Ma ahan wax la fududeysan karo dhibaatooyinka ay la iman
karaan caruurta soomaaliyeed ee la nool qoysaska aan
muslimka ahayn, ee ku nool dalalka Yurub iyo Waqooyi
Ameerika.
Maalintii jimcada ahayd, goor aan ka imid salaaddii
jumcada, masaajidka waqafka Odense, Denmark, ayaa waxaan soo
maray dukaan aad u weyn oo la yiraahdo OBS, si aan
waxyaabo aan u baahnaa uga iibsado. Annigoo dukaanka
dhexdiisa ku jira, ayaa waxaan meel aan iga sii fogeyn
ka arkay wiil yaroo soomaaliyeed oo la socda qoys reer
Denmark ah. Qoyskii ayaa waxaan ka codsaday inaan la
hadli karo wiilkan, hase ahaatee si sahlan ayeey iigu
oggolaadeen.
"jeg ved det ikke hvad du snakker om?!"
|
Wiilkii ayaa waxaan weydiiyay inuu soomaali yahay,
wuxuuna iigu jawaabay ereygan dheenishka ah: "jeg ved
det ikke hvad du snakker om?!" oo macnaheeda ah
garan maayo waxa aad ku hadlayso. Waan gartay inuu
wiilku aqoon af soomaaliga, markaasaan kula sheekeestay
af dheenish.
Waxaan weydiiyay inuu soomaali yahay?, wuxuuna ii
sheegay inuu soomaali yahay, da’diisuna tahay 11 jir,
inuu la nool yahay reer u dhashay Denmark, dhigtana
dugsi aynan soomaalida dhigan, wuxuu waddanka Denmark
yimid isagoo 3-4 sanno jir ah.
Waxaan weydiiyay halka ay ku nool yihiin reerihiisa?,
wuxuuna dareen naxdin leh iigu sheegay inay ku nool
yihiin isla magaallada Odense, Denmark, iyadoo aan loo
ogolayn booqashada.
Maxkamadda Sare (Mareykanka) oo Diidey
Dhegeysiga Kiis Canug Soomaaliyeed oo Loogeeyey
Reer Christian ah
Akhri halkan June 10, 2000 |
Maxaynan kuu soo booqan karin reerahaaga?, ayaan
weyiiyay, garan maayo ayuu yiri isagoo welibana madaxa
ii ruxay. Waxaa dhici karta inay dowladda cunugga reerka
kala wareegtay oo ay markaas ku wareejisay reerkan
dheenishka ah, ayaan si hoos ahaan naftayda ugu iri,
wayna dhacaan qisooyinkan qadhaadh oo kale.
Intii uu hadlayay, waxaa iga soo qubatay ilmo, maxaa
yeelay waxaan intuu hadalka waday ka fekereyay
mustaqbalka uu ku danbeyn doono cunugan muslimka ah ee
soomaaliyeed. Waxaan ka fekerayay tarbiyadda sumeysan ee
gaalnimada ah ee lagu ababinayo cunugan soomaaliyeed.
Waxaan ka fekeryay cuntada uu cuno maalin kasta.
Wuxuu ii sheegay cinwaanka uu deggan yahay iyo
dugsiga uu dhigto magaciisa, waxaana ku iri waxaan isku
dayayaa inaan ku soo booqdo, iyadoo aanan hubin inaan
oggolaansho buuxda ka helayo qoyska uu cunugga la nool
yahay.
Darxumo iyo daal ayaa wejigiisa ka muuqday cunugga,
muuqaalkiisana wuxuu u ekaa sidii cunug u baahan inuu la
noolaado reerihiisa soomaaliyeed ee muslimka ah. Qisadan
naxdinta leh waa mid ka mid ah boqolaal xaaladood oo ka
dhacda dalalka Yurub iyo Waqooyi Ameerika. Waxaa dalka
Denmark ka dhacday in qoysas dhowr ah soomaaliyeed laga
qaaday ubadkooda, iyadoo arrintaas loogu aaneenayo
caruurta oo la jirdilay, caruurta oo la silciyay iwm,
taasoo inta badan u dhacda si is maandhaaf ahaan ah iyo
si ula kac ahba. Waxaa hadda kahor ka dhacday magaallada
Odense in qoys soomaaliyeed laga qaato labo ilmood oo ay
dhaleen, iyadoo ilaa iyo haddana ay weli la nool yihiin
reero u dhashay Denmark. Waxaa jira caruur soomaaliyeed
oo ka yar da’da 15-ka ay si keli ahaan ay u yimaadeen
dalka Denmark, iyadoo markay sharciga heleena ay
dowladda si toos ah ugu wareejiyeen guryaha dowladda.
Mid ka mid ah caruurtaas ayaa waxaan kula kulmay
Jaaliyadda
dhaqanka soomaaliyeed usbuucii la soo dhaafay,
isagoo ii sheegay inuu yimid dalka Denmark isagoo
keligii socda. Reerkiisa oo ku nool Muqdisho, Soomaaliya
ayaa waxay siiyeen ninkii mukhaliska ahaa ee bugta ku
waday lacag gaareysa 5000 USD!!. Maanta wuxuu wiilkaas
ku nool yahay guryaha dowladda, dadka gacanta ku hayana
waa dad dheenish ah. Sidoo kale waxaa dhacday caruur ka
yar da’da 10 sanno in lagu arkay iyagoo fadhiya hoolalka
tranist-ka ee garoonka
diyaaradaha Copenhagen, Denmark, iyagoo wax qaraabo
aanan la socon. Waa yaab iyo amakaag. Waxaasoo dhammi
waxay ka tarjumayaan mas’uuliyad darrada haysata qaar ka
mid ah waalidiinta soomaaliyeed, iyagoo dantooda weyni
ay tahay oo keliya inay caruurtooda soo gaaraan dalalkan
Yurub iyo Ameerika.
Waxyaabaha ay caruurtooda u soo diraan, ayaa ah
iyagoo caruurtooda kala baqaya inay ku dhintaan
dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya, amaba ay ku biiraan
kuwa burcadka ah ee iyaga dagaalamaya. Qaar kale, waxay
ilmahooda u soo diraan bal inay waddamadan ka helaan
dugsiyo waxbarasho maadaama uu dalkii Soomaaliya
tobankii sanno aynan ka jirin waxbarasho. Waxaynan ka
fekerin mustaqbalka caruurtooda ee ku wajahan dhinaca
diinta, dhaqanka iyo soomaalinimadaba. Miyeynan ogeyn
waalidiintaas soomaaliyeed inay jirto maalin uu Ilaah
weydiinayo mas'uuliyadda caruurtooda xagga diinta?, Mise
og yihiin in markii ay caruurtooda yimaadaan in lagu
wareejinayo qoysas gaalo ah, waa haddii ay si keli ahaan
ugu soo diraan dalka Denmark iyo dalalka kaleba ee
qurbaha.
Dhinaca kale, waalidiinta ku nool dalka Denmark ayaa
intooda badani ku nool wel wel iyo cabsi ay u qabaan
mustaqbalka diineed, dhaqameed ee caruurtooda, iyagoo
qaar ka mid door biday inay ubadkooda ula cararaan qaar
ka mid ah dalalka Carabta oo iyaguba qaarkood aan
dhaamin kuwii ay caruurtooda kala soo guureen. Qaar
kale, way is dhiibeen, oo waxay yiraahdeen wixii uu
Ilaah caruurta u qaddaray ayun bay la kulmi, haddey
gaaloobaan iyo haddii kaleba, iyagoo iska indha tiray
asbaabaha badbaadinta caruurtooda, qaar waxayba
dhibaatada ka haystaaa is fahamka iyaga iyo caruurtooda,
waana kuwa mararka qaarkood adeegsada jir dil iyo iyagoo
u mooda meesha ay joogaan inay tahay Soomaaliya.
Dalka Denmark iyo dalalka kale Yurub ee ay soomaalida
ku badan tahay waa ka mamnuuc in caruurta la jir dilo,
waana tan inta badan keenta in qoyska caruurtooda jir
dila laga qaado ubadkooda.
Caruurta iyo haweenka soomaaliyeed ayaa u badnaa
intii soo gashay dalalka Galbeedka, iyagoo ka soo
cararay silicii iyo saxariirihii uu keenay dagaalkii
sokeeye ee Soomaaliya, waxaana shaki ku jirin in
qabqablayaashii iyo dagaal oogayaashii dagaalka ay sabab
u yihiin dayaca iyo darxumada maanta haysata caruurta
soomaaliyeed, caruurtaasoo qaarkood ay leeftay
madaafiicdii dagaalka, qaarkoodna sababay inay
saf-ka-galaan safafka dagaalka, qaarkood iyagoo qaxaya
yimid dalalka Yurub iyo Waqooyi Ameerika iyadoo aanan la
ogeyn meesha ay ku danbeyn doonto caruurtaas
mustaqbalkooda.
Qore: Ibrahim Salah
ibra88@hotmail.com
Odense, Denmark