MUDUG POLITICAL FORUM
(GOLAHA SIYAASIGA MUDUG)
Ujeeddo: Shirqoolka Garoowe iyo Kala Kaca Punt Land
(Qaybtii Labaad)
-
KU: Islaan Ciise Islaan Maxamed -Garoowe
-
OG: Dhammaan Isimada Punt Land -fadhigooda
-
OG: Dhammaan Reer Punt Land -Dibed iyo Daakhil
ARAAR
- Haddaa Bay Ku Dhaanteynayaan
- DhimeyWadaadkiiye
- Dhulka Waa Ka Soo Fuurijirey
- Dhawr Anoo Maqane
- Goortaan Wax Dhabannaaninjirey
- Waabay Dhowdahaye!
Aayaha Punt Land
Mudaneyaal
Qoraalkaan la magacbaxay Shirqoolka
Garoowe iyo Kala Kaca Punt Land qaybtiisii
kowaad haddaan intaas uga gudubno, maanta waxaa nala habboon inaan si kooban u
eegno Aayaha Punt Land halkuu u jiheysan yahay, annagoo ka ambaqaadayna maamulka
xilka inoo hayaa siduu wax ku wado, siduu moodayo inuu reer Punt Land ka
yeelikaro, siduu ugu talogalay inuu aragtidiisa oo keliya ku meelmariyo, sida
damacu u tusay inuu cidkasta xoog ugu muquunin karo, iyo arrinta aaye-ka-talinta
Punt Land siduu keligiis u falkinayo isagoon cidna kala tashan, una qabin inay
jirto cid la wadaagta oo mudan inay ka hadasho, ama juuq ka oronkarta masiirka
Punt Land, iyo inaan tilmaan ka bixinno waxa laga saadaalin karo waddadaasi
xagga ay u socoto, iyo sida la arkijirey halkay maridoonto.
Dawladnimada:
Dawladnimo, siday nala tahay, waa maareynta nolosha Dal iyo Dadka, dhinac kasta
oo laga eegaba, xagga agaasinka iyo jiheynta talada guud oo loo yaqaan
Siyaasadda, xagga horumanita bulshada caafimaad ahaan iyo aqoon ahaanba, xagga
shaqada iyo shaqaalaha, xagga dhaqaalaha iyo kobcintiisa, xagga amniga iyo
nabadgelyada, iyo xagga dhaqanka iyo soo-jirennka dadka oo wixii maanta la yahay
ay ku raad-joogaan wixii shalay la ahaan jirey;
Intaas marka la buuxiyo ayaa Dawladnimo inay jirto laga hadlikaraa, haddaba
waxaa gudboon inaan eegno arrimahaas maxaa inoo buuxa, maxaa inoo bilaaban oo
weli qabyo ah, maxaase inaga maqan ama an xisaabtaba inoogu jirin?
I. Maamulka talada inoo hayaa wuxuu aaminsanyahay, oo
meelkasta iyo markasta ku doodaa inuusan wax raad Dawladnimo ah oo isaga ka hor
jirey Punt Land ugu imaan, maantana dibedda iyo daakhilkaba la wada aqoonsan
yahay heerka caalamiga ah ee an ka gaarney siyaasadda, hase yeeshee markaan kala
soocno wixii run ah iyo wixii khayaali ah, waxaa marag leh shirkii haweenka
Soomaaliya lagu sheegay, cayaarihii kubada cagta Gobollada Soomaaliya, shirarkii
UNka iyo TFG oo dhmmaantood Garoowe lagu qabtay, intaasi waa jiraan, waxayna
muujiyeen Garoowe oo caasimadda Punt Land ahi inay goob aamin ah oo shir lagu
qaban karo tahay, waana guul iyo sharaf an waayahaan Soomaakidu helikarin, waxaa
labeeya in Odayga Punt Land, oo xin iyo dhabiil kula jira Shiikh Shariifka
Maxaakiimta, uu xaafadda Baraxley ee Gaalkacyo ka dhigtay Dawlad Goboleed u
dhiganta Punt Land, oo Mr Mihiigaha UNka intuu Nairobi ugu geeyey inuu aqoonsado
ku khasbay, taasina waa run jirta hadday maamulkeenna guul siyaasadeed u tahay,
guusha seddexaad waa in madaxda xilka inoo haysaa taladii an u dhiibanney la
wadaagtey qolo awal dibedda ka joogtey, waa xisbigii magacyada badnaa oo
Al-Itixaad ku soo bilowday haddana qayb ka mid ahi Al-Shabaab tahay, dadka inta
kalena, oo mudanka hoggaanka dhaqanka qoraalkaani ku socdaa ku jiraan, uu ka
maarmay una caddeeyey inaysan talada la wadaagin, kuna fara gelinkarin, intaas
wixii an ahayn oo guul siyaasadeed ah haddii maamulka xilka hayaa sheegto waxaan
leennahay ma jirto ee waa sawir khayaali ah oo odayga madixiisa keliya ka
guuxaya, ciddii intaas wax ka duwan oo muuqda ama la taabankaro haysaana waa noo
tilmaami kartaa;
II. Waxaa la hubaa xaggaa arrimaha Waxbarashada iyo Caafimaadka
Punt Land inay heer wanaagsan oo la mahadin karo ku suganyihiin, hase yeeshee
maamulkaan iyo kuwii xilka uga horreeyey midna abaal kuma laha wixii horumar ah
oo ka jira arrimahaas, waxaana marag iyo caddeyn ciddii doonaysa ku filan inay
aragto wixii Miisaaniyad ahaa oo la qoray teer iyo 1998dii ilaa maanta oo
dhammaan muujinaya in aan weligeed qoondaha arrimaha Bulshadu gaarin 10%, heerka
wanaagsan oo manta ka muuqdana waxaa gaarsiiyey, abaalkeedana iska leh dadaalka
xilkaska iyo aqoonyahanka reer Punt Land oo iskood isu xilqaamay, meelkastana ka
sameeyey Dugsiyo Hoose/Dhexe/Sare ilaa magaalooyinka qaar Jaamicado ay ka
bilaabeen, iyo Isbitaallo Casri ah oo daboolay baahida Shacabka;
III. Maamulka xilka hayaa, waddo kasta ha u mare, dhaqaalaha Punt Land wuxuu
ku soo kordhiyey:
- Canshuurta badeecada la dhoofiyo iyo midda la keeno la gaarsiiyey in ka
badan 300% oo misaal ahaan shayga 50US$ ku yimid oo lagu canshuurijirey 5US$
waxaa hadda lagu canshuuraa 15US$, sidaasna ku talagalka dakhliga ee
miisaaniyadda sannadlaha wuxuu kordhay seddex jibbaar, iyadoo la joojiyey
canshuur-dhaafkii maamulladii ka horreeyey u sameyn jireen ama samafal ku
yimaada ama muwaadin keensado oo waxtar caam ah u soo kordhinaya dadweynaha,
kana qaybgelaya horumarka guud ee Dalka,Canshuuraha Birriga oo maamulladii
hore ka gaabsadeen, tabar yari awoodda dhaqaale ee dadweynaha iyo sababo la
mid ah darted, oo maamulkaani 70% ka dhaqangeliyey magaalooyinka waaweyn,
- Canshuur-bixiyaha oo sharci ahaan lagu khasbay badeecadiisa inuu ku
canshuurto lacagta Shilin Soomaaliga iyadoo sarriifka doollarka loo gooyey
1US$ = 30.000SoSh, hadduu qiimaha suuqa maalintaas la simanyahay, hadduu ka
badanyahay, iyo hadduu ka yaryahayba, taasi cilmiga dhaqaalaha inay ka mid
tahay iyo in kale ciddi aqoon u leh ayaa ka jawaabi doonta,Maamulkaani intuu
xilka hayey sicir-bararka Punt Land, iyo guud ahaanba Soomaaliya, wuxuu u
badnaa inuu fadhiyo oo sabbeyntiisu yarayd wixii ka horreeyey sannadkaa
2012ka, hase yeeshee bilihii la soo dhaafay wareer iyo isbeddel dhibaato an
la koobi karin Shacbiga u geystey ayaa ku soo kordhay, misaal ahaan
sarrifkii muddo dheer ku xasillanaa 1US$ = 30.000 SoShu wuxuu bilaabay hoos
u dhac an xawligiisa la qiyaasikarin oo laba bilood keliya ku gaarey 1US$ in
lagu sarrifo 20.000 SoSh, iyadoo qiimaha badeecada an waxba iska beddelin,
isla markaas dawladdu canshuurteeda weli ku qaadayso in doollarku joogo
30.000 SoSh,
- Baaxadda lacagta soo gashay gacanta maamulka seddexdii sano ee uu xilka
hayey ciddii rabta waxay ka ogaankartaa miisaaniyadda ay sannad walba
horgeeyeen Barlamaanka oo la ansixiyey, laakiinse in la ogaado wixii lagu
qabtay waa adagtahay, waayo wixii mushaaro ku baxay, oo haddii la
buunbuuniyo an 30% ka badnayn, mooyee inta kale wax lagu qabtay oo ama
mashaariic ah, ama baahi maamul iyo mid amni iyo nabadgelyo ah toona ma
muuqato,
- Ugu dambeyn xaaladda dhaqaale ee Punt Land waxaa sawir cad ka bixinaya
in qoyska biilkiisu ahaa 200 US$, oo laba bilood ka hor ay ku filnayd,
maanta inaan 400 US$ ku filnayn;
IV. Maamulka talada Punt Land haya guushiisa ugu weyn, oo dibed iyo
daakhilba, meelkasta iyo markasta uga faanaa inuu bixiyo mushaarka
shaqaalaha dawladda oo maamulladii hore aysan bixin jirin, arrintaasina waa
runtii oo ilaa hadda marag baan uga furaynaa, hase yeeshee labo masalo oo
ninka faanayaa usan weligii sheegin ayaa jira:
- Midda kowaad waa inuu markuu qoladii ka horrysey xilka kala wareegey uu
shaqaalaha Dawladda iyo Ciidankaba in ka badan 40% ruqseeyey, sidaasna uga
leexday aragtidii Cadde Muuse marar badan ku sheegay inay xilligaan Punt Land
gef ku tahay in la bakhtiiyo Dab u shidan Qoys reer Punt Land ah, saas darteed
shaqaalaha maamulkaani mushaarka u siiyo joogtada waa shaqaalihii Dabku u
shidnaan jirey barkiis;
- Tan labaad mushaarka maamulkaani joogtada u bixiyo waa afar qaybood oo
is-le’eg, sida miisaaniyadda ka muuqata, oo Madaxtooyada, Golaha Wasiirrada,
Golaha Barlamaanka, iyo shaqaalaha iyo ciidanka oo meel ah ay kala qaataan,
taasoo macneheedu yahay mushaarka la bixiyo 70% waxaa qaata goleyaaha sare,
30%ka soo haray ayaa shaqaalaha Dalka oo dhani (oo ciidamadu ku jiraan )
qaataan;
Haddaba, qofka shaqaalaha ama askariga ah, oo sidaas in wax yihiin xog ogaal
buuxa u ah, hadduu daacadnimo xilka u gudanwaayo oo ‘’Qowda Maqashii, Waxna ha u
Qaban!’’ ku joogo, ma la yaabi karaa inaan Amni iyo Nabadgelyo weyno, in
Dhaqaaluhu burburo, in Dalku faraha ka baxo oo siduu maanta ku suganyahay noqdo,
iyo in maanta laga hadlo tolow jiritaanka Punt Land iyo Aayaha dadkeedu maxay
noqondoonaan?
V. Arrimaha Amniga iyo Nabadgelyada waxaan si faahfaahsan uga soo hadalnay
qoraalkaan qaybtiisa hore oo ku noqonmayno, hase yeeshee waxa marnaba an la
dhayalsan Karin, digniinta heerka halistu gaarteyna an la dhammeyn karin waa
arrinta Cawabari-la’anta joogtada noqotay ee ka jirta dhammaan magaalooyinka
waaweyn ee Punt Land oo weliba dilka iyo qaraxa lala beegsanayo dadka
intiisa birmagaydada, Ciidanka Amniga, Madaxda Hey’adaha Dawladda, sida
Wasiirrada, Xildhibaannada Barlamaanka, iyo weliba Masuuliyiinta laamaha
kala duwan ee Garsoorka, haddana maalin walba warbaahinta Dalka iyo midda
Dibedda oo BBC iyo VOA ka mid yihiin ay wixii dhacay, intii dhimatay,
goortii iyo meeshii dhibaatadu ka dhacday joogto ula socdaan, saacado
gudohoodna Idaacadaha ka siidaayaan, ummaddiina Cabsi awgeed ay noloshooda
Bandow ku soo rogeen, intaas oo an cidina moogay marka maamulka talada hayaa
dafiro oo ku doodo inuu dalkaan ka hirgeliyey oo ku guuleystey Amniga iyo
Nabadgelyada waxaa Xaq noqonaya shacbku inuu dawladdiisa ka aamin baxo oo
beenaaleyaal u aqoonsado madaxda oo dhan ilaa kan ugu sarreeya, kana xiriir
furto, oo kalsoonida kala noqdo, marka dambena toos uga soo horjeesto oo
sidaas Dalku ku burburo;
VI. Qodobkaan waxaan ku soo qaadaynaa xaqiiqa jirta oo haddii annaan
isku baraarujin laga yaabo reer Punt Land, intii la dhalatay, iyo sokeeye iyo
shisheeyeba inta wanaagga la jecelba, inay qoraalkaan iyo dareenka uu xambaarsan
yahay ka arkaan aragtiyo kala duwan oo khilaaf dhaliya, xaqiiqadaasna waxaan ka
soo ambaqaadaynaa dhalashadii Punt Land;
- Shirweynihii Garoowe ee 1998dii, wixii ku kulmay waxay ahaayeen ergooyin
Beeleed, oo laga soo wakiishay shan Gobol iyo hal Degmo, oo ay soo xuleen
Nabadoonnadu, oo Isimada Tolku soo ansixiyeen, sidaasna ku xambaarsan Codka
Beelohooda oo xalaal ah, Ergooyinkii kulmay waxay ka taliyeen aayaha
Beelihii ay ka yimaadeen, waxay oggolaadeen oo isku raaceen inay sameystaan
maamul ay ku midoobaan oo masaalixdooda u maareeya muddo ku meel-gaar ah,
waxay dejiyeen Xeer ku meel-gaar ah oo lagu dhaqmo xilli kooban oo kala guur
ah oo markuu dhammaado looga gudbo Dawladnimo rasmi ah, intaas markay
tabeeyeen, oo u codeeyeen, oo isku raaceen, waxay hor-geeyeen Isimada Tolka,
ee ahaa Hoggaanka Dhaqanka Beelaha, oo tashigaas dadkooda aqbalay, lana
qaatay, una guddoomiyey oo sidaas ku Ansixiyey aasaaska Punt Land, halkaasna
waxaa ku dhismay Maamul
Beeleed ama Toleed loo xilsaaray inuu Dalka iyo Dadka
xilka saartay gaarsiiyo Dawladnimo Goboleed, kuna simo inta la soo celinayo
Dawladnimadii Qaranka Soomaaliyeed, saas darted wixii ka soo baxay
Shirweynahaas ma ahayn Dawlad, mana lahayn Dastuur ku ansaxay Afti Dadweyne
iyo Nidaam Sharci ah oo Dadku Codkiisa ku sheegto waxa uu rabo iyo cidduu
Xilka u dhiibanayo toona, lama sameyn hab-dhaqan sharci ah oo lagu dhaliilo
ama wixii tabasho ah lagu muujiyo oo lagula xisaabtamo madaxda iyo
masuuliyiinta xilka haysa, intaasi markaysan jirin lama oronkaro Dawlad ayaa
jirta, xataa haddii la adeegsado Heykal dhisme, sida Golayaasha Xukuumadda,
Barlamaanka iyo Garsoorks, ama lala baxo magacyada Dawladaha, sida
Madaxweyne, Wasiirro, Dibutaati iyo wax la mid ah;
- Waxaa xusuus mudan madaxdii Xilka loo dhiibey 1998dii inay shacabkii
quursatay, ammaanadiina dhinac isaga riixdey, kuna talagashay inaan danaha
iyaga u gaarka ah mooyee wax kale laga hadlin, markii xilligii xilhaytoodu
ka dhammaadayna waxy goosteen inay intii sano oo ay doonaan ku darsadaan,
iyagoo filaya inaan cidina ka hadlikarin, wixii mucaarad ah oo ka hadlana in
xoog lagu muquuniyo oo cagta la mariyo, hase yeeshee malahaas waa tii lagu
beeniyey, taloxumadaas cawaaqibkii laga dhaxlayna waa la yaqaan oo waxay
raad lama illaawaan ah ku leedahay Taariikhda reer Punt Land;
- Maamulkii Maxamed Cabdi Xaashi oo muddada yar xilka hayey sida la wada
xusuusan yahay waa damcay inuu kororsado muddada Xil-Hayntiisa, hase yeeshee
labadii Oday oo midna ka horreeyey midna ka dambeeyey ayaa isugu
habar-wacday oo damacaas ka horjoogsadey, saas darteed wuxuu xilka hayey
waqtigii yaraa oo ka harsanaa kororsigii maamulkii ka horreeyey marooqsaday,
uiyo ammaanadii ku qornayd ee ahayd in la sameeyo Dastuur Rasmi ah, Afti,
Tirakoob, iyo Doorasho Guud oo dadweynuhu Codkiisa ku sheegto wuxuu doonayo
iyo cidduu xilka u dhiibanayo, haddaba Maxamed Cabdi Xaashi wuxuu dhaxlay,
kaddibna qoladii ka dambeysey ku wareejiyey Maamukii
Tolka;
- Cadde Muuse waxaa lagu doortay oo xilka uu ku qabtay qoraal lagu sheegay
Dastuur ku meel gaar ah oo qoladii Cabdullaahi Yuusuf degdeg ku falkiyeen
markuu ka dhaammaaday Axdigii Xalaasha ahaa oo an Afti Dadweynela soo marin,
ama xataa Ergo la mid ah middii 1998gii Punt Land dhistay,qoraalkaas oo raad
xalaal ah an lahayn markuu xilka ku qabsaday, Cadde wuxuu ballan qaaday
afartiisa sano ku hirgelindoono Dastuur, Afti, iyo Doorasho xalaal ah,
laakiin ballankaas ma fuline sidii wuxuu raacay waddadii ay mareen raggii
xilka uga horreeyey, ammaanadiina waa ku takrifalay, bal waxaaba la
oronkaraa sidii Oday Dhaqameedkii sinjigiisu ka soo jeedey ayuu Dal iyo
Dadba u maamulay, aakhirkiina isagoo haba yaraatee aysan ka muuqan wax damac
kororsi ah, sida Odayaashii ka horreeyey, ayuu xilkii Maamul-Toleedka ku
wareejiyey qolada weli xilka haysa, oo iyagana lagu doortay dastuurkii
magac-u-yaalka ahaa oo hadba marka xilli is-beddel la gaaro lala soo baxo,
boorka laga jafo, loona cuskado xil-kala-riixashada oo keliya, kaddibna meel
la isaga tuuro;
VII. Madaxweyne Faroole markuu xilka la wareegey, isagoo malaha aaminsan
hal-ku-dheggii ‘’Isbeddelka’’ ee Obaamaha Mareykanku berigaas curiyey,
raggii hoggaaminta Punt Land ayaantaas u tartamay oo dhanna hadaaqa u ahaa,
wuxuu muujiyey inuu ka duwan yahay Odayaashii ka horreeyey, waxaana ugu
muhimsanaa Isbeddelka u soo kordhiyey:
--- Amarkii u horreeyey oo qoraal ah oo ku socda dhammaan Ilaha iyo Hey’adaha
Dhaqaalaha Punt Land wuxuu bixiyey subixii 08/01/2009, labo saac kaddib markii
lagu dhawaaqay in doorashadii isagu ku adkaaday oo madaxweynaha cuussub ee Punt
Land loo doortay isaga yahay, degdeggasina wuxuu tilmaan u yahay inaan
Odayaashii xilka hayey xurmo, xishood, iyo xaq dhawr toona istaahilin, loona
baahan yahay in degdeg khasnadaha Dalka looga xayiro, inuu awoodda aad iyo aad
ugu oomanaa, mar hadduu helayna wuxuu doono sameyn karo cidduu doonana ku
tumankaro, iyo arrinta ugu khatarsan oo ah inuu horeba u aaminsanaa dhaqaalaha
Dalka in Madaxweynuhu leeyahay oo hantidiisa uu gaar ahaan u lahaa sideedii uu
uga xisaabtamo, saas darteedna haddii shalay Cadde iska lahaa manta in isagu
yeeshay, loona baahanyahay inuu ka gaaro intaan qoladii hore kala bixin;
--- Isbeddelka labaad oo Odaygu soo kordhiyey waa siduu Golihiisa wasiirrada u
soo xuahay oo markii hore dad badani u riyaaqay laakiin sidii la moodey arrintu
noqon weydey, waayo wizii Dalka ka jirey oo Odaygu la wareegey sidaan kor ku soo
sheegnay waa Maamul Toleed oo Beeluhu Axsaab u yihiin, Odayaasha iyo Isimaduna
afhayeen u yihiin, Goleyaashana lagu fadhiyo xulka iyo saxiixa
hoggaan-dhaqameedka Beelaha ilaa la gaarayo Nidaam Dastuuri ah oo Dadku codkiisa
leeyahay, Axsaabtuna afhayeen u tahay, haddaba dhaqankii Punt Land ee
Nidaam-Beeleedkaas ku dhisnaa inuu tuurayo oo xulashada Wasiirradiisa ka
talagelin doonin Oday iyo Isim toona ee isagu cidduu doono xilka uu dhiibanayo
ayaa Faroole ku dhawaaqay, laakiin sida ciddii xog ogaal ahi ka warqabto si caam
ah oo loo siman yahay arrintaasi uma hirgelin, balse Beelaha qaarkood iyo
Isimada qaarkood waa laga baqay oo wixii beeshooda khuseeya waa laga
talageliyey, waxaase lagu tuntay oo taladoodii laga kaaftoomay inta badan
Beelaha reer Punt Land, gaar ahaan Gobollada Bari, Karkaar iyo Mudug;
--- Isbeddelka kale ee Faroole ku soo kordhiyey nidaamkii maamul ee Punt Land waa
inuu soo dhisay Gole Wasiirro oo ka kooban dhawr iyo konton xubnood, oo marka
laga reebo tobaneeyo uu kala soo haray maamulkii isaga ka horreeyey, inta kale
uu ka keenay Australiya, Yurub, iyo Mareykanka, dadkaasina waxay u wada dhasheen
reer Punt Land, waase Dad u Dhaartay, lana siiyey Jinsiyadda Dalalka ay ka
yimaadeen, waxayna intooda badani isku nooc ka yihiin inay la qabsan waayeen
dhaqamadii ay ku biireen sababo ay ka mid yihiin saldhiggii waxbarashadoodii
hore oo yaraa, da’dooda oo xilligii waxbarashada dhaaftay. Xilligii xoogsigana
ama dhaaftay ama ku dhow, burbur qoys oo iyaga iyo xaas iyo carruur wixii ay
dalalkaas la tageen kala firdheen markay nidaamkii nolosha cussub
qaayibiwaayeen, intaas iyo inkale oo dhibaato ah, oo Soomaalida 5ta Qaaradood u
kala firxatay badankoodu qabaan, ayaa Faroole u yeertay koox ka mid ah
dhibbaneyaashaas iyagu isu yaqaan magaca Qurbe-Joogta oo malaha ay isku
ammaanayaan, Dalalka ay tageenna looga yaqaan Qaxootiga Maganta la Siiyey, Afka
Soomaalidase weligeed lagu oronjirey Dagaagga oo macneheedu yahay dadka ay ku
habsatey dhibaato dabiici ah sida Abaar dhaafisay wixii ay xoolo dhaqdeen oo
cayrnimo iyo gaajo dartood uga barakacay degaankoodii iyo guryohoodii si ay ugu
yaraan nafttoda u badbaadiyaan, ama dhibaato iyagu isu geysteen sida colaad iyo
dhac mooraduug ah oo xeryaha la isu madoobeeyo, sidaasna wixii nafta la
baxsankaraa ay cagaha wax ka dayaan oo aysan gadaal soo dhugan ilaa ay meel uun
ka cidgalaan, taasina waa wixii Xamar iyo guud ahaanba Soomaaliya ka dhacay
1991dii;
--- Haddaba koox ka mid ah dadkayagii ka badbaadey halaaggii Colaadda Sokeeye ee
1991-1993dii. oo naftooda ula Dagaagtay Qaaradaha Adduunka, markay heleen fursad
ay dib ugu soo laabtaan dhulkoodii iyo dhaqankoodii oo ay si dhab ah ugu
hiloobeen, iyagoo weliba Wasiirro ka ah, kumanyaal doollarna si toos ah iyo si
dadbanba bilwalba ku xisaabtamaya, waxa ay soo kordhin karaan ama laga filikaraa
waa wax aad u cayiman oo ay inoo sheegikaraan dadka bartay Cilmiga Abuurta
Aadanaha ama Odayaasha Ruugcaddaaga ah oo waayo-aragga ah oo haysta Murtida soo
jireenka ah oo oronaysa – ‘’Rag waa Jid la mar, Jabad la deg, ama Jidiin la
cun!’’. Tilmaan ahaanna dhaqanka kooxdaas seddexdii sano ee maamulkaani xilka
hayeyna waxaa lagu soo koobikaraa:
--- Xubnaha kooxdaasi, midkastaaba xagga aqoonta heer kasta ha ka gaare, waxay ka
simanyihiin sidii la arkijirey dad waayo arag ah, oo madani reer magaal ku soo
barbaaray ah, dalmar miiran oo toddobada Badood u kala gooshay wada ah, oo xaajo
kasta oo la soo qaadoba wax ka oronkara, haddana waxaa xaqiiqa ah oo reer Punt
Land oo dhani xog ogaal u yahay on seddexdaas sano laga waayey wax Ra’yi ah ama
Rabitaan ah, wax Caqli ah ama Cod ah, oo ka duwan Ra’yiga iyo Rabitaanka
Faroole, fadhiga Golaha Xukuumadda iyo fagaare kale toona;
--- Madaxweyneyaashii Punt Land ee Faroole ka horreeyey Islaamaha u dhaxa iyo
Ilmihii ay dhaleen, oo qaarkood Jaamacadaha ugu sarreeya ka soo bexeen, ayaa ama
la joogey ama booqasho ugu imaanjirey, dhaqankooduna wuxuu ahaa mid aad u
asturan oo ku kooban wixii iyaga iyo waalidkood gaar u ah hadday Talo siinayaan
iyo hadday hawl u qabanayaanba, hase yeeshee maamulka Faroole wuxuu ku caanbaxay
in carruurtiisu si toos ah oo buuxda faraha ula galeen, ugana dhex muuqdaan
arrimihii dawladda oo dhan ilaa xag laga shakiyo cidda run ahaan talada Punt
Land haysa oo go’aannada kama dambeysta ahi ka soo fulaan, ma Wiilasha mise
Odayga?, waxaaba marar badan xusuusta ku soo dhacda oo la is-weydiiyaa tolow
maamulkeenna ma la moodaa Dalka Shiinuhu siduu ahaa sannadihii u dambeeyey
cimriga Duqii Mao Tse Tung oo dhulyaalka uu ahaa oo naagtiisa iyo seddex
saaxiibbadeed ahi awoodda kala wareegeen?!;
--- Haddaan xoogaa xilligii maamulkii Cadde Muuse dib ugu noqonno, waxaa la wada
xusuusan yahay Barlamaanka Punt Land oo Golaha Wasiirrada xisaabtan ugu yeeray,
midkii ay caddaato inuusan xilkiisa gudanna Cod u qaadaya oo hadduu aqlabiyad
waayo uu xilkii wasiirnimada waayayo, in Faroole oo ah Wasiirka Qorsheynta uu
aroortii weeraray Barlamaanka, oo inuu qabsado oo laftiisaba xiro damcay isagoo
ka horegaya inaan Cod kalsooni isaga loo qaadin, balse damacaasi guulgarreystay,
afar dhallinyaro ahina naftooda ku weydey, isagiina xilkii ku waayey, haddana
muddo labo sano ka yar uu isla Barlamaankii oo isla Xildhibaannadii xilka
wasiirnimada ku aaminiwaayey u soo hor istaago inay Madaxweyne u doortaan,
arrintaas la yaabka ahna waxaa ka sii yaabsaday inay aqlabiyad an hore loo arag
ugu doorteen Madaxweynaha cussub ee Dalka!;
--- Barlamaanka Punt Land oo cabsi ay naftooda u baqeen darteed Madaxweyne ugu
doortay ninkii ay shalay wasiirnimada uga qaadeen inuu xilkiisii gudan waayey,
waxaan qabnaa oo Xeerka Islaamka iyo midka Madaniguba si buuxda u caddeynayaan
inuu subaxaas, 08/01/2009lii, xooray ammaanadii Hoggaanka Dhaqanka Beelaha reer
Punt Land oo wakiil ka ah Shacabka ay u soo xuleen oo u dhiibeen oo loo
Dhaariyey, sidaasna Barlamaan ahaan uu ku jiritaan belay, ciddii xaqiiqadaas
shaki ka qabtana waxaa caddeyn ugu filan in awoodda Odaygu gaartey inuu xilka ka
qaado Xildhibaanno ka hadlay danaha Beelihii ay wakiilka u ahaayeen oo gudanaya
waajibkooda, dambi kalena an gelin;
--- Golaha Garsoorka oo sharci ahaan u ah awoodda seddexaad ee Dawladda, looguna
talagalay inay ka madax bannaan tahay labada Gole ee kale, sidii loo aasaasay Maamulka
Tolka Punt Land, wuxuu weligii ahaa Qabyo laga baqay in la
dhammeystiro oo awooggiisa la gaarsiiyo sida Dastuurku qabo, ama u yeesho Ilko
Run ah wax kala goynkara, sababtuna waa caddahay oo Madaxweyne ku talagalkiisa
horeba ahaa inuu Af iyo Addinba wuxuu doono sameeyo, Sharciga Dalkana siduu
doono ugu tunto, cid ka sarreysa ama lagu dacweeyaana aysan jirin, markuu xilka
qabsado la yaab ma aha in isaga mooyee cid kale aysan helin Ilko wax gooya iyo
awood isaga ka madax bannaan toona, saas darteedna ilaa 1998dii madaxdii xilka
qabatay waa diiddey inay dhisto Maxkamadda ugu muhimsan Garsoorka oo turjubaanka
u ah Xeerka iyo Dastuurka Dalka, ahna midda keliya oo Shacbigu uga dacwoonkaro
dambiyada Dawladdu gasho, taas oo ah dhaliil iyo dhimmanaansho soo jireen ah
waxaa ku soo kordhay intii uu jirey maamulka Faroole cabsi ka dhalatay Dil si
gaar ah loola beegsado madax iyo masuulba inta ugu muhiimsan shaqaalaha
Garsoorka oo cidda geysata an weligeed la soo qaban laguse eedeeyo Al-Shabaab,
ruqso degdeg ah oo u soo baxda masuulkii maalin uun Alle ka yeersiiyo Erey ay
qoonsadaan Odayga iyo qoyskiisa iyo kooxda loo yaqaan Aaran Jaan oo belada ah,
iyo tan seddexaad oo ah in maamulkaani kororsiimo fiican ku daray Miisaaniyadda
Garsoorka, intaas oo la isku daray waxay noo dhashay in Garsoorka Rasmiga ah oo
ka jira Punt Land uu yahay hadba waxay jecelyihiin Madaxweynaha iyo qoyskiisa oo
keliya;
VIII. Dastuur
iyo Dimoqraadiyad-
Shirweynihii aasaaska Punt Land, sida la xusuusanyahay, waxaa lagu ansixiyey
Axdigii Ku-Meel-Gaarka ahaa ee noqday saldhigga Maamulka Tolka reer Punt Land
xilliga kala guurka ah oo muddadiisa loo go’aamiyey inay noqoto Seddex Sano,
iyadoo Axdigaasi caddeynayo in Maamulka xilka qabtay ku diyaariyo muddadaas
gudeheeda Dastuur Dawlad Dimoqraadi ah ka hirgeliya Punt Land;
Himiladaas Dadka reer Punt Land damcay inuu Aayiha noloshiisa ku ambaqaado,
kaddibna ku horseedo soo celinta Qarannimadii Soomaaliya, 1998dii ilaa manta oo
14 sano ka soo wareegey, weli Eebbe uma aqbalin oo inta badan Shacabku waa
quustay, inkastoo ay jiraan dad weli rajadaasi u nooshahay oo ka dhursugaya in
mar uun Alle xilka ugu dhiibo qolo ku dayata Maamulka Hargeysa oo hankaas oo
kale yeeshay, dhawr iyo toban sano ka horna ku guuleystey;
Arrimihii guuldarradaasi u dhacdayna waxaa laga tilmaamikaraa:
- Siyaasi Beeleed oo madaxnimo aad ugu jeellan, isla markaasna ogsoon
inuusan helikarin kalsoonida Shacabka, laakiin farsamooyinka ay ka mid tahay
awood-ku-dhabiiltanka qabyaaladda, odayaal-kicinta, istaaf iyo ilaalo
wadashada, ma-daalennimada iyo meelwalba iska muujinta, iyo muluqmuluqda an
mabda’ loo yaqaan lahayn ee hadba ururkii ama kooxdii ayaantaas fursad
fiican haysata laga mid noqdo, iyo camallo kale oo foolxun hadduu adeegsado,
laga yaabo inuu mar uun basiibku saacido oo si lama filaan ah uu ku soo
baxo, kaddibna u leexdo sidii uu danihiisa oo sida badan lacag-uruursi ku
kooban uga faa’iideyn lahaa;
- Xurmo la’anta wixii Xeer ama Sharci ah oo hortiis Dalka ka jirey,
laftiisana lagu doortay oo xilka loogu dhiibey, iyo xulashada koox sharci
darradaas ku oggol oo ugu adeegta oo rabitaanka shakhsigaas mooyee an wax
kale ka hadlikarin;
- Doonista iyo falkinta farsamo kasta oo uu ku kororsado muddadii
xil-haynta ee loogu talagalay, laguna doortay, xataa haddii ay farsamadaasi
la gasho inuu ku duulo Beelo ama Maamullo Soomaaliyeed oo daris la ah
degaamada uu xukumo;
- Uruurinta iyo Hubeynta dhallinyarada gaashaan-qaadka ah ee Beesha isagu
ka dhashay oo ku abaabulan inay kursiga adeerkood daafacaan oo ku dhintaan,
waxa ay helayaan ama ku haystaanna tahay mushaar askari oo keliya;
- Diidmada ama ka-dabaalashada rabitaanka Shacbiga uu talada u hayo, oo
kolleyba an lahayn dariiq Sharci ah oo ay u maraan ama ku muujiyaan wixii ay
ka doonayaan madaxda masuuliyadda u haysa, iyo wixii dhaliil ah ama cabasho
ah oo meel ay geeyaan iyo cid ay u geeyaan toona aysan jirin, marka laga
reebo Isimka iyo Odayaasha dhaqanka oo keligood ka hadlikara danaha
Beelohooda;
- Qodobbadaas an kor ku sheegnay iyo kuwo ka liita ayaa sabab u ahaa,
seddex maamul oo is-beeley iyo 14 sano kaddib aasaaslii Punt Land, inuu weli
noo jiro Maamulkii
Toleed oo la
isku ogaa inuu jirayo seddex sano oo ku-meel-gaar ah, oo qoladii xilka loo
dhiibey noogu xilsaarnayd inay ku diyaariso Dawlad run ah oo Dastuur buuxa
leh, oo Shacabku Madaxdiisa toos u soo doorto;
IX. Arrintaas Dastuurka iyo Dimoqraaddiyada waxaa maamulka Faroole
ku soo kordhiyey haddaan dhawr qodob ka soo qaadanno waxaa noo muuqda:
- Axdigii ku-meel-gaarka ahaa ee Punt Land lagu aasaasay markuu
dhammeystay seddexdii sano ee cimrigiisu ahaa, wixii lagu beddeli lahaana la
waayey isagu waa jiritaan beelay, sida la wada xusuusan yahayna maamulkii
xilka hayey wuxuu diyaariyo qoraal degdeg ah oo laga ansixiyey barlamaanka,
laguna sheegay Dastuur ku-meel-gaar ah, hase yeeshee Shacabka intiisa badani
waa ku diiddey farsamadaas, waxaana ka dhalatay khilaaf iyo dagaal sokeeye
oo mood iyo noolba khasaare lixaad leh geystey, kaddibna waatii labadii
garab ee look ala jabay Odayaashii kala hoggaaminayey miyirka Alle ku soo
celiyey oo ay iskood u heshiiyeen, si sharaf iyo ammaan mudanna garabyadii
isugu soo celiyeen, iyadoo qodobbadii heshiiskaas lagu saleeyey midnimada
iyo jiritaanka Punt Land iyo Dastuurkii degdegga ahaa ku-meel-gaar loogu
dhaqmayo la isla qaato ilaa xilligii ay suurto gal noqoto in Afti rasmi lagu
ansixiyo;
- Maamulkii Cadde Muuse oo Dastuurkaas ku-meel-gaarka ah lagu soo doortay
markuu xilka la wareegey wuxuu ballan qaaday inuu Aftidii iyo Axsaabtiiba
hirgelin doono, hase yeeshee ma muujin dadaal iyo rabitaan toona, inkastoo
uu sannadkii xilkiisa ugu dambeeyey uu guddiyaal dib-u-eegis Dastuur
sameeyey, wixii soo diyaariyeenna uu Barlamaanka ka ansixiyey;
- Maamulka Faroole markuu xilka la wareegey wuxuu hawlgalkiisa ka bilaabay
inuu Barlamaanka ka soo ceshado Dastuurkii ay hore u ansixiyeen oo Aftida
dadweynaha keliya sugayey, si degdeg ahna wax uu ka beddelo iyo wax uu ku
darsadaba u dhammeeyey, isla laba bilood gudohoodna labada Goleba uga soo
ansixiyo, kaddibna boorsadiisa ku xirto oo an dib dambe warkiisa loo maqal;
- Waa isla dhaqankii Odayaashii hore iyo damacoodii muddo-kororsiga looga
bartaye, Faroole markuu labo sano iyo siddeed bilood xilka hayey ayuu
bilaabay sheekadii Dastuurka iyo Dimoqraaddiyada;
- Wuxuu ka bilaabay inuu magacaabo xubno u badan shaqaalaha maamulkiisa oo
uu ku sheegay inay noqonayaan Guddiga Doorashada Punt Land, oo hal qof ah
mooyee inta aysan buuxinkarin shuruudaha dhexdhexaadnimada, si cadna ay uga
muuqato inaysan ka madax bannaanayn rabitaanka Odayga;
- Tillaabada labaad wuxuu ka dhigay inuu muddada xil-haynta maamulkiisa
inuu ku kororsado hal sano isagoo ku saleynaya Dastuurkiisa la ansixin doono
oo uu ku qortay muddada xilka Goleyaashu inay noqon doonto shan sano, iyadoo
si looga hortago muran iyo qaylo ka timaadda dadweynaha iyo ciddii mucaarad
ku ah isaga iyo madaxnimadiisa, uu diyaariyey qoraal sheegaya in jiritaanka
maamulkiisu yahay shan sano, labada Golena ka ansixiyey, Lifaaq Dastuurka la
socda oo lala ansixin doonana laga dhigayo;
- Tillaabada seddexaad waa cidda ansixinaysa Dastuurka iyo Lifaaqiisa
muddo kordhinta oo noqonaya dad dhawr boqol ah oo Gobollada laga keenayo oo
ay soo xulanayaan Odayga, Wasiirradiisa, iyo Guddoomiyeyaasha u magacaabay,
nooca dadkaasina waa inay noqdaan kuwo wixii loo keenaba gacan-taag ugu
codeynaya, gunnadooda yarna daneynaya oo keliya!;
- Shirqoolka Garoowe qaybtiisa weli qarsoon waxaan saadaal ahaan ka sii
sheegaynnaa, berrina ad nala arkidoontaan, iyado Maxamed Xasan Barre iyo
saaxiibbadiis ansixiyeen 3 ama 5 Xisbi oo Oday Faroole wada leeyahay, oo ku
kala qoran Isaga iyo xubno raggiisa ah oo araan Jaan iyo ilma Madaxweyne ka
kooban, wixii Xisbi ah oo ay la timaaddo cid kalena lagu horjoogsadey Xeerka
Shimbirolaaye!;
- Qorshaha noocaas loo dhigay oo maamulka Faroole ilaa maalintii xilka
loo dhiibey uu kas iyo ku talogal u jeexday hadduu moodayo waddo haloosi
ah oo guul iyo xarrago ugu dhammaandoonta, waxaan oron lahayn inta goori
goor tahay odayow hurdada ka toos, oo hareerahaaga dhugo, oo waxa ad
falkinayso Dadka reer Punt Land waa arkaan, waana garanayaan, meeshaad u
socotana waxaad ugu tegaysaa waa fashal, guuldarro, iyo burburka Punt
Land, waayo markaad ku tashato inaad masiirka ummadda keligaa marooqsato
waa hubaal waxaad ka dhaxahsaa oo waa in lagaa tashado oo jidkii
Khaatumo loo dareeraa;
Talo-Wadaag ama Kala-Tashi
A) Reer Nugaaleed guud ahaan, iyo gaar ahaan Islaan Ciise Islaan Maxamed oo
annagoo dhan Mudan noo ah, waxaan Qaylo-Geys uga nahay shirqoolka iyo
talo-marooqsiga maamulka Faroole ka wado Garoowe ee an qoraalkaan uga soo
xog-warrannay, oo dhammaan Gobollada Punt Land ka koobantahay bilahaan la soo
ghaafay looga hadlayey, oo lagu codsanayey in maamulku shacabkiisa siiyo xaqa ay
u leeyihiin ka qayb galka tashiga aayohooda, gaar ahaan arrinta Dastuurka iyo
habka loo marayo Ansixintiisa,
Waxaa la wada oggolyahay oo raalli laga yahay Dalku inuu Dastuur yeesho oo laga
gudbo Maamulkii Tolka ee
la sameeyey 1998dii, loona gudbo Dawlad Dastuuri ah oo shacabku codkiisa uga
qayb galo masiirkiisa iyadoo la marayo nidaamka Axsaabta Badan oo Dimoqraaddiga
ah;
Waxaa la garowsan yahay duruufaha khasbaya in Shirweyne la mid ah midkii Punt
Land lagu dhisay laga Waco Garoowe oo Dastuurka lagu ansixiyo;
Waxaa la doonayaa in Talada la Wadaago, oo xurmo iyo tixgelin ayaa Dadka
deeqikartee, talo-marooqsiga iyo Anaa Iri-da la joojiyo;
Haddii maamulka Faroole Talo-Wadaag diido, waaba diideye!. oo ay ku filan tahay
Oday Siyaasi ah inuu la heshiiyey, odayaal Baaleed oo koobanna uu si gaar ah
Haabeen dhoweyd ula faqay, waxaa naga Ergo ah in foolxumadaas laga fiirsado, oo
Shacabka laga daayo, oo gaar ahaan Mudug laga daayo;
Haddaan xaajadaas la dabaqaban waxaa xigidoona in Cid waliba Aayeheeda gaar uga
tashato oo Gobollada hadderba sii firdhayaa ku dhiirradaan jidkii Khaatumo iyo
Casayr Land, ama ka sii fogaadaan;
Nugaal iyo maamulka Faroolana waxaa hor imaandoonta jawaabtii Maxamuud Geelle
Yuusuf ka bixiyey mar la su’aaley qiimeynta Kacaankii oo ahays isagu ilaa
aakhirkii inuu aaminsanaa in Kacaanka iyo Hoggaankiisuba toosan yihiin,
laakiinse ay dib ka caddaatay inay habowsanaayeen, waayo ‘’Qaran
dhisan oo ay habeen la wareegeen ayaa Gacantooda ku Burburay’’;
B) Gobolka Mudug wuxuu soo maray seddex marxaladood oo kala ahaa xilligii
Gobannimada la qaatay oo Qaranka Soomaaliyeed dhismay oo Dalka loo qaybiyey
siddeedda Gobol oo Mudug noqotay afarta Degmo oo kala ah Hobyo iyo Ceelbuur oo
koonfurta Mudug la yiraahdo, iyo waqooyiga Mudug oo ah Gaalkacyo iyo
Dhuusamareeb, marxaladda labaad oo ahayd markii Kacaankii Maxamed Siyaad uu kala
gooyey oo ka dhigay Mudug iyo Galguduud oo mid waliba afar Degmo ka kooban
tahay, iyo marxaladda seddexaad oo markii uu Qarankii burburay, Qabyaaladdii iyo
Dagaalkii Sokeeyena Soomaaliya ka holceen loogu kala soocmay Qabiilka iyo
Sinji-Raaca, kaddibna ay abuurmeen Maamullada
Tolka ee Punt Land, Soomaali
Land, iyo wax la mid ah oo ilaa iyo manta weli lagu suganyahay, oo haddana weli
la moogyahay, ama la is moogeysiinayo inaan waddada qabiilka Qarannimadii lagu
gaarikarin, laguna gaaridoonin, saas darted ciddii seddexdaas marxaladood soo
joogtey su’aal an laga maarmidoonin ayaa hor taale waa inay mar uun wax iska
weydiiyaan;
Waxaa kale oo reer Mudugga Punt Land u yaal inay dib u eegaan sababta Oday
Cabdullaahi Yuusuf Gobolladu ugu sinnaayeen oo uu Mudug wax gaar ah ugu
qabanwaayey, oo Cadde Muuse Bari ugu eexday (Garoonka, Maxjarka, Sunami,
dayactirka Waddada, iyo mashaariic yaryar oo kale)? Maxaase Oday Faroole ugu
mintiday Garoowe oo keliya, Dalka intiisa kalena madaxa uga duubtay, marka lagu
daro Nugaal inteeda kale?;
Ugu dambeyn abaabulka Mudug ka socda oo shalay ku jiheysnaa inuu codkiisa
maqashiiyo maamulka Faroole, oo gaarsiiyo Talo-Wadaagga iyo Caddaaladda keliya
inuu ku ansixinkaro Dastuurka iyo Dimoqraaddiyadda muddada dheer la sugayey,
waxaa muuqata abaabulkaasi maanta inuu u jiheysanyahay ‘’Faroole
waa naga tashadee xaggee Talo kale ka doonnaa iyadoo Tolnimada iyo wada
Dhalashada Mudug iyo sideedii u jirto, una jiridoonto?’’; Taladaasna
waxaa ka mid noqonkara in Mudug lagu celiyo sidii ay ahaanjirtey xilligii
Gumeysiga iyo markii Qaranka Soomaaliyeed Dhashay;
C) Qarannimadii
Soomaaliya oo in la soo celiyo geed dheer iyo geed gaabanba loo fuulay, sokeeye
iyo shisheeyena iyagoo an u kala harin la baadigoobay, ilaa iyo haddeerna la soo
waayey, waxay nala tahay inay ka dhowdahay in dib loogu noqdo halkii Isticmaarku
uga tegey, kaddibna raadkeeda halkaas laga soo raaco, oo meeshii ay ka weecatay
laga soo toosiyo, halkaasna waddada toosan laga soo ambaqaado, taladaasna waxaa
fursadda ugu fiican oo 20kii sano oo la soo maray haysta Dawladda TFG ee hadda
xilka haysa, oo Soomaaliya u horseedi karta Nidaamka Federaalka oo ku saleysan
siddeeddii Gobol ee 1960kii oo lahaan jirey Xudduudo an Qabiil ku dhisnayn sida
maamullada hadda jira oo Soomaalidii u kala soocantahay qabyaaladda, weligeedna
an Qarannimo lagu gaaridoonin!.
Cabdirisaaq Shiikh Cismaan – Cali Baadiye
Wakilka Golaha Siyaasiga Mudug
reydabqacley [A T ] hotmail . co . uk
Qaybtii Koowaad ka akhri Halkan
Qoraalladii hore ee Cali Baadiye
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.
Faafin: SomaliTalk.com | June 3, 2012
|