Hassan Dhooye (abu xafso)
dhooye@hotmail.com
OLOLAHA LADAGAALANKA GUUR
IYO HAYB SOOCA:
NIMAAM HADLIN HOOYADIIS QADISAY
Marka hore waxaan ilaahay uga mahad celinayaa inuu fursad ii siiyey inaan
soo gaaro iyadoo laga hadlayo si cadaan ah oo aan gabasho lahayn waxa loo
yaqaan Qabyaalada siiba nooceeda “Quursiga” oo ah aabahay baa aabahaa ka
fiican/anagaa idinka tiro badan/ anagaa idinka dhaqaalo badan iwm.
Shaqsi ahaan anigu waxaan isku tuhmayaa in aan ka fayoobahay Qabyaalada
teeda xun oo ka daran cudurka dilaaga ah ee Aids-ka ama cudurka Kansarka ah,
Sida aan u haysto hadii la igu waafaqo, hadaan wax yar sharaxo, waa laga
yaabaa inuusan qofna kuu dilin waxaad qabtaa Cudurka Aids-ka ama Kansarka,
Laakiin waxaa dhacday oo wada ogsoon yihiin inteena badan inaan isu dilay
waxaad tahay(Madhibaan,Daarood,Hawiye,Isaaq,Raxanwayn iwm) waxaan kaloo
jecelahay inaan wax ka ciribtiro Cuduradaas aan soo tilmaamay intuusan xaqu
ii imaan (Geerida) in shaa Allaah.
Hadaan u soo noqdo dantaan ka lahaa qoraalkaan waxaan kaqayb galay sanadkan
bartamihiisii laba shir oo kadhacay magaalada Minneapolis Jaamacada
Minnesota iyo mid ka mida ah xarumaha Soomaaliyeed ee Magaalad Minneapolis
2003-gii. Waxaan nasiib u yeeshay inaan oraah ka dhiibto aan ku cabirayo
dareenkayga markaas, waa markii iigu horaysay oo aan maqlo ama arko sheeko
iyo shaahid dad leh “Waxaan nahay Madhibaan ama Midgaan iwm” waxayna
keenayeen su’aala ah “Maxaad xaqayga u duudsiday? Maxaad I dheertahay?
Maxaad ii guur soocday? Maxaad……..? Maxaa..? Iwm”.
Hadaba Akhristayaal shirarkaas waxay ka badaleen dareenkayga wax badan oo uu
ka Midyahay qoraalkan inaan idiin soo tabiyo, waayo inuu dulmi jiro waan
isku waafaqsanahay inteena badan, laakiin waxaa adkayd xagee laga bilaabaa
xalka? Ama se xalku waa xagee?” Yaa dulman?” Yaa wax dulmaya?” Dulmi intee
leeg baa jira?” Dad iyagu is dulmayaa majiraa?” Haday jiraan ma ogyihiin?”
hadaysan ogayn sidee loo ogaysiin karaa?” Su’aalahaas iyo kuwa kaloo badan
waxay naftaydu is waydiinaysay mudo dheer laakiin jawaab qancisa may u helin.
Shirarkaas kadib waxaa caam noqotay in si cadaan ah looga hadlo dadka la
hayb ama Guur sooco. Hadaba, waxaan leeyahay “Nimaan hadlin hooyadiis
qadisay” Oo aan ula jeedo hadaysan hadlin dadka dulman ama la yaso cid ku
oranaysa hoo libintaan majirto, taasna horay baa looga maahmaahay oo Somaali
baa tiri (libin ninkii holiyaa hela) oo macnaheedu yahay guul ninkii doonaa
hela. Waxaan si gaar ah ugu mahad celinyaa dadkii soo abaabulay shirarkaas
iyo bogaga internet-ka iwm oo arimaah looga hadlo iyo dadka kale ee
figradahooda soo cabira jecelna in arintaan xal waara laga gaaro, waxaana
idinku sii boorinayaa inayd naan daalin ee isku aad u wadaan howshaan. Ugu
danbayntii waxaan rajayeynayaa in ilaahay idankiis laga guul gaari doono
dadaalkaan, walibana si maskax iyo cilmi ku dhisan, qoraalkaana waa kii iigu
horeeyey ee manoqon doono kii iigu danbeeyey in shaa Allaah.
AKHRI QAYBTA 2aad:ee NIMAAM HADLIN
HOOYADIIS QADISAY
Hassan Dhooye (abu xafso)
dhooye@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 12, 2003
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga
ku saxiixan
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|