Maxaa Xal u ah
Ubadka Soomaalida Qurbaha?
SomaliTalk.com
May 6, 2001
(SomaliTalk, May 6, 2001) - Maxaa xal u ah ubadka
Soomaaliyeed? waa su'aal uu soo jeediyey Abdiraxmaan Al-Kanadi
mar uu shalay ka hadlay xaflad aad loosoo agaasimey oo
laguqabtay magaalada London ee dalka kanada.
Cali Jaamac iyo labo kamida Carruurtiisa [Baaraka
Allah] |
Xafladaas dadka kasoo qaybgalay badankoodu waxa ay
ahaayeen Soomaali, waxaa kale oo kasoo qaybgalay cadad
Muslimiinta kale ee kudhaqan magaalada, waxaana indhahaygu
qabteen dad u dhashay Kanada iyo Nayjeeriya.
Xafladan qado-sharfta ah waxaa soo agaasimay Cali Jaamac
oo katirsan Soomaalida ugu firfircoon magaalada marka laga
hadlayo isku xirka iyo hurumarinta jaaliyada Soomaaliyeed ee
kudhaqan magaaladan.
Qadadii kabacdi, waxaa muslimiintii halkaas isugu timid
isugu hambalyeeyeen kulankaan qiimaha badan ee ay isugu
yimaadeen Muslimiinta kukala dhaqan cirifyada magaalada.
Waxayna halkaas isku weydaarsadeen talooyin ku aadan
bulshada Islaamka ah ee ku dhaqan magaalada.
Dadkii halkaas ka hadlay waxaa kamid ahaa cabdiRaxmaan
Al-Kanadi oo ah nin Muslim ah isla mar ahaantaana hadda
haysta dhalashada Kanada (Canada) laakiin asalkiisii kayimid
dalka Taylaan (Tailand), waxaana uu soo Islaamay toban sano
ka hor.
Qayb kamida Muslimiinta xaflada kasoo qaybgashay
|
Wuxuu hadalkiisii ku bilaabay isaga oo dhehaya "Dhaqanka
Soomaalidu wuxuu aad ugu dhowyahay dhaqanka Tailand, marka
la eego dhar xirashada waxay Soomaalidu qaataan macawisaha,
sidaas oo kalena reer Tailand wey xirtaan macawisata". "Xaqiiqadii
waan kululaaday maanta, markaas ayaan macawis xirtay" ayuu
yiri. Isagoo arrintii dhaqanka weli ka hadlaya waxa uu yiri
"Cuntada ay xaaskaygu kariso waxa ay isku dhadhan yihiin
cuntadaan aan halkaan maantu ku cunay".
Cabdiraxamaan oo hadalkiisii sii wata waxa uu yiri "
waxaa Soomaalida deggan London (canada) waajib ku ah ama la
gudboon in ay qorsheeyaan sidii ay marwalba u yeelan
lahaayeen kulama iyo isu imaadyo joogto ah, sida kan oo
kale, taas oo looga gol-leeyahay in lagawada tashado arimaha
guud ee mujtamaca Soomaalida, gaar ahaan carruurta".
Shariif Maxamad Cumar |
Wuxuu cabdiraxmaan hadalkii ku adkeeyey isagoo dhehaya
waa in aad ku dadaashaan ilaalinta, xafidaada iyo dhawrista
dhaqanka ubadka soo koraya. Waxaa uu yiri " waa waajib idin
saaran sidii aad ubadkiina u badbaadin lahaydeen, u xafidi
lahaydeen dhaqankooda, u bari lahaydeen diintooda, ugu
baraarujin lahaydeen dhaqanka suuban iyo asluubta toosan."
Cabdiraxmaan waxa uu walaac kamuujiyey khatarta soo
foodsaarikarta dhaqanka carruurta yaryar haddii aan hadda
xil weyn la iska saarin ama laga gaashaaman. Waxaana uu
muujiyey in cabasho aysan waxba taarayn, balse loo
baahanyahay ficil looqaado jihada wanaaga. Arintan oo la
isku raacay in ay tahay arin aad muhiim u ah, in sidegdeg ah
wax looga qabtona ay tahay lagama maarmaan.
Waxaa kale oo halkaas ka hadlay Yusuf Cusmaan oo kamida odayaasha magaalada iyo
guddoonka jaaliyada Soomaalida London, waxa uu qiray in
arinta Cabdiraxmaan sheegay ay tahay mid u baahan muhiimad
gaar ah iyo xilqaan weyn. Waxaana la gudboon, ayuu yiri,
Soomaalida in ay arintaan ku dhaqaaqaan hirgelinteeda sida
ugu dhaqsaha badan ee macquulka ah.
Qorraxda oo aad u kululayd ayaa keentay in sawiradii
aysan siwacan u soo bixin ee raali kanoqda.
|
Waxaa kale oo halkaas ka hadlay Shariif Maxamad Cumar oo
kamida caaqilada magaalada, waxaana uu hadalka akhyaartii ka
horeysey kudaray in arinta carruurta yaryar ay tahay mid
xilkeeda ay saarantahay waalidka. Waxaana loo baahanyahay
ayuu yiri in aan sinaba loo dhayalsan arintaan
waxkaqabadkeeda.
Rag kale oo badan ayaa goobta kasoo jeediyey talooyin
dhaxalgal ah, waxaana dhammaantood arintu isugu soo biyo
shubanaysey sidii loogu dadaali lahaa badbaadada dhaqanka
toosan ee ubadka soo koraya, tan oo loo arkay muhiimad aan
waqti dheer sugayn haddaan hadda lagu dhaqaaqina la gaarayo
heer aan hadhow wax laga qabankarin. Waxaana lasoo jeediyey
in ugu horayta labilaabo kulamo joogto ah oo ay yeelan
doonaan jaaliyadu si arintaan xal rasmi ah loogu helo.
Dabcan waxaa la cadeeyey in ay jiri jireen kulamo joogto
ah oo jaaliyadu yeeshaan, laakiin qorshahan cusub waa mid
ku jihaysan ubadka iyo dhallinta da'da yar. Waxa kale oo cad
in arrinta dhaqanka carruurta da'da yar ay saamayn ku
leedahay dhammaan jaaliyadaha Soomaalida qurbaha.
Qorraxda oo aad u kululayd ayaa keentay in sawiradii
aysan siwacan u soo bixin ee raali kanoqda.
|
Cali Jaamac oo casumaada u fidiyey jaaliyada ayaa halkaas
isaguna uga mahad celiyey dhammaan muslimiintii halkaas
isugu timid.
London, Ontario waxa ay kutaalaa qiyaastii 200km
koonfurta Toronto, waxayna 200km Woqooyiga ka xigtaa
Magaalada Detroid, Michigan. Tirada dadka kunool waxaa lagu
qiyaasay inta u dhexaysa 300,000 ilaa 330,000 qof,
muslimiinta magaalada deggana waxaa lagu qiyaasaa 30,000
qof. Magaalada waxaa kuyaal laba masaajid oo waaweyn iyo
madaraso Islaami ah oo layiraahdo
London Islamic School.
Tiro ahaan Soomaalida deggan London, Ontario aad uma
badna, marka la barbardhigo magaalooyinka kale ee
W/Ameerika, laakiin waa dad aad u nidaamsan marka ay noqoto
habka waxbarashada carruuntooda, waxaana ay leeyihiin dugsi
ay carruurta ku barbaaray qurbaha iyo tarbiyada Islaamka halkaas oo uu
bare ama macalin kayahay Shiikh Xasan.
Waxaakale oo jaaliyada Soomaalida London ay leeyihiin
Urur mideeya oo u dhexeeya dhammaan Soomaalida, ururkaas oo
lagumagcaabo Ururrka jaaliyada Soomaalida London oo loosoo
gabiyo SAL.
Qore: Mohamed Ali | webmaster@somalitalk.com
May 6, 2001
Faafin: SomaliTalk.com
