Hassan Dhooye (abu xafso)
dhooye@hotmail.com
OLOLAHA LADAGAALANKA GUUR
IYO HAYB SOOCA:
NIMAAN HADLIN HOOYADIIS
QADISAY II
Adduunka waxaa ka dhacay is dulmin fara
badan ilaa hadana jira, waxaana dhici karta in qaar ka mida dulmiga uu
baaba’o si kastaba ha ku baaba ee, kuwa kalana inay waaran si kasta ha ku
waareene, hadaan wax yar sharaxno dulmi waa kalmad carabi ah waxaana ka mida
macnayaasheeda “in qofku wuxuu xaq u lahaa lagarab mariyo ama loo diido”.
Hadaba waxaa dhici karta inay hadalkaan ku
jiraan su’aalo fara badan oo oranaya maxaa keena dulmiga?, ama maxaa xal u
ah?, amase sidoo looga bixi karaa?, kuligood waa su’aalo macquula waxaana
laga yaabaa jawaabahooda inaan ka helo qaar ka mida qoraal keenaan sida kuwa
kalana jawaabahooda idinka aan idiin daynayaa.
Waxaan ku bilaabi lahaa qormadaan dulmiga
guunka ah ee lagu hayo dad Soomaaliyeed oo aysan jirin wax farqi ah oo noo
dhaxeeya dhinac walbaba, kaas oo ah “Quursiga, Guur sooca iyo Hayb sooca”
waxaa is waydiin mudan goormaa waxaan bilow deen?, yaase bilaabay?, xageese
laga bilaabay?. Kuligood waa jawaabo ubaahan xaqiiqo lagu cadaynayo lifaaq
taariikheed taas oo aan filayo inay aad u adag tahay, maadaama aan ahayn dad
reer guuraa ah oo aan waxna qorin waxna akhrin waxii fariinana isugu gudbiya
oraah, hanoqoto Tix ama Tiraab ahaane.
Waxaan kaloo kalsooni badan lagu qabin waxyaalaha
umadaha kale ka qoreen Taariikhda Soomaaliyeed gaar ahaan taariikhdaan
quursiga, walibana kuwa reer galbeedka oo marna aysan ka marnayn inay
kusaleeyaan fikir kooda, dan tooda gaarka ah, hadaan si kale u iraahno
xiliyada lagu qiyaasayo inay arintaan bilaabatay ama xoogaysatay waxaa xoog
lahaa xadaarada reer Yurub iyana waa kuwa Soomaali 5 u qaybiyey oo ilaa hada
aan hifanayno/hibanayno dhulka naga maqan, anigoon ku dheeraanayn waxaa
tusaale noogu filan “ 16 May1908 miilaadiga Xabashida iyo Talyaaniga ayaa
heshiis ku kala saxiixday “iyagoo ku heshiinaya” xuduudaha dhulka Soomaalida
ee ay Qabsadeen. Heshiiskaas waxa uu Talyaanigu Boqorkii xabashida Menelik,
ku siiyey 3 malyan oo Lire, si uu ugu wareejiyo dhulka ka bilwoda Doolow
ilaa laga gaadhayo webiga Shabeelle, marka dhica waqooyi Doolow looga
baxo”.waxaan ka soo guuriyey buuga la yiraahdo
Xasuus Qor 1400-2000 oo uu
qoray Faarax M Maxamed”.
Tusaale labaad waxaa noogu filan Qayb
sigii Baarliin (Jarmalka) 1844 oo aan wada garanayno in dalal badan oo
Afrika ah la qayb saday sidii xoolihii,waxaana dad badan aamin sanyihiin
inay Gumaysigu lug wayn ku leeyahay maadaama ay ka mid tahay ahdaaf tooda
“Qaybi oo xukun” hadaba haddaan kaa shano Taariikhda Soomaalida inta laga og
yahay waxay wax badan uga eg yihiin Carabta sida: Geela, Dagaalka, Gabayga,
Fardaha iyo Faanka.
Hadaba taariikhdaan “ilaah baa runta
og”waxaa dad badan is leeyihiin waxay ku bilaabatay dagaal lagu kala
adkaaday iyo is mooro duug dad iyo duunyaba leh, taas oo caan ku tahay
Soomaalidu kadibna waxaa dhacday in qoladii laga adkaaday lagumeeyey oo la
xaqiray walibana aad is leedahay waxaa iyana meesha ka marnayn qaybsi.
Si kastaba arintu ha ku dhacdee adduunku
waa isdaba yaal oo waa giraan wareegaysa maalin walbana Qolaa si ah,
waxaadna ka garan kartaa xiliyadii Gumaystuhu Soomaaliya Qabsaday waxaa
jiray qabiilo xoog badan lahaa oo heshiis la saxiixday ama dagaal lagalay
Gumaysiga maantana ka mida qabiilada Soomaalida ugu dhaqdhaqaaqa yar sida:
Ajuuraan, Galadi, Biyomaal, Hintire, Wacdaan, Jambeluul, Moobleen iyo kuwa
kaloo badan, taas oo ay kalifi karto dagaalo ama arima kale oo ka duwan.
Waxaad moodaa inay Diinta, taariikhda iyo
caqligaba aan looga hayn wax daliil ah oo tilmaamaya kala sarayn, Cilmi
baaris lasameeyeyna waxaa cadaatay in Soomaalidu isku Hide yihiin oo aysan
jirin wax is khilaafsan xaga sinjiga, sida aan ka soo xigtay Axmed Maxamed
Muuse (Daakir) “waxaa lagu sameeyey Ingiriiska 1960 baaritnaan arintaas
kusaabsan jawaabtiina waxay noqotay in Soomaali lawada yahay”.
Waxaa kaloo xusid mudan in qabiilo
soomalida ka mida oo la yaqaan shalay laga dhigay mid gaan markay ku kaceen
ficilo ka xanaajiyey kuwey hayb wadaaga ahaayeen, waxaa hadalkan I xasuu
sinayaa Maansadii uu tiriyey abwaankii Soomaaliyeed Maxamed Cismaan Guuleed
- Garan waayey goortii
- dadku kala gudeenee
- Guusha loo tartamayee
- Inba gees u yaacdee
- Dar layiri gobaatiin
- Darna uu ka gaabshee
- Lagu yiri gunbaatiin
- Garan waayey goortaas.
*****************
- Marka aan garaadkiyo
- Maskaxdayda guunkiyo
- Caqligayga garabsaday
- Dadku way gudboonyiin
- waa laba gacmood iyo
- Gacal iyo Walaaliyo
- waxaan kala go’ayn iyo
- Nolol guuna weeyaan
- Anse waxaan garaadkay
- Guurtiyey is leeyahay
- Gaaladii doraad shalay
- Geyigeena timidee
- Gumaysiga u socotee
- Si aan looga guul helin
- Kala gurka qabiilkiyo
- Qoys qoys gumeeyoo
- laga guursan waayiyo
- Ina galiyey Xumahee
- Miyaan tolow garaadkani
- Galab qura hagaagayn
*****************
Hadaan dhan kale ka fiiro waxaa dhacday
inaysan jirin wax qaybsanaan ah markay timaado arrin la xariirta dhaqaale
ama xurquun, waxaa tusaale noogu filan markii Soomaliya bur burtay waa lasoo
qaxay, waxaana Dowladaha Yurub iyo Maraykan fidiyeen Gacan dad qaadid ah
waxaana tix galin dheeraad ah loo fidiyey qabiilada daga Soomaliya oo laga
tiro badan yahay, maadaama ay iska cadahay in dhibta ugu badan iyaga soo
gaartay, waxaa dhacday oo anigu goob joog u ahaa in dad farabadab sheegteen
Midgaan iyagoon kala qarsanayn walibana qabiiladay u kala baxaan la
xifdisiiyo Caruurta si aysan ugu dhicin imtixaanka marka lamarayo.
Arintaas markay dhacday oo ninkii shalay la
yasayey uu maanta noqday midka lagu tago Yurub ama Maraykan aysana jirin
calaamad kala saaraysa kii gun ah iyo kii gob ah, taasina ay markhaati u
tahay arintii hidaha ee aan kasoo hadalay inuusan jirin farqi xaga nasabka
ah, ee Soomali isku mid tahay hadii dhibi dhacdana la jiifiyaana banaan.
Qabiilkii dulmanaa baa markuu arkay
meesha wax marayaan hadlay oo yiri, maansadana waxaa tiriyey abwaankii
hore.
- “Dhalashii mudnaydee
- Lagu kala dhaqaaqee
- Dhudaheeda farabadan
- Ninba laan dhufsadayee
- Ana la igu dhaafee
- Dhalad ma ihid la iyiri
- Ruux dhiig is galiyoo
- Xaqa dhab u haleeloo
- Dhiidhiyaan sugaayoo
- Dhawaaq iigu hiishee
- Nabsi dhimasho diidyoo
- Dhulka laguma aasee
*****************
- Waaryaa dhilowyahan
- Dhirta Sare kunoolaa
- Adigoo nin dheeroo
- Ciida iska dhowraa
- Taariikh dhigaysee
- Yaa dhaadhac kugu yiri
- Markaad dhoof u yaacdeen
- Muuse dhariyihii iyo
- Yibir isugu dhiibteen?.
Hadaan guda galo qormadeenaan waxaad moodaa
maanta inay soo if baxday dabayl yar oo caafimaad oo aan aad u xoog badnayn,
loogana gol leeyahay dhaqdhaqaaq dulimi diid ah kaas oo xoogiisu dibada
Soomaaliya ka socdo, waxaan qabaa waa talaabo fiican oo u baahan dhiira
galin iyo taageero joogta ah, ha noqto mid maskaxeed iyo mid maalba, iyadoo
taasi jirto waxaa hadana bar bar socda oo walaac fara badan laga muujinayaa
intee in leeg bay diyaar u yihiin dadkan la xaqiray inay xaqiraada kabaxaan,
sababaha keenay walaacan ayaa waxaa ugu wayn “nin raba inuu kaa mid noqdo ee
uusan kula mid noqon” maka bixi karaa dulmigaan guun ka ah?, ama hayb sooca?.
Waa su’aal jawaabteeda aan ka sugayo
akhristaha, waxaadna moodaa inta badan inaan guul lagaarayn hadaan la helin
cid leh waxaan baa iga maqan oo aan doonayaa, isla markaasna ficil
muujisa,waxaan ka qayb galay dhowr shir oo arimahaan looga hadlayey markii
iigu horaysay waxaan islahaa waxaa soo unkamay shirkaan, dadka lahayb sooco
oo waa garamayaan, markii xigayna waxaan sugayey inay shirka iyagu qabtaan
oo Soomaali uyeeraan lagana wada hadlo sidii loo bilaabi lahaa wada hadal
lagu dabar jarayo cudar kan raagay, maadaama aan dadka qaar is lahaayeen
waxoogaa bisayl ah baa jira labada dhinacba, amase waxaa muuqda nugayl laga
dhow yahay intii hore.,waxaase soo if baxaysa in malahaas uusan sax ahayn
waayo markii la arki waayey dadka la yaso ama la quursado amaba la guur
sooco oon muujinayn, howl kar nimo dheeraad ah ama is xijin howshaan si
khaas ah, oo ay ka gaabsadeen dad badan oo laga filayey fagaaraha inay ka
muuqdaan, waxay dhalin kartaa tuhun wayn oo oranaya malaha dhiba majiree
dadkan wax wadaa iyagaa dan kale leh.
Waxaan saas u leenahay Haantu guntay ka
unkantaa, waa inay heshaa howshaan bud dhig, waa in la helaa cid wada waxii
kasoo baxa shirarka oo tixraac ku samaysa, oo kuwa kale sii qorshaysa,
wadana habeen iyo maalin oo aan ka harin, hadiise ay jirto gabasho ku
salaysan, war armaa waxaan meel gaari waayaan oo midgaan aad maanta adigu
afkaaga isku qirtaa, oo dadkaad sheegan jirtayna ku bartaa malaha saan baaba
doorroon, Walaahi ilaahay baan ku dhaartay e inaysan xal ahayn, wax is
badalayn horaana looga maah maahay oo Soomaali baa tiri “ Ruqa ninkii lahaa
dabada hayo ma kacdo” waa inay soo baxaan dad u hura arrintaan wax walba oo
ay ku kacayso.
Waxaan hadalka carabka ugu xajinayaa waan
lasoconaa waxa dhacay maanta iyo waqtiga lagu jiro iyo sida aan u burburay
dad iyo dalba iyo inaan iska galay danbiyo aad u waawayn oo leh naf iyo
maal, waxaan ii muuqan garowsho dhow oo Soomali rabto inay dhacdadaan ka
bixiyaan, hadaba waxaa lama huraan ah inay tahay nikeed dhiba oo loo baahan
yahay inay muujiyaan dadka la yaso dadaal dheeri ah, horaana Soomaali u tiri
“Xabaal ninkii leh baa qarax tira”.
Waxaa kaloo Xusid mudan inaan kaga soo
hadalay qoraalkan kii ka horeeyey inaan cidana wax isu ogalayn iyo
dhacdooyin shirkii sababay ilaa meeshii ay ka muuqatay in fagaarihii gabdha
lagu bixiyo taasoo aan ka mid ahayn in dadka lahayb sooco meel fagaara ah
gabdha lagu siiyo, boobse waa jiray waligiis cidii iska hesha labadha dhinac
ba walow ay dhib badan la kulmi jireen, waxaan ku celinaynaa hadalkaan horay
u iri “Nimaam hadlin Hooyadiis Qadisay”, Waxaa tusaale noogu filan in
isbadka ka dhashay shirarkii yaraa ee dhacay inay dhacdo in si rasmi ah
looga doodo, goobaha qaarkood sicad iyadoo afka lagu dhufanayo magacyada
“Midgaan, Madhibaan Quursi qiil maleeyahay iwm”, taasina waxaan oran karaa
waa ifafaale fiican, waayo waxaan xasuustaa waxoogaa yar uun ka hor shirarka,
markaan dadka qaar kood ku soo hadal qaado arintaan quursiga inaan
wajigooda ka dareemayey xishood ay ka xishoonayaan waxa aan ku had layo inta
ay san dhiiban ra’yi goodana waxay fiirin jireen hareeraha, si ay u
hubsadaan inaysan maqlayn cid reerkaas ah, hadana waxaa caadi noqotay in ay
doodaha caadiga ah ka mid notay.
Waxaad moodaa in lasoo gaaray xiligii
howshaan wayn dhabarka loo ridan lahaa ee aan laga gabadeen waa hadaan
doonayno inaan ka miro dhalino, waa in lahelaa dad fara badan oo soo fuula
masraxa oo hadla oo hela su’aalo aan soo xusnay iyo kuwa kale oo badanba
jawaabahooda, hadii taa la waayo horay baa looga maah maahay oo Soomaali baa
tiri “ Baadi kugu raagtay Bidaa baad moodaa” dadka wax ku maqan yihiin ma
filayo in la joogo xiligii ay is garan lahaayeen oo soo celin lahaayeen waxa
ku maqan, laakiin waxaan qabaa rajo fiican hadii laga doonto in laga helyo.
Isla markaasa mac naheedu ma’ahan in si
sahlan wax loo helayo amase dariiqu dhowyahay, taas oo laga yaabo in ay dad
badan fadhiid ka dhigtay markay arkeen cakiraanta wadada, aniguse ma qabo
waayo waxaan loo dhabar adaygin lama helo, sabraana sadkii hela, waa lagama
maar maan dulqaad badan iyo iyo in lagu talo galo mudo dheer, inta ay
gaarayso ilaah baa garan, waxaase cad in lagu talo galo waqti fog si looga
badbaado bur bur dhow iyadoon hadafkii la higsanayey lagaarin, waayo hadaad
ku tala gasho mira dhow inaad gurato oo geedkii aad beertay sanadkaan abaari
ku dhacdo, kan xiga cudur ku dhaco kan ka sii danbeeyana mirihii lagaa dhaco
ama lagaa xado, waxaad ku niyad jabaysaa sanadka ugu horeeya ama kan xiga,
hadiise dantaadu tahay ujeeda fog waad dul qaadan kartaa ilaa aad ka gaarto
dantaada, walow yaanad calfan ba e oo jiilka kugu xiga ama kan ka sii
danbeeya haba u aayee.
Waxaa iyana ahmiyadeeda leh in la yareeyo
amaba la iska daayo qisooyinka xun xun ama dhacdooyinka aan wanaagsanayn ee
dadkaan laga galay sida in badan aan ku arko in Internet-ka lagu soo qoro
qaab aan is leeyahay waxay ku sababi kartaa laba arimood jiilka soo koraya
1) inay cadaawad gasho sababi karta in lagaaro xal, 2) inay ku rido niyad
jab oo markay maqlaan uun qisooyin xun xun oo naxdin leh inay is dhahaan,
haddii waxaan oo dhan soo dhaceen amaan waxba laga qaban Karin, taas
macnaheeduna ma’ahan inaan diidanahay xaqiiqo jirta in la qariyo ee malaha
si kalaanba wax u arkaa.
Waxaa igala fiican in lagu badalo in la
xuso oo laga sheekeeyo taariikhda dadkaan la yaso teeda fiican, iyo dadkii
caanka ahaa amaba ka tagay waxyaabaha taariikhiga ah, walibana si aad ah
loogu cel celiyo lagana baahiyo warbaahinta noocay doontaba ha noqotee.
Waxaan kusoo dabrayaa hadalkayga laba qodob
1)waxaa loo baahan yahay inaan ka gudubno haddaan nahay umada Soomaaliyeed
Jaahiliyadaan raagtay oo aan ka run sheegno waxa aan rumaysanahay oo Diinta
ah, waliba xiligaan oo aad looga fiican yahay xagga aqoonta Diinta waa yihii
hore oo dadku Barashada diinta fursad u heleen, hadii kale waxaan noqo
naynaa dad leh af iyo uur is khilaafsan taasna waa lagu cadaab mutaa, Gaar
ahaan dadka wadaada ah waxaa saaran Masuuliyad khaas ah sidii wax looga
qaban lahaa arintaan, hadaan nahay umadda Soomaaliyeedna waa inaan maanta
gacan ka gaysaynaa cid kasta oo isu taagta suulinta Xaqiraada guud ahaan
gaar ahaana midda hada aan ka hadlayno kunu ababinaa jiilka soo koraya
sheekooyin quursi diid ah.
Qodobka labaad waxaan ugu baaqayaa dadka
lahayb sooco unoqosho xaga rabi iyo toobad keen dhab ah iyo in ay si khaasa
isaga saaraan xil dheeri ah barashada Diinta Islaamka soona saaraan culimo
fara badan iyo dad aqoon sare u leh diinta iyo dhaqan galinteeda, waxaa
kaloo ii Muhiim ah inay abuuraan dhaqaale, waxaa ku jira hadal kan su’aal
ah maxaa loogu baahan yahay wax yaalahaas?, jawaabta oo kooban ari mahaan
aan soo xusnay waxaa lagu kas badaa Hogaan ama madax nimo Diimeed amase
Maamul, waayo madax nimadu waa inay dadku qofkaas wax ku qadariyaan, taas oo
keenaysa usoo joog sigooda ama siinta kalsoo nidooda, hadii xataa la garbiyo
waxaa badan in aad llogu baahdo mararka qaarkood oo laga maarmi waayo.
Waxaan kaloo ii muuqda in la helo maskax
aqoon ku dhisan oo soo bandhigta fikrado iyo tusaa looyin arintaan wax looga
qabanayo gaarsiiyana Dibada iyo Gudaha oo dhan intii laga awoodo, waxaa
iyana moodaa inay ka dhex dhalanayso fikradaan laf tigeeda in lahelo gudiyo
si khaas ah arintaan ugu howlan, oo dadku ku bartaan oo leh bar lagala soo
xariiro ama meel wax loogu soo hagaajiyo, ugu danbayntii waxaan u hambal
yeynayaa dadka ka dhiidhiyey dhibkan oo sida khaaska ahna isugu xil saaray,
waxaana leeyahay turaan turooyinka ha ku kufina ee wada halganka,waxaana
idin leeyahay “dadaalaa waa gaaraa”ilaahayna hanoo wada sahlo ka jiba gaarka
Quursi diidka, wabilaahi towfiiq.
QAYBTII 1aad ee
NIMAAN HADLIN HOOYADIIS QADISAY II
Hassan Dhooye (abu xafso)
dhooye@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | July 11, 2004
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga
ku saxiixan
QUURSIGU QIIL MALEH
Shirkii lagu qabtay Minneapolis... AKHRI
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|