SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - CALI BAADIYE

MUDUG POLITICAL FORUM

‘’GOLAHA SIYAASIGA MUDUG’’

Ujeeddo: Shirqoolka Garoowe iyo Kala Kaca Punt Land

‘’Qaybta Kowaad’’

KU: Islaan Ciise Islaan Maxamed                                  -Garoowe

OG: Dhammaan Isimada Punt Land                                       -fadhigooda

OG: Dhammaan Reer Punt Land                                   -Dibed iyo Daakhil

ARAAR    

Anaa Dunida Keligey Leh Baa

Koofil Eersadaye

Kashiisaba Ma Gelin Wiilal Baa

Keebka Kuu Qabane

Ragow Kibirka Waa Lagu Kufaaye

Kaa Ha La Ogaado!!

Mudaneyaal,

Madaxda dhaqanka  Beelaha iyo Gobollada Dawlad-Goboleedka Punt Land ee Soomaaliya,

Annagoo xusuusan kaalintii hoggaanka dhaqanku ku lahaa Gobolladaani inay ka badbaadaan sulufkii dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya ka dillaacay 1991dii,  kaddib Qaran-Jabkii iyo Burburkii Soomaaliya,

Nabaddii iyo Noloshii Gobolladaan ka hirgalay sannadihii 1991-1998dii  oo an la’aantiin xilligaas noo suurto gasheen,

Miisaankii hoggaaminta iyo borroosinka culusba u ahaa abaabulkii iyo dhismihii Dawlad-Goboleedka Punt Land ee 1998dii,

Iyo  sidii markasta iyo meelkastaba ad heegan ugu ahaydeen, idinkoo garab taagan, talo iyo tusaalaba, madaxda  iyo masuuliyiinta xilka haysa, xallinta khilaafaadka dhaqan, siyaasadeed  iyo dhaqaale ee soo dhexgala Beelaha Tolka Punt Land, iyo ka-digista ama ka-hortagga waxii halis ku ah, ama ku noqon kara Jiritaanka iyo Wadajirka Dalka iyo Dadweynaha reer Punt Land.

Anagoo xusuusan  xanuunkii badnaa iyo halistii burburka  iyo kala tagga Punt Land ee 2001-2002dii an qarka u gaarney, oo kala-jabka  Isimadu qaybta weyn ka ahaa, hase yeeshee taariikh xumadaas Alle naga badbaadiyey, sababna uga dhigay heshiiskii labada hoggaamiye ee labadii dhinac, Oday Cabdullaahi iyo Janan Cadde Muuse.

Annagoo aaminsan inaad awalna noogu jirteen, nooguna jridoontaan kaalintaas lagama maarmaanka u ah Jiritaanka Punt Land,

Waxaan qoraalkaan soo socda idinku soo gaarsiinaynaa Qaylo-Dhaan Xaaladda Jiritaan iyo Aayaha Dawlad-Goboleedka Punt Land.

XAALADDA   JIRITAAN

Mudaneyaal

Shirweynihii 5ta Gobol- Bari, Nugaal, Mudug, Sanaag, Sool, iyo  Degmada Buuhoodle, ee 1998dii lagu qabtay Garoowe, oo horseedka, goob-joogga iyo ansixiyaha ad ka ahaydeen, oo 30/06/1998dii ay noogu  dhalatay D/Goboleedka Punt Land ee Soomaaliya, kaddibna subax fagaare ah ad caynaankeeda ku wareejiseen Siyaasiyiinta reer tolkeen intii ad ka xulateen, muddo dhawr iyo toban sano ahna, waxtar iyo maamul wanaagsani yeelkoode, kolley Magac iyo Sharaf canbaxday Alle naga siiyey, Soomaali oo dhanna nooga soocay, Dalkeenaas iyo Dawladdeenaas Punt Land saaka waxay ku suganyihiin, siday annaga nala tahay, Halis Weyn oo ay Burbur iyo Kala-Tag qarka u saran yihiin,  haddii sida muuqata Runta laga dhuuntana Punt Land inaysan sii jiridooin, sidaasna waxaa caddeynaya sida ka muuqata xaaladda Runta ah sidaan halkaan kaga warbixin doonno:

1.        Waxaa ugu culus xaaladda siyaasadeed, dhaqaale iyo colaadeed ee Gobolka Sool, Cayn iyo koofurta Sanaag (SSC ama dhulbahante), oo Shan Sano laga joogo markii lagu soo duuley oo la qabsaday Degaankaas iyo Dadkaas reer Punt Land, xilligaasna waxaa ka soo wareegey Hadal badan, Eedayn cid waliba cid kale ku oogtey, iyo  isku Halleeyn qoloba qolyo kale ku halleysay, Hanjabaado iyo Boolo-Xoofto joogto ah, iyo Ballanqaad is-dabajoog ah oo maamulkii laga qabsaday iyo kii ka dambeeyey oo lagu doortay lix bilood inuu ku xoreyn doono, Shirar tiro belay oo Dawladda Punt Land iyo Beesha Dhulbahante ku daaleen, laakiin dhamaan dhur yeelan waayey, intaas natiijada runta ah oo manta nooga xaasilka ahna waa:

  • Dhulkaas intiisa badan waa la haystaa, inta kale oo Buuhodle ugu culustahayna dagaal iyo weerar joogto ah baa ku socda, in la wada qabsadana waxaa hortaagan mintidnimada shacabka Deegankaas oo hiil Rabbi ku jooga, hiil Sokeeyana sugaya.
  • Dadkii reer Sool, Cayn, iyo koonfurta Sanaag wax yar oo meel ay u ciirsadaan waayey ayaa Degaankoodii kaga sugan, intii kale waa Qaxooti ama Punt Land Gobolladeeda kale u qaxay, gaar ahaan Garoowe oo Qaxootiga jooga uu ka mid yahay Madaxweyne ku Xigeenka an magaaladiisii tegikarin!, ama waxay u qaxeen Soomaaliya inteeda kale iyo Xeryaha Qaxootiga Keenya, Itoobiya, iyo ilaa Adduun-Weynaha kale qofba halkii alle gaarsiiyey.
  • Salaadiintii, Odayaashii dhaqanka iyo waxgaradkii Dhulbahante siday 5taas sano maalinba meel ugu shirayeen, oo cambaareynta Somaliland iyo taageerada Punt Land ugu wardiyayeen ayey ku cabeebeen, kuna daaleen, iyagoo waayey Cid dadaalkoodaas ka hoos qaadda, iyo weliba Punt Land oo inay qaarna fogeyso oo xagga Somaliland u riixdo, qaarna soo dhoweyso, sidaasna isaga horkeento, siyaasaddeeda saldhid uga dhigtay!

Haddaba, sidii la arkijirey wax kastoo buuxsama marka dambe inay buux dhaafaan, kaddibna daataan, sidaas oo kale Dhulbahante hadduu buuxsamay, oo ciil iyo caro ka buuxsamey, ma lala yaabi karaa inuu buuxdhaafo?, miyaase laga dhuuman karaa inuu Dibed iyo Daakhilba isaga habar-wacday oo Taleex isugu yimid, kuna go’ansaday midnimo Dhulbahante, isku-tashi Naf iyo Maal ay Dalkooda ku xoreystaan, iyo Gooni isku Taag Maamul oo ku saleysan: Naftaada u dadaal wacad Allaan duulna kuu rabine.

Sidaas markay tahay xaaladda runta ah ee Sool, Cayn, iyo koonfur Sanaag, Dawladda Punt Land hadday runtaas dafirto, dadka reer Punt Landna siday xogmooge yihiin u dhaqmaan, wixii Taleex ka dhacay iyo waxa Buuhoodle ka socdana dhammaanteen ka dhuumanno, idaacadahana isaga sheegno koox faashil ah oo labo Cali (Cali Khaliif Gallayr iyo Cali Ciise Cabdi) isku muujinayaan mooyee inaan dhibaato kale dalkaan ka jirin, sow xaajadaasi uma eka Ninkii Xagalada Geel Guntiga ku Qarsaday? 

2.       Gobolka Sanaag oo aasaasayaashii Punt Land ka mid ahaa wuxuu soo maray iyo wuxuu ku suganyahay xog-ogaal baad u tihiin, haddaan iyadana laga dhuumanayn, waxaanse ka soo qaadanayaa:

  • Colaad Sokeeye oo iyadoo an lagu talagelin si sahlan uga qaraxday degaanka Manjayahan, kana bilaabatay Maamulkii Cadde Muuse iyo Shacabkii degaankaas, kaddibna waxaa aaggaas ka bilowday is-bahaysi ka kooban qayb ka mid ah dadkii degaanka, maamulka Somaliland iyo fallaagada la magac-baxday Al-Shabaab, oo seddexda midna masaalix iyo dano u gaar ah ka leeyahay la dagaallanka Punt Land, saas darteedna isu bahaystay degaankaas in xoog looga saaro gacata maamulka Punt Land, arrintaasna ilaa maanta waa boog an daawadeedii la helin, welina Halis ku ah jiritaanka Punt Land;
  • Dagaalkii Buurta ku dhexmaray Punt Land iyo is-bahaysiga sedex-geesoodka an kor ku xusay, sida la ogyahay waxaa ku lumay khasaare naf iyo maalba aad u badan, marka hadal-tiro la soo kobona wuxuu ku dhamaaday:

-        Guul dhammeys ah oo Ciidanka Punt Land ku jabiyey cadowgii ka soo horjeedey, xarumihii ay fadhiyeen oo dhanna ka wada qabsaday, firxadkii is-bahaysiguna uu baqo ku galay Burco, Hargeysa, Hiiraan, iyo ilaa Xamar oo ninkii la baxay Sheikh Aatom warkiisa noogu dambeysey;

-        Iyo Guuldarro Siyaasadeed oo Dawladda Punt Land  laga musuqmaasuqay, lagalana hoos baxay Guushii Ciidankeedu ka gaarey goobihii dagaalka, saas darteedna is-bahaysigii sedex-geesoodka ahaa weli Sanaag-Bari ugu jiraa, siduu doonana uga hawlgalaa, ugana sii faafay teer iyo Boosaaso iyo ilaa Buuraha Cal-Bari; 

  • Gobolkii Sanaag oo haddaan runta laga dhuuman Somaliland siday doonto lugta ugu walaaqdo, oo ay ugu dambeysey Wasiirro uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashandhigga Mr. Cadami, oo kormeer hawleed maalmo badan ku maray Sanaag oo dhan, oo soo gaarey, dhawr habeenna u hoydey, Degmada Dhahar ee Punt Land ugu qoran caasimadda Gobol la yiraahdo Haylaan, balse an maamul u lahayn, waligeedna kormeer heer Wasiir ahi tegin, iyadoo weliba Qardho u jirta in ka yar 50km, dhanka kalena tuulada Ceeldoofaar oo laamiga ku taal dhawaan lagu diley askar Punt Land ah oo gelbinaysey shirkadda African Oil oo dharoor geeddi u ah, haddaba Gobolka sidaas xaaladdiisu ku sugantahay, haddaan dafirro iyo haddii kaleba, waxaa run ah inuusan wax badan ka agab sokeyn Sool, Cayn, iyo koofurta Sanaag, inkastoo weli aysan bareerin oo inoo caddeysan inay guureen oo jidkii dhulbahante qaaday ka daba qaadeen;

3.       Gobolka Bari, oo hadda inoo noqday labada Gobol ee Bari iyo Karkaar, isla markaasna ah xarunta dhaqaalaha iyo ganacsiga Punt Land, xaaladdiisu ma gaarin quus iyo faro-ka-bax, hase yeeshee shisheeye iyo sokeeyeba, ciddii dhibaateda iyo burburka Punt Land doonaysaa waxay ogtahay oo taladeeda iyo qorsheheeda salahig u noqon kara in xuddunta Jiritaanka Punt Land yahay Boosaaso iyo Gobolka Bari, sida kaliya oo lagu burburin karo, ama ugu yaraan lagu naafeyn karaana ay tahay in xudduntaas la abbaarro.

Markii Urur-Diineedkii Al-Itixaad damcay inuu Boosaaso iyo Gobolka Bari xoogga ku qabsado, ilaa iyo maanta oo Al-Shabaab oo dhowaan ku abtirsaday Al-Qaacida ay hawlgal joogto ah ka wadaan Punt Land oo dhan, waxaa run ah dagaalkaasi inuu hadda ka xoog, xeel, iyo halisba badanyahay sidii hore, iyadoo markasta oo Beelaha reer Punt Land iyo Maamulka Xilka u hayaaba ay ka muuqato talo uruursan, dareen wadajir, iyo midnimo ay wada dugsanayaan, an Cadowgu ku dhiirran karin hawlgelinta qorshihiisa, sidoo kale markastoo talada iyo wadajirka Punt Land ay ka firdhato, sabab siyaasadeed, mid dhaqaale, iyo mid degaanba uu Cadowgu ka fa’iideysto, kuna dhiirrato hirgelinta himiladiisa, haddaba haddaan soo koobno xaaladda Gobollada Bari iyo Karkaar waxaa laga tilmaamikaraa:

-     Jabhadda seddex-geesoodka ah ee saldhiggeedu yahay degaanka Bariga Sanaag, kana shidaal qaadata midda dagaalka uga jirta koonfurta Soomaaliya ee magacyada badan, sida Al-Itixaad Al-Islaam, Uruurka Maxaakiimta Islaamka ee Sheikh Shariif ka soo aflaxay, Al-Ictisaam, iyo masiibada kuwaas ka soo farcamay ee Al-Shabaab, haddana Al-Qaacida iyo halkaas u xuubsiibatey, oo dhammaantood teer iyo 1991dii dabajoogey Himilo an Alle ka aqbalin oo ahayd inay Boosaaso qabsadaan, kana dhigtaan saldhig ay Dariiqadooda Diineed uga faafiyaan Soomaaliya oo dhan, Jabhaddaas qaybteeda mintidka ah oo ka hawlgasha Buuraha  Bariga Sanaag waxay ballan qaadeen, ilaa maantana  ku guuleysatey inaan Boosaaso habeen qura colkooda ka cawabaryin, ee ku seexato, kuna soo toosto dil, qarax, gubasho, iyo xasuuq joogto ah, oo weliba lala beegsado bir-ma-gayada dadka iyo hantida dadweynaha, iyadoo loogu talagalay, kol haddii ay guluf ciidan ku qaban waayeen, in xasilloonida iyo nabadgelyada loo diido magaaladaas Caasimadda Dhaqaalaha u ah Punt Land, ilaa la gaarsiiyo in Shacabku ka gadoodo Punt Land iyo hey’adeheda Amniga ee hannan waayey nabadda, kaddibna isu dhiibo Jabhaddaas midabyada badan ee Islaamka sheegatay, arrintaas runteeduna waa inaan Bari iyo Karkaar weli ka bixin gacanta Punt Land, hase yeeshee nabad, xasillooni iyo cawabari toona laga quustay, labeentii Shacabka oo ganacsatadu ka mid tahayna ay naftooda kala carareen;

-        Jiritaanka iyo Nolosha Dadka Soomaalida la yiraahdo, meel kastoo ay joogaan, waxaa saldhig lama taabtaan ah u ah, sida loo wada yaqaan, labada arrimood eek ala ah Caqiidada Diinta Islaamka, iyo nidaamka Qabiilka iyo Qabyaaladda, oo labadaba ay si qoto dheer u aaminsan yihiin, ludda iyo lafahana uga beeran oo an laga loodin Karin;

Haddaba cid kasta iyo cadow kasta oo Soomaali dhibaatadeeda doonayaa wuxuu ku gaari karaa hadduu kala dagaallamo xagga Diinta ama xagga qabiilka iyo Qabyaaladda;

Dagaalka ku socda Gobollada Bari iyo Karkaarna jidkaas ayuu ku socdaa, waxaana falkinaya rag dagaalka noocaas ah la baray oo xirfaddooda yaqaan, waxaana loo adeegsaday:

-        Sidaan kor ku soo sheegay, dagaalka Urur-Diineedka dariiqado ahaan Assal-Raaca ku abtirsaday, laakiin magacyada badan, oo Al-Ictisaam iyo Al-Islaax ugu gacan qabowyihiin, Takfiir iyo Al-Shabaabna ugu xag-jirsan yihiin, kana midaysan aragtida ah ciddii an dariiqadooda ka tirsanayn inay Caqiidada Islaamka ee Runta ah ka habowday, iyo himilada hadafkeedu yahay inay talada iyo hoggaaminta Gobollada Punt Land xoog iyo xeelba  ku qabsadaan, dagaalkaas oo joogto ayaa ku socda Bari iyo Karkaar, iyadoo la adeegsanayo qabiilka iyo qabyaaladda, sida la ogyahayna sannadihii la soo dhaafay si xoog ah ayaa Colaad Beeleed looga wadey Gobolladaas, iyadoo isku-dhufashada Beelaha, falkinta iyo faafinta tuhunka, xogaha been-abuurka ah oo qolo walba lagu fuliyo dil belo madax duubani geysatey, daqiiqado kaddibna qolo kale dusha laga saarayo, ilaa labadaas qolo dagaal labo saf ah la isaga horkeeno, markii halaag dhaco kaddibna la ogaado wixii madaxa duubnaa inaysan labadaan qoys midna ahayne, ay meel kale ka yimadeen;

4.   Xaaladda Gobolka Mudug iyo Magaalada Gaalkacyo waxay soo martay, iyo waxay ku sugantahay waa adagtahay in salkeeda si buuxda loo soo xaaro oo wixii dhacay iyo waxa hadda jiraba laga wada warbixiyo, balse wax uun haddaan isku deyno, waxaan si kooban uga soo qaadan lahayn:

  • Dagaalkii Sokeeye ee 1991dii ka qarxay Soomaaliya, sida la wada xusuusan yahey, waxaa xuddun iyo xudduudba u ahaa Gobolka Mudug, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo, xilligii bilowga ee waallida qabyaaladda ee 1991-1993dii wixii ka dhacay Gaalkacyo iyo Gobolka Mudug hankii iyo himiladii ka dambeysey kuma koobnayn xasuuq miyir la’aan ah oo Beelaha koonfurta Soomaaliya (Hawiye ) ay ku sanniftay Beesha kale (Daarood ) inay ciribtirto oo Dalka Soomaaliya ka dhammeyso oo kaliya, sida berigaas qab-qableyaasha labada dhinac u sheegi jireen caamada beelohooda, balse waxaa jirey ujeedooyin iyo ahdaaf caadi ah oo ka sokeeya, kana dhow arrimaha khiyaaliga ah ee khudbadaha kicinta iyo abaabulka qabyaaladda la isaga sheego, taasoo ahayd beelaha koonfurta Mudug oo damaacigooda dalballaarsiga ku doonayey  inay af iyo addinba, dhac iyo xasuuqba, midkasta iyo dariiq kastaba loo adeegsado sidii Beelaha deggan Bariga, Waqooyiga iyo Galbeedka Mudug looga riixan lahaa, loogana eryoon lahaa Deegaankooda oo ay Magaalada Gaallkacyo ku jirto, dhulka ay deggan yahiinna laga cayriyo, looga habsado, loogana dhaxal wareejiyo, himiladaasi hadday ansixi weydey, oo xoog laysku muquuniyo lagu hirgelin waayey, damaacigii barigaas beesha koonfurta Mudug ku hungowdey weli kama ay harin, dagaalkii sokeeye ee 1991-1993dii oo ay fashilka iyo guuldarrada ka dhaxashayna waxay ku baddalatey mid xeel iyo laqdabo ku saleysan, laga soo bilabo heshiiskii 1993dii ay Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Maxamed Faarax Caydiid xabad-joojinta ku wada saxiixdeen, iyo Gaalkacyo ku soo celinta Beesha koonfurta Mudug, oo xilligaas joogtey Tuulada Wargalo (68km koonfur Gaalkacyo), kaddib markii ay Gaalkacyo ku soo duuleen, lana jebiyey, ilaa iyo maanta oo nimanka la baxay maamulka Gal-Mudug (Qeybdiid, Jimcaale, iyo Caalin) ay Shirka Garoowe ee 17-29kii Feebaraayo 2012da la tageen codsi ah in maamulkooda loo aqoonsado inuu leeyahay, oo ka taliyo Gobollada Mudug iyo Galguduud, oo sida la sheegayo uu Madaxweyne Shiikh  Shariif la ogyahay, kuna taageerayo, kana ballanqaaday inuu ergeyga Qaramada Midoobey  (UN) Mahiige iyo Madaxweyne Faroole ku qancin doona arrintaas oo gacan ka geysan doonta hirgelinta nidaamka Federaaliga ah, dhinaca kale, muddadaas 20ka sano ah (1993 oo ay Cabdulaahi Yuusuf Iyo Caydiid heshiiyeen ilaa 2012ka oo ah shirkii Garoowe) Beeshaas koonfurta Mudug, oo Gaalkacyo afarteeda xaafadood ka deggan Xaafada Baraxley oo keliya, waxay si joogto ah uga waddey dagaal jabhadeyn iyo dooxato ku saleysan, oo ku socda degaannada Bariga, Waqooyiga, iyo Galbeedka Gobolka Mudug iyo magaalada Gaalkacyo gudeheeda, oo hadafkiisu yahay joogteynta dagaalka argagixisnimada, dilka iyo dhaca xoolaha inaan beelahaas laga joojin ilaa ay ka guuraan deegaamadooda, meelkasta oo ay dib uga durkaanna laga soo daba guuro, saasna looga qaado dhulkooda, nidaamkaasna Af-Soomaali ahaan waxaa lagu tilmaamaa Udub Ku-Riix, sidaas daraadeed dhibaatada Gobalka Mudug iyo Gaalkacyo gaarka ku ah waa arrintaas dagaalkii qabiilka iyo qabyaaladda Soomaaliya ka qarxey 1991dii oo weli ka socda, lana caddeyn karo dadka ku dhintay iyo xoolaha lagu dhacay jiidda Mudug 1993-2012ka inay shan goor ka badan tahay dadkii iyo xoolihii la diley ama la dhacay 1991-1993 dii!
  • Dagaalka ka soo jeeda loollanka Dariiqooyinka Diinta Islaamka oo ay isku hayaan Dariiqada dhowaan la magacbaxday Ahlu-Sunna Wal-Jamaaca oo ku abtirsata Madhabka Imaam Al-Shaafici, dalka Soomaaliyana waligeed saldhig u ahayd Culimada Islaamka Soomaalida oo dhinac ah, iyo dhinaca kale oo ah Dariiqada Wahaabiyada oo ka soo jeedda Madhabka Imaam Al-Xanafi oo laga faafiyo Boqortooyada Sucuudiga, dalka Soomaaliyana dhawaan soogal ku ah, laakiin intii burburka ahayd si xoog leh ugu faaftay Soomaaliya, iyadoo loollankaasi dhanka Dariiqada Wahaabiga uu ku saleysan yahay Mabd’a jihaadka, sidaa darteedna ay si toos ah qayb uga noqdeen dagaalkii Sokeeye teer iyo 1991dii, soona maray marxalado is-beddel afkaareed iyo ahdaafeed, iyo kala jabyo loo kala leexday firqooyin aragti iyo magacyo kala duwan kala raacay, sida Al-Itixaadkii ugu horreeyey, maxkamadihii Shariifka iyo Xasan Daahir Aweys, Takfiir iyo Al-Shabaab aaminey iyaga mooyee Muslim kaleba inuusan Soomaaliya joogin, intaas oo teer iyo 1991dii ay xarakada Islaamiga sheegatay ay hadba nooc u kala xuubsiibanaysey, waxay mar kasta isku raacsanaayeen Mudug iyo Gaalkacyo inay yihiin xuddun iyo xuduud an xarakada Islaamku ka maarmin, kana maqnaan karin, waayo waa bartamaha Soomaaliya oo Waqooyi iyo Koonfur isku xirta oo khayr iyo sharba u kala gudbisa, cid kastaana ay si sahlan ugu milmikarto oo qariibnimo iyo soo-galooti gaar u soocan aysan ka jirin, nooc kasta oo cadow u ahina uu si sahal ah ugu dhex-dhuuman karo, arrintaasina waxay ka mid tahay sababaha nabadda Mudug iyo Gaalkacyo u xasili weydey, hey’adaha Amniga Punt Landna ugu fashaleen dhawr iyo tobankii sano ee ay jirtey, waayo xarakadaas Islaamiyiinta ah ayaa ka soo horjeedey, dagaal joogto ahna kula jirey, xeel iyo xoolo waxkastoo loo baahdona ku bixinayey inaan Gaalkacyo ku xasilin gacanta Punt Land;
  • Arrinta seddexaad ee xilligan Mudug iyo Gaalkacyo gaarka ku ah, ama waligeedba canbaarta ku ahayd, inkastoo runta iyo warxumo-tashiilka iyo been-abuurka aan la kala sooci karin, waa sheekada soo jireenka ah ee Soomaali oo dhan is-wada gaarsiisey, inta badanna aaminsantahay, in reer Mudug abuur ahaan Dawlad kasta fallaago ku yahay, Dawlad kasta oo Soomaaliya soo martayna, ilaa Sayid Maxamed, ay mucaarad ku noqdeen, sidaasi markay caan-baxdayna waxaa ka dhalatay in maamul kasta oo ka dhasha Soomaaliya ama Punt Land uu hawshiisa ka bilaabo iska-dhicinta iyo fogeynta reer Mudug, taasoo ku saleysan kolley waa mucaarade yaan la aaminin, waxii saami ah ee ay maamulka ku yeeshaanna ha loo xulo cid la hubo ineysan kalsooni badan ku lahayn dadka reer Muddug !,

Arrintaasi kalsooni xumada iyo aamin darrada ah, oo maamulka Punt Land ku saleeyey oo kula dhaqmay wax kastoo ku saabsan Mudug waxay qayb weyn ka noqotay dhibaatada ka jirta Mudug iyo Gaalkacyo, waxaana tusaale ahaan loo soo qaadan karaa:

  • Dowladda Punt Land maamulka hadda hayaa waxaa dastuurka uu soo wado ugu yaal in Gobolka Mudug laba qaybood oo waqooyi iyo koonfur kala ah u qaybsanyahay, oo waqooyiga kaliya ay Punt Land leedahay, arrintuna sidaas ma aha, hadday kas u yeeleen iyo hadday ka noqotayba, balse Gobalku waa afar waaxood oo kala ah
  1. Bariga Mudug oo Degmada Jiriiban xukunto
  2. Galbeedka Mudug oo Degmada Galdogob xukunto,
  3. Waqooyiga Mudug oo Degmada Xarfo, oo seddexduba Punt Land ah,
  4. Koonfurta Mudug oo Degmada Hobyo xukunto, oo koonfurta Soomaaliya raacsan, marka annagoo garanayna sababta dastuurka la sheegayo oo Punt Land loo soo wado loogu qoray inay tahay Gobalka Mudug waa Gobol Barkiis, saamiga awood-qaybsiga soo socdana sidaas ayuu ku xisaabtamayaa, waxaase qolada saas wax u falkinaysa ka maqan, marka xisaab xumadaas la isu keeno, in la helidoono Gobollo noqondoona hal Degmo oo ka mid ah Gobolka Majeerteenya (Bari), taasna waxaaba ka daran oo Gobolka Mudug dhibaatada ugu weyn ku ah  sida loo buunbuuniyey Galmudug iyo waxay u geysatey Mudug oo ay ka mid yahiin qaska iyo qalalaasaha joogtada ah ee an kor ku soo xusay, iyo dagaalka dhul-balaarsiga ah ee ka socda Bariga Mudug iyo Magaalada Gaalkacyo laga soo abaabulo xaafadda Baraxley iyo maamulka jooga oo laga yaabo inay ballan qaad ka soo heleen Shirarka Garoowe waayadaan ka soconayey,
  • Ciidanka Boliiska iyo hey’adaha kale oo qaabilsan Amniga iyo Nabadgelyada oo intii Punt Land jirtey oo dhan aad ugu dayacnaa Gobolka Mudug xag tiro, xag tayo, iyo taakuleynba, waxay xilligaan gaareen heer aan waxba lagu halleyn karin, waxaana halkaas  gaarsiiyey dhibaatada guud oo reer Gaalkacyo iyo reer Mudug haysata oo Dowladda Punt Land ku halleeyey inay Amniga Dalka masuul ka tahay, iyo Punt Land oo sida muuqatay quus ka joogta wax ka qabashada Gobolkaan!;
  • Ciidanka la-dagaallanka Al-Shabaab iyo Argagixisada (PIS) oo kaalin weyn uga jirey Amniga Gobolka, iyadoo an cidna laga talo gelin ayaa Dawladda Punt Land qaarna Garoowe u rartay, qaarkii Gobolkaan u dhashayna la kala direy;
  • Dhaawaca ugu culus ee ay Dawladda Punt Land u geysatey Magaalada Gaalkacyo iyo Gobolka Mudug waa kala-diridii sabab la’aaneed ee maamulkii dadku doortay oo ugu fiicnaa wixii maamul deegaanka Gaalkacyo soo maray 22kii sano ee ka soo wareegtey Qaran-Jabkii Soomaaliya iyo
  • Nooca dadka ay Punt Land u soo magacowdo xilalka kala duwan ee Gobolka, oo Madaxtooyada Garoowe ay markasta jeebka kala soo baxdo qof  reer mudug u dhashay, laakiin dhankastoo laga eego aan ku filnayn xilka loo soo diray, iyadoo an wax talo ah laga weydiin ama Hoggaanka Dhaqanka, ama wax-garadka kale ee Gobalka Mudug.

5.  Gobolka Nugaal haddaan si kooban u xusno, waa hubaal inay si walba u saameynayso dhibaatada ka oogan dhammaan Gobollada kale ee Punt Land, hase yeeshee marka guud ahaan la qiimeeyo waxaan oronkarnaa waa meesha kelia oo xaalad caadi ah, ama u dhow ku sugan, oo dhibaato iyo qalalaase weyn ka badbaaddey, gaar ahaan Caasimadda Garoowe oo xag nabadgelyo, xag dhisme, iyo xag dhaqaaleba ay ka muuqato inay dad xadaarad leh oo dawladnimo jilikara Caasimad u tahay, arrintaasna ciddii dalka joogtey oo teer iyo 1991dii wixii la soomaray xog ogaal u ahi waa ogtahay inay ka soo jeeddo hoggaankii xakiimka ahaa ee Alla u naxariistee Islaan Maxamed Islaan Muuse oo ku mintiday inuu Nugaal iyo Garoowe ka badbaadiyo halaaggii Soomaaliya oo dhan ku habsadey, waxa manta Gobolkaas iyo Garoowe u aayeenna waa guushii isaga iyo dadkii uu odayga u ahaa oo hoggaamintiisa raacay ka dhaxleen dadaalkii nabaddooda iyo noloshooda; Ciddii sidaas wax ka duwan loo sheegay, ama u qaba in maamulka xilka   hadda inoo hayaa inuu dadaal dheeraad ah Nugaal iyo Garoowe geliyey, waxaan u sheegaynaa, markastana caddeyn karnaa, inaan xaaladda uu ku suganyahay Gobolku ku imaan wax qabad dheeri ah oo ka yimid cidda xilka haysa, waayo ma jiraan, lamina sheegi karo wax naas-nuujin lagu tilmaami karo oo Nugaali ku qabto maamulka, marka laga reebo shakhsi ama koox laga yeelay inay boobaan dhaqaalaha yar ee Punt Land.

(Dhammaad qaybta Kowaad)

QAYBTA 2aad Ka Akhri Halkan....

Cabdirisaaq Shiikh Cismaan – Cali Baadiye

Ka Wakiil Ah

Golaha Siyaasiga Mudug

 reydabqacley [A T ] hotmail . co . uk
 

Qoraalladii hore ee Cali Baadiye


Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.

Faafin: SomaliTalk.com | June 2, 2012

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2012 SomaliTalk.com All rights Reserved.;