| | | | | | | | | | |

SOMALITALK
. C O M
Online Community
M A C L U U M A A D
ALLAH IS GREAT
  SomaliTalk.com   » SomHeedo  
S
o
m
H
e
e
d
o
SomHeedo
Ciise Dhollowaa oo Boosaaso u Dhoofaya si uu Xogwaran uga keeno Mashruuc Samafal ah oo ay ku baxayso $50,000

Waa Mashruuc La Qorshaynayo in Laga Hirgelinaya Cisbitaalka Boosaaso

Waxaa maalinta Sabtida ah (Agoosto 3) ka ambabaxaya Airport magaalada Melbourne, ee dalka Australia, Ciise Maxamud Dhollowaa oo Soomaaliya ku celinya labo caruur ah oo Australia loo keenay daaweyn, labadaas caruurta ahna qaliinkoodii waa lagu guulaystey. 

Waxaa Ciise islamar ahaantaas soo qorayaa qoraal ay ka codsadeen dhakhaatiir Australiyaan ah oo tegidoona cisbitaalka weyn ee Bosaaso si ay ugu qalaan dad lagu qiyaasay ilaa 50 oo u baahan qaliino kala duwan.

Arimaha laga codsaday in Ciise Maxamud Dhoolowaa, oo ah madaxa (Chairman)-ka Somalia Health, Education and Economic Development Organisation (SomHeedo), soo xaqoojiyo kana soo qoro qoraal sugan, isla markaasna ka soo duubo cajlad maqal iyo muqaalba ah waxaa ka mid aharimahan hoos ku qoran oo aan ka soo guurin qoraalkii dhakhaatiirtu Ciise Dhollowaa u soo direen, kaas oo oo afka Ingriiska ku qoraa, waana tan inta muhiimka ah;

a)  A mechanism of screening the patients to that those with urology, imperforate anus and general surgical conditions availablability for review.
b)  senior and juniour nurses, anaesthetists and surgeons who would benefit from the training be established.
c)  Anaesthetic drugs were made available;
d)  Appropriate antibiotics were available.
An ultrasound machine was present in the hospital;
e)  The following equipment avaialable in theatre
    e.a) A diathermy machine
    e.b) Anaesthetic machine
    e.c) Endoscopic light course; and
    e.d) Theatre lighting

f) Sufficeicne beds available for 50 post operative patients and Nurses for the post operative care.

Waxaan isla markaasna qoraalka ka argnay in Ciise laga codsaday in uu la qaybsado dhakhaatiirtaas dhaqaalaha loo baahan yahay in hawshan lagu fuluyo. Hawshana waxaa fulinteedu dhicidoontaa bilowga ilaa bartamaha sanadka soo socda, Allaah idankiis.

Kharajka loo baahan yahay waxaa lagu qiyaasay ilaa 50kun oo lacagta Maraykanka ah [$50,000]. Dhaqaalahaas oo laga rabo in dadka Somalida ah iyo saaxibadooda ajnebiga ah ay soo xera geliyaan, ilaa dhamaadka bisha January ee sanadka cusub.

Project-ga oo faah faahsan waxaan idinku soo gudbindoona marka Ciise ka soo laabto socdaalkaas uu ku gaarayo magaalada Bosaaso.

Waxaa mujtamaca Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan lagu baraarujinayaa sidii ay qayb uga qaadan lahaayeen hirgelinta mashruucaan, kan oo haddii uu hirgalo noqondoona mid faa'iido weyn u yeelandoona ummada Soomaaliyeed.

Ciise Dhollowaa waxaa lagala xiriiri karaa cinwaanka hoose

"Ciise Dhollowaa"
Phone; 0415 172 025 (in Australia)
61 415 172 025 (outside of Australia)

 imfarah@students.latrobe.edu.au

Waxaa isku soo dubaridey: Maxamed Cali | SomaliTalk.com | Agost 2, 02

 

 SomHeedo Taageer
dhollowaa Ciise Dhollowaa iyo Sucaad Cabdiraxmaan Maxamed oo wajigeeda farxad ka muuqdo qalliinkii sanka iyo afka kaddib GUJI
SHAHAADO SHARAF .
Ciise Maxamud Dhollowaa iyo Moira Kelly oo laguddoonsiiyey Shahaado Sharafta Gargaarka Carruurta.
Sidoo Kale waxaa bilado ay ku mutaysteen Gargaarka Carruurta Soomaaliyeed laguddoonsiiyey: Fardowsa Cabdirxmaan Geyre, Shukri Jaamac iyo Fartuun Isaaq
GUJI....
MASHRUUCA CARRUURTA .
Qoraaladii Taageerada carruurta
1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10
NAAFADA SOOMAALIYA .
Waxqabadka Hay'adda Xanaadada Da'weynta iyo Naafada Soomaaliyeed
1 | 2  

Copyright © 2002 SomaliTalk.com. All rights reserved. Privacy Statement.