SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - UK
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Dhacdooyinkii Soomaaliya ee Sanadka 2007

Qayta 4aad:

July

3/7/2007: Dowladda Federaalka ayaa Eng. Muunye ka dalbatay in uu soo wareejiyo Maraakiibta u hayo oo ay tiradoodu gaareyso ilaa iyo lix markab, hase yeeshee injineer Muunye waxa uu sheegay in maraakiibtaasi uu wareejin doono marka la helo dowlad Soomaaliyeed oo loo dhan yahay, balse mas'uuliyiinta dowlada Federaalka ayaa dacwad ka dhan ah u gudbiyey Dowlada Yemen si Maraakiibtaasi dib loogu soo celiyo gacanta dowladda.

6/7/2007: Max’ed Xasan Xaad ayaa sheegay in uusan dalka ka talin C/llaalhi Yuusuf basle uu dalka ka taliyo Gen. Gabre, waxa uuna sheegay in uusan marnaba wada hadal la geli doonin Dowladda Federaalka, waxaana xiligaasi soo dhawaan qabashada shirkii dib u heshiisiinta, oo lagu ballansanaa 15-ka May, waxa uuna Xaad sheegay inaysan ka qaybgali doonin shirkaasi.

7/7/2007: Fagaaraha Iskuul Buluusiye ayaa lagu toogtay labo nin oo Dowladdu ku eedeysay in ay askari dileen, waxaana dilkaani lagu tilmaamay mid aan ku dhicin si cadaalad ah, waxaana cambaareeyey Hay'adaha Xaquuqda Aadanaha, waxaana si aad ah uga xumaaday Beesha reer Xaaji Suleymaan oo sheegay in dilkaasi uu ahaa mid aarsi ah.

9/7/2007: Cali Max’ed Geedi ayaa kulan kula yeeshay Boqortooyada Sucuudiga Boqorka Sucuudiga, oo ay isla soo qaadeen iyo in Sucuudigu ka qayb-qaato shirka dib u heshiisiinta ee ka socda Magaalada Muqdisho, isla markaana ay bixisi qarashaadka loo baahan hayay, waxana la sheegay in Sucuudigu uu bixiyey lacag gaareysa 35-Milyan oo Doolar.

11/7/2007: Sheekh Shariif ayaa iclaamiyey in 1-da September shir lagu qaban doono Magaalada Asmara ee dalka Ereteriya, kaas oo ay isugu imaan doonaan dhamaan ummadda Soomaaliyeed ee ka soo horjeeda joogitaanka Ciidamada Itoobiya, waxa uuna sheikh Shariif sheegay in ergo gaareysa 500 oo isugu jira Maxaakiimta, Baarlamaanka Xorta ah, bulshada rayidka, iyo Qurba jooga ka qaybgali doonaan.

15/7/2007: Waxaa furmay shirkii dib u heshiisiint Beelaha Soomaaliyeed ee Muqdisho, waxaana maalinkaasi madaafiic lala beegsaday xarunta uu shirku ka socday, waxaaan ku dhintay dhowr qofood, waxaaa xiligaasi ku sugnaa shirka Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, waxaana todobo maalmood dib loo dhigay.

28/7/2007: Cali Cabdow oo ah wasiirka war-faafinta Ereteriya ayaa sheegay in maalin walba ciidamada Itoobiya cudurka AIDS-ka qaadsiiyaan labo Dumar Soomaaliyeed ah. Wasiirku wax uu sheegay in ay sameeyeen baaritaan la xiriira falalka ay ku kacayaan ciidamada Itoobiya, waxa uuna shacabka Soomaaliyeed uga digay in ay ka digtoonadaan dhibaatada Ciidamada Itoobiya la maagan yihiin bulshada Soomaaliyeed.

30/7/2007: Sheekh lagu magacaabo Sheekh Faarax ayay Ciidamada Dowladda Federaalka kala baxeen masjid ku yaala Buulaxuubay, kadib markii loo soo jeediyey inuu raaco si uu ugu soo fududeey arrimo meher, kadibna markii uu diiday ayay si jujuub ah u saarteen gaari, lamana garanayo meel ay la aadeen,

30/7/2007: Waxay qaraxyo ka kala dhaceen Magaalooyinka Muqdisho, Afgooye iyo Baladweyne, waxaana qaraxyadaani qaarkood lala beegsaday ciidamo ka tirsan Itoobiya, waxaana la sheegay in ay khasaarooyin ka soo gaareen, waana markii ugu horeysay oo saddexdaasi magaalo ka dhacaan qaraxyo.

August

3/8/2007: Waxaa Magaalada Muqdisho soo gaaray Madaxweynaha maamul Gobaleedka Puntland Cadde Muuse Xirsi.

5/8/2007: Waxaa shirkii dib u heshiisiinta looga dooday xagjirnimo.

10/8/2007: Waxaa Magaalada Muqdisho lagu dilay afar mas’uul oo ka socotay deegaanka Ceel Baraf.

11/8/2007: Waxaa Muqdisho lagu dilay agaasimayayaashii Idaacadda Horn-Afrik iyo Capital Voice ee kal ahaa Cali Iimaan Sharmaake iyo Mahad Axmed Cilmi.

11/8/2007: Waxaa Magaalada Nayroobi aroos qarash fara badan ku baxay loogu dhigay wiil uu dhalay Ra’isul Wasaare DFKMG Cali Max’ed.

14/8/2007: Cali Max’ed Geedi ayaa sheegay in Muqdisho loo sameynayo Qad cagaaran.

14/8/2007: Waxaa deegaanka Bu’aale gaaray mas’uuliyiin ka tirsan Baarlamaanka xorta ah.

15/8/2007: C/llaalhi Yuusuf ayaa si deg deg ah looga yeeray Magaalada Nayroobi si wax looga weydiiyo arrimo la xiriira Max’ed Dhere.

19/8/2007: Xildhibaan Isaaq Max’ed ayaa Xaaskiisa oo la socota lagu amray in bixo Indha-Shareerka.

20/8/2007: Max’ed Dheere ayaa ku tilmaamay dadka barakacay Argagixiso.

21/8/2007: Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in Adinka Masaajidda la kulmin doono.

28/8/2007: Labo nin oo Walaalo ah ayaa lagu dilay deegaanka Wadajir

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 16, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com