Dhacdooyinkii Soomaaliya ee Sanadka 2007
Qayta 3aad:
May
1/5/2007: Sheekh Shariif ayaa sheegay in la bedelay Kaartadii
Dagaalka, hase yeeshee ma uusan faahfihin Sheikh Shariif waxa ay tahay kaartada,
hase yeeshee waxay u muuqatay in ay tahaa, hase yeeshee waxay u muuqatay in ay
tahay mid ku dhufo oo ka dhaqaaq ah, waana midda haatan ay ku hawlgalayaan
kooxaha ka soo horjeeda joogitaanka ciidamada itoobiya, waxaana ilaa iyo haatan
socda weerarada lgu hayo ciidamadaasi.
4/5/2007: Ururka Islaamka ayaa ku baaqay in Itoobiya ay ka baxdo
Soomaaliya, waxa uuna ururku sheegay in xalka Soomaaliya uu ku jiro in Ciidamada
itoobiya ka baxaan dalka Soomaliya, waxayna ugu baaqeen Dowladda Federaalka in
ay wada hadal la furaan kooxaha ka soo horjeeda si loo dhameeyo khilaafka
17-sano jirsaday, sidoo kale ururku waxa uu ballanqaaday in ay kaalmo deg deg ah
soo gaarsiin doonaan dadka ku barakacay dagaalada.
8/5/2007: Ciidamada Dowladda Federaalka oo bilaabay in ay Hablaha ka
qaadaan Indha Shareerka, waxaana arintaani caro weyn ka muujiyey shacabka
Soomaaliyeed, iyadoo mid ka mid ah haweenka Indha shareeran ay u geeriyoot ay
markii ay diiday in ay Indha Shareerka iska qaado, hase yeeshee ciidamada
Dowladda waa ay joojiyen .
9/5/2007: Wareysi uu bixiyey C/llaahi Yuusuf oo uu ku sheegay in
dagaalka Kismaayo uu yahay mid ay wadaan Maxaakiimta Islaamiga ah, waxaase
arrintaani beeniyey maamulka ka taliyaha Magaalada Kismayo oo warkaasi ku
tilmaamay mid aan sal iyo raad toona laheyn, waxayna sheegeen in magaala
Kismaayo ay gacanta ku hayaan ciidamo taageersan Dowladda Federaalka, sidoo kale
hadalkii C/llaahi waxa ay ku tilmaameen mid uu ku baneysanayo dagaal lagu soo
qaado Magaalaa Kismaayo.
12/5/2007: Cali Max’ed Geedi ayaa xilalka ka qaaday Xuseen Caydiid iyo
Barre Hiiraale, kadib markii lagu eedeeyey in ay ku xadgudbeen axdiga ku meel
gaarka ah, sidoo kale waxaa lagu eedeeyey inay soo xaadiri waayeen kal fadhiyada
Baarlamaanka iyo midka Golaha Wasiirada, hase yeeshee wareysi uu bixiyey Xuseen
Caydiid, waxa uu ku sheegay in xil ka qaadistaasi ay tahay mid aan waxba soo
kordhineyn. Isla markaana Xuseen Caydiid waxa uu sheeay in xiligaan aan loo
baahneen in xil la sheegto, isagoo taa sabab uga dhigay in dalku uu gacanta u
galay gumeysi cusu oo Itoobiya ah.
12/5/2007: Saraakiil ka tirsan Nabad sugida Dowladda Federaalka oo ku
geeriyooday qarax lala beegsaday, mar ay marayeen agagaarka Lambar Afar, waxaana
ku geeriyooday afar ka mid ah saraakiishaasi oo uu ku jiray nin lagu magiciisa
lagu sheegay Ibraahim Gaal-Jecelow, waana tiradii ugu badneed ee mar qura ka
geeriyoota saraakiisha nabd sugida Dowladda Federaalka.
13/5/2007: C/llaahi Yuusuf ayaa kulan la qaatay Beesha Reer Xaaji
Sulyemaan, waxayna kala hadleen arrimo la xiriira xaaladda Magaalada Muqdisho,
sidoo kale waxay u gudbiyeen dacwad ku saabsaneed barakaca lagu hayo dadka
deganaa deegaanadii xerooyinkii ciidamada waxayna ka codsadeen in dadkaasi la
dejiyo goobo kale.
15/5/2007: Qarax lala beegsaday Ciidamada Uganda oo ay uga dhintaan 5
askari, mar ay marayeen Agagaarka Jubba, waana markii ugu horeysay oo ciidamo
intaas la eg ay mar qura ka geeriyoodaan Dowladda Uganda, waxaana arrintaani
walwal ka muujiyey Midowga AFrika oo iyagu cambaareeyey weerarkaasi, hase
yeeshee Afhayeen u hadlay Ciidaada Uganda ayaa waxa uu sheegay in ciidamada
Uganda aysan marnaba ku niyadjabi doonin dilka loo gaystay askartasi.
25/5/2007: Waxaa Muqdisho soo gaaray Wasiirka Arrimaha Dibadda
Itoobiya Musfin, oo isagu kulan la qaatay madaxweyne C/laahi Yuusuf iyo Ra'isul
Wasaare Cali Max'ed Geedi oo ay isla soo qaadeen arimo la xiriiray xaaladda
nabadgelyda ee magaalada Muqdisho iyo waliba sidii wax looga qaban lahaa, sidoo
kale Musfin waxa uu xarunta madaxtoonyada kulan kula qaatay Odoyaal iyo Waxgarad
ka tirsan Beesha Cayr.
29/5/2007: Waxay ciidamada Mareykanku weerar cirka ah ku qaadeen
deegaanka Baargaal ee gobalka Bari, waxaana weerarkaasi Ciidamada Mareykanka ku
bartilmaameed-sanayeen wax ay ugu yeereen kooxo argagixiso ah, balse mar ay
gaartay hakaasi saxaafadda ayay halkaasi ku soo arkeen dad rayid ah iyo xoolo
duqeyntaasi ku geeriyooday.
June
1/6/2007: Waxaa la dilay Taliyihii nabad sugida ee Magaalada Kismaayo
Maqtal Faarax, mar ay soo werareen kooxo dabley ah, waxaaa marxuumkaan la
sheegay in loo dilay arrimo la xiriira aano Qabiil, hase yeeshee warar kale ayaa
sheegay in loo dilay ishaysiga Siyaasadeed ee ka jira Magaalada Kimsaayo.
1/6/2007: Waxaa isna la dilay Guddoomiyihii Degmada Hawl-Wadaag Xasan
Farey, kadib markii ay soo weerareen kooxo dabley ah, waxa uuna qayb ka ahaa
dilal isdaba joog ah oo lala beegsanayey guddoomiyaasha degmooyinka, waxaana la
xaqiijiyey ilaa iyo 11 guddoomiye in lagu dilay Magaalaa Muqdish.
3/6/2007: Waxa uu qarax Ismiidaamin ah ka dhacay Guriga Ra’isul
Wasaare Cali M. Geedi, waxaana qaraxaani fuliyey qof naftii hure ah oo watay
Gaari Rooneed ah, waxa uuna ahaa qarixii ugu weynaa ee laga maqlo magaalada
Muqdisho, waxa uuna khasaar gaarsiiyey dhamaan guryihii ku dhawaa Guriga Ra'isul
Wasaaraha, mar la wareystay Ra'isul Wasaaraha waxa uu sheeay I qaraxaani uu
yahay mid argagixiso ah.
3/6/2007: Waxaa la afduubtay Markab laga lahaa wadanka Denmark, mar uu
marayey Xeebaha Soomaaliya oo ay soo weerareen kooxo burcad badeed ah, waxa uuna
markabkaani hakad geliyey maraakiibtii kale ee ganacsiga iyo kuwii samafalka ee
imaanayay Soomaaliya, waxaana xeebaha Soomaaliya loo aqoonsaday xeebta ugu xun
xeebaha Adduunka.
5/6/2007: Waxaa Muqdisho soo gaaray Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Meles
Zenawi, oo si qarsoodi ah ku soo galay Magaalada Muqdisho, waxa uuna kulamo la
yeeshay Madaxweynaha iyo Ra'isul Wasaaraha, waana markii ugu horeysay oo uu
meles Zenawi soo gaaro Muqdisho, waxa uuna sheegay mar la wareystay I magaalada
Muqdisho haatan nabad tahay, dadkuna ay u soo jeesteen inay dalkooda dib u
dhistaan, hase yeeshee warkaasi waxay bulshada Soomaaliyeed ku tilmaameen mid
jees jees ah.
6/6/2007: Waxaa gurigiisa laga watay Guddoomiyihii Beelaha Hawiye
Xaaji C. Iimaan, waxaanala geeyey Xabsi ku yaala madaxtoonyada, isagoo ku jiray
mudo labo maalmood ah, waxa uuna sheegay markii la soo daayey in sababaha loo
xiray ay tahay in aanu ka hadlin dhibaatada iyo xasuuqa lagu hayo ummadda
Soomaaliyeed ee ku nool Gobalka Banaadir.
6/6/2007: Waxaa ma qura la wada xiray Idaacadaha Shabeele, Horn-Afrik
iyo IQK, kadib markii Dowladdu Federaalka ay ku eedeeysay in ay carqala ku
yihiin xasiloonida magalada Muqdisho, waxaana dadaal dheer kadib idaacadahaasi
dib ugu soo laabteen hawada, mana ahan markii ugu horeysay oo xarig loo gaysto
idaacaddahaasi.
8/6/2007: Waxaa Geeriyooday Madaxweynihii ugu horeeyey ee Soomaaliya
Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde)., wuxuuna ku geeriyooday Magaalada Nairobi,
waxaana geeridiis si weyn uga naxay bulshada Soomaaliyeed, waayo Aadan Cadde
waxa uu ahaa madaxweynihii uug horeeyey oo Afrikaan ah oo si dimuquraadi ah uga
dega xukunka.
11/6/2007: Waxaa duleedka Muqdisho lagu aasay Allaha u naxariistee
Aadan Cadde, waxaana ka qaybgalay aaskiisa Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed,
Cali Mahdi Max'ed, iyo C/qaasim Salaad Xasan, hase yeeshee Bulshada rayidka waxa
ay aad uga xumaadeen in ay ka qaybgali waayaan aaska Aadan Cadde, maadaama
Ciidamada Itoobiya diideen in la maro wadooyinka, waxaana ka qaybgalay dad
kooban oo sidaasi u badneen.
8/6/2007: Waxaa xafiiskiisa laga watay Mustaf Qoraxey oo ka tirsanaa
Shirkadda Telcom Somalia, mar ay xafiiskiisa ugu soo galeen ciidamo ka tirsan
Dowladda Federaalka oo six un ula dhaqmay, balse mar dambe ayaa la soo daayey
ninkaan ganacsada ah.
8/6/2007: Waxaa isna xafiiskiis laga watay agaasimihii Shirkadda
Xawaaladda Amal Cabdi Wali Muuse, kadib markii lagu eedeeyey in uu xiriir la
lahaa Maxaakiimta Islaamiga ah, ma ahan markii ugu horeyay oo Ciidamada Dowladda
Federalka iyo kuwa Itoobiya ay xafiisyadood ka wataan rag ganacsato ah, iyadoo
qaarkoodna la sheegay in loo gudbiyey dalka Itoobiya
12/6/2007: Waxaa isku day dil ka badbaaday sii hayihii Safaaradda
Uganda ee Soomaaliya C/qaadir Faarax, isagoo xiligaasi ku sugnaa dalka Uganda,
kadib markii uu soo weeraray nin ku hubeysnaa Bistoolad, hase yeeshee Booliiska
wadanka Uganda ayaa waxay bilaabeen baaritan la xiriira weerarkaasi, waxaana loo
qabtay dhowr qofood.
13/6/2007: Waxay C/llaahi Yuusuf iyo Geedi booqasho raaligelin ah ugu
tageen C/qaasim Salaad Xasan, oo kal hore ay ciidamo ka tirsan Dowladda
Federaalka ay baaritaa ku sameeyeen madaxwynaha oo uu dastuurku dhigayo in aan
gurigiisa la geli Karin lana baari Karin, waxayna madaxweynaha iyo Ra'isul
Wasaaraha u gudbiyeen raaligelin ku saabsan dhacdadasi, waxayna sheegeen in
C/qaasim loo sameyn doono illaalo gaar ah.
15/6/2007: Waxaa Gurigiisa baaritaan lagu sameeyey Xildhibaan Cismaan
Xasan Cali (Caato), oo laga helay hub, balse Cismaan Caato mar la wareystay waxa
uu sheegay in laga qaatay hanti gaareya $400,000 doolar, Dahab iyo alaanbo kale.
Waxayna mas'uuliyiinta hadalka ka soo yeeray Cusmaan Caato ku tilmaameen mid aan
sal iyo raad toona laheyn.
17/6/2007: Waxaa qarax ka badbaaday Cabdi Nuure Siyaad (Cabdi Waal),
kadib markii gaari uu la socay oo maayey Suuqa Xoolaha uu qarax la kulmay, waxa
uuna sheegay mar la wareystay in qaraxaasi ay ka dabeeyeen kooxo argagixiso ah
oo uu sheegay in ay doonayaan in ay dilaan.
19/6/2007: Ciidamada Itoobiya ayaa dilay saddex wiil oo walaalo ahaa
oo la kala oran jiray C/raxmaan Ibraahim Diiriye, C/qaadir Ibraahim Diiriye iyo
Sharmaake Ibraahim Diiriye, waxaana lala dilay saddex qof oo iyana guriga la
joogtay oo uu ku jiray nin Fuundi ah iyo wiil ay saaxiibo ahaayeen, waana
dilkii ugu xumaa ee ka dhaca Magaalada Muqdisho, waxaana dilkaani cabaareeyey
Hay'addaha Xaquuqda Aadanaha.
20/6/2007: Cabdi Qaybdiid ayaa tagay Puntland, si uu halkaasi tababar
ugu soo xiro ciidamo uu tababa u dhamaad ay, kuna jiray xerada Carmo, waxayna
booliiskaasi tiradoodu gaareysay 400 oo Askari, waxaana la sheeegay in gobalada
Soomaaliya oo dhan ka kala yimaadeen.
21/6/2007: Bandow ayay Dowladda Federaalka ku soo rogtay Magaalada
Muqdisho, kaas oo bilaabanayey Todabada Fiinimo ilaa iyo marka uu waagu baryo,
hase yeeshee bandowgaasi sidii la rabay ugama dhaqangelin magaalada Muqdisho oo
meelaha qaarkood wax bandow ah kama dhicin.
25/6/2007: Waxaa Tuulada Buq-aqable oo ka tirsan Gobalka Hiiraan lagu
dilay Khadiibkii masjidka tuuladaasi Sheekh Cusman, waxaana dilkiisa gaystay
kooxo dabley ah, waxaana la xaqiijiyey in wadaadkaasi loo dilay aano qabiil,
waxaana dilkiisa ka xumaaday dadweynaha deegaanka.
27/6/2007: Waxaa Qarax ku dhaawacmay Barre Hiiraale, mar uu marayey
duleedka Magaalada Baardheere, waxaana la sheegay in Barre Hiiraale uu soo
gaaray dhaawac aan sidaasi u xooganeen, mar la wareystayna waxa uu sheegay Barre
Hiiraale in qaraxaasi laga soo abuulay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Xarunta
Madaxtoonyada.
Akhri Qaybta 4aad...
W/DAmiinYuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 4, 2008


|