Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha
ahaato
Horudhac.
Qormadan uguma tala galin in aan Shaqsiyadda Qof Somali ah meel ooga
dhaco, balse waxaan ula jeedaa in aan shacabka Somaliyeed u iftiimiyo
Xaqiiqada jirta. In waxa jira la sheegana waa waajib saaraan Warbaahinta
iyo qof walba oo wax garad ah.
(Labadii aan runta isku sheegin been ayaa u qarsoon) ayay Somalidu
tiraahdaa, haddii aanu Somali nahay way sahlantahay in la hilmaamo dadka
Danbiyadda ka gala shacabka. Dhanka kale shacabka Somaliyeed inta wax
qorta waxna akhrisa aad ayay u yaryihiin taasina waxay sahleeynaa In
danbiilayasha ay iyagu yihiin kuwa shacabka u haya Hogaanka balse taasi
hadda in laga gudbi doono ayaan filayaa. Qormaddana waxa ay u qorantahay
sidan..
Cali Geedi iyo Xilligii uu Ardayga ahaa.
Cali Geedi waxa uu ka midyahay dadka Fursadda u helay in ay wax ku
bartaan canshuurta shacabka danyarta Somaliyeed ay bixin jireen xilligii
dowladdii Military-ga.
Cali Geedi marka uu dhameestay tababar military sanadihii 70-kii
waxaa loo dhiibay shaqo ah in uu soo Jaajuuso ardayda ay isla dhigtaan
Dugsiga Sare iyo Jaacamada intaba. Xukuumadii siyaad Barre waxay
xirxirtay oo ciqaabtay boqollaal arday ah "iyadoo sal looga dhigayo
akhbaar uu bixiyey Geeddi.". sheekadan waxaa laga soo tabiyay dad Aqoon
u leh Cali Mohamed Geedi. Hooshan Basaasida waxa la sheegaa in ay Geedi
u sahashay Aabihiis oo ka tirsanaa ciidanka xooga dalka Somalia.
Ardaynimada waa mid ka mid xilliyada Ardayga ugu dhiba badan, Cali
Geedi waxa uu Qiyaamay Ardaydii uu wax la baran jirtay Macquulse ma
tahay in Geedi uu Ummad dhan oo mas’uul looga dhigay uu cadaalad ku
xukumo.
Cali Geedi iyo Xayiraadda dhoofinta xoolaha Somalia.
Markii dagaalka sokeeye ka qarxay Soomaaliya, Geeddi waxa uu ku
negaadey bannaanka Soomaaliya, inta badan Itoobiya iyo Kenya. Waxa uu
lataliye ahaan ula shaqeeyey dhawr laamood oo ka mid ah gobolka Afrikada
Bari oo qaabilsan xoolaha. Intii u dhexeysey 2003-2004 Geeddi waxa uu u
shaqeeyey "RSLTC" oo laga soo gaabiyey (Red Sea Livestock Trade
Commission). "RSLTC" waa laan hoos tagtay faraca Midowga Afrika u
qaabilsan khayraadka xayawaanka ee loo yaqaan "AU-IBAR" (African Union’s
Inter-African Bureau for Animal Resources), waxaana maal-geliya hay'adda
USAID, sidaas ayaa Geeddi ku noqday shaqaale USAID. Hotel raaxo badan oo
ku yaal Nairobi, Kenya ayaa waxa uu Geeddi u ahaa xafiiskiisa iyo meesha
uu deggan yahay, sida warbixno xog aruurin ah ay tilmaamayaan.
Runtu waxay tahay in uu xirfadiisa iyo jagada uu hayey u adeegsadey
sidii uu u curyaamin lahaa dhoofitaanka kobcaya ee xoolaha Soomaalida si
uu u caawiyo Maamulka Tigree ee dalka Ethiopia oo uu madaxda ka yahay
Meles Zenawi. Sannadkii 1996 barnaamij ay maal gelisey USAID oo ku
saabsanaa dhoofinta xoolaha ayaa la siiyey Itoobiya, halkii mashruucaas
laga siin lahaa Soomaaliya, talo uu bixiyey Geeddi awgeed. Talada Geedi
waxay aheed in xoolaha Somalia ay Cudur qabaan.
Geeddi waxa uu mas'uul ka ahaa mamnuucidii dhoofinta Xoolaha
Soomaaliya. Markii uu Geeddi u shaqaynayey hay'ad NGO ah oo laga
leeyahay Talyaaniga oo la yiraahdo Terra Nuova, waxa uu soo saaray
qoraal sheegeysay in Xoolaaha Soomaalidu ay qabaan cudurka loo yaqaan
"Rift Valley Fever", arrintaas oo sababtay in Xoolaha Soomaalida ay
mamnuucaan Dalalka Khaliijka, taas oo Soomaalida ka khasaarisay dakhli
malaayiin ah oo ka soo geli lahaa dhoofinta Xoolaha Nool. Arrintaasi
waxay jid aan muddo dheer sii jirin u furtay xoolaha Itoobiya in ay
fursad gaar ah ka heleen suuqyada Dalalka Khaliijka iyo wadamada kale ee
Carabta ah. Sidaas ayaana xoolihii Somalia ay dadlalkii loo dhoofin
jiray ku mamnuuceen in ay iibsadaan xoolaha Somalia.
Cali Mohamed Geedi cilmigii uu ku bartay Canshuurta shacabka Danyarta
Somaliyeed waxa uu u adeegsaday si Qaldan isagoo dalkiisa iyo dadkiisa
Qiyaamo Qaran ku sameeyay. Taariikhda ayaa xusi doonta wixii xaqiiqo
ah.
Cali Geedi iyo Masraxa Siyaasada Somalia.
Qof walba oo Somali ah wuu la socdaa qaabka uu siyaasada Somalia ku
soo galay, balse ma is waydiisay Cali Geedi sida fudud ee uu Siyaasada
Somalia ku soo galay.?
Loolankii xukunka ee u dhexeeyey Caydiid iyo Mahdi ee 1991-1992 waxa
uu ahaa waqti ka mid ah waqtiyadii ugu xumaa taariikhda Soomaaliya.
Xilligaas Geeddi waxa uu ahaa Gacan-yaraha Xoghaynta Difaaca ee Cali
Mahdi. Dagaalkaas ahliga ahi waxa uu galaaftay ilaa 50,000 oo Soomaali
ah taas oo ah in Geeddi lagula xisaabtamo.
Markii xukuumadda Somalia ee uu Geedi ka ahaa Ra’iisul Wasaraha
laguan soo dhisay dalka Kenya ay u guurtay gudaha dalka Somaliah Geedi
ayaa dalka Somalia lagu geeyay diyaarad ay leedahay dowlada Cadowga
Ethiopia . Maahmaah Somaliyeed ayaa oraneeysaa (Ninkii Dhagar Qaba
dhulkaa u dhaq-dhaqaaqa), Cali Geedi In dalkiisa Hooyo lagu keeyo
diyaarad ay cadowga Somaliyeed leeyahay waa mid sharafdaro u ah waana
mid ka mid sababta aan u doortay cinwaanka qormadda ee ah Cali Geedi
Ceeb kama xishooda miyaa. Geedi haduusan danbiile ahaan laheen diyaarad
Cadow Somaliyeed uu leeyahay Somalia laguma geeyeen.
Cali Mohamed Geedi waxa uu ka midyahay danbiilayaasha dalka u soo
hogaanshay gumeestaha Ethiopia, Ciidanka Ethiopia marka ay dalka soo
galeen waxa ay dhibaato u geesteen shacabka Somaliyeed iyadoo intii ay
Ethiopia dalka joogtay dagaalkana laguna jiray ay dhinteen (Shahiideen)
dad ka badan (16,000) lix iyo toban kun oo Somali ah iyadoo boqool kun
oo kalle ay dalka isaga soo qaxeen. Ilaa hadda shacab badan oo Somali ah
ay ku dhibaateeysanyihiin xuduudaha dalalka Dariska, Duleelka Mogadishu
iyo gudaha Somalia intaba.
December 28, 2006 ayey ahayd markii jaraa'idka adduunku ay qaadaa
dhigeen qoraal kusoo baxay shabakada
American Chronicle, qoraalkaas oo faallo dheer ka qoray Ra'iisul
Wasaaraha DFKMG ee Soomaaliya, Prof. Cali Maxamed Geeddi. Waxaana
qoraalkaas lagu xusay eedaymo aad u kulul oo loo soo jeediyey ra'iisul
wasaaraha oo lagu sheegay in uu xiriir qoto dheer la leeyahay xukuumada
Tigreega asagoo xiriirkaas awgeed danaha Itoobiya hor mariyey halkii uu
ka hor marin lahaa danaha Soomaalida. Sidaas daraadeedna in uu ku kacay
khiyaamooyin qaran, waa sida qoraalku u dhigay'e.
Ugu danbeentii Cali Mohamed Geedi ayaa masraxa siyaasada Somalia
isaga tagay isagoo guuldareestay balse waxa kaliya oo uu faa’iideestay
ay tahay in uu lunsaday lacago Malaayiin dollar ah oo shacabka
Somaliyeed loogu tala galay taasi oo keentay in isaga iyo Madaxwayne
C/laahi Yusuf ay isku dhacaan.

Guriga Geeddi ee Nairobi
Cali Geedi lacagihii uu Qaranka Somalia ka Khiyaamay qaar ka mid ah
waxa uu ku iibsaday Guri aad u qurxoon oo ku yaal Magaaladda Nairobi ee
caasimada dalka Kenya gaar ahaan xaafadda dadka hantida leh ay dagaan ee
la yiraahdo Lavinton. Balse ninka noocaan ah waxa uu wali kuu
raaxeeysanyaa hanti dadkii lahaa ay ka baahanyihiin qaarkoodna ay
dhibaatooyin farbadan ay ku heestaan daafaha dunida.

Geedi, Nuur Cadee iyo Cali americo oo ku sugan guriga Geedi, tacsidii
Bood
Cali Geedi iyo Guurka wiilkiisa.
In la guursada ma xuma, in waalidka Caruurtiisa uu wanaajiya ma xuma,
in Nimcadda Alle ku siiyayna ay kaa muuqdaan ma xuma, balse in Hantida
Qaranka la Qiyaamo kadibna Aroosyo iyo raaxo aan waqti badan sii socon
doonin lagu Qasaariyo ayaa ah wax laga fiicanyahay.
Cali Geedi jaceelka uu wiilkiisa u Qabo uma qabo dalkiisa Hooyo,
sababtuna waxay tahay iyadoo shacabka Somaliyeed ay dhibaatooyin
heestaan Cadowga uu dalkii Hooyo joogo ayuu wiilkiisa Aroos ku baxday
lacag lagu qiyaasay $1.9 ugu dhigay magaaladda Nairobi, arooskaas oo
socday tobaad laguna dhigay Hoteeladda ugu Qaalisan ee magaaladda
Nairobi. Kaaga daran xitaa Arooskan dadka marti sharafta ka ahaa
qaarkood waxaa Nairobi lagu keenay Diyaaro Qaas ah Qarashkana waxaa
bixinayay Geedi. Waxan igu maqaalo ah inkastoo aanan warkaasi hubin in
wiilkii lacagtan faraha badan ay arooskiisa ku baxday uu furay Gabadhii
loo guuriyay balse warkan waan sii daba gali doonaa.
Qof walba inta ay Garashadiisu tahay ayuu ficilkiisana Noqonayaa,
Cali Geedi haddii uu gartay in wiilkiisa uu ku Qasaariyo lacag xadigan
ah shacabka uu ka dhashayna uusan ugu yaraan xitaa u qodin ceel biyo ah
makula tahay in wanaag kalle oo laga sugo ay suuragal tahay.?
Cali Geedi iyo Xilka Madaxtimida Somalia.
Waxaad barataa waa baaskaa, Cali Mohamed Geedi markuu arkay in aysan
jirin dad la xisaabtamaya ayuu mar kalle isku dayay in uu Xilka
Madaxtinimadda Somalia isu soo sharaxayo balse riyadaasi way rumoobi
way. Kadib markii Baarlamaankii uu is lahaa lacag jeebka ugu shub ay
looga wacay dalka Djibouti halkaasna ay Madaxwanaha Xaqa ah ee Somalia
ay ku soo doorteen.
Xafladii uu Geedi ugu talagalay in uu ku Muujiyo Musharaxnimadiisa ee
ka dhacaday Magaaladda Nairobi waxaa ka soo qeebgalay dad Somali ah
iyadoo laga yaabo in dadka ka soo qeebgalay ay ku jiraan dad uu danbiyo
ka galay Cali Geedi inkatoo uuba danbi ka galay shacabka Somaliyeed guud
ahaantiis. (Danbiyadda aan ka hadlayo waa Xasuuqa iyo Qiyaamada Qaran ee
uu Qeebta ka ahaa Geedi).
Geedi wali kama uusan quusan in uu siyaasada Somalia dib ugu soo
laabto, balse haddii ay dowlad iyo shacab isku xiraan aan ahaan laheen
Geedi inta nolashiisa ka dhiman waxa uu ku dhameeysan lahaa Xabsi.
Cali iyo Ceebtii ugu danbeeysay ee ku dhacday.
Madaxwaynaha Somalia oo waayadan socdaal ku marayay dalalka Africa
ayaa safarkiisii ugu horeeyay uu ka biloowday dalka Kenya, kahor inta
uusan Madaxwayne Shiekh Shariif safar ku tagin dalalka Uganda, Brundi,
Rwanda, iyo Libya uu ka kulmay Jaaliyadda Somaliyeed ee ku nool dalka
Kenya hortaantii bisha march.
Kullanka Madaxwaynaha iyo Wafdiga uu hogaamiyo ay la yeesheen
Jaaliyadda Somaliyeed ee dalka Kenya waxa uu ka dhacay Hotel Panari ee
magaaladda Nairobi. Xafladaan oo si wanaagsan loo soo agaasimay ayaa
markii ay Hoowlka xafladda ay ka socota ay soo galeen Madaxwaynaha
Somalia iyo wafdigiisa waxay dadkii Howlka fadhiyay mar qura indhahooda
ay u weeciyeen Cali Geedi oo madaxwayne Shariif sidii in uu yahay
Ra’iisul wasaare dhinac socda. Kadib maxaa dhacay.

Xaflaadii Hotel Panari
Markii Madaxwaynaha iyo Wafdiga la socday ay sidii loogu tala galay
fariisteen Kuraasta Marti sharafta ayuu Cali Geedi dhinac fadhiistay
Shariif Hassan iyo Madaxwayne Shiekh Shariif balse nasiib daro waxaa
biloowday foowdo iyo buuq iyadoo dadwaynaha ay ku qaylinayeen Cali Geedi
meesha ha isaga kaco.
Ugu danbeentii Cali Mohamed Geedi waa laga kiciyay Booskii Marti
sharafta iyadoo la dhaxfadhiisiyay Kuraasta loogu tala galay dadwaynaha
xaflaga ka soo qeebgalay.

sawirkan Cali Geedi oo dadwanaha la dhaxfadhiisiyay.
Arrinti waxa ay cadeeynaysaa in Geedi aysan siyaasadda Somalia uusan
wax mustaqbal ah ku laheen. Shacabka Somaliyeed wixii hadda ka danbeeya
way xasuusnaan doonaan kuwa danbiyadda ka galay.
Guntii iyo gababadii waxan ku gunaanadayaa tuducyo ka mid ah Gabay uu
tiriyey Abaanka weyn ee Maxamed Warsame Ibraahin Walanwal oo ku magac
dheer “Hadraawi” baydadkaan oo ka hadlaya Hoggaanka waxayna yihiin
sedan:
- Naaleeye Habacsane
- Yaa Horseede kaa Dhigay?
- Ma adigaa Hoggaanshe ah?
- Gobanimo Hawadin kara?
- Qarannimo Hitiqin kara?
- Isku duubni Hanan kara?
- Dal Sabool ah Hagi kar?
- Himilada Xil furan kara?
- Taariikh la Hari kara?
- Hal-Abuurka Sharafka leh
- Murtidiisa Helin kara?
- Hoodaale Noqon kara?.
Wabilaahi Towfiiq.