Qore:
Mohamud M. Isse (Ufayn)
Kala xiriir WhatsApp: +252907727411
Nairobi, Kenya
Xoolaha
zakadu kawaajibayso
islaamku
wuxuu kuwaajib yeelay zako
1-Dahabka
2-Fiddada
3-Xabuubka (sida bariiska sareenka
galeyda masangada iyo wixii lamida)
4-Miraha (sida timirta cinabka iyo
wixii lamida)
5-Hantida laganacsado
6-Xoolaha soofa (yacni soodaaqa cawska
roobka kubaxay)
7-Macdanta dhulka lagaqodo 8-Maalka
dhulka hoostiisa dad hore kuduugteen
ee laga helo waa sideedaas nooc waxa
zakadu kuwareegto aygaana siikala
baxaya,
Zakada
Dahabka iyo Fiddada
waajibkeedu
wuxuu kusoo arooray zakada dahabka iyo
fiddada hadalka Alle- suuratu towba
aayadaha 34-35 waana waajib zakadoodu
labada, waana iskumid lacag hadii laga
sameeyo inta ladhalaaliyo, hadiilatumo
iyo haduu yahay mid ceeriinba, markuu
gaaro qadarka mulkigu oo midkastoo
labadaas kamida nisaab ama zaka
goys,kanasoo wareego dushiisa sanad,
mulkigaasuna yahay mid laga saaray
deyntii iyo wixii xaajada asaligaa
(sida masaariifta reerka iyo wixii
lamida )
Nisaab
ama zakagoyska dahabka iyo qaddarka
kawaajibaya
waxba
laguma laha dahabka ilaa uu gaaro 20
diinaar haduuse gaaro 20 diinaar
kanasoo wareego sanad waxaa laga
bixinayaa nusdiinaar tusaale 20 -:-10
=2 -:- 4=0.5
wixii
kasiyaada labaatankana qaacidadaas
ayaa lamarinayaa tusaale kale hadaan
bixino 200-:-10=20-:-4=5 / daliilna
waxaa u ah xadiiskan Cali wuxuu
kaweriyey rasuulka nabad gelyo iyo
naxariisi korkiisa hanoqotee inuu
yiri: (waxba dushaada maaha ilaa ay
kuu ahaato labaatan diinaar.hadey kuu
ahaato labaatan diinaar oo kasoo
wareegtey sanad waxaa lagu leeyahay
diinaar barkiis,maalna zako laguma
laha ilaa uu kasoo wareega sanad)
waxaa weriyey axmad ,abuudaauud,iyo
beyhaqi bukhaarina waasaxiix yeelay.
nisaabka
ama zakagoyska fiddada iyo qadarka
kawaajibaya fiddada laguma laha waxba
ilaa ay gaadho laba boqol oo dirham
hadeyse gaadho laba boqol oo dirham
waxaa lagu leeyahay toban meelood meel
kamida rubuceed tusaale
200-:-10=20-:-4=5 wixii kasiyaadana
saasaa loo xisaabinayaa, daliilkuna
waa xadiiskan ,Cali wuxuu kaweriyey
rasuulka nabadgelyo iyo naxariisi
korkiisa hanoqotee inuu yiri:
(waan
idiin cafiyey fardihii iyo addoomihii
ee keena sadaqada lacagta)ilaa
aakhiral xadiis waxaa weriyey asxaabu
sunan,
Dahab
iyo fido malaysu geyn karaa?
qofkii
hela waxkayar nisaab ama zakagoys oo
dahaba ama fidda ah uma geyn karo
midkood midka kale si ay isugu noqdaan
qaddarkii zakada laga rabey
maxaayeelay waa kala laba jinsi looma
geyn karo midkood midka labaad , waa
sida Lo, iyo Ari. haday gacantiisa
kujidho 199 dirham iyo 19 diinaar
dushiisa zako maaha
Zakada
maalka deynta kumaqan
Zakad
deyta waalaba midkoo,
1-inuu
yahay midlagu kalsoon yahay inuu
dhiibo maalkaas
2-- ama inuuyahay mid cayr ah anxoola
haysan
1-haduu
yahay mid lagu kalsoon yahay ee
dhiibaya deynta culumadu waxay
kadheheen dhawr qawl
1*Qawlka
hore waxay kadheheen ninka hantida
iskaleh waxaa lagu leeyahay zakada
xoolaha deynta kumaqan saas waxaa qaba
Cali, Sowriyi, abiisowrin, Xanafiyada,
iyo Xanaabilada“
2*Qawlka
labaad waxay dheheen waaku qasban
yahay inuu dhiibo zakada ilaa
waqtigaas ay waajibtey xataa hadii
gacantiisa weli aney soogelin deyntu
maxaa yeelay wuxuu awoodaa inuu qaato
iyo inuu isticmaalo saasna waxaa qaba
Cusmaan, Ibnu cumar, Jaabir,
Daauus,Nakhaci, Xasan, Suhriyi,
Qataadah, iyo Shaafici“
3*Qawlka
sadexaad waxay dheheen wax zakaa
lagama rabo sababtu waa xoola
antarmayn ee ningacanttis kujira,
saasna waxaa qaba cigramata“
4*Qawlka
afraad waxay dheheen waxa uuka
zakeynayaa markii uu gacantiisa
soogalo maalku wuxuuna kabixinayaa hal
sano oo keliya zakadeed saasna waxa
qaba saciid ibnu musayib, iyo cadaa
ibnu abii rabaaxa, intaasi waa waxay
kadheheen culumadu ninka lagu kalsoon
yahay ee dhiibaya deynta“
balkan
cayrta ahna an eegno, haduu yahay mid
cayra ama mid madax adag ama mid
laablaab badan waxay dheheen maalkaas
kuma waajibeyso zako saasna waxaa qaba
qataadah, Isxaaq, iyo xanfiyada
sababtuna waxay dheheen waa xoola an
lagu intifaacayn“
Qawlkalena
waxay dheheen wuuka zakeynayaa markuu
gacanta kudhigo sanadihii soo dhaafay
dhamaantood, saasna waxaa qaba
Sowriyi, iyo abii cubeyda“
Qawlkalena
waxay dheheen wuuka zakeynayaa markuu
gacanta kudhigo halsano oo keliya,
saasna waxa qaba Cumar ibnu
cabdulcasiis,xasan, Leysi, Owsaaci,
Maaliki“
Intaasina
waa dadkaan lagu kalsoonayn in
lagahelo deynta ay qabaan iyo wixii
culumadu kadheheen“ Haweentu waxay
isku qurxiso oo dahabka iyo fiddada ah
Culumadu waa isku khilaafeen
zakadiisa, abuu xaniifa iyo ibnu xasmi
waxay qabaan waa waajib zakadiisu
waxay haweenku isku qurxinayaan oo
dahab iyo fiddo ah haduu gaaro nisaab
ama zaka goys,waxayna udaliishadeen
xadiiska cumar ibnu shucayb kaweriyey
aabihii, aabuhuna kasii weriyey
awowgiis, wuxu yiri waxaa nabiga
uyimid nabad gelyo iyo naxariisi
korkiisa hanoqotee laba haweena oo
gacmohooda ugu jiraan jijimo dahaba,
markaas ayuu yiri (majece shihiin in
Alle jijimo idiinka dhigo maalinta
qiyaame jijimo naar ah ) waxay dheheen
maya markaasuu yiri: (kadhiiba xaqa
kan gacmihiina kujira )
Asmaa
bintu yasiid waxaa laga weriyey inay
tiri waxaanu usoo gallay Rasuulka
nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa
hanoqotee, aniga iyo habaryartay
anagoo qabna jijimo, markasuu yiri:
(mabixisaan zakadiisa ) waxaanu niri
maya, markaas ayuu yiri: (miyaydaan
kabaqayn in Alle idiinkujijimeeyo
jijimo naar ah, kadhiiba zakadiisa)
heytami wuxuu yiri axmad ayaa weriyey
sanadkiisuna waa xasan ;
Caisha
waxaa laga weriyey inay tiri waxaa
iisoo galay rasuulka nabad gelyo iyo
naxariisi korkiisa hanoqotee, wuxuuna
gacan tayda ku arkay faraatiyaal fiddo
ah markaasuu igu yiri (caishay
waamaxay waxani ) markaasaan iri
waxaan ugu talagalay inaan kaa isugu
qurxiyo adiga rasuul Allow, markaas
ayuu yiri (makadhiibtaa zakada)
markaasaan iri maya ama waxan iri
wixii Alle doonay, markaasuu yiri:
(isagaa kuugu filan naar)waxa weriyey
abuu daauud, daaru qudni, iyo beyhaqi,
Sadexda imaam oo kale waxay kutageen
inaayan zako lahayn waxa haweenku isku
qurxiyaan ee dahab iyo fiddo ah intuu
doonaba hagaaree,
Beyhaqi
wuxuu weriyey in laweydiiyey jaabir
ibnu cabdullaahi waxyaalaha haweenku
isku qurxiyaan zako maleeyahay? wuxu
yiri maya, markaasaa waxaa layiri
kawaran haduu gaaro kun diinaar,
markaasuu yiri haba kabad Naado
haduudoono,
Beyhaqi
wuxuu weriyey asmaa bintu abii bakar
inay kuqurxin jirtey gabdheheeda dahab
gaaraya 50,000 kamana zakayn jirin,
Kitaabka layiraahdo muwadda waxaa
kusugan caisha inay ahayd mid xanaa
naysa gabdho walaalkeed dhalay ee
agoomaa waxayna lahaayeen dahab ay
isku qurxiyaan kamana zakayn jirin
caisho,
Waxa
kaloo muwadda kusugan Cabdullaahi ibnu
Cumar wuxuu ahaa mid kuqurxiya
gabdhihiisa iyo jaariyadihiisa dahab
kamana zakayn, Khadaabi wuxuu yiri
sida daahirka kucad kitaabka Alle
suuratu towbah aayadaha 34-35 waxay
umarag noqonayaan cida tiri waa waajib
in laga zakeeyo haweenku waxay isku
qurxinayaan, Aaraadan aynusoo marrayna
waa xoojinayaan,
Nuxurkii
oo kooban sida dadaalka badani waa in
laga bixiyo zakada waxay haweenku
xiranayaan oo dahab iyo fiddo ah.
Zakada
meherka haweenka
Abuu
xaniifa wuxuu qabaa inaan wax zakaa
laga rabin meherka haweenka ilaa ay
gacanta kudhigto wax zaka ahi kuma
waajibayso ilaa lasiiyo markaasna ay
kutasarufto, islamarkaasna waxaa
shardi ah inuu gaaro maalkaasi nisab
Ama zaka goys, shardiga kalena waa
inuu kasoo wareego sanad, laakiin
haday xoola kale oo gaaraya nisaab ay
horay uhaysatay markaas looma fiiri
nayo sanad ee waxa laga zakey nayaa
markii xoolaha hore sanad udhamaado
Tusaale
waxay haysatay kun dollar oo soogalay
gacanteeda Jan.2000, markasey waxay
kaloo heshay meherkeedii Jun,2000,
waxaa sanadku ugu dhamaa nayaa Dec,
2000 saas ayaa loo xisaabinayaa hanti
kasta oo kusoo gasha adoo haystey
hanti hore oo gaareysa nisaab,
Shaafici
wuxuu qabaa haweenta waa kulaasim
(qasab) zakada meherkeedu xataa haday
tahay midaan weli laguri geysan
lanataaba marhadii sanad kasoo wareego
waa inay bixiso, saas wuxuu kawadaa
haweentu nus bay leedahay meherka
hadaan weli lataaban oo nikaax keliyi
kudhacay saas ayadoo ah waxa laga
rabaa labada qayboodba inay ka zakayso
waa qawlka shaafici,
Xanaabiladu
waxay dheheen haweenta meherkeedu waa
deyn iyada kamaqan xukunkiisuna waa
haduu yahay ninku mid maal qabeen ah
waaku Waajib zakadiisu maalka inay
bixiso, markay gacanta kudhigtona
waxay kazakay naysaa sanadihii soo
dhaafay,
Zakada
ijaarka guryaha
Abuu
xaniifa iyo maalik waxay qabaan ninka
ijaartey guriga xaq umalaha ijaarkiisa
ilaa mudadii ijaaradu dhamaato, waxay
dheheen anagoo taas waxku dhisayna
ninkii guri ijaarta kumawaajibin
ijaaradaas zakadeedu ilaa uu gacanta
kudhigo markaasna sanad kasoo wareego,
isla markaana gaadho nisaab Ama zaka
goys,
Xanaabiladu
waxay qabaan ninkii guri ijaarta wuxuu
mulkinayaa ijaaradiisa waqtiga
heshiisku dhacay, xataa haduusan waxba
qaadan waxa lagu tirinayaa maalkaas
mulkigiisa, saas awgeed waxaa
kuwaajibaya ijaaradiisa zako, waa
hadii ay gaadho nisaabkii ama qadarkii
zakadu kawaajibaysey, isla markaasna
kasoo wareego mudodhan sanad,
Zakada
ganacsiga
Jamhuurta
culumada, saxaabada, taabiciinta iyo
fuqahadii kadamaysay dhamaan toodu
waxay kutageen inay waajib tahay
zakada hantida ganacsigu.
waxaana
daliil u ah xadiiska ay werinayaan
abuu daauud iyo beyhaqi, waxa laga
weriyey samurata ibnu jundub inuu
yiri, Nabigu nabad gelyo iyo naxa riis
korkiisa hanoqotee wuxuu ahaa kiina
amra inaanu kabixino zakada maalka
aanu udiyaarinay ganacsiga: Daliilka
labaad waa xadiiska ay werinayaan
daaruqudni iyo beyhaqi :
Abii
Darri ayaa kaweriyey Nabiga nabad
gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee
Inuu yiri: (geelu wuxuu leeyahay zako
ariguna wuxuu leeyaya zako lo’duna
waxay leedahay zako alaab tuna waxay
leedahay zako) Xadiis kale waxaa
werinaya Shaafici, Axmad, Abucubeydin,
Daaruqudni, Beyhaqi, iyo Cabdurisaaq
inuu kaweriyey Camru ibnu xamaasin
aabihiis oo xamaas ah wuxu yiri,waxaan
ahaa mid iibiya hargo ama maqaar
hadaan ahay xamaas markaas ayaa waxaa
isoo maray Cumar ibnu khadaab Allaha
karali noqdee markaasuu yiri: kabixi
maalkaaga zakada , markaasaan ku iri
amiirkii mu’miniintow waxaani waa
hargo, markaasuu yiri: qiimay, macnaa
maqaaradan lacagtooda xisaabi oo
markaas kabixi zakada,
Waxaa
kusugan kitaabka Mannaar, culumada
diinta jamhuurtoodu waxay leeyihiin
waa waajib zakada hantida ganacsigu,
Intaasi waa adiladii iyo Aaraadii
kutusinaysey zakada hantida ganacsiga,
sababtoo ah xoolahaagu waxay
kuwareegaan lacag iyo badeeco lacagtii
kujidho, saas awgeed waa inlaqiimeeyo
markasta oo sanad kasoo wareego Siloo
ogaado zakada kabaxaysa, taasna horaan
usoo tusaalaynay,
Goormay
noqotaa hantidu ganacsi ama tijaaro
Wuxuu
yiri ninkii kitaabka Muqniga qoray
ganacsi manoqonayso hantidu ilaa laba
shardi laga helo,
1-waa
inuu ficil kusoo galaa maalku sida
beyca, meherka, hibo lasiiyey maal
waalidku u dardaarmay iyo kasbasho
banaan oo wax lagu kasbado,
2-waa
inuu niyoodo ganacsi markuu mulkinayo
maalka, haduusan uniyoon ganacsi
manoqonayo tijaaro maalkaasu ee wuxuu
noqonayaa badeeco kayda, qofkii
hantiya tijaaro gaaraysa nisaab
kanasoo wareegto sanad wuxuu qiimey
nayaa sanadka dhamaadkiisa markaasuu
kabixi nayaa zakada, qaabka looga
dhiibayaana waa sidan, hantidaada
markaad xisaabto waxa kuusoo baxa
uqaybi 40 meelood waxaad kabixisaa
markaas meelkamida waxa kuu soo haray
waa 39 meelood, tusaale hadaan
kabixino 1000$ uqaybi 40 =25 waxa
kaabaxay waa shan iyo labaatankaas,
sidaas ayuu kusameynayaa taajirku
maalkiisa sanad kasta ee soo wareega
haduu Alle kabaqayo,
Qore: Mohamud M. Isse
(Ufayn)
Kala xiriir WhatsApp: +252907727411
Nairobi, Kenya
|