Dhacdooyinkii Soomaaliya ee Sanadka 2007
Qayta Labaad:
March
2/3/2007: Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa beeniyey hadal ka soo yeeray
Dowladda Uganda oo ahaa in ay wada hadal la furayaan Maxaakiimta, waxayna wada
hadalkaasi ku tilmaameen mid aan sal iyo raad toona laheyn, waxaana Dowladda
Uganda loo diray digniin culus oo ku aadan in ay Ciidamad Uganda si dhaqsi leh
uga baxaan gudaha dalka Soomaaliya, iyagoo Maxaakiimtu sheegeen in ay isku si
ula dagaalami doonaan ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Uganda.
4/3/2007: Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa sheegay in dalka Soomaaliya ay
qabsatay Dowladda Itoobiya, waxaa kale oo uu intaa ku daray in
Shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay u istaagaan sidii ay isaga xoreyn
lahaayeen Gumeysiga cusub, waxa uuna ka digay dagaalka ciidamada Itoobiya lala
galayo loo wajaho qaab qabiil, isagoo soo jeediyey in la sameeyo xisbi
siyaasadeed oo la mid ah middii SYL.
5/3/2007: Waxaa la dilay Mu’adinkii Masjidka Xareed, kadib markii ay soo
weerareen kooxo dabley ah, ilaa iyo haddana lama garanayo sababtii loo dilay
shiikhaasi oo ay ka xumaadeen bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada
Muqdisho, iyadoo la og tan iyo markii ay dhaceen dagaalada Sokeeye kuwo
bartilmaameed u noqday kooxaha siyaasadeed ee isaga soo horjeeday dalka, waxaana
dalka lagu dilay culima’udiin fara badan.
6/3/2007: Ciidamada Uganda ayaa dalka soo gaaray oo noqday ciidamadii ugu
horeeyey ee ka socday Midowga Afrika, hase yeeshee bulshada Soomaaliyeed ayaa ku
kala qaybsantay imaansha ciidamadaasi, qaarkood waxay sheegeen in ciidamadaani
ay muhiim u yihiin arrimaha nabadgelyad, qaarkoodna waxay sheegeen in aysan
waxba ku soo kordhin doonin gudaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca
nabadgelyada, hase yeeshee sarkaal u hadlay ciidamada Uganda ayaa waxa uu
sheegay in ciidamada Uganda ay Soomaaliya u yimaadeen sdii ay u nabadeyn
lahaayeen, isla markaana waxa uu sheegay in dhex dhexaad ka yihiin Siyaasadaha
ka jira gudaha dalka Soomaaliya, balse mas’uul u hadlay Maxaakiimta Islaamiga ah
ayaa waxa uu sheegay in ay la dagaalami doonaan.
6/3/2007: Mareykanka ayaa ganaax dul dhigay Bankiga Islaamka, kadib markii
lagu eedeeyey Bankigaasi in uu gacan siiyo wax uu ugu yeeray Mareykanku kooxo
argagixiso ah, waxaana Bankiga laga xayiray dhaqaale fara badan oo dalka
Mareykanka yiilay iyo bankyo kale oo ku yiilay dalalka Yurub, waxa uuna
Xayiraadaasi saameyn ku yeelatay arrimaha Soomaaliya, maadaama Bankigaasi uu
Soomaaliya ka hirgelinayeen mashaariic la xiriirtay dhinacyada Wabrashada,
Caafimaadka iyo Biyaha.
6/3/2007: Ismaaciil Cumar Geele oo sheegay in aan Maxaakiimta Islaamiga looga
maarmin Siyaasadda Soomaaliya, waxa uuna sheegay in Maxaakiimtu ay qabteen hawlo
fara badan oo la xiriira dhinac nabadgelyada, waxa uu u soo jeediyey Dowladda
Federaalka in ay wada hadal la furto Maxaakiimta Islaamiga, hase yeeshee
C/llaahi Yuusuf ayaa waxa uu sheegay in uusan marnaba wada hadal la geli doonin
Maxaakiimta Islaamiga.
9/3/2007: Waxaa garoonka Muqdisho uu dab ku qabsaday Diyaarad laga lahaa
Kazaqistaan oo la sheegay in ay Dowladda Federaalka u keentay qalab, sidoo
kalana waxay qalab u waday ciidamada Uganda ee Soomaaliya ku sugan, hase yeeshee
warar kala duwan ayaa ka soo baxayey dabkaasi, qaar ayaa sheegayey in Diyaaradda
lala helay Gantaal, halka warar kale sheegayeen in diyaaraddaasi iskeeda uu dab
u qabsaday.
9/3/2007: Gen. C/raxmaan Warsame Caarre ayaa sheegay in dalka Soomaaliya uu
galay gemeysi, Shacabka Soomaaliyeedna looga baahan yahay in uu u
diyaar garoobo dagaal si dalka looga saaro Itoobiya, waxa uuna Janaraalku ka mid
ahaa saraakiishii Soomaaliyeed ee ka qayb-qaadatay dagaalkii 77.
13/3/2007: Hooyo Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Suuban Maalin Cali Geedi ayaa Ciidamada Itoobiya ku kufsadeen agagaarka Balcad,
waxayna Haweeneydaani jirtay 37 sano, waxayna dhashay 8 carruur ah, waxaana
falkaani si weyn uga carooday Odoyaasha Beelaha Hawiye oo ku tilmaamay mid horey
loogu yaqiinay Ciidamada Itoobiya, waana Haweeneydii ugu horeysay oo Saxaafadda
la hadasha sheegtana in ay kufsadeen Ciidamada Itoobiya, waxaana Haweeneydaani
loo uruuriyey dhaqaale si ay isugu daaweyso.
13/3/2007: Waxaa qarax lala beegsaday Ibraahim Cumar Sabriye Shaaweeye mar uu
marayey agagaarka wadada ka timaada Xamar Billa ee tagta Madaxtoonyada, waxa
uuna Gaarigii uu la socday noqday Koombo, waxaana loola cararay Isbitaal ku
yaala Magaalada Nayroobi oo uu mudo kadib ku geeriyooday, waxaana xilkiisii loo
magacaabay Wiilkiisii C/fitaax Ibraahim Cumar.
19/3/2007: Waxaa weerar lagu qaaday dekedda Muqdisho, xiligaas oo ay ku
xirnaayeen Maraakiib fara badan oo badeecooyin u siday Magaalada Muqdisho,
waxayna Maraakiibtu bilaabeen in dekeddaasi ka cararaan, qaarkoodna waxaa la
sheegay in ay u weecdeen dekedo ku yaala dalka.
20/3/2007: Ciidamada Dowladda FKMG ayaa Isbitaalka Banaadir kala baxay Mu’adinkii
masjid ku dhex yiilay Isbitaalka oo lagu macaabo Macallin
Aadan, waxaana sidoo kale horey loola watay dhowr qofood oo Isbitaalka ka
shaqeyneysay, waxaana arrintaai ka hadlay maamulka Isbitaalka Banaadir oo
sheegay in aysan sii wadi Karin hawlaha Isbitaalka, sidoo kale waxay sheegeen in
Dowladda Federaalka looga baahan yahay in ay xaq dhowrto goobaha caafimaadka ee
loogu adeegayo Bulshada Soomaaliyeed.
20/3/2007: Waxay Ciidamada Itoobiya ka baxeen Dekedda Magaalada Muqdisho oo
muddo ay ku sugnaayeen, waxaana dhowr jeer weeraro loogu gaystay dekedda
Gudaheeda, sidoo kale askar ka tirsan ciidamada Itoobiya ayaa ku geeriyooday
Badda gudaheeda, kadib markii la sheegay inay ku harqadeen, qaarkoodna mar la
wareystay waxay sheegeen in aysan weligooda arkin bad, waxaana ciidamada
Itoobiya xilkii Dekedda ku wareejiyeen Ciidamada wadanka Uganda .
20/3/2007: Waxaa weerar lagu qaaday guriga Maxamuud Max’ed Culusow oo ah guddoomiyaha Siyaasadda Beesha Cayr, waxaana
weerarkaasi fuliyey Ciidamo daacad u ahaa Guddoomiye ku xigeenka arrimaha
bulshda gobalka Banaadir Max’ed Cusmaan (Dhagax Tuur), waxaana markii uu
dhacayey weerarku kulan ku lahaa guriga Odoyaal ka tirsanaa Beesha Cayr, mar la
wareystayna qaar ka mid ah odoyaasha Beesha Cayr waxay weerarkaasi ku eedeeyeen
in laga soo maleegay xarunta madaxtoonyada, basle dhagax ayaa beeniyey in uu
weerarkaasi ku lug lahaa, waxa uuna yiri “ma garanayo sabab aan ku weeraro
guriga walaalkey Culusow”
21/3/2007: Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa markii ugu horeysay wareysi siiyey
Wargeyska Alsharqal-Awsat tan intii ay Dowladdu Muqdisho la
wareegtay, waxa uuna wareysigaasi ku sheegay in ciidamada Maxaakiimta Islaamiga
sii wadi doonaan dagaalka, sidoo kale waxa uu ka waramay dhibkii uu kala kulmay
markii uu duurka ku jiray, waxa uuna yiri “Dhibka i gaaray waxaa iiga walwal
badan dhibka lagu hayo Ummadda Soomaaliyeed oo aanan ka seexan”
21/3/2007: Dagaal ka dhacay Muqdisho ayaa lagu jiidjiiday ciidamo isugu jiray
Itoobiyaan iyo Soomaali, qaarkoodna dab ayaa la qabadsiiyey,
waxayna dagaaladani ka dhaceen deegaano ay ka mid yihiin Shiirkole, Wasaaradda
Gaashaandhiga ilaa iyo Jidka warshadaha, waxaan wadooyinka isugu soo baxay
dadweyne aad u fara badan oo ku faraxsanaa jabka la gaarsiiyey Ciidamada
Dowladda iyo kuwa Itoobiya, waxaana sidoo kale la gubay calanka Itoobiya iyo kan
Mareykanka, waxayna dadweynuhu ku dhawaaqayeen “Waa jabeene jabiya”
22/3/2007: Maxaabiis ka tirsanaa Ciidamada Dowladda FKMG ayay sii daayeen
Odoyaasha Beelaha Hawiye, kadib markii lagu qabtay dagaalo ka dhacay
Magaalada Muqdisho, waxayna Ciidamadaani ahaayeen kuwo u dhashay dhamaan
gobalada Soomaaliyeed, iyadoo intii la hayeyna loola dhaqmay si wanaagsan,
qaarkoodna waxay sheegeen in aysan arkin marti-soor noocaan oo kale ah, waxaana
maxaabiistaasi loo gaday dhar, waxaana la siiyey lacag jiscin ah.
22/3/2007: Diyaarad laga lahaa dalka Kazaqistaan ayaa ku dul burburtay
duleedka Balcad, waxaana ku geeriyooday 7 qof oo qaarkood la sheegay in ay
ahaayeen Ijineero u yimid inay wax ka qabtaan diyaar iyana horey dab ugu
qabsaday Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho, waxaana dadkii ku geeriyooday
dib loogu celiyey wadankoodii, hase yeeshee diyaaraddaasi ayaa waxaa ka soo
baxayey warar kala duwan, qaarkood waxay sheegayeen in diyaaadda lala helay
Gantaal, halka kuwo kalana ay sheegyeen in Diyaaradda ay iskeed u dhacday, hase
yeeshee diyaaraddaasi markii ay soo dhacdy oo ay burburtay Dowladda Kazaqistaan
waxay joojisay wixii duulimaad ahaa ee ay ku tagi jirtay gudaha dalka
Soomaaliya.
24/3/2007: Waxaa shirkii ugu horeeyey yeeshay Odoyaasha Beelaha Hawiye iyo
Saraakiil Itoobiyaan ah, waxa uuna kulankaani ahaa mid ka fool
ka fool ah oo looga hadlayey sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Magaalada
Muqdisho, waxayna Odoyaasha Beelaha Hawiye sheegeen in kulankaasi si weyn la
isugu afgartay, hase yeeshee Saraakiisha Itoobiya ma aysan faahfaahin
waxyaabihii la iskula soo qaaday, waxaana la dareemayey ciidamo Itoobiyaan ah oo
buux dhaafiyey deegaano ka tirsan Muqdisho, kuwaas oo u diyaar garoobayey dagaal
ay ku qaadaan fariisimada kooxihii ka soo horjeeday.
25/3/2007: Cali Max’ed Geedi ayaa Nayroobi kula kulmay Abuukar Cumar
Caddaani. Waxa uuna kulankaani ahaa kii ugu horeeyey ee ay isugu yimaadaan,
waxaana ka qaybgalay rag ay si aad ah isugu dhow yihiin Xaaji Abuukar Cumr
Caddaani oo ay ka mid yihiin Max’ed Dheere, Salaad Cali Jeele iyo Siyaasiyiin
kale, waxaana Xaajiga laga codsaday in uu la shaqeeyo Dowladda Federaalka, waxa
uuna Xaajigu beeniyey warar uu horey u faafiyey Cali Max’ed Geedi ee ahaa in
Xaajigu aqbalay in uu dalka ku soo laabto, Dowladdana uu gacan siiyo, waxa uuna
Xaajiguy wararkaasi ku tilmaamay kuwo aan sal iyo raad toona laheyn, waxa uuna
sheegay in uu halkaasi ka sii wadi doono dagaalka uu kula jiro ciidamada
Itoobiya.
27/3/2007: Waxaa qarax ismiidaamin ah ka dhacay deegaanka Darmoolay, kaas oo
uu fuliyey nin naftii hure a, waxayna khasaare xoog leh ka soo
gaartay Ciidamada Itoobiya, waxayna taasi keentay in halkaasi ciidamada Itoobiya
isaga guuraan, wuxu kaloo qaraxaasi keenay in ciidamo Itoobiyaan ka baxsadaan
xeradii ay ku jireen una cararaan dhankaa iyo wadanka Yemen.
28/3/2007: Waxaa la dilay C/Naasir Axmed Aadan (Seerjito) xili uu ku sugnaa
agagaarka Taleex, waxaan dilkiisa gaystay labo nin oo bistoolad ku hubeysan,
iyaogo markii dambana maydkiisii Gaari kula cararay kadibna ku tuuray meel aan
sidaasi uga fogeyn goobtii lagu dilay. Seerjito waxa uu markaa ka soo bogtay
dhaawac horey loogu gaystay agagaarka Maxkamaddii hore ee Xararyaale, kadib
markii uu nin hubeysani uu rasaas ku furay.
29/3/2007: Waxaa bilowday dagaalkii Ciidamada Itoobiya iyo kooxaha ka soo
horjeeda ku dhex maray Magaalada Muqdisho, waxa uuna ahaa dagaalkii
koowaad ee dhex mara labada dhinac si ka fool ka fool ah, waxaana Magaalada
Muqdisho laga maqlayey daryanka rasaasta culus, waxaana bilowday in dad fara
badan ay ka baxaan guryahoodii, waxa uuna dagaalkaani socday mudo afar maalin
ah, iyadoo Odoyaasha Beelaha Hawiye Ciidamada Itoobiya ku eedeeyeen in ay ka
baxeen heshiiskii Xabad joojinta, sidoo kale dagaalkaan xooggiisa waxa uu ka
dhacay agagaarka Cali-Kamiin, Fagax, Hotel Ramadaan iyo Garoonka Cayaaraha ee
Stadium Mogadishu.
April
2/4/2007: Waxaa istaagay dagaalkii Muqdisho ee socday afarta maalmood,
wuxuuna dagaalkaasi gaystay khasaare isugu jiray naf iyo maal, waxayna labada
dhinac ku ballameen in la kala aasto maydadka, sidoo kale waxay isku raaceen
heshiis xabad joojin ah, hase yeeshee heshiiskaasi xabad joojinta ah saraakiisha
itoobiya waxa uu ka ahaa afka baarkiisa, balse waxay isku diyaarinayeen dagaal
ay mar kale la galaan kooxaha ka soo horjeeday, waxayna labada dhinac bilaabeen
in ay qotaan dhufeysyo waaweyn si midba midka kale isaga difaaco.
2/4/2007: Gacma Dheere ayaa dadka qaxay ku tilmaamay dalxiisayaal, waxaana
arrintaani si aad ah uga carooday bulshada Soomaaliyeed, oo iyagu horey ula
daalaa dhacayey dagaalo soo noq noqday, hadalka Gamca Dheerana waxa uu
daboolayey dadka faraha badan ee ka qaxay guryahooda, walibana waxa uu is hor
taagay gargaar la gaarsiin lahaa kadib markii ay is qabsadeen wasaaradda
arrimaha gudaha iyo Hay’adda WFP oo Qaramada Midoobey u qaabilsan dhanka
Raashinka, hase yeeshee gacma Dheere waxa uu hay’addaasi ku eedeeyey in raashin
dhacay ay hay’addaasi siineyso dadka barakacay, hase yeeshee WFP waa ay beenisay
warkaasi, waxayna ku tilmaantay mid aan sal iyo raad toona laheyn.
3/4/2007: Odoyaasha Beelaha Hawiye ayaa heshiis xabad joojin ah la gaaray
saraakiil Itoobiyaan ah, balse Odoyaasha Beelaha Hawiye waxaa la
dhihi karaa heshiiskaa xabad joojint a ah waa lagu qayaanay, waayo Odoyaasha
beelaha Hawiye ma aysan garaneyn qaabka loo galo heshiisyada Xabad joojinta ah,
waayo dhinacooda oo keliya ayaa ku dhawaaqay, halka la rabay in dhinaca kalana
ay ku dhawaaqaan, isla markaana ay goob jog ka noqdaan koox saddexaad oo kormeer
ku sameysa qaabka ay xabad joojintu u socoto.
4/4/2007: Waxaa la kala aastay Maydadka dagaalkii Muqdisho ka dhacay, waxaana
gacan ka gaystay Hay’adda Bisha Cas, meelaha qaarkood ayaa laga
soo saaray dad mayd ah kadib markii la sheegay in ay ciidamada Itoobiya ay si
bareer ah u toogteen, sidoo kale dagaalkaasi waxa uu gaystay khasaare ah in dad
badan ay ka barakacaan deegaanadoodii, waxayna kala aasida maydadka socotay mudo
saddex maalmood ah.
4/4/2007: Waxaa Suuqa Bakaaraha lagu dhex dilay Col. Yaasiin Dhuuxyaweyn, oo
ka mid ahaa saraakiisha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana dilkiisa
gaystay kooxo aan la garaneyn, waxa uuna dilkiisu qayb ka hayay dagaalka lagula
jiro in la baabi’iyo saraakiishii hore ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed,
waxaana horey loo dilay ilaa iyo dhowr iyo 30 sarkaal oo aan waxba galabsan.
4/4/2007: Waxaa Ereteriya gaaray Xuseen Caydiid, oo Ra’isul Wasaare ku xigeen
ka ahaa Dowladda Federaalka, waxayna tagistiisii Ereteriya ay dhabar jab ku
noqotay Dowladda Federaalka, waayo waxaa horey Ereteriya u joogay Guddomiyhii
hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, Guddoomiyihii Midowga
Maxaakiita Sheekh Shriif Sheekh Aadan, wuxuuna Xuseen Caydiid sheegay mar la
wareystay in sababaha uu ug a soo tagay dowladda federaalka ay tahay kadib
markii ay ciidamada Itoobiya xasuuq ka gaysteen gudaha dalka Soomaaliya, isla
markaana lagu xadgudbay axdiga ku meel gaarka ah, sidoo kale warar ayaa waxay
sheegayaan in Xuseen Caydiid uu ka carooday wareysi uu bixiyey Madaxweyne
C/llaahi Yuusuf Axmed kadib markii uu Xuseen Caydiid ku tilmaamay nin aan caadi
aheyn.
7/4/2007: Waxaa la dhaawacay Xasan Qalaad oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii
arrimaha dhaqaalaha ee gobalka Banaadir, wuxuuna dhaawiciisa
yimid mar uu damcay in uu kala dhex galo labo nin labo oo ilaaladiisa ka tirsan,
inkastoo warar kale sheegayaan in ulakac ah loo dhaawacay Qalaad, iyadoo
dhaawiciisa markii dambe loo qaaday Magaalada Nayroobi.
9/4/2007: Waxaa la aasay dhufeysyadii ka qodnaa Magaalada Muqdisho oo ay
horey u sameysteen Ciidamada Itoobiya iyo kooxaha ka soo horjeeda, waxaana la
furay qaar ka mid ah wadooyinka Gobalka Banaadir, hase yeeshee furinta
wadooyinka iyo duugista dhufeysyada, waxay ahaayeen kuwo aysan labada dhinac
daacad ka aheyn, waayo meelaha rasmiga ah ee isaga soo horjeedeen dhufeysyadaasi
lagama duugin, waxaana muuqday saan saan colaadeed, waxaana labada dhinac soo
gaaray gurmado xoog leh.
9/4/2007: Salaad Cali Jeele ayaa dagaalkii Muqdisho ka socday ku tilmaamay
mid qabiil, waxa uuna beeshiis ka codsaday in ay garab ku siiyaan dagaalkaasi,
waxaana hadalkaani si aad ah uga carooday Odoyaasha Beelaha oo uu ugu horeeyey
Xaaji Cabdi Iimaan iyo Siyaasiga Caanka ah ee C/llaahi Sheekh Xasan.
10/4/2007: C/llaahi Sheekh Xasan ayaa raagelin ka bixiyey hadalkii Salaad
Cali Jeele, wuxuuna u soo jeediyey labada beelood in aysan dheg jalaq u siin
wararkaasi, sidoo kale waxa uu uga digay beesha Mudulood in ay iska ilaaliyaan
hadalada ka soo yeeraya siyaasiyiinta wax ka garadka ah kuwaas oo doonaya in ay
isku baabi’iyaan ummadda Soomaaliyeed, iyago u adeegaya beelo kale.
15/4/2007: Ciidamada Itoobiya ayaa gabar ku kufsaday Xaafadda Xamar-Bila,
waxaana gabadhasi soo gaaray dhaawac aad u culus, kadib markii ay isaga boodeen
ilaa iyo dhowr askari, waxayna da’deedu ahayd 17 jir, waxana la dhigay
Isbitaalka Xaawo Cabdi, ma ahan markii ugu horeysay oo ciidamada Itoobiya ay
kufsadaan Haween Soomaaliyeed, waxa uuna sheegay wasiirka War-faafinta Ereteriya
in ciidamada Itoobiya maalintii cudurka Aids-ka qaadsiyaan ilaa iyo labo
gabdhood oo Soomaali ah.
15/4/2007: Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa mar kale wareysi siiyey
Sharqal-Awsat, waxa uuna sheegay in ay sii wadi doonan dagaalka ay kula jiraan
Ciidamada Itoobiya, sidoo kale waxa uu ka codsaday Dowladda Sucuudiga in ay soo
kala dhex gasho xaaladda ka taagan Soomaaliya ka taagan, Dowladda Itoobiyana ku
cadaadiso sidii ay uga bixi lahayd Soomaaliya.
19/4/2007: Waxaa bilowday dagaalkii labaad ee Muqdisho, kaas oo socday
9-maalmood, waxa uuna dagaalkani gaystay khasaare isugu jira naf iyo maal,
waxaana ku barakacay ilaa Hal Malyan oo qof, iyadoo lagu tiriyey dagaalkaasi kii
ugu xumaa ee ebed soo maray Soomaaliya, waayo waxaa madaafiic lala dhacayay
goobo ay degan yihiin dad rayid ah, waxayna madaafiicdaasi ka soo dhaceysay
Xarunta Madaxtoonyada, Xerada Asluubta, iyo Wasaaradda Gashaandhiga.
20/4/2007: Waxaa dagaalkii Muqdisho ka socday ka baxsaday 89 Askari oo
Itoobiyaan ah, kuwaas oo la sheegay in ay gaareen dalka Yemen kadib markii ay
doon ka qaateen xeebaha Soomaaliya, waana askartii ugu badneed ee dagaalka ka
baxsatada, waxaana arrintaani faafiyey Wargeys ka soo baxa dalka Yemen, waxayna
ciidamadaasi la dejiyey goob gaar ah, iyadoo mas’uuliyiinta Dowladd Itoobiya ay
ka dalbadeen Dowladda Yemen in gacanta loo soo geliyo ciidamadaasi.
24/4/2007: Waxaa qarax lala beegsaday xarun ay Ciidamada Itoobiya ku
lahaayeen Afgooye, waxa uuna qaraxaasi ahaa mid ismiidaamin ah oo uu sameeyey
qof naftii hure ah, waxayna khasaare ka soo gaartay ciidamdii Itoobiya ee
halkasi ku sugnaa, waxa uuna qaraxaani ka mid ahaa qaraxyo is xig xigay oo
ismiidaamin ahaa oo lala beegsaday xarumaha ciidamada Itoobiya sida kii ka
dhacay Darmoolay, xarunta Asluubta iyo mid ka dhacay halka uu degan yahay
Janaralka ciidamada Itoobiya ee Gabre.
24/4/2007: Waxaa qarax ka dhacay Hotel Ambassador, waxa uuna ahaa miino
laga soo buuxiyey Gaari Mark II, waxana ku geeriyooday dhowr iyo toban Askari oo
ka mid ahaa ciidamada Dowladda Federaalka, wuxuuna Hoteelkaani ahaa mid ay degan
yihii wasiirada iyo saraakiisha ciidamada Dowladda, waxaana horey dhowr jeer
loogu soo qaaday weeraro is xig xigay, waxayna milkiilayaasha Hoteelka ay
sheegen in Weerarada lagu hayo Hoteelkooda uu yahay mid la doonayo in lagu
burburiyo ganacsigooda.
25/4/2007: Meles Zenawi ayaa sheegay in dagaalka ka socda Muqdisho ay wado
Beesha Cayr, waxaana arrintaan ka carooday Odoyaasha Beelaha
Hawiye oo ku tilmaamay mid uu Meles Zenawi ku kala qaybinayo Bulshada
Soomaaliyeed, ma ahan markii ugu horeysay Meles Zenawi ka soo yeeraan hadal
noocaan oo kale, waxa uuna horey u sheegay in dgaalka ka sicda Muqdisho ay wado
jufo keliya, ciidamada itobiyana ay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo afjari
doonaan
27/4/2007: Waxaa dhacay dagaalkii Aboole ee deegaanka dhagaxbuur kaas oo lagu
dilay 74 Askari oo itoobiyaan ah, waxaana lagu qafaashay 9
shiinees ah, waxa uuna dagaalkaani uu ahaa mid lagu qaaday xarun laga qodayey
shidaal, waxayna mas’uuliyiinta Itoobiya sheegeen in weerarkaasi ahaa mid
argagiiso ah oo ay ka dambeeyeen Jabhadda ONLF iyo Midowga Maxaakiimta Islaamiga
ah, hase yeeshee mas’uul u hadlay jabhadda ONLF waxa uu sheegay in ujeedada
dagaalku uu ahaa sidii looga hor tagi lahaa shirkadaha doonaya in ay shidaal ka
qodaan deegaanada dhulka Soomaali galbeed.
28/4/2007: Ciidamada Itoobiya ayaa gaaray bartilmaamoodkii ahaa Warshadda
Baastada, waxaana soo gebagaboonay dagaalkii labaad ee ka dhaca Muqdisho, hase
yeeshee dadka u guurgala, arrimaha dagaalka waxay sheegeen in heshiis hoose uu
dhex maray hor joogaya dagaaalka iyo saraakiil ka tirsan ciidamada Itoobiya si
ciidamada Itoobiya u gaaraan warshadda Baastada, waxayna warbixin ay soo saareen
Odoyaasha Beelaha in Kun qof lagu dilay Dagaalka, 400 oo kun oo qofna lagu
barakiciyey, sidoo kale khasaare malaayiin Doolar ah ayay Odoyaasha beelaha
Hawiye sheegeen in ay sababeen dagaalkaasi.
Akhri Qaybta 3aad
W/DAmiinYuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 28, 2007


|