Qore:
Mohamud M. Isse (Ufayn)
Kala xiriir WhatsApp: +252907727411
Nairobi, Kenya
Cidda
Zakada lasiinayo
Dadka
zakad lasiinayaa waa sideed nooc,
Allaah ayaan kucadeeyey qowlkiisa.
Suuratu towba aayada 60aad, waxayna
kalayihiin sidan soosocota labadan
qolo ee uguhoreeya waa:
1-2
Fuqarada iyo masaakiinta,
waana
kuwo baahan oo an heli karin
waxkufilan baahidooda, waxaana kasoo
horjeeda aqniyada oo ah dadka hodonkaa
ama maalqabeen, kuwaasna horaan ugasoo
hadallay qadarka qofku kunoqon karo
qani ama maal qabeen, waana inuu
haysto qadarkii nisaabka hanti gaadha
islamarkaana kasaayida baahidiisa
asalkaa isaga iyo caruurtiisa, waana
waxlacuno, waxlacabo, dharka
laxiranayo, guriga degaanka, gaadiidka
laraaco, qalabka shaqada, iyo wixii
lamida ee anlaga maarmi karin, hadaba
qofkasta oo waaya qaddarkaas ansoo
sheegnay waa faqiir ama sabool wuxuna
mutaysanayaa inlasiiyo zakada,
Xadiiskii
Mucaad ibnu jebel waxaa kamidahaa inuu
rasuulku nabadgelyo iyo naxariisi
korkiisa hanoqotee yiri (waxa laga
qaadayaa kuwooda hodonkaa, waxana lagu
celinayaa kuwooda saboolkaa)
Hadaba
kan laga qaadayaa waakan maalqabeenkaa
ee haysta maal gaaraya nisaab sidaan
soo marnay, kanlagu celinayaana waakan
isaga kasoo horjeeda waana kan
saboolkaa ee anheli karin waxa uu
haysto kan hodonka ahi, manajiro
halkaan waxfarqiya oo udhexeeya
faqiirka iyo miskiinka markii loo
fiirsho xaga baahida iyo xaga
mutaysiga zakada, masaakiintu waa qayb
kamida fuqarada waxayna leeyihiin
tilmaan gaara waxana jira xadiis ayku
sugantahay wax kutusinaya inay
masaakiintu yihiin fuqarada, kuwaasoo
kadhawr sanaya tuugsiga dadkuna aney
garanayn inay baahan yihiin waxaana
lagu sheegay aayaddaan soo xusnay,
sababtoo ah waxaa laga yaabaa inaan
lagaran siday udhawrsoon yihiin ama
isu qurxinayaan,
Abii
hureera waxaa laga weriyey inuu
rasuulkii Alle nabad gelyo iyo
naxariisi korkiisa hanoqotee yiri
(miskiinku maaha midka dadka
kuwareegaya dushooda oo ay celinayso
luqmad ama laba luqmadood, ama timir
ama laba timrood, laakiin miskiinku
waakaan heli karin qani nimo deeqda,
lana garanayn (1)
siwaxloogu sadaqaysto dushiisa, isuna
taagayn suu dadka wax uweydiisto) waxa
weryey bukhaari iyo muslim,
Ereybixin,
1-macnaa dadku magaranayaan inuu
baahan yahay oo waxay arkaan
dhawrsoo naantiisa iyo xishoodkiida.
Qiyaasta lagasiinayo miskiinka
zakada,
Waxaa lasiinayaa wax kufilan
baahidiisa dhexdhexaadkaa ama qadar
kasaara sabool nimada oo gaarsiiya wax
kufilan, Cumar Ibnu khaddaab ayaa waxa
laga weriyaa inuu yiri hadaad
bixinaysaan hodonti nimo gaarsiiya,
macnaa qofkii waxdhii bayaa
hagaarsiiyo qofkuu waxsiinayo heer uu
baahida kaboxo
Mulkiilaha aan heli karin wax
kufilan baahidiisa,
Ninka haysta maal gaaraya nisaab
noocyada maalka kuudoonoba hanoqdee,
haduusan toosin karin baahidiisa
sababtuna ay tahay caruurtiisoo
farabadan, kaasi waa hodon hadii
loofiiriyo dhanka maalka oo nisaab
gaaraya, waxana kuwaajibaysa maalkiisa
zako,waana faqiir hadii loofiiriyo
waxa uu haysto ee ankufilayn
baahidiisa, waxana lasiinayaa zakada
sida faqiirka,
Imaamu nawawi wuxuu yiri ninkii leh
hanti maguurtaa (sida beeraha iyo
guryaha magaalo) oo waxa kasoo galaa
kayaraado baahidiisa kaasi waa sabool
waxaana lagasiinayaa zakada wax
udhamays tira baahidiisa.
3 -- Dadka zakada kashaqeeya
(caamiliin)
qaybta sadexaad ee lasoo dhowaynayo
waakuwa imaamka muslimiintu ama wakiil
kiisu udiray inay kashaqeeyaan zakada
soo ururinteeda, kanasoo qaadaan dadka
maal qabeenkaa, waxaana kuwaas
soogelaya kuwa xafidaya iyo kuwa
raacaya haday xoolanool yihiin, iyo
kuwa liisgaraynaya oo kuqoraya
diiwaanada,
waxaana waajiba inay muslimiinta
kamid yihiin waana inayan ahayn kuwii
sadaqadu kaxaaraam sanayd ee kamida
xigtada ama qaraabada rasuulka nabad
gelyo iyo naxariisi korkiisa
hanoqotee, waana Ilma haashim iyo Ilma
cabdi mudalib,
waxa lagaweriyey Mudalib Ibnu
Rabiicata iyo Fadli ibnu cabaas inay
aadeen Rasuulka nabad gelyo iyo
naxariisi korkiisa hanoqotee,markaasaa
waxaa lahadlay midkood oo yiri;
rasuulkii Allow waxaanu kuugu nimid
inaad noo amarto zakooyinkaan oo uu
nagasoo gaaro waxa dadka kasoo gaaraya
ee waxtar ah, markaasuu yiri (sadaqadu
umahaboona Muxamad iyo Aalu muxamad,
waxkalena maahee ayadu waa wasahkdii
dadka)
4 --- kuwa quluub tooda lasoo
dumayo,(mu alafatulquluub)
Qolada afraad ee zakada lasiinayo
waakoox ladoonayo inlasoo dhoweeyo
quluubtooda iyo inlagusoo daro
islaamka ama lagusugo islaamka
dushiisa, Islaam nimadooda oo daciifa
awgeed, ama waakoox shartooda looga
difaacayo mislimiinta, fuqahadu waxay
ukalaqaadeen muslimiin iyo gaalo,
Sigaarana muslimiinta waxay
ukalasaareen afar qaybood,
- -qolada kowaad waa odayaasha iyo
duqeyda muslimiinta ah sida kuwii
Abuu bakar Allaha karaali nodee
siiyey, waxaana kamid ahaa cadiyi
ibnu xaatim iyo zibriqaan ibnu
badrin, waxayna ahaayeen kuwo
islaamkoodu fiicnaa wuxuna usiiyey
booskay kajoogaan qoladooda,
- -qolada labaad waa muslimiinta
iimaankoodu daciifka yahay
duqeydooda, cidda dhexdeedana la
adeecsan yahay waxsiintoodana lagu
rajeynayo inay kusugnaadaan
islaamka, iimaan kooduna xoogaysto,
sida kuwii nabigu siiyey nabad gelyo
iyo naxariisi korkiisa hanoqotee
siismo balaaran kasiiyey
qanimooyinkii hawaasin lagahelay,
waxana kami ahaa ragii layska daayey
ee reer maka markii lafurtay
kuwaasoo markii dambe islaamay,
waxaana kamid ahaa ku munaafiqa iyo
ku iimaankiisu daciifyahay intoodii
badnaydna markaas kadib way
kusugnaadeen islaamka,
- -qolada sadexaad waa kuwalasoo
dhoweynayo ee qolo muslimiinta
furinta xuduuda magalooyinka cadowga
jooga kamida, waxaana loosiinayaa
difaacooda muslimiinta ay
kadifaacayaan goortay soo weeraraan
cadowgu,
- -qolada afraad ee muslimiinta
katirsani waa duqey loobaahan yahay
inay zakada kasoo qaadaan dad
anbixinayn amarkooda iyo
saamaayntooda la aantii, hadii
ankuwaas loo adeegasan waxay
noqonaysaa indagaal iyo xoog lagu
qaado markaasna waxaa dhici kara
dhibaato, saas awgeed ayaa ladoortay
inlasoo dhoweeyo odayaasha si ay
ugarab istaagaan kaalmada dawladda,
taasaana labada dhib fudud,
Gaaladiina waxaa lookala qaaday laba
qaybood oo kala ah sidan,
- -waxa kamida midlaga rajeynayo
soodhoweyn taas iyo waxsiintaas inuu
islaamo, sidii safwaan ibnu ubayata,
kaasoo nabigu nabad gelyo iyo
naxariisi korkiisa hanoqotee uu
siiyey amaan (nabadgelyo) maalintii
maka lafurtay wuxuuna usugey
(ukaadsadey) afar bilood si uu
amarkiisa ugafiirsado naftiisana wax
udoorto wuxuuna siiyey geel fara
badan oo rimman, markaasuu yiri
Allaan kudhaar taye nabigu waa
Isiiyey asagoo an dadka ugu nebcahay
kamana suulin inuu isiinayo ilaa uu
Noqday kaan dadka ugujeclahay,
- -qolada labaad ee gaaladu waa
kanlaga cabsanayo shartiisa siisma
diisana lagarajey naayo inuu
dhibtiisa reebto,(gaabsado) Ibnu
cabaas wuxuu yiri dadku waxay
ahaayeen kuwo uyimaada nabiga
nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa
hanoqotee, markaas haduu siiyo waxay
amaani jireen islaamka waxayna oran
jireen tani waadiin wanaagsan hadii
loodiidana wey caayayeen waana
ceebaynayeen, waxaana kamid ahaa
ragaas abuu Sufyaan ibnu xarbi,
Aqrac ibnu xaabisin, Cuyeynata ibnu
xisnin, midkastoo kamida wuxuu
siiyey nabigu nabadgelyo iyo
naxariisi korkiisa hanoqotee boqol
geela.
Axmad iyo muslim waxay anas
kawerinayaan inuu yiri anas,
nabigu nabadgelyo iyo naxariisi
korkiisa hanoqotee, hadii
laguweydiisto islaamka shey waa
bixin jirey, waxaa uyimid nin
markaasuu weydiistay markaasuu
wuxuu amray inlasiiyo ari
farabadan ee daaqaya laba buurood
dhexdood ee kamida xoolihii
zakada, markaasuu kulaabtay
qoladiisii oo kuyiri war qoom
yohow islaamka qaata, Muxamad
wuxuu bixinayaa bixin nimaan faqri
kabaqayn oo kale.
5 - Adoomaha xorayntooda,
(wafiriqaabi)
waxaa lagu jamcinayaa halkaan
labanooc oo adoomuhu ukala baxaan,
waxayna kalayihiin kuwo
lakitaabeeyey-macnaa waxa seyidkii
lahaa kula heshiiyey haduu keeno
lacagta uu kula heshiiyey inuu
xornoqon doono markuu keeno lacagtaas.
Kankalena waa mid lahaysto oo hadii
lagasoo gado cida adoonsanaysa
markaasna laxoreeyo saasna uu markaas
kaga boxo adoonimadii, Labadaas qoloba
waxaa lagu xorayn karaa zakada sideeda
qaybood qayb kamida, kanlagu xiray
inuu keeno lacag markaasna xoroobo
waxa loogu kaalmaynayaa zakada siduu
ugabixi lahaa adoonimada,waxaa kaloo
zakada lagusoo gadayaa kuwakale oo la
adoonsanayo markaasna waa
laxoraynayaa.
6-kuwa deymoobey (Alqaarimuuna)
qoladan lixaad ee zakada lasiinayaa
waa kuwo deymoobey, karina waayey inay
iskadhiibaan deynta, waxayna ukala
qaybsamaan sidan, mid deyngalay ama
damaano qaaday deyn inuu cidkale
kadhiibayo ee markaas isaga lagarabo,
siduu kubixin lahaana maalkiisii
kudhameeyey, kuwaasoodhan waxay
kaqaadanayaan zakada deymohooda,
qubeysata ibnu mukhaariqin
alhilaaliyi waxa lagaweriyey inuu yiri
waxaan qaaday deyn an dad dhexdood
kukala xalinayo saan dhibaato udhicin
markaas ayaan waxan utegey rasuulkii
Alle nabad gelyo iyo naxariisi
korkiisa hanoqotee, anigoo
waxwarsanaya, markaasuu yiri (joog
ilaasadaqo nooga timaado oo markaas
ankuu amarno sadaqadaas) rasuulku
nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa
hanoqotee, markaasuu sida laweriyey
hadana yiri: (qubeysow baryadu xalaal
uma aha sadex midkood waxan ahayn, nin
xamaala qaaday oo markaas ay uxalaal
noqotay baryadii ilaa uuhelo markaana
uu kajoogsado)
culimadu waxay dheheen xumaaladu waa
wixii qofku qaado ee kulaasimaysa
naftiisa inuu bixiyo asagoo kukala
xalinaya dad is haysta dhexdooda.
Carabtu waxay ahaayeen markii
dhexdooda fidno kadhacdo qofkood ayaa
isutaagi jirey suu ugahortago dhibkaas
isagoo kudhiibaya maal wuxuu helikaro,
ilaa fidnadaasi kadegto, waxayna
ahaayeen kuwo markay ogaadaan in
midkood qaaday deyn uu dadkukala
saarayo waxay uladegdegi jireen inay
kucaawiyaan oo aysiiyaan wax naftiisu
deynta kaga baxdo, haduu ninku
arinkaas dartii wax uwarsado dadka
kuma ceebaynjirin, laakiin waxay u
arkayeen faan iyo raganimo, shardina
maaha qofkii galay maslaxadaas oo kale
inuu maalkiisu dhamaado laakiin isagoo
heli kara hanti gaadha waxa uu galay
ayuu hadana zakada kaqaadan karaa
wuxuu kukala maslaxayo dadka dhexdooda
iyo dhibaato laysku dhici lahaa
daminteed.
Qore: Mohamud M. Isse
(Ufayn)
Kala xiriir WhatsApp: +252907727411
Nairobi, Kenya
|