SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SAMSAM
April 16, 125
Daabaco Boggan | Print

SAMSAM::: 00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 | 71 | 72 | 73 | 74 | 75 | 76 | 77 | 78 | 79 | 80 | 81 | 82 | 83 | 84 | 85 | 86 | 87 | 88 | 89 | 90 | 91 | 92 | 93 | 94 | 95 | 96 | 97 | 98 | 99 | 100 | 101 | 102 | 103 | 104 | 105 | 106 | 107 | 108 | 109 | 110 | 111 | 112 | 113 | 114 | 115 | 116 | 117 | 118 | 119 | 120 |

Abwaan Maxamed Ducaale Nuux (Qays)

Gocasho

Gabaygan Gocasho wuxuu soo baxay 01/26/05 kadib Abwaanku markii uu arkay dhibaatabada Samsam haysata iyo Gorowshiiya la’aanta, aan looga garaabin xanuunkeeda,Waxaana gabaygaan tiriyey Abwaan Maxamed Ducaale Nuux (Qays), Gocashana waxay tiri. Qeysnuh01@hotmail.com

  • Ga,da gabayga aniguba ma gelin dhowr guyoo tegaye
  • Waataan ka gaabsaday beryahan godoladeedii
  • Waataanba gees maray tixaha gebi ahaantoode
  • Goortay xumaataan ka haray gogoldhigeedii
  • Hayeeshee xalaan gelindanbeed soo gadaal naqaye
  • Gocoshada I haysaan rabaa inaan gorfeeyaaye 
  • Mar hadaanan goynayn tixaha gulufkan heensaysan
  • Gar bay noqotay aniguna inaan xariga goostaaye
  •  
  • Aan gilgilo madfaca oo rasaas gowda kaga saaro
  • Gamuunka intaan rido aan mariid ugu garaseeyo
  • Goonyaha riyaaliyo suufigii guluf ku maageero
  • Sheekadan guracantee nafluhu gaarka ka istaagay
  • Wadana gaartay dunidee gees walbaba joogta
  • Anigoo aan geesmarin hadaan gudub u faaleeyo
  •  
  • Gefkaad ina riyaaloow  gasheen waa mid gooniyahe
  • Waa guuldariyo ceeb waxaad garabka saarteene
  • Geel layska qaadiyo waa naqiin gawrac nimaneede
  • Ilamaa gobaysane rag waa guluftamaayeene
  • Godob iyo gashina waa jireen abid gefaayoowe
  • Hayeeshee midaad gaysateen garasho maahayne 
  • Caqligaa ku gees maray markaad gaban maxbuusteene
  • Axmed baad garsiisaye xumuhu kuma gulaaleene
  • Gu,giisiyo wuxuu shalayto galay waaba kala gaare
  • God intuu ka dhacay buu misana gole rag joogaaye
  • Halabsiga halkuu gaaray oo gacantogaaleeyey
  • Mirahana ka soo guray maaha geedsaare     
  • Guufanaysku ceeb kama baqayn inay gujaysaaye
  • Ha ka goosto gabayada guntamay wixii ka soo gaara
  •  
  • Afartaa gorfeeyaye hadaan geeskalena dhowro
  • Gafanuhu waqiis maanu helin geenyadoo kale                   
  • Garayskuu ka jaray baa wadnuhu ii gig leeyahaye
  • goofaartankiisaa naflihi wada gariireene
  • goortuu ka giiguu misana goohay oo ciyaye
  • sidii gool u jabay buu farxadii giisayaa weliye
  • sidii buuna ugu gaafanyahay xumaha geedkiiye
  • cid gargaarta may helin yartina taniyo gaabkiiye
  • maxaan gabay ka tiriyaa hadaan goolna dhalanaynin.
  •  
  • afartaa gorfeeyee hadaan geesta kale dhowro
  • garaarkeeda nimankii jaree gooyay dulaceeda
  • ee aan ka gaabsane xumaha ugu gabaadyeeshay
  • nimankaan geday mudantihiyo garan wanaageeda
  • geenyadii galoolnayd kuwii ibaha soo gooyay
  • korantana ku gubayoo wadnaha holaca gaarsiiyay
  • nimankii godka u qoday yartii gu,ga aan qaangaadhin
  • go,ayayda qaylada kuwii goorna deyiwaayay
  • inta ay garaaceen kuwii gawda kaga saaray
  • iyagay ku gaartahay waxay galabsanaayaane
  • garaadlaawihii bay misana gaar ku sii tahaye
  • guudweyne maba geyo hablaha geshka soo kacaye
  • mid uun gaala mooyee midkale waa ka garanuuge
  • rabibaa gudoonkaas ridoo gooyay taladaase
  •  
  • afartaa gorfeeyaye hadaan geeskalana dhawro
  • gargayriyo waxgarad baan lahaa way gurmanayaaye
  • Guurtiyo wasiiraan lahaa gelaya hawshaane
  • culimaa gedoon  baan lahaa oo hub soo gurane
  • gabdhihii hargaysaan lahaa eygay gawriciye
  • gulufkay dumaan baan lahaa wuu gilgilayaaye 
  • ruuxay ka goyn  baan lahaa gaada waynaha e
  • Denbiguu galaayaan lahaa waaba laga goyne
  • Ilmaduu ka gobosiin baan lahaa gooriyo ayaane
  • ma anigaa gedaan dhowrayiyo xaajadaan gudubtay
  •  
  • Afartaa gorfeeyaye hadaan geeskalana dhowro
  • samsameey godkaad jiifto ee guunku kugu ooday
  • Gocoshada ku haysiyo hoheey gama la,aantaada
  • Gidi laylka soo jeedka iyo gogosha hiifkaaga
  • Gaajada ku haysiyo haraad labada gooroodba
  • Garaafada ku gaartiyo wixuu cadawgu gaystay
  • galiilyada xanuunkiyo walaal midab gadoonkaaga
  • Gudgudaha ku weerarahayiyo dulin ku gaadaaya
  • Goodkiyo abeesada ku cunay garay aduunkiiye
  • Gaaliyo islaan waa arkaan gafanayaashaase
  • Go,aan baana soo bixi mardhow gooray noqotaaye
  •  
  • afartaas gorfeeyee hadaan gobodi soo gaaro
  • samsameey gacmaha taag rabaa ku gargaar geliye
  • samir baad ku gaartaa waxaad goob isleedahaye
  • guushana allaa kuu hayoo way ku soo geliye
  • ha ka gaabin tuugmada allay guushu dabataale
  • gaashaanso tawxiidku waa gaadhka noloshaane
  • samirkana gudoonsoo wardiga gacal walaalayso
  • aniguna garnaylkiyo magliga waan gilgilayaaye.

Abwaan Maxamed Ducaale Nuux (Qays)
Minneapolis, MN, USA
Email: Qeysnuh01@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 26, 2005

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa lagal xiriiri karaa qoraaga ku saxiixan

Dhegeyso Gabaygii Dardaaran Oday & Daryeel Haween | Waxa tiriyeey Cali Dhawaaq

Shuruudaha Gabayada Silsiladda Samsam

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.

HTML CD