SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Socdaalkaygii Soomaaliya 2008

Boosaaso iyo barasho wanaagsan

Waxaynu si gaar ah ugu eegaynaa dhinacyada nabadgelyada, maamulka, dhaqaalaha iyo adeega ee guud ahaan meelaha aan booqday gaar ahaan magaalada Boosaaso.

Waxaan markan socdaalkayga ka soo amba qaaday Buuhoodle 07 Nov. waxay ahayd waqti aad u wanaagsan oo abaaro saddex jirsaday laga soo doogay, dhulka xareeda ayaa jiifta, inkastoo diiftii abaartu ka muuqatay hadana waana cagaar. Xooluhu bil bay doog wanaagsan cunayaan, caanaha ayaad meel kasta ka dareemi kartaa, wadada hareeraheeda waxaad maalintii ku arkaysaa xoolo badan, halka waqtigii jiilaalka ay ahaayeen kuwo haraaryeysan oo aan hadhka ka bixi karin. Nasiib wanaaag waxaa intaa dheeraa iyadoo lagu jiray bilihii xajka. Dalabka xoolaha ayaa markan cirka isku shareeray, neefka adhiga ahna wuxuu gaadhay 45-50 USD. oo rarid iyo dilaal toona la socon. Socdaalkayga oo ku wajahnaa magaalada xeebta ah ee Boosaaso waxaan gaadhay 17 Nov. Mudada aan wadada ku sii jiray oo gaadhaysay 10 maalmood meelaha aan istaagay waxaa ka mid ahaa Laascaanood, Garoowe iyo tuulooyin kale.

Boosaaso iyo barasho wanaagsan

Marka aad si guud u eegto, waxaad dareemaysaa inay magaaladu tahay mid dhaqaale wanagsan uu yaalo. Dhinaca koboca iyo deegaanka, inkasta oo aanan magaalada hareeraheeda u bixin hadana waxaan ku qiyaasay magaalo kooban oo leh dhismayaal wanaagsan marka loo eego Soomaaliya inteeda kale, laakiin sida dalka intiisa kale ka jirta ma laha waxyaabaha kale ee kaabi lahaa sida maamul, wadooyin, nadaafad (wanaagsan), biyo iyo koronto laga haqab la’yahay. Waxaad dareemaysaa inay magaalo qadiima tahay, waxyaalaha sida gaarka ah ii soo jiitay waxaa ka mid ahaa masaajida. Waxaad dareemaysaa in masajidii hore aanay si wanaagsan ugu beegnayn qiblada, sidaa awgeed wixii ka danbeeyey markii ay soo baxday jiheeyaha qiblada, qaabka masajida waxbaa laga bedelay, arintaas waxaan u arkay inay micno gaara u leedahay dhinaca taariikhda, waxaad fahmaysaa in meel kale looga qiyaas qaadan jiray dhisida masaajidii ugu horraysay, meeshaasna waxaan ku qiyaasay magaalada Saylac ama Herar marka loo eego meelaha ay ku kala yaaliin iyo qiyaasta la leexiyey jihada.

Xagga dhaqdhaqaaqa iyo dhaqaalaha waxaa la odhan karaa Boosaaso maanta waxay Soomaaliya ugu jirtaa halka London ay Yurub inteeda kale ugu jirto. Waxyaalaha arimahaas suuro geliyey ayaa la odhan karaa waxaa ka mid ah asaaska (infrastructure) kooban ee ay leedahayd sida wadooyinka, dekeda iyo gegida diyaaradaha. Marka aad eegto dhinaca ganacsiga waxaa magaalada ku yaala suuq ganacsi oo wayn oo aad ka heli karto badeecado kala duwan, suuqa xoolaha iyo kaluunka. Dhinaca dhismayaasha (installation sites) marka aad u eegto Soomaaliya inteed kale magaaladu waxay kuula ekaanaysaa dhismayaasha waawayn ee badhtamaha London ku yaal, waxaa laga yaabaa dhismayaashaas muhiimka ah in aanay dawladu waxba ku lahayn (ujeedo), laakiin ay wax ku leeyihiin shakhsiyaad dawlada u shaqeeya.

Dhinaca dhaqaalaha magaaladu waa deked ganacsig kuna taala meel muhiim ah oo leh wado dheer oo isku xidha dalka intiisa badan, waxayna ku taalaa meel koone ah sida London, laakiin maskaxbaa lagu gaadhay inay noqoto xarun ganacsi oo caalami ah! Boosaaso waxaa ka dhoofa waxa ugu badan oo dalku dibada u dhoofiyo waa xoolaha nool, sida aan ku qiyaasayana waxaa ka soo dega badeecada ugu badan ee dalka soo gasha. Arimnahaasi waxay magaalada ka dhigeen mid muhiimad gaara leh, isla markaana waxaa kordhay dhaqaalaha iyo horumar kooban oo deegaanka ay ku taalo ay u soo jiiday. Waxay soo jiidatay dad badan oo Soomaaliyeed iyo kuwa deriska iyo kuwo kale oo caalamka ka yimi intaba oo ka xamaasha dhinacyada dhaqaalaha, shaqada iyo aqoonta, inkastoo arimahaas aan looga faa’iidaysan sidii loo baahnaa sababo badan oo isbiirsaday awgood.

  1. Dhinaca maamulka, horumarka iyo mustaqbalka magaalada:
  1. Maamulka

    Waxaad markiiba dareemaysaa in aanu magaalada ka jirin maamul aqoon iyo karti leh, sidaa awgeed waxaynu ku gaabinaynaa arintaa “waa magalo ay ubucdeedu banaanka taalo, isla markaana u muuqata mid aan lahayn madax iyo minjo ay ku sii socon karto, hadii aan is bedel la helin”.

  1. Kaabayaasha dhaqaalaha

Dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha sida dekeda, wadooyinka iyo garoonka magaalada sida aan ognahay waxaa tuban mooryaan budh-cad ah oo hadaynu sii kala qaad-no:

    1. Badda, waxaa tuban budhcad badeed halis ku haysa nabadgelyada guud, ganacsiga gudaha iyo xidhiidhka dibada.
       
    2. Wadooyinka, dhinaca wadooyinka waxaynu tusaale usoo qaadan karnaa inta u dhaxaysa Buuhoodle iyo Boosaaso waxaa yaala 15 isbaaro marka lagu daro dekedda, taasi waxay keentay in baabuurka xoolaha sida ee ka soo baxa dhulka hawdka tusaale Buuhoodle ay dekada u soo socdaan 25-30 saacadood, waayo isbaaro kasta oo waxaa lagala kulmaa waqti lumis, handadaad, khataro joogto ah, khasaare dhaqaale iyo cadho fara badan. Arimahaasina waxay raad ku yeeshaan guud ahaan ganacsiga, gaar ahaan xoolo dhaqatada bilaabo xoolo dhaqatada (producers), ganacsatada yaryar iyo kuwa waawayn, adeega guud sida rarida (delivery), dadka ku hoos nool sida meheradaha, dilaaliinta, xamaaliinta, gaadiidka iwm.

      Dhinaca kale mar aan la kulmay nin Beledweyne xoolo ka keenay wuxuu ii sheegay in laga soo bilaabo Muqdisho ilaa Gaalkacayo aanay jirin wax isbaaro ah oo yaala taasina ay tahay fadliga ilaahay iyo dadaalka soo bilowday, marka Gaalkacayo la soo gaadho waxaa baabuurku ku soo gaadhaa Boosaaso lacag gaadhaysa 3,870,000 shs oo aanay ku jirin lacagta dekeda iyo lacagta la bixiyo sii socodka, sida ay doontaba ha ahaatee lacagtaasu waa mid uu ku qasban yahay ganacsaduhu, laakiin su’aashu waxay tahay “sidaa ma lagu dhaafaa?” Khasaaraha ay arimahaasu keenaan waxay u baahan yihiin maqaalo gaara oo dhaqaalo yahanadu ay ku lafa guraan.

      Marka baabuurta istaagaan meelaha isbaarooyinka waxaa dhexmara gorgortan hoose oo dhex mara mooryaanta iyo gaadiidlayda iyo ganacsatada oo dhan, tusaale halka cashuur lagu bixinayo 400 oo kun shs, haddii ay kala badh ay bixiyaan si degdeg ah ayaa loosiidaynayaa, asaraarka iyo murankuna wuu ka yaraanayaa, hadii kale xujooyin badan oo kale ayaa laga yaabaa inay abuurayaa, halkaana uu ka dhaco muran iyo gacan qaad, dhammaan dhulka aanu marnay lacagaha lagu bixinayey waxay u dhaxaysaa 15,000 oo loo yaqaano bir ka qaad ilaa 400 oo kun shs oo lagu magacaabo cashuur.

      Dadka isbaarooyinka joogaa waa kuwo aragooda aad la yaabayso. Waa kuwo sida jiirka intaa afka gacanta kula jira oo marna qaad cunaya ama findhicilanaya, wax aan lacag ahayna ma arkaan, wax aan guux ahayna ma maqlaan ayaan u malaynayaa. Laga soo bilaabo Laascaanood ilaa Boosaaso waxaan la socday baabuur sida 207 neef oo adhi ah, meeshii laga soo raray oo sida ay ii sheegeen ahayd meel kala badha Buuhoodle iyo Laascaanood waxaanu u soconey 26 saacadood, waqti badan wuxuu nagaga lumay isbaarooyinka, intaa waxaan qorayey isbaaro kasta inta aanu taagnayn, lacagta nalaga qaaday, qaabka nalooga qaaday, sida naloola dhaqmay iyo xaalada dadka joogay, waxaa ii soo baxay in dadkan ay yihiin dad ay soo xuleen madaxda sare ee maamulada si loo sameeyo budhcadnimo ku salaysan cabudhin iyo in dadka la argagixiyo ama la dhaco hantidooda.
       
    3. Dhinaca garoonka ayaa waayadii danbe waxaa soo baxayey dad laga qabqabtay iyo dad loogu hanjabay, iyadoo ay jiraan dhibaatooyin badan oo dadka iyo ganacsiguba ay ku qabaan guud ahaan maamulada.

  1. Nabadgelyada

Waqtiyada cagtu gaabato dadku ma socdaan, habeenkiina waqti hore ayaa laga hoydaa, tusaale waxaa kuugu filan dhacdadan: Waxaa laga soo baxay salaada duhur dadkana qof shaqo ka soo rawaxay, mid dano gaara u foofay iyo qaar tamashle iyo meelo marmar kale ku jiray waxaa kulmiyey saacada.

Markii la tukaday dadka intooda badan waxaa qof waliba u dhaqaaqay halkii uu hadh ku ogaa, masaajidka ayaan ku yara daahay, ugu danbayna waxaan u soo aaday halkii aan deganaa. Waxaan marayaa meel ay guryuhu ku badan yihiin oo luuq-luuqyo badan, waxaan ku mashquulsanaa basar xumada magaalada. Hadaba markii ilaa 150 meter aan socday waxaan ku soo baxay haweenay meel taagan oo kelyaha haysata oo ku dhawaaqaysa erayo aanan isku mashquulin “malaa qof aadan arkayn ayey la hadlaysaa” ayaan iskula faqay, balse waxaa isla markiiba meeshii ku soo ururay dad haween u badan, intii aan dhaafayey waxaa dhegahayga ku soo duulay eray aanan jeclaysan, gadaal ayaan eegay waana istaagay, waxaana isku dayey inaan waxa dhacay wax ka ogaado. Waxaa laga yaabaa inay halkan waqtiyo badan nabadgelyo ku martay, sidaa awgeed burkaba bahal kama filan, way iska laafyoonaysay, mana xasuusan in gacanta wax ugu jireen, hase yeeshee maanta waxbaa is bedelay oo hal mar ayey ka war heshay wax gacanteeda si daran u gilgilay, markii ay soo jeesatayna qof baa orod ku dhaafay. Gacanteeda ayey eegtay in faraha qaar maqan yihiin “alxamdu lillaah faruhu waa dhan yihiin” balse waxbaa maqan, waa garteed inay qayliso ileen waxay lahayd “alla tuuga qabta”.

Dadkii wadada marayey iyo guryihii ku dhawaa ayaa laga soo yaacay, laakiin qof caawin karaa ma jiro oo waa habsan in waqtingan wax laga qabto, markiiba dhawr luuq buu is dhaafiyey, arkaa sheeg bay noqotay, tacsi iyo faalo gaaban kadib waxaa qof waliba door biday inuu qorraxda ka dhuunto “alla moobiilkiibaa lagala cararay” ayaa iswaydiin ugu danbaysay, cid loo dacwoodo ma leh, cid lagala tashado ma leh, cid danaynaysa ama doonaysa in ay wax ka ogaatana ma leh, maxaa sababay iyo sidee wax uga qabanaa waxaa laga yaabaa inaadan arag, in wax dheceena dhibanaha uun baa og “wallee qudhaa xigi” ayaan iskula faqay. Dhacdadan ka hor waxaan waqti dheer akhriyayey wareegto ka soo baxday gudiga nabadgelyada gobolka Bari oo sidan u qoran:

Xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Bari

Ku: dhamaan maamulayaasha hoteelada, Taliyaha Qaybta CID G/Bari Bossaso, Taliyaha Qaybta PSS Bossaso, Taliyaha Qaybta Booliiska G/Bari Bossaso, Duqa Degmada Bossaso, Taliska Ciidanka Booliiska DGPL Bossaso, Wasiirka Amniga DDR Bossaso, Madaxtooyada DGPL Bossaso/Garoowe.

Ujeedo la socodka dhaqdhaqaaqa hotellada jiifka

Maamulayaasha hoteelada jiifka waxaa la farayaa  in ay ciidamada amniga ee PSS iyo CID kala shaqeeyaan adkaynta amaanka guud ....

Waxaa laga yaabaa inaad is waydiiso, oo hadaa waxan oo magacyo, masuuliyad iyo hay’ado  ah maxay dadka u yihiin? Qofkii xil loo dhiibanayo maxaa haboon in lagu qiimeeyo?

Miyaanay haboonayn in dadka ay bartaan xuquuda ay leeyihiin iyo xaqa lagu leeyahay, fahmaan inay iyagu dalka leeyihiin, wadada leeyihiin, dekada leeyihiin, iskuulka leeyihiin, dhakhtarka leeyihiin, askarigana ay xukumaan iwm.? Arimahaas oo dhan iyo kuwa kale oo halkan aan lagu soo koobi karin sida shaqada, waxsoosaarka, waxbarashada, garsoorka iwm. waxaad moodaa inaanay dadka u muuqan, waxaana laga yaabaa inaad aragto ama maqasho nin USD 30 million iyo kabadan marfash loogu raadinaya.

  1. Gudaha magaalada

Kaabayaasha nolosha sida nabadgelyada, caafimaadka guud, biyaha, korontada iyo wadooyinka:

Marka laga eego dhaqdhaqaaqa kala duwan magaalada sida muuqata waxaa soo baxa dhaqaale aad u badan, laakiin ma aha mid danta guud ay wax ku leedahay. Marka laga eego muhiimada ay magaaladu leedahay ma laha qaab iyo wadooyin ay shaqooyinka iyo adeegyadu ku kala socon karaan. Waxaa dadku dhistaan wadoooyinkii hore u jiray ama hareeraha ayey ka coomiyeen, meelaha qaarkoodna waxay ku dhaw yihiin inay xidhmaan, nadaafada guud ee magaaladu waa mid hoosaysa, waxaana jira guud ahaan calool xanuun sida aan filayo ka dhasha dhinac nadaafad xumada, khaasatan diyaarinta waxyaalaha la cuno ama la cabo, kaydinta iyo socodsiinta (food transport), baallayaasha rarka laga badiyey ayaad ka baqaysaa inay lasoo kufaan, korontadu ma aha mid joogta ah oo marka ay doonto way tagtaa, laakiin sida badan qadar ayey maqnaataa, sidaas oo ay tahay dadku ma yaqaaniin beekhaaminta tamarta, biyaha qayb ka mid ah gaadiid baa dhaamiya, mana laha biyo mareeno hadii roobab ay da’aan.

  1. Nolosha iyo isgaadhsiinta

Dhinaca wadooyinka caalamka waxaa looga yaqaan xawlal (xablal) mariidka (wariid) nolosha oo sida aan filayo ah xididka wayn ee isu haya labada organ ee qofka ugu muhiimsan (wadnaha iyo maskaxda), waayo nolosha oo dhan waxay martaa wadooyinka, dhaksaha, horumarka iyo nabadgelyada ayaa ku xidhan, waana sababta islaamku u daldalo qofka qaadicul dariiqa ah.

Dhacdo wax ku ool ah


“...(Qashinka aad tuurtay) yaa ka qaadaya meesha aad ku tuurtay...”,


1992dii, waxaanu ahayn shan Soomaaliya iyo gabadh dhalin yaro ah oo u dhalatay dalka Finland, waxaanu la soconay baabuur. Hadaba anaga oo marayna meel magaalada dibada ka ah oo dhex marayna beero sareenku ka baxo iyo wado qurux badan ayaa gabadh naga mid ah waxay daaqada ka tuurtay kartoon ay sharaab ka cabtay. Gabadhii Finnishka ahayd oo iyadu baabuurka waday si layaab leh inatay bireega ugu qabatay oo hadal kulul iyo canaan isugu dartay gabadhii ayey babuurki dib-u-qaaday oo ku amartay inay kartoonka meesha ka soo qaado. Hadaladeedii waxaa ka mid ahaa “...yaa ka qaadaya meesha aad ku tuurtay...”, qofkii aan fahamsanayn ujeedada iyo nuxurku arintaa ka danbeeya, wuxuu odhan lahaa “ujeedo kale ayey ka lahayd... ama way...”, laakiin arintu sidaa ma aha’e wayna ka fogtahay. Iyadu qof sideeda oo kale ah ayey u malaynaysay, waayo caruur-nimadeedii ayaa la baray inay iyadu dhulka leedahay, in nadaafdiisa iyo quruxdiisa ay ilaashato, in cashuurta ay bixiso ilaashato oo ogaato meesha ay gelayso, inay ka shaqayso wanaaga, horumarka iyo isu dumida dadka(organiser) iwm. Dhacdadaas iyo qaabkii ay u dhacday waxay ka mid noqotay dhacdooyinka lama ilaawaanka igu noqday oo isoo maray inti aan noolaa.

  1. Gebagebo (fazaadka iyo madaxtinimada)

Waxaa jira qof mas’uul ah oo aan ogayn xilka saaran ama inuu xataa u qalmo. Dadka noocaas ah waxay garashadu la fuushaa meelo dhaadheer, kadibna degdeg ayuu xuurtoobaa, wuxuu gaadhaa heer kursigu la jabo, xafiiskana uu uga daba tago dulmigii oo hubaysan (beenta, xasarada, shaxaadka, ballan qaadka, musuqmaasuqa, daynka, khiyaamada, meel-ka-dhaca, maamul xumada, cadaalad darida, rakaab xumida, waqtiga iwm.). Markuu heerkaa gaadho waxaa kala bata waxa uu gooyo (qiimhiisa) iyo baahida. Qamaanka iyo weerarku waxay isla jiidhaan xafiika, waxayna ku dumiyaan saqafka wixii ka ag-dhawna daadkaa qaada.

Hadaba ujeedada aynu tusaalahan gaaban ka leenahay ayaa ah inaan dulmiga la isku gargaraasan, cadaalada iyo danta guud oo aad difaacanaa ay ka faa’iido iyo horumar wayn tahay halkii nin jeebkii eegi lahayd ama magaciisa aad ku horumar waayi lahayd.

  1. Ogaysiiska dadwaynaha

Hadii aad lug tahay fadlan qabso dhinaca bidix ee wadada si aad isaga ilaaliso baabuurta danbe, isagana fiiriso kuwa hore. 

AKHRI QAYBTA 2aad.....

Waxaa soo ururiyey isla markaana diyaariyey:

Hassan Nuur
jointgroup@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 22, 2008 | Edited version, Isha sawirka dekeda: Google Earth

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS