C/raxmaan Taysiir wuxuu ka soo shaqeeyay goobo kala duwan oo
warbaahineed oo ay ka mid yihiin, Ayaamaha newspaper, Radio Mogadishu,
Somaliweyn Radio and website oo uu wararka uga diri jiray magaalada
Nairobi ee dalka Kenya, iyo wargeyska National Post oo uu ilaa haatan la
shaqeeyo.
Siminaaradda uu ka qeybgalay:
- 16kii ilaa 29kii Janaayo 2005, wuxuu C/raxmaan Taysiir ka
qeyb-galay siminaar ay BBC World Service Trust, u qabatay Online
Journalists (Wariyayaaha Websiteska).
- Janaayo 2006 wuxuu Taysiir helay shahaado ay bixisay BBC World
Service Trust, kaddib markii uu dhammaystay kooraskii ugu horreeyay
ee waxbarasho dhinaca Internetka ah, (I-learn Training course).
- February 2006, Taysiir wuxuu ka qeyb galay siminaar loogu
talagalay Sawir qaadayaasha, kaasoo BBC World Service Trust, ay ku
qabatay magaalada Hargaysa.
- 10 – 21 Dec 2007, wuxuu ka qeyb galay siminaar ay magaalada
Nairobi ee dalka Kenya ugu qabteen wariyayaasha Soomaaliya ka soo
qaxay hay’adaha Article19 Global Campaign for Free Expression iyo
United Nations Human Rights.
- 15kii ilaa 16kii July 2008, wuxuu Taysiir ka mid noqday
wariyayaal uu Wargayska National Post siminaar ugu qabtay magaalada
Nairobi.
Muxuu xiiseeyaa Taysiir?
C/raxmaan Taysiir wuxuu xiiseeyaa akhriska Qur’aanka Kariimka, marka
uu fursadda leeyahay wuxuu kaloo jecel yahay inuu akhriyo buugaagta
waaweyn ee sheekooyinka, cilmiga iyo taariikhaha ah, wuxuu sidoo kale
xiiseeyaa diyaarinta qoraallada, booqashada websiteyada, daawashada
filimaanta taariikhaha iyo dhaqamada laga matalo, daawashada wararka
Telefishinada, dhagaysiga wararka iyo barnaamijyada idaacadaha iyo
suugaanta, akhriska Wargaysyada iyo waxbarashada.
Waxyaabaha uu aadka u xiiseeyo maadaama ay ka mid tahay suugaanta
Soomaalida ayuu isku dayay Taysiir inuu hal-abuuro heeso, wuxuuna
sameeyay dhowr iyo toban hees oo jaceyl, waddani iyo wacyigelin isugu
jira, inkastoo aan lagu wada luuqeynin heesahaasi, haddana waxaa
suuragashay in la qaado 3 hees oo laba ka mid ah ay ku luuqeysay
fanaanada weyn ee Khadiijo Fooday Nuur, kuwaasoo kala ah Jaceyl iga
facweyn iyo Guurka Qarsoodigaøheesta kale oo lagu magacaabo Adiyo
Caashaq waxaa qaaday Maxamed C/kariim Shire (Moha), taasoo erayadeeda ay
ka mid yihiin:
- Weli adiyo caashaq
- Farxad maku caweyseen?
- Casuumaad makuu dhigay
- Dhiil cugan makuu furay
- Makaa siiyay caanoo
- Hoo cab makugu yiri?
- Cirka sare dushiisiyo
- Maku geeyay caadkoo
- Intuu kuu calaacalay
- Maku geliyay cuduroo
- Wax ha cunin makugu yiri
- Cunahana makugu dhegay?
- Anuu carrabka iga tolay
- Intuu caqliga iga xaday
- Igu raray culeysoo
- Marna I ciseeyaa
- Marna ila colloobaa!
Heesaha kale wuxuu ii sheegay in dhawaan lagu luuqeyn doono oo
qorshahooda uu socdo sida laxan u sameyntooda, mar aan weydiiyay waxa ku
dhaliyay inuu heeso sameeyo, wuxuu yiri “Habeen bay igu soo dhacday
inaan tijaabiyo hal-abuurkeyga, waxaana markaas ku guuleystay inaan
sameeyo hees aan ugu magacdaray jaceyl iga facweyn oo ahayd heesteydii
ugu horreysay, taasoo horseeday su’aalo igu soo shubmay oo iiga yimid
asxaabteyda haba ugu badnaadeene kuwa saxaafadda”.
Taysiir mar haddii uu qaaday tallaabadiisii ugu horeysay ee uu fanka
ku galay tijaababa ha ahaatee, maxaa dhaliyay inuu heeso kale ku sii
dhiirado sameyntooda?, “Waxaa igu dhiirrigeliyay Khadiijo Fooday oo
markii aan u geeyay heestaasi ii sheegtay in erayada ku jira ay yihiin
kuwo si cajiib ah u sameysan, waxayna igu baraarujisay inaan ahay nin
mustaqbal u leh inuu wax badan hal-abuuro, sidaas daraadeed ayaan u
sameeyay heeso kale, waxaa kaloo jira asxaab iga codsatay qisooyin ku
dhacay inaan wax ka sameeyo”.
Soomaaliya waxay soo martay marxalado kala duwan, “hadda waqtiga lagu
jiro maxay kula tahay in dhibaatada Soomaalida ay xal u noqon karto?”
ayaan weydiiyay C/raxmaan Taysiir, wuxuuna yiri “Waxaa xal noqon kara in
si daacadnimo ah ay dadka Soomaaliyeed isku walaashadaan oo ay meesha ka
saaraan cuqdadii kala gashay, ayna ka fikiraan sidii ay u dhisi
lahaayeen mustaqbalka ubadkooda”.

Taysiir oo dhinacyada ay ka taaganyihiin Abshir bacadle iyo Goobdoon
marka uu saxaada dhameeyay

Taysiir oo waraysana Nuuradiin xilligii
doorashada Punland
C/raxmaan Taysiir wuxuu aaminsan yahay in saxaafaddu ay qeyb ka
qaadan karto xal u raadinta dhibaatada hadda taagan iyo arrimaha nabadda
iyo dib u heshiisiinta, “Saxaafaddu waxay ka mid tahay fursadaha maanta
Soomaaliya lagu badbaadin karo” ayuu ku soo gunaanaday hadalkiisa.
Intaas ayaanu ku soo gabagabeeynayaa waraysigii aan Wariye C/raxmaan
Taysiir oo aan ku wada kulanay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Sababta keentay in aan waraysigan la yeesho waxay aheyd iyadoo uu ka
mid yahay wariyaasha ugu da’da yar ayaa haddana wuxuu ka mid yahay kuwa
ugu sii dadaalka badan mihnadda.
Dhamaad.
Wabilaahi Towfiiq.