SomaliTalk.com
ALLAH IS GREAT

 SOMALITALK AUSTRALIA

 

 Wafti Kasocda Jaamacadda Latrobe University (Australia) oo Booqasho Kutegidoona Jaamacadda Bariga Afrika, Bosaso.

Waftigaas waxaa Hogaaminaya Gudoomiyaha ARI, Dr. David Dorward

African Research Institute waxa uu Jaamacada Boosaaso usoo ururiyey 27 Computer iyo 2 scaner iyo 4000 oo buug.

Qoraalkan Waxaa isku soo dubaridey Maxamed Cali | Jan 19, 2003
dr david width=
Dr. David Dorward, African Research Institute,((ARI), Latrobe University, Australia

Mar aan la hadlay Ciise Maxamud Dhollowaa wuxuu ii sheegay in magaalada Melbourne ee dalka Australia ay ka ambabaxayan 27ka bishan January wefti ka socda African Research Institute,((ARI) ee Jaamacada Latrobe University ee ku taala magaalada Melbourne ee dalka Australia, waxaana ay ku sii jeedaan Jaamacada Africada Bari ee ku taal magaalada Bosaaso ee Dawlad Goboleedka Puntland. 

Waftigan waxaa hoggaaminaya gudoomiyaha ARI, Dr. David Dorward, waxaana socdaalkiisa uu halkaas ku tegidoono ku weheliya Ciise Maxamud Dhollowaa iyo xaaskiisa Anne-Marie Treweek, Dhollowaa oo iyaguna u socda arimo kale oo siyaado ah lana xiriira celin wiil Somaliyeed iyo keenista labo carruur ah oo Somaliyeed oo xanuunsan kana kala imaanayaan magaalooyinka Beledweyn iyo Groowe.

Dr. David wuxuu Bosaaso kula kulmidoonaa, kana wadda hadlidoonaa maamulka Jaamacada Bariga Africa  isku soo dhoweynta iyo xoojinta labad jaamacadood. Waxaana kale oo ay ka wadda hadlidoonaan Wasaarada Waxbarshada ee Puntland iyo maamulka Jaamacada Bariga Africa sidii loo horumarin lahaa Jaamacada Bariga Africa iyo sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka wanaagsan ee hada ka dhexaya labada jaamacadood ee Latrobe University [www.latrobe.edu.au] iyo East Africa University ee Bosaaso [www.bosasouniversity.com] .
dholowaa
Ciise Maxamud Dhollowaa iyo xaaskiisa Anne-Marie Treweek
Email: imfarah@students.latrobe.edu.au

African Research Institute waxaa uu mas'uul ka yahay deeq dhan 4000 oo buug [books] ah oo dhowaan laga soo raridoono magaalada Melbourne, kuwaas oo ka kala socda maadooyin [subjects] kala duwan oo ay ugu horayaan Law, History, Legal Studies, Social Sciences, Computing iyo Business. 

Waxaa kale oo African Research Institute soo ururiyey 27 computers, 2 scaners, iyo Printers oo Jaamacada Bariga Africa ay leedahay. Waxaana qalabkaas oo dhan laga soo ururiyey jaamacadaha ku yaala Australia oo haatan xiriirka Jaamacadaas u bilaabmay. Tusaale ahaan, Jamacada la yiraahdo Deakin [www.deakin.edu.au] ee ku taala magaalada Melbourne, waxaa ay balan qaadeen in ay ka caawiyaan jaamacadaas East Africa University arimaha la xiriira buugaag joogta ah, oo sanad walba ah in ay u diraan jaamacdaas. 

Arimahaasna waxaa guushooda iyo iskudubaridkooda leh labada nin ee kala ah Dr. David Dorward iyo Ciise Dhollowaa oo aad isugu taxalujiyey sidii tayada iyo tabarta wax qabad ee jaamacda Bariga Africa kor loogu qaadi lahaa.

Dirista iyo isku dubaridka hawlahaas maaney suurta gasheen hadii aaney ka qayb qaadan bulshada iyo xafiiska Somali Community Inc. ee Victoria. 

Waxaana nagu maqale ah in ay dhalinyarada ka soo jeeda Dawlad Goboleedka Puntland in ay gacan weyn ka geysateen, kana geysaneyaan horumarinta iyo caawimaada Jaamacada East Africa University ee Bosaaso. 

Anaga oo ku hadleyna magaca Somalitalk na waan u mahad celineynaa dadkaas iyagu sida goonida ah isu xilqaamay ee ka qayb qaatay barnaamijkaas taageerada ah.

Waxaa Iskusoo dubaridey
Maxamed Cali
Minneapolis, Minnesota, USA
Webmaster@somalitalk.com
Janaayo 19, 2003

I  I  D  H  E  H

Cusmaan Muumin  oo Australia ku Soo Beegan 9ka February si Loo Daaweeyo
Ciise Maxamud Dhollowaa oo Australia ka ambabaxaya 27ka January ayaa waxa uu Soomaaliya kasoo qaadayaa wiilka yar ee sawirkiisu kuu muuqdo oo... GUJI. 18/1

LIFAAQ.1
Dhakhaatiirta iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed waxaa sugaaya in ay baaritaan cilmiyeed ku sameeyaan waxyaabaha sababaya xanuunada aan Soomaaliya horay loogu arkijirin ee hadda kusoo badanaya, gaar ahaan cudurada carruurta yaryar. Su'aal ay dadbadani isweydiinayaan ayaa waxa ay tahay, sunta lagu duugey Soomaaliya, (sida ay caddeysay cilmibaaristii Dr. Bashiir Sh. Maxamed) , imisa raad ah ayey ku leedahay xanuunada kusoo batay Soomaaliya. Jawaabteedu waxay sugeysaa Soomaalida aqoonta uleh cilmigaas......

SOMALITALK AUSTRALIA:

 


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...

BELEDWEYNE
Cusmaan Muumin  oo Australia ku Soo Beegan 9ka February si Loo Daaweeyo
Ciise Maxamud Dhollowaa oo Australia ka ambabaxaya 27ka January ayaa waxa uu Soomaaliya kasoo qaadayaa wiilka yar ee sawirkiisu kuu muuqdo oo... GUJI. 18/1
BOOSAASO  
Cumar Yare iyo safarkiisii
Cumar oo ah 3jir xiidmuhu dibada yaaleen oo 18ka December la keenay Melbourne si loogu qalo Guji

Mucaawino u raadintii Cumar Yare GUJI... 

BOOSAASO / CEERIGAABO
BOSASO: Wiil yar oo qaliin degdega u baahan
CEERIGAABO: Wiil yar oo qalliin indhaha ah u baahan
WIIL YAR
Cabdirisaaq maxamed Muuse oo kusugan Nairobi wuxuu u baahanyahay gargaar aadaminimo. GUJI..
CABDALLA XASSAN
Cabdalla Xasan Khaliif Maxamuud waa wiil yar oo kusugan Sanca, Yaman oo ay haysato qiso aad u naxdinbadan, GUJI..
WIIL YAR
Waa wiil yar oo u baahan qalliin degdega, taageeradiinana u baahan GUJI..
CABDI SICIID
Cabdi siciid faarax wuxuu indhabeelay isaga oo 4 bilood jira, taageero ayuuna u baahanyahay GUJI..
SAFAR SAMAFAL
Meelaha mucaawanada GUJI...
Warbixintii saddexda gabdhood markii lakeenay AustraliaGUJI..
NAAFADA SOOMAALIYEED
Mashruuca Daryeelka Da'weynta iyo Naafada Soomaaliyeed Guji...
WAXBARASHADA CARRUURTA
"Dadka Carwada yimid oo idil way isku sheegeen wiilkaas fariid Quraanka ah, Cabdul Fattax Shariif Moxamed, sidaas darteed nin walba wuxuu soo watay wiilashiisii si uu u soo tuso tusaale waangsanna ugu noqdo, deedna ay ugu daydaan." Guji...
C/siis C/lahi Adam oo bishii December 2000 kuguulaystay kaalinta Koowaad ee tartanka Qura'aanka, Abaalgudna u helay 250,000Dhs oo u dhiganta $68,000
Akhri halkan
Flip to any page of the Koran's 114 chapters, and Ahmed Mohamed can recite it for you.
DETROIT FREE PRESS
December 9, 1999.
Cabsida lagaqabo mustaqbalka carruurta Soomaaliyeed ee kusoobutaacay dadalka Galbeedka
Guji...
Maxaa Xal u ah Ubadka Soomaalida Qurbaha?
Guji...
Carruurta Soomaalida Denmark
Guji...
Carruurta Soomaalida London, canada
Guji...
MUQDISHO
Goolhayihii Qaranka oo Dooni La gaddoontay : XASAN SH:AWEYS(joorge)wuxuu ahaa goolhayaha xulka qaranka  soomaaliya. waxa uu hadda u baahanayahay caawinaad aadaminoi... GUJI.. 1/1/3

Copyright ©  SomaliTalk.com. All rights reserved.