaabada
ee ayla yaabsan yihiin degdegiisa,
markaasuu Rasuulku nabad gelyo iyo
naxariisi korkiisa hanoqotee wuxu
yiri: (waxan xasuustay anoo salaadda
kujira tibran (1) ee
nooyaal oo waxaan nacay inuuku
galabaysto ama kubaryo agtayada
markaasaan waxan amray in laqaybiyo)
Ereybixin, (1)tibri=waa
gabalyar oo dahaba. xadiis kale oo
kusugan Bukhaari ayaa Caisha waxay
kawerisey Nabiga nabadgelyo iyo
naxariisi korkiisa hanoqotee inuu
yiri: (madhex gasho sadaqo (1)
maal illaa haday dhexgasho wey
halaagtaa (2))
Ereybixin 1-sadaqo
macnaa waa zakada.
2-halaag macnaa waa
baabi isaa.
Qofka zakada
bixinaya oo looduceeyo
Waxaa sunna ah qofka zakada bixinaya
inloo duceeyo marka zakada laga
qaadanayo sida kucad kitaabka Alle
suuratu towba aayada-103-iyo xadiiska
uu werinayo Cabdullaahi ibnu abii
owfaa wuxu yiri: markii Rasuulka nabad
gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee
lookeeno zako wuxuu ahaa mid yiraahda
ama dhaha (Allow kusalli dushooda )
Cabdullaahi wuxuu kaloo yiri aabahay
ayaa ukeenay sadaqo(macnaa zako)
Rasuulka nabadgelyo iyo naxariisi
korkiisa hanoqotee, markaasuu yiri:
(Allow ahalka abii owfaa dushooda
kusalli)waxa weriyey Axmad iyo qayrki.
Xadiis kale oo uu weriyey waail ibnu
xijrin wuxuu kaweriyey Rasuulka nabad
gelyo iyo naxariisi korkiisa
hanoqotee,nin usoodiray hal geela oo
fiican inuu kuyiri: (Allow barakay
isaga iyo geeliisaba) Imaamu Shaafici
wuxu yiri Waasunno qofka imaamka ah
markii lookeeno zako inuu uduceeyo
qofka zakada bixinaya kuna yiraahdo-
Allaha kaa ajarsiiyo waxaad bixisay,
Hanakuu barakeeyo waxaad lahadhay.