SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
MUSTAQBALKA - CARRUURTA
JAALIYADDA DHAQANKA SOOMAALIYEED WAA XARUNTA SOOMAALIDA ODENSE EE DALKA DENMARK
 

Xarunta Jaaliyada Soomaalida Odense, Denmark
Qore: Ibraahim Salah Aden
ibra88@hotmail.com
Odense, Denmark

October 22, 2000

Muusood iyo farxado kala duwan waa waxaad ka milacsan kartid caruurta soomaaliyeed ee sida joogtada u timaadda Xarunta Jaaliyadda Dhaqanka Soomaaliyeed ee magaalada Odense, dalka Denmark.

Jaaliyadda Dhaqanka Soomaaliyeed waxaa la aasaasay qiyaastii muddo hadda laga joogo 5 sanno, waxaana ka tirsan xubno aad u fara badan. Waxaa Jaaliyadda maalin kasta timaadda caruur iyo dhalinyaro fara badan oo soomaaliyeed, iyagoo u yimaada inay helaan cayaaro kala duwan, sida cayaraha ay ka mid yihiin kombiyuutarada (play station-ka), bilyaardiga, teeniska, cayaarta loo yaqaano (minifodbold-ka) iyo kuwo kale oo fara badan.

Dhinaca kale, waxaa kaloo si joogto u yimaada Jaaliyadda dhaqanka soomaaliyeed dad iyagu dhageysta idaacadda BBC-da qaybteeda soomaaliga, waana xilliga fiidka saacadda Denmark markay tahay 8.00-da fiidnimo. Waxaad mooddaa in la yiri wax sharqan iyo hadal la yiraahdo waa ka mamnuuc saacaddaas, sababtuna waa iyadoo ay dadku ku mashquulsan yihiin dhageysiga wararka la xiriira guud ahaan Soomaaliya. Waxaa dhacda mararka qaarkood inay soomaalidaas timaadda Jaaliyadda ka sameeyaan doodo waxyaabaha ku soo kordha siyaasadda Soomaaliya, iyagoo si hufan markaas isu maqla.

Jaaliyaddu waxay u furan tahay dhammaan Soomaalida
Abuukar Maxammed Saciid
maamulaha jaaliyadda
Jaaliyaddu waxay u furan tahay dhammaan Soomaalida ku dhaqan magaalada Odense, taasoo ka duwan magaalooyinka kale ee ka furan jaaliyadaha gaarka u leh qabiil gooni ah iwm. Laakiinse Jaaliyadda dhaqanka Soomaaliyeed iyadu waa ka duwan tahay jaaliyadahaas, sidaasna waxaa ii sheegay Abuukar Maxammed Saciid oo ah maamulaha jaaliyadda dhaqanka Soomaaliyeed.

Soomaalida deggan magaalada Odense oo tiradoodu lagu qiyaaso 1500 qof, ayaa badankoodu yihiin caruurta ay da’dooda ka yartahay da’da 18-ka sanno. Waxaa Jaaliyadda yaalla qalab kala duwan oo lagu cayaaro, sidaa darteed caruurta marka ay yimaadaan xarunta Jaaliyadda run ahaantii ma dareemaan saacadaha ay halkaas joogaan. Waxaa jira qol ay yaaliin kombiyuutaro, waxaana markasta aad ku dhex arkaysaa caruur da’dooda u dhaxeyso 10-14 sanno, iyagoo aad u xiisaynaya imaanshaha Jaaliyadda dhaqanka soomaaliyeed. Waxaan wareystay qaar ka mid ah caruurtaas.

aad ayaan ugu faraxsanahay imaanshaha halkan (jaaliyadda)
Najiib oo 12 jir ah
"Usbuucii shan jeer ayaan imaadaa jaaliyadda dhaqanka soomaaliyeed, aad ayaan ugu faraxsanahay imaanshaha halkan, waxaan jeclahay inaan cayaaro cayaaraha ay ka midka yihiin (play station-ka), teeniska, sidoo kale saaxibadayda ayaan halkan kula kulmaa oo aan la sheekeestaa", ayuu si muusood ku jirta u yiri Najiib oo 12 jir ah.

Waalidiinta dhalay caruurtaas waxay caruurtooda u doorbidaan imaanshaha jaaliyadda, si aynan u aadin naadiyada dheenishka, amaba aynan u gelin suuqa.

Ibraahim Salah
ibra88@hotmail.com
 

October 22, 2000

Faafin: SomaliTalk.com


Soo Booqo Bogga Macluumaadka Islaamka: GUJI SomaliTalk.com/Islam
© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 

 



HTML CD