SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  BOGGA WARDHEERE

Aug 8, 2006


Saaxiibkii Itoobiya, cadowgii Somalia, Fidel Castro oo xukunka ku wareejiyey walaalkiis..

Qore: Maxamuud Nuur Wardheere
mnwardere@yahoo.com
Minneapolis, MN, USA

Fidel CastroFidel Casto oo ay da ka daba timid ayaa xaaladiisa caafimaad aanay fiicnayn xukunkiina waxaa uu ku wareejiyey walaalkiis Raul Castro. 
 
Fidel Castro taariikhda Soomaaliya baal madow ayuu ka galay ka dib markii uu si cadaalad darro ah dagaal ugala saftay Ethiopia ayadoo aanay jirin shacabka Soomaaliyeed wax ay u dhimeen.  Waxaa uu sabab  ka ahaa jabkii ku dhacay xooga dalka Soomaaliyeed  qorshahii la rabay in lagu xoreeyo Soomaali Galbeed asagoo xulafo la ahaa xukuumadii koofurta Yemen iyo Jarmalka Bari iyo Soviet Union iyo WARSOW weliba isticmaalaya lacagtii Qadafi.
 
Fidel Castro iyo Al- Caqiid Al Qadaafi lama oga meesha ay kala imaadeen nacaybka ay u hayeen umadda Soomaaliyeed laakiin dadka siyaasadda indho indheeya qaarkood waxaa ay yiraahdaan nimanku waxay ahaayeen askar amar laga soo siiyo Moskow ee maahayn niman maskaxdooda ku socda halka qaar kalena aaminsan yihiin inay mabda’a  hantiwadaagga aad u aaminsanaayeen oo naftooda iyo maalkoodaba u hurayeen  fidinta mabdaas iyo meesha siyaasadda la gashay.
 
Farqiga u dhaxeeya labada nin ayaa aad u kala fog oo aan la is barbardhigi karin.  Dad badan ayaa aaminsan Qadaafi mabda uu aaminsan yahay anaanayba jirin  saaxiibkiis iyo cadowgiisna ma kala yaqaan sokeeye iyo shisheeyena uma kala leh wax uu ku dagaalo iyo wax uu cid u taageero midna uma kala cadda halka dad badani aaminsan yihiin Fidel Castro nin ku adag mabdaiisa iyo go’aankiisaba  yaqaana wax uu u dagaalamayo iyo meesha ciidankiisa uu u dirayo.
 
Taariikh kooban:
 

Fidel Castro
Fidel Castro waxaa uu mudo yar la saaxiibay dawladii Soomaaliyeed ka dibna waa kala boodeen markii laga diiday talo uu soo jeediyey taasoo ahayd in saddex dal ay xiriir federaali ah wada samaystaan dawladahaas oo kala ahaa Soomaalioya, Itoobiya, iyo Koofur Yemen,  Markii uu qarxay dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobia 1977 waxaa markiiba uu u wareegay dhinaca Itoobiya.  Dawladdii Soomaaliyeed ee waagaas jirtay waxay  xiirrka u jartay hal mar Soviet Union iyo Cuba,  shaqaalihii Soviet Union waxaa loo qabtay 7 beri inay dalka uga baxaan halka Cubans loo qabtay 48 saacadood.
 
Itoobiya iyo Soviet Union iyo Cuba iyo Qadafiba waxaa ay aad u welweleen markii si la yaableh magaalada Jig Jiga oo difaac aad u adag yiilay la soo derderay waxayna si deg deg ah u go’aansadeen

1- In Ciidamo Cuban ah loo soo dal dalo Itoobia

2- Qadaafi qarash badan bixiyo

3- Soviet Union iyo Jarmalka Bari  iyo xulafadii WARSOW qubaro keenaan

4- In Hub lala soo gaaro Itoobiya si loo badbaadiyo (Helicopters, Taangiyada T52 iwn) hal billion oo dollar hub qiimahiisa gaarayo ayaa loo soo daabulay dhul iyo badba si loogu gurmado Itoobiya

 
November 1977 ilaa February 1978 Fidel Castro waxaa uu soo daabulay askar dhan 17,000.  Fidel Castro asagoo isticmaalaya hubka taageerada  xulafadiisa WARSOW ayuu laayey Soomaali badan.  Fidel Castro sidaas ayuu taariikhda Soomaalida baal madow uga galay.

Maxamuud Nuur Wardheere


 
mnwardere@yahoo.com


 Minneapolis, MN, USA
 

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 8, 2006
Afeef
: Aragtida qoraaalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Sawirada
: Google search.


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 

 



HTML CD