SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
LONDON - ONTARIO, CANADA
URURKA JAALIYAADA SOOMAALIYEED EE LONDON ON QEYB LIBAAX AYUU KA QAATAA DANAH JAALLIYADA SOOMAALIYEED.
Qore: Yusuf Osman

November 24, 2000

Carruur
Dugsiga Qur'aanka ee London, Ontario, Canada

Magaalada London on waxaa ku nool dad gaaraya ilaa 330,000. Muslimiinta deggan waxaa lagu qiyaasaa in ka badan 30,000 qof. Waxaa ka furan 3 dugsi Islaami ah iyo dugsiyo dhammaadka todobaadka (week end) lagu barto diinta Islamka oo qaar ka mid ah Soomaalidu leedahay iyo qaar ka dhexeeya dadka Muslimiinta ah ee ku nool magaalada. Waxa ku yaal magaalada 4 masaajid.

Soomaalida ku nool London On, waxa lagu qiyaasaa ilaa 800 (Sideed boqol) qof. Dadka Soomaliyeed ee deggan magalada waxa u badan dad da'doodu yartahay (UBAD). Reer London On waxay isukugu jiraan dad imminka wax barta iyo dad horey wax u soo bartey sida Takhaatiir yahano, Dhaqaaloyahano, Sharciyaqaano, Injineero, Beeroyaqaano iyo kuwo kale. Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa ka shaqeeya shaqooyin kala gadisan, qaar kalena waxay dhigtaan Jaamicadaha iyo Kuleejooyinka.

Soomaalida London On waxaa lagu ammaanaa saddex arrimood:

  1. Midnimo iyo Iskaashi dhexdooda ah.
  2. Urursanaan iyo akhlaaq wanaag. Ruux kastana wuxuu iska dhigey wakiil (AMBASADDOR) Soomaali ah.
  3. Dareen daris wanag dhexdooda iyo shisheeyaha kale ee ay la noolyihiin.

    DACWADA DIINTA ISLAAMKA.

    Guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee London Ontario waa dad diin jecel ubadkoodana la jecel iney baraan diintooda iyo dhaqankooda suuban ee islaamiga ah. Labo dugsi (week End), ayaa ka furan labo Xaafadood oo kala ah Limberlost iyo Wonderland, waxaana lagu bartaa Quraanka, Farta, Cibaadaadka, Akhlaaqaadka suuban iyo waxyaabo kale. Haweenka Soomaaliyeed ee London Ontaario waa dad aad ugu dadaala diinta una barta.

    URUKA JALIYADDA SOOMAALIYEED (SAL) London ON

    Ururka Soomaaliyeed ee London On (Canada) waa mid kulmiya dhammaan Jaalliyadda Soomaaliyeed wuxuuna qeyb weyn ka qaataa arrimaha ijtimaaciga (SOCIAL) wuxuuna ururku suurto galiyey in Xubnaha Jaalliyaddu noqdaan sidii Ul iyo Diirkeed, isku meelna uga soo wadajeestaan arrimahooda, waxaana suurtogaliyey dadaalka iyo iskuduubnida Madaxda ururka hoggaamiya. Gaar ahan Guddoomiyaha Jaalliyadda Soomaaliyeed walaal Hassan Nur Guuled oo qeyb libaax ka qaata Hawlaha Ururka Soomaaliyeed. Jaalliyadda Soomaaliyeed ee London On waxay mudantahay in looga daydo waxyabo badan oo ay gaar la tahay.

    Waxaad barnaamij gaar ah oo ay sameeyeen ardeyda dhigata Dugsiga Quraanka ee Limberlost ee magaalada London, Canada. Waxaa soo qabanqaabiyey Dugsigaan walaal Shiikh Hassan Shiikh Xuseen Muse, Isla markaasna ah Baraha Dugsiga, Waxaa kale oo dugsiga qeyb libax ka qaata Abdiwahab Amman oo farta Carabiga bara dhallanka. Waxaa kale oo ammaan iska leh Haweenka Walidiinta ah oo Nadaafadda iyo nadaamka dugsiga qeyb ka qaata.

    NABAD, NOLOL IYO GUUL.
    WA BILAHI TOWFIIQ.

    Yusuf Abdihalim Osman
    Jaalliyadda Soomaaliyeed London ontario


    SAWIRADA JAALIYADDA (LONDON, ON)

    November 24, 2000

 

 

Faafin: SomaliTalk.com


Soo Booqo Bogga Macluumaadka Islaamka: GUJI SomaliTalk.com/Islam
© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 

 



HTML CD