HordhacSidaan lasocono waxaa lagu jiraa sanad guuradii
kontonaad ee kasoo wareegtay waqtigay xoriyadda qaateen labo gobol oo
kamid ah shantii qaybood ee Soomaaliya loo kala jaray markii gumaysigu
yimid. Su'aashu waxay tahay laga soo bilaabo 1960 kii bartamihiisii ilaa
laga soo gaaro 2010 bartamahiisa midnimadii ma nusqaantay?, xornimadiise
ma dhameystirantay? gobolo u sharaxan inay midnimadaas isa sii raaciyaan
majiraan? federaalku ma yahay hordhaca dawlado yar yar? Haddii laqabto
dibu heshiisiinta madaxweynayaasha Soomaaliya meeqa madaxweyne oo
Soomaali ah ayaa kasoo qayb gali karta? midnimada Soomaaliya suura gal
matahay? xariirka puntland iyo federaalka maxaa kala haysta, iyo wax
yaalo kale ayaan ooga hadli doonaa qoraalkaan soo socda:
Taariikhda kooban ee Soomaaliya (Brief History of Somalia)
Soomaaliya waa dawlad Afrikaan ah, Muslim ah, Carabna ah, ama la
carbeeyey, waxay ku taal bariga Afrika ,waxay xuduud badeed la leedahay
Yemen, waxay xuduud dhuleed la leedahay Kenya, Ethoipia iyo Djabuti.
Sanadkii 1884 ayuu gumeysigii ugu horeeyay yimid Soomaaliya dhankeeda
waqooyi, waa gumeystihii reer galbeedka ee Ingiriiska, halka dhanka
koonfureedna Talyaanigu qabsday 1889-kii, haddana ingiriskii ayaa dib
dhul balaarsi ugu qabsaday dhulkii talyaanigu haystay 1941, kadibna
talyaanigii ayaa dib loogu celiyay 1950kii, intaa kadib bartamihii 1960
Soomaaliya waxay qaadatay xornimo iyo midnimo aan dhameystirnayn laguna
tilmaami karo dhicis.
Waxaana xoriyadaas helay laba gobol oo kaliya, shucuubtii kale ee
Soomaalida ahayd waa la boobay oo dawlada kalaa loogu kala daray oo
lasiiyay dhulkii iyo dadkiiba, Soomaaliya ururadii jiray ayay kamid
noqotay, isla 1960 waxay ku biirtay Qaramada midooway, Ururka Midawga
Afrikana waxay ku biirtay 1963, Jaamacada carabtana 1973.
Astaanta Soomaaliya
Soomaaliya waxay leedahay calan midabkiisu yahay buluug oo ay dhexda
kaga taal xiddig shan gees leh, laguna aqoonsaday 50 kii sano ee lasoo
dhaafay, sidoo kale heesta qaranku waa "Soomaaliyeey toosa", tiinbaraha
jamhuuriyaduna waa laba shabeel oo calanka labada gees kahaya kuna
taagan warmo.
Madaxweynayaal:
Aadan Cabdullah Cusmaan (1 Jul 1960 - 10 Jun 1967).
Cabdirashiid Cali Sharmaarke (10 Jun 1967 - 15 Oct 1969).
Maxamad Siyaad Barre (21 Oct 1969 - 27 Jan 1991) |
Shirkii
Jabuuti: Cali Mahdi Maxamad (29 Jan 1991 - "3 Jan 1997").
Shirkii Carta, Jabuuti: DKMG: Cabdiqassim Salaad Xassan (27
Aug 2000 - Aug 2003). Shirkii Nairobi, Kenya: DFKMG:
cabdullaahi Yuusuf Axmed (10 Oct 2004 - Dec 29, 2008).
Shirkii Jabuuti, DFKMG: Shariif Sheikh Axmed (30 Jan 2009 -
Hadda) |
Nusqaamintii dhulka .
Soomaaliya waxaa la qorsheeyey in laka tuuro ama lakala qaybiyo, waa
lagu hardamayay Soomaaliya. waayo waxaa loo arkay meel istaraatiiji ah,
Ingiriiskii wuxuu somaali galbeed ku wareejiyay si tartiib tartiib ah
xabashidii heshiis ay galeen darti ayaga iyo Ethopia 1948 ilaa laga soo
dhameystiro heshiiskaas 1954, dhulkaas maalintaasuu ku daayay, intaa
waxaa dheer Ethopia intaas dhulka badan ayay sii rabtaa, sida ku cad
warqaddii Minilik u diray reer Yurub, waxuuna waraaqdaas ku sheegtay
Soomaalida dhulkeeda oo dhan inuu asagu xukumo,waraaqdaas ayadoo
dhameestiran ka fiiri buugga uu qoray Dr.. Saadiq Eenoow ee layiraahdo
Dagaalkii Ogaadeeniya .
CIRCULAR LETTER* sent by Emperor
Menelek to the Heads of European States in 1891: Warqaddii
Mililik u diray reer Yurub 10th April, 1891
"waayadii
hore soohdinta Itoobiya badda ayay ku sinnayd, hase ahaatee
kolkii ay weydey awood ku filan oo ay wax isaga caabbido,
xoogagga kiristaanka ahina ay wax kaalmo ah taaran waayeen
ayay soohdimahayagii badda gaarsiisnaan jirey waxay u
gacan-galeen quwado muslin ah"
Menelek II: April 10, 1891... Akhri... |
Wasiirkii u qaabilsanaa Ingiriiska mustacmaraadka war uu bixiyay
markii ay soo if baxday inay midoobayaan Soomaalida waqooyi iyo
Koonfureed ayuu yiri: kama soo horjeedno inay is raacaan labadaan gobol
laakiin maniyaysnin mana dhiiri galinayno in Djabuuti la midowdo
Soomaaliya, waxaa sidaas lagu sheegay buugga uu qoray Cabdi Yuusuf,
laguna magacaabo International conflict in Somalia (oo carabi kusoo
baxay), Mareykan wuxuu arkayay in Soomaalida oo dhan lagu wareejiyo
Ethoipia oo waxaa uu lahaa dadkaan waa dad faqri ah oo aan u
diyaarsanayn xornimo marka danahooda waxaa ay ku jirtaa in lagu daro
Ethoipia, hadalkana waxaa uu ku aadanaa 1960 kii, Faransiiska wuu iska
cadaa hadalkooda oo lamaba maqashiin karin Soomaali ayaa midoobeysa,
hadalkii caanka noqday ee Le gιnιral de Gaull (diigool) ee ahaa xeebta
Soomaliya oo kawaday Jabuuti waa qayb aan ka go'in faransiiska.
Speaking
at a reception In his honour (In Djibouti), on August 26th
1966, General de Gaulle said: The destiny of a country is
not decided by a show of placards. . . . The French Somali
Coast chose its constitution as French territory in 1958.
Source: Africa Research, Ltd - 1966.
Charles de Gaulle waxa uu ahaa madaxweynihii Faransiiska
intii u dhaxaysay 8 January 1959 28 April 1969 |
Sidaan la socono dhulkii Soomaaliya intii xornimada qaadatay maanta
waxay ka fikarayaan in ay dawlado gaar ah kala noqodaan, sida waqooyiga
Soomaaliya oo cadeystay inay go'een, waxaa xusid mudan in dawlado
Afrikaan ah kala goyntoodii bilaabatay sida Suudaan ka muuqata,
ifafaalahaasna Soomaaliya aad ayuu uga muuqdaa sida gobolada isku
diyaarinaya inay goostaan, intaas waxay muujinaysaa in laga yaabo inuu
meesha ka dhaco furiin siyaasadeed, ama Soomaaliya oo Tusbax go'ay laga
dhigo.
BUUFISKA MADAXWEYNE NIMO.
Soomaaliya dhibaatooyinka kajira waxaa ka mid ah ayadoo uu dadkii ku
dhacay buufis madaxweyne nimo, awel haddii laga fakari jiray sida
laysugu keeni karo hogaamiye-kooxeedyada hadda waxaa xal u baahan sidii
madaxweyne yaasha la isku waafajin lahaa, haddaan tusaale idin siiyo
inta qof ee hadda Soomaaliya Mudane Madaxweyne la yiraahdo waa ilaa 8
qof oo tilmaamahaan kala wata:
Madaxweynayaal (inta sawiradooda la faafiyey)
- Shariif Shiikh Axmed Madaxweynaha Soomaaliya (TFG).
- C/nuur Darmaan Madaxweynaha Soomaaliya(muqdishaa la,igu doortuu
ku doodaa iyo waliba taageero badan in uu leeyahayna waa sheegayaa)
- Baar Cali Xade Madaxweynaha Soomaaliya(gabar sheegatay
madaxweyne in ay tahay haysatana taageerada dadka jilicsan)
- C/raxmaan Sh. Maxamed Maxamuud (Faroole) Madaxweynaha Puntland.
- Daahir Riyaale Kaahin Madaxweynaha Somaliland.
- Axmed Maxamed Caalin Madaxweynaha Galmudug.
- Maxamed Macallin Aadan (Tiiceey) Madaxweynaha Ximan iyo Xeeb.
- Col. Jibriil Cali Salaad madaxweynaha Maakhir state
Madaxweynayaalkaas inta badan magac mooyee meel ay maamulaan ama
xafiis malaha, maamulada qaarkood waxay ka bilowdaan magaalo dhexdeed
waxayna ku dhamaadaan magaalo dhexdeed, kuwa shaqeeyana xariirkoodu aad
ayuu u xunyahay. Waxaan goob-jooge ka ahaa heshiis lagu kala tagay oo ay
gali lahaayeen Puntland iyo dawlada dhexe TFG, waxaan aad ula yaabay
xushmad xumada meeshaas taallay, labada mas'uul waxay isku qaabilayeen
sidii laba wiil oo makhaayad kawada shaqeeya, hadallada ay is
dhaafsanayeena uma qalmin magaca iyo jagada ay ku magacawnaayeen, intaa
kadib madaxweynayaashu markay isa salaamayeen midkoodna kan kale
madaxweyne ama Mudane ma lahayn, xiriir xumadaas waxay ku sii tusaysaa
ilaa hada qof maamulka Puntland kasocda oo mas'uul ka ah Xamar ma tagin
sida Somaliland ba aysan Xamar u tagin, marka waxba uma dhaxeeyaan
labadaas maamul dhanka xariirka, maloo kasayaa mise waa caadi aniga
waxaan is leeyahay kalsooni ayaan jirin.
SHAXDA CUSUB EE GUMEYSIGA.
Waxaa jirtay heshiisyo uu gumeesiga waa hore lagalay shucuubtii
Soomaalida ahayd ee ahaa in la mideeyo shucuubtaas oo xoriyadooda marka
loo soo celinayo aanan lakala qaybin, reer galbeedkii waa ka baxeen oo
waa tii dhulkii qaarna lasiiyay Ethoipia qaarka Kenya qaarna layiri
adiga kaligaa baa dawlad ah, ujeedadu maaha qoraalkaan inaan oga hadlayo
wixii waagaas dhacay, ee waxa soo socda oo aad mooddid inay kuwaas ka
daranyihiin, oo ay markaan reer galbeedku fulinayaan ayagoon wadan
magaca Gumaysi, sidoo kale waxaa goobjooge ka ah Soomaali ayagu fulinaya
shaxda ayagoo aan dareensanayn, waxaana atoore (actor) ka ah shaxdaan
dawladaha dariska Soomaaliya la ah, shaxdu waa shan waji (five faces):
Koow: deegaamayn loo sameenayo shucuubta degan Ethiopia, sida
qoomiyaadka oromada, ayagoo lagu soo daad gureynayo meelaha xasiloon
sida Puntland iyo Somaliland. Sanadkii dhammaaday ayaan booqasho ku tagay
labadaas gobol, xaafadaha qaar waxaa loogu magac daray magaalooyin
Ethoipia ku yaal, rag wax garad ah waxay ii sheegeen in magaalooyinka
waaweyn iyo tuulooyinka qaar shaqaalaha hoose ay yihiin dad kayimid
Ethoipia. Su'aasha ah Malaga yaabaa in dadkaan dagaal la'aan ay la
wareegaan magaalooyinkan baan weydiiyay?. jawaabtu waxay ahayd guryaha
ayay ba naga furaan oo waaba la daganyihiin, beeraha waa ay falaan,
baabuurtana waa dhaqaan, intaa waxaa dheer oo ugu Qatar badan waa lala
xididay oo gabdho "qurxan" ayaa ka yimaada Ethoipia. Nin Datoor (DR.) ah oo
gobolladaas jooga ayaan weydiiyay tira koob Malaga hayaa dadkaan soo
buuxiyay goboladaan? inta uu dhoola cadeeyay buu yiri ayagaa tira koob
nagu sameeya, laakiin anaga kumaanan samayn, waayo guryihii bay nala
daganyihiin, jiiro walba waa nooga soo baxaan, waxaan kaloo lasii yaabay
meelaha qaar lacagba kuma shaqeeyaan oo waxaa lasiiyaa cunto kaliya.
Ma maqashay israa'iil carabta waxaa ay kula xaajootaa nabad dhul ka
badalo, hada waa cunto dhul ku badalo, arinkaas waa arin dawlado waa
weyn kasoo fikireen ee maaha dad qaxooti caadi ah, oo soo qaxay waana
wajiga ugu dhibka badan, waxaa dheer intaa wax canshuur ah lagama
qaado, hadii la dhihi lahaa waan u baahanay oo lacag baa naga soo gasha,
tira koob cad lagama hayo dadkaasi Malaga yaabaa 20 sano kadib in luqada
rasmiga ee goboladaas ay noqoto Xabashi waa macquul, xog ay naga
aruuriyaan ma'ahane cidna iskuma mashquuliso inay xogtooda hesho
dadkaas.
Labaad: dhiiri galin goosasho, qorshahan waxaa uu tilmaamayaa in
dawalad goboleedyada la dhiiri galiyo siiba in hadii laga maarmi waayo
xaafadaha qaar madaxweyne doortaan, dhib malahan hadii la gaarsiiyo 52
dawladood, sida baarlamankaba 550 loo gaarsiiyay, xataa waxaa kaloo
jirta in dawladahaan yar yar in hadii loo baahdo laga furan karo
qunsuliyado, sida tan hada la baahiyay ee laga furay Garoowe iyo tii ka
horeeysay ee ahayd Hargeysa, waxaa intaas dheer safaaradaha reer yurub
ee dawladaha dariska ah fadhiya waa inay booqdaan meelaha maamulka ku
dhawaaqa si ay dhiirri galin ugu noqoto, sida booqashadii safiirka
ingiriiska uu ku tagay Hargaysa, iyo tii safiira reer yurub ah iyo
siyaasiyiin JUN 2010 ku tageen garoowe, waxaas oo dhan waa dhiiri
galinta qorshaha,hadii aad xaafad madaxweyne ka noqoto mustaqbalka
Soomaaliya reer galbeedka dhib kuma hayso in wafdi laguu soo diro
lagaalana hadlo hormarka xaafaddaas, taas kama wado gobolada xasilooni
iyo nidaam yaysan helin ee macnuhu waxaa weeye adiga ha fulin qorshe
aadan waxba ka'ogayn.
Mustaqbalka waxaa laga fikiri doonaa sidii dib u heshiisiin loogu
samayn lahaa madaxweynayaasha Soomaaliya, aqoonyahan cilmi- baare ka ah
Xarunta Al-ahram ee istaraatiijiyada ayaan waxaan ka maqlay Soomaaliya
hoos halaga soo dhiso, oo dawlado yar yar kadib hala heshiisiiyo ayagoo
madaxweyne wada ah, fikradaan waxaa looga doodaa maraakizta cilmi
baarista aduunka, Su,aashu waxaa weeye taas ma dhici doontaa, waa
macquul, hadaan ilaahay rag u soo saarin ka hortaga.
Sedexaad: qorshahaan waa mid ku salaysan duulaanka maskaxda ,oo
macnihiisu yahay in adoo isku qaba in aad tahay xor lagaa xukumo meelo
kale sida adoo lagaala taliyo arimaha ku saabsan safaradaada, amnigaaga,
cidda aad la coloobaysid iyo ciddaad la heshiinaysid, iyo in lagula
kootoroolo maamulka, ilaa aad gaarto safar hadii aad rabtid inaad marka
hore wacdid safaaradaha fadhiya Nairobi si bal aad ugu sheegtid in aad
baxi kartid.
Nin aqoonyahan ah ayaa wuxuu ii sheegay in qunsulka fadhiya gobol
kamid ah gobolada aan soo sheegay uu ka carooday qoraalo ku soo baxay
wargays kadib uu codsaday in la joojiyo, wuxuu ku cileeyay in dad kale
ka faa'idaysanayaan oo colaad lagu kicinayo, maxaa meeshaas kaaga baxay.
nin mas'uul sare ka ah gobolada aan soo xusay baa waxaa lagu yiri nin
yahoow maxaad qunsuliyadaan ooga baahantihiin?, waxaa uu ku jawaabay
qolo hebel ba waa u joogaan. oo uu ka wado nin kaloo madaxweyne ka ah
gobol kale ,hogaamiyaasha Soomaalida waxaa iskaga dhexyaacay laba qodob
oo kala ah in aad noqotid nin xor u ah siyaasadiisa oo aan noqon
(Subordination) gacanyare ama iska daba socde oo aad dhaqaale u noqotid
lahayste iyo inaad xor u noqotid taladaada iyo afkaartaada adoo Siyaasi
ah, siyaasi oo Soomaali ah xaggee ku xiranyahay is weydii?. Jawaabtu
qolo uun ayuu gacan yare u yahay, taas ilaa laga gudbo oo siyaasiga uu
sameeyo maxaa Soomaaliya dan ugu jirtaa ee uusan samayn maxaa dawlad
hebel ugu jiro waa jug jug meeshaada jog.
Afaraad: wuxuu ku saabsanyahay dhulka, macnaheedu waa in Soomaaliya
si guud la hoos geeyo dawladaha dariska aan nahay, sida koofurta oo dhan
in lahoos geeyo Kenya loona sameeyo wax layiraahdo dawlad goboleedyo,
waxaa daliil u ah in Kenya oo aan waligeed arimaha Soomaaliya qaab
military u faragashan ay maanta ciidamo somaaliyeed ku qarash gareenayso
kuna taba barayso gudaha Kenya, ciidankaasna ma hoos imaanayo dawladda
Soomaaliya sida la cadeeyay mana aha ciidan qarsoon, inta aan waday
baaritaanka ayaa waxaan arkay nin looyar ah una dhashay kenyaati oo
maqaal ka qoray somaliya qaybsigeeda waxuuna ugu magac daray. Why Kenya
and Ethiopia ought to annex and divide Somalia,ninka maqaalkaas qoray
waxaa la dhahaa DONALD KIPKORIR,dailynation ayay ku soo baxday octoobar
30 2008,qoraalka waxaa macnihiisu yahay maxay kenya iyo Ethoipia
fiirsanayaan may kala qayb sadaan Soomaaliya ,runtii ninkaan nin iska
hadaaqay maaha waa nin aqoonyahan ah kuna dhaw dawlada laga yaabee in
fikradaan uu maqlay ayadoo lagu sheekeesanayo,waayo raga waxa qora
iskama qoraan waxaa ay dareemaan wax jira
qoraalka
inta ka akriso ee uu ninkaas qoray 2008.
Why Kenya and Ethiopia ought to
annex and divide Somalia.
Shanaad: waa qorshe ciidan ah, sida ayadoo Soomaaliya lagu qaado
shuruuc cusub oo caalami ah sida ayadoo la dhaho labaatan (20) sano wax
bay qabsan waayeen, marka aduunka waxaa ka saran waajib qodob hebel oo
ah in calanka dib loogu celiyo xornimo gaarsiin dadban(wisaaya), UN-kana
lagu wareejiyo ilaa muda dhan labaatan (20) sano oo kale, nin ku
taqasusay qaanuunka caalamiga (International Law) ayaa igu yiri waxaa
laga yaabaa Soomaaliya 20 sano haday xiranto in qawaaniin lagasoo saaro
lagula wareegayo dhulkeeda si dadban, laga yaabee akhristoow in aad
tiraahdid hada oo lamarayo 2010 qarnigii 21aad see wadan loola wareegi
karaa? soo majiro qaanuun ilaaliya dawladaha awooda aan lahayn?waxaa
laguugu jawaabayaa aduunka oo lawada fiirsano ayaa wadan lagu soo duulay
kadibna madaxweynahoodii la dal dalay, (qoorta xarig loo suray kadib
lugaha loo bixiyay oo ay kala go'een madaxii iyo jirka intiisii kale),
shidaalkiina la boobay shacabkiisiina la gaajeysiiyay, see ku dhacday is
weydii qawaaniinta caalamiga ah intii dagsatay ayay ilaalisaa, waana
lajiifiyaana banana.
Gaba gabo: waxaan ku soo gunaanadayaa Soomaaliya waxay u
baahantahay gobanimadoon iyo inay ka xorowdo dhan walba sida dhinaca
dhaqanka, maamulka iyo siyaasadda, dhaqaalaha iyo nolosha, in laga
gudbyo reer hebel iyo urur hebel loona gudbo Soomaali iyo Soomaaliya
Allaha u naxariisto abwaan C/laahi Suldaan Timacadde waa kii yiri mar ay
xaaladdu sidaan oo kale u qallafsanayd dadkuna waxaan macna lahayn isku
haysteen:
- Dadkaan la hadlayaa baan lahayn dux iyo iimaane
- Bal inay dalfoof tahay caqliga dooni laga saaray
- Waxii horey u soo daashaday degashanaysaaye
- Doc haday u wada jeedsatoo dhowrto danaheeda
- Ooy duul walaala ah tahoo duunka kaheshiiso
- Dadka kama yaraateene ways dabar jaraysaaye
-
- dugsi maleh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane
AKHRI qaybta 8aad