SAMSAM:::
00 |
01 |
02 |
03 |
04 |
05 |
06 |
07 |
08 |
09 |
10 |
11 |
12 |
13 |
14 |
15 |
16 |
17 |
18 |
19 |
20 |
21 |
22 |
23 |
24 |
25 |
26 |
27 |
28 |
29 |
30 |
31 |
32 |
33 |
34 |
35 |
36 |
37 |
38 |
39 |
40 |
41 |
42 |
43 |
44 |
45 |
46 |
47 |
48 |
49 |
50 |
51 |
52 |
53 |
54 |
55 |
56 |
57 |
58 |
59 |
60 |
61 |
62 |
63 |
64 |
65 |
66 |
67 |
68 |
69 |
70 |
71 |
72 |
73 |
74 |
75 |
76 |
77 |
78 |
79 |
80 |
81 |
82 |
83 |
84 |
85 |
86 |
87 |
88 |
89 |
90 |
91 |
92 |
93 |
94 |
95 |
96 |
97 |
98 |
99 |
100 |
101 |
102 |
103 |
104 |
105 |
106 |
107 |
108 |
109 |
110 |
111 |
112 |
113 |
114 |
115 |
116 |
117 |
118 |
119 |
120 |
{QISADII QARNIGA} QISADII QARNIGU WELI WAA QABYO INTA SAMSAM DUCAALE KA
HELAYSO XUKUN CADAALADA OO LOO SIMAN YAHAY, AYNA XAQEEDII HESHO.
Samsam Ducaale waxaa ay mar labaad dib u heshay xoriyadii shaqsiga ee ay in
mudaaba la'ayd, xabsi ayaa daashaday Samsam, silic iyo dil way soo aragtay,
xoriyad la'aan ayaase wax waliba uga daraa,hadayse maanta xor tahay ayna dib
u soo gaartey meel ay ku hadli karto qisadii qarnigu ma dhamaan doontaa mise
way jiitami doontaa inta ay wax waliba sharciga hortiisa imaanayaan.
wax waliba oo xaalkada Samsam laga sheego waxaa ay hore u ahaayeen kutiri
kteen, hadase wax waliba waxaa ay yaalaan banaanka, samsam waxaa ay shaaca
ka qaaday dhibaatooyinkii loogu geystey xabsiga hargeysa, kufsi iyo jirdil
way isa soo arkeen,wax waliba hada waxaa ay waajahayaan sharciga.
Waxaa wax lala yaabo ah duudsiga ka soo yeeraya idaacada BBCda laanteeda
afka soomaaliga, Samsam waxaa ay afkeeda ka sheegtay dhibaatooyinkii
loogeystey oo ay kamid ahaayeen kufssi iyo jir dil iyo iyada oo mar waliba
dharkeeda laga jeexjeexi jirey marka jeelka lagu soo celinayo, waxaana ay
idaacada BBCda laanteeda afka soomaaligu ay marwaliba kusoo celcelinaysaa in
samsam dhaqaatiir ay cadeeyeen in aan wax kufsi ah loo geysan, waxaase ay is
weydiintu tahay maxay ku kala gedisan yihiin xaakimkii Samsam shanta sano oo
sharci daradaa ku xukumay iyo dhaqtarka reer hargeysa ee bukaan eegtada ku
leh Hargeysa baaritaankiisu.
Qisadii Qarnigu waxaa ay diyaar u tahay in daaha laga feydo wax walibana
waxaa ay ku dhamaan doonaan hadba sida ay Samsam u waajahdo arrimaha hor
yaala, waxaanse leeyahay samsameey cidna hada xarig uguma jirtid xaqaga u
istaag sidii aad usoo ceshan lahayd adiga oo kalsooni ku qaba naftaada iyo
intii ku garab taagnayd mudadii aad xabsiga dhex jiiftey.
Xassan mataan
Nairobi, Kenya
soompress@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: Somalitalk.com | Feb 4, 2005
Kulaabo bogga
www.SomaliTalk.com

|