SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  BOGGA WARDHEERE

Aug 8, 2006


Furitaanka Garoonka Dayuuradaha ee Muqdisho waa guul u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed


mnwardere@yahoo.com
Minneapolis, MN, USA


Dekadii baa la furay, isbaarooyinkii baa la qaaday, saldhigyadii booliiska ayaa dib loo hawl geliyey, nabaddii Xamar baa la sugay, xaruntii madaxtooyada ayaa maxkamadaha islaamiga lagu wareejiyey, Intaba waxay ahaayeen dhawaaq farxad leh oo beryahan ka soo yeerayey Soomaaliya taasoo ahayd meel hore looga bartay dhawaaq dhiilo iyo naxdin leh.  Waxaan u madahnaqaynaa maxkamadaha iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Muqdisho oo dadkii ka saaray dhibkii waqtiga dheer lagu jirey.
 
Anigoo ka mid ah ardaydii Soomaaliyeed ee wax ku baratay garoonkaas  waxa la igu barayna ay ahayd habka hagidda diyaaradaha shacabka  (Air Traffic Controller -Civil Aviation) waxaan jeclaystay in aan muujiyo farxadayda.  Waa dugsigaygii  waana meel aan aad u jeclaa, xiritaankiisa waxaa uu ahaa murugo ku taagan Soomaaliya.  Waxaa kale oo aan jeclaystay in aan waxoogaa ka sheego muhimada garoonka.


Garoonka Muqdisho oo lagu sawiray Satellite (Google)

 
Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho waxaa uu ahaa meesha aragtida ugu horeysa ee dalka laga qaadan jirey. Gagaroonkan waxaa uu ahaa mid qurux dabiici ah ilaahay ku manaystay gaar ahaan xilliyada roobka sida guga ama dayrta oo doogu isqabsan jirey.  Waxaa uu ahaa garoon ku yaal meel xeeb ah oo ku dhegan badweynta hindiya .  Goobta diyaadaha ku degaan ama ka kacaan iyo baddii ayaa is bar bar yaalay.  Waxaan u malaynayaa dad badan oo aad u yaqaan ama ka duulay ama ku soo degay ayaa muqaalkaas aan sharxay igu raacaya
 
Garoonka diyaaradaha ee Muqsisho waxaa uu ahaa garoon adeegiisa dhamaystiran yahay oo ay dad Soomaali ah gacanta ku hayeen.  Dhamaan tas-hiilaadka ay diyaaradaha u baahnaayeen sida nadiifin, shidaal siin, cunto, farsamo iyo sugiidda nabadda intaba. Waxaa  garoonka qaybta ugu weyn isticmaali jirey Somali Airlines oo wadatay calaamadii buluuglay.

 
Waxaa kale oo xaadir ku ahaa waaxda socdaalka, customs.  Dugsiga tababarka hagidda diraadaha shacabka iyo saadaasha hawada,  Waxaa kale oo qayb ka deganaa ciidanka cirka Soomaaliyeed.
 
Ilaa laga soo bilaabo  1970 hogaaminta dayaaradaha shicibka ee hawada Soomaaliya  dawladii Soomaaliyeed ee waagaas jirtay waxay kala soo wareegtay Ethiopia , Addis Abab waxayna aakhirka gacanta u gelisay muwaadiniin Soomaaliyeed,  Qaramaynta hawada Soomaaliya laga qarameeyey Ethiopia xagga hagidda diyaaradaha waxaa ay ahayd guul u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed.
 
Qaramaynta hawada Soomaaliyeed waxay ka mid ahayd  dar dartii ay la timid xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre intii aanay noqon ri' is nuugtay oo aan ku guulaysan inay waxqabadkeedii miro dhalaan.
 
Qaramaynta hawada Soomaaliyeed waxaa ay qayb ka ahayd dabayl macaan oo shacabka Soomaaliyeed waagaas maraysay oo dhiirigelisay inay hantidoodii soo ceshadaan, Iskaa wax u qabso (volunteerism) iskuulo ku dhisaan iyo xaruno iyo isbitaalo xataa bacaad celiyaan ololihii lagu qaaday wax akhris qoris la’aanta.  Dhabti waxay ahay waqti uu qofka soomaaliga ah uu is aamino oo afkiisa wax ku barto yiraahdona Soomaaliya Soomaali baa leh.
 
Qaybta hagidda diyaaradaha ee waaxdii duulista waxaa ay ka masuul ahayd dhamaan hawada Soomaaliya ilaa ku dhowaad bartamaha badweynta Hindiya  dhigta 60 degree ee dhinaca bari sidoo kale  dhinaca waqooyi badda cas meel ka sokeysa udubka 15 degree.
 
Waxaan  halkan ugu hambalyeynayaa dhamaan shacbkii Soomaaliyeed ee dhiirigeliyey guushaas u soo hoyatay umadda Soomaaliyeed.  Furitaanka Muqdisho Airport   -  Hambalyo umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.


Garoonka Caalamiga ah ee Muqdisho

 Maxamuud Nuur Wardheere
 
mnwardere@yahoo.com
 Minneapolis, MN, USA
 

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 8, 2006
Afeef
: Aragtida qoraaalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Sawirada
: Google search.


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 

 



HTML CD