Mohamed Dheere:- Maxaad ku tilmaami laheyd.?

Ibraahim Da'ud Abdalle "Gentleman"
ibraahim@journalist.com
Naiarobi-Kenya.
http://www.somalitalk.com/gentleman/
Asalaamu Calaykum.
Mohamed "Dheere" oo xilkii laga xayuubiyay qof walba oo ay dhagtiisa ku soo
dhacdo dabcan wax badan ayaa maankiisana ku soo dhacaya.? Inkastoo xilka
qaadisatay aysan macna wayn ku fadhin, xilalka dadkii lagu xukumi lahaa dhibaato
ba'an ayay ku suganyihiin.? Dadku isku fikir kama wada aha siyaasadda dalka
haatan ka taagan iyo isbadalka siyaasadeed ee ay horumuudka u yihiin
Isbaheeysiga Dib u xoreynta intaba. Ali Mohamed Geedi iyo Salaad Ali Jeele
markii xilka laga xayuubiyay miyay aheyd in Mohamed Dheerene lagu daro.? Mise
xillikan ayay ku habooneed. sidee kulla tahay Aqriste.

Mohamed Cumar Xabeb "Mohamed Dheere".
Mohamed Cumar Habeb "Mohamad Dheere" waxa uu soo caanbaxay xilligii dowladii
Carta ay jirtay, sidoo kalle waxa uu ahaa Gudoomiyihii Gobalka Sh/Dhaxe kahor
inta aysan Midowgii Maxaakimta aysan soo ifbixin. Mohamed "Dheere" waa saaxiib
ay ku tashaadaan dowladda cadowga aanu nahay ee Ethiopia oo taageeradda ka
heshsa dowladda USA waana qofkii booska ooga baxay Ali Mohamed Geedi oo xilka
Ra'iisul Wasaaraha ka ahaan jiray dowladda FGKM. Xilka Ali Geedi waxa uu ahaa
fursadii ay dowladda Ethiopia kaga faa'iideeysatay in ay xeebaha dalka Somalia
gaarto ileyn Madaxwayne Abdulaahi Yusuf oo kaliya waxba ma qaban Karin. Dantii
cadowga uu ka lahaa Geedi markii ka gaarayne waatii qashinka lagu daray. Yaanan
ku dheeraan sheekadaas.
Mohamed Dheere iyo Dowladda.?
Markii Abdulahi Yusuf Dowladiisa loo diiday in ay ku shaqeeyso magaaladda
caasimadda ah ee Mogadishu Mohamed "Dheere" waxa uu ahaa shaqsigii dowladda ku
soo dhaweeyay in ay si kumeel gaar ah ugu shaqeeyso Magaaladda Jowhar ee 90 km u
jirta Caasimadda dalka xilligaasna uu xukumi jiray Mohamed dheere. Inkastoo
xilligaasi awooda dowladda ay aheyd mid xadidan oo xitaa Abdulaahi Yusuf oo geed
isaga xiray balse laga siyaasad badnaa oo dowladda way ku soo mooday.


Markii Midowagkii Maxaakimta ay inta badan Koonfurta dalka ka talin jireen
Mohamed dheere waxa uu warbaahinta u sheegay in uu dalka ku soo laaban doono,
way u suura gashay dalkana dib ayuu ugu soo laabtay isaga soo galbinaya ciidan
Ethiopian ah. Ma xuma qof walba iyo taagtiisa Mohamed "Dheere" waxa ay la aheyd
in Ethiopia ay gacanta u galin doonto awood ka badan tii hore. Bale wax badan
ayuu ku sigtay in la dilo oo ninkii tiisa gashaa baa dhiman. Manta sharaf daro
ayay ku noolyihiin intii Ethiopia soo horseeday Mohamed "Dheere" qeeb ayuu ka
yahay. Ethiopia wixii jecel iyo wixii dalka keenayba halkeey dalka kaga noolaan
doonan marka Ethiopian-ka ay dalka isaga baxan sida ay rabaana haku baxaan..?
Horaantii sanadkii 2007 markii Midowgii Maxaakimta loo awood sheegtay, Mohamed
"Dheere" waxa loo magacaay Xilkan hadda laga xayuubiyay ee gudoomiyaha Gobalka
Banaadir. Maalintii loo dhiibayay xilkaasi waxa uu ku han jabay sidan "Ciddii
weerar u geesata dowladda ama qaraxyo ka geesata Gobalka Banaadri waxaan u
sheegayaa inay iyadu masuul ka tahay dadka loo xirayo, halka la geynayana ay
tahay mid EEBBE og yahay". Hanjabaas kadib Mohamed "Dheere" muxuu Mogadishu ku
soo kordhiyay.? Dilalka loo geestay Gudoomiyaashii dagmooyinka haddii la
waydiiyo muxuu ka oran doonaa.? Shacabka ku dhintay kuma barakacay Gobalka
Banaadir Maamulka Mohamed Dheere maxay u qabteen maxaye u dhimeen, jawaabaha
su'aalahaas wali lama hayo. ?

Balse dad badan waxa ay xasuusanyihiin Mohamed "Dheere" in uu isku dayay in uu
Mogadishu ka dhigo sidii Jowhar oo kalle sida isagaba wuu sheegay Jowhar iska
dhaafeee xitaa socdaalkiisa gudaha Mogadishu aad buu u yaraa. Midda ka sii
yaabka badneed waxa ay tahay in Mohamed "Dheere" uu dadka Mogadishu inta dagan
xaafadaha aan laga Qaxin uu ugu hanjabaya in qofkii Gurigiisa lagu hor arko
"Tiin-Tiin" lacago ganaax ah laga qaadi doono. Balse ganaaxaasi halkuu ku
danbeeyay.? Xaafaddaha qaarna dhagba jalac looma siin ileyn Maamulka Mohamed
"Dheere" meelo ka tirsan Mogadishu ayuu ku koobnaa. Nin isaguba gacan ku ganbad
ah magaalo Madax ma maamuli karaa.?
Xilka Mohamed "Dheere" inta ay Ethiopia dalka joogto waa diyaar.?
Dowladda Ethiopia Mohamed "Dheere" waxa ay u aqoonsantahay in uu yahay saaxiib
aan laga maarmin. Waxa uu horseed u ahaa in Ali Geedi uu dowladda FGKM uu
Ra'iisul Wasaare ka noqdo taaso dowladda Ethiopia ay ku baneeysatay in ay ku
faafto dhamaan gudaha dalka Somalia gaar aahan caafimadda dalka ee Mogadishu.
Markii ciidanka Ethiopia ay dagaalka ba'an kuu ka qabsaday magaaladda Mogadishu,
Mohamed "Dheere" iyo maamulkiisa waxa ay ka caawiyeen ciidanka cadwoga Ethiopia
in ay shacabka xasuuqan. Hool wanaagsan ayuu Mohamed "Dheere" qabtay haddii mar
shacabkii la xasuuqay magaaladii ay daganaayeene laga barakiciyay marka
abalaamarinta Ethiopia maxay Mohamed "Dheere" ooga dhigi doontaa.? Mohamed
"Dheere" intii uu maamulka Gobalka Banaadir madaxka ka ahaa waxaa la xasuuqayay
in ka badan 8,000 oo qofood oo shacabka Mogadishu daganaa u badnaa isla markanaa
1.5 million waa 2 meelood shacabka Mogadishu wayba ka qaxeen Gobalka Banaadir.

Inta ciidanka Ethiopia ay dalka joogaan Mohamed "Dheere" iyo dabadhilifyadda
cadowga waxa ay sii ahaan doonaan Madax. Markii Hogaamiye kooxeedyadii ay
Midowgii Maxaakimta u awood sheegteen Mohamed "Dheere" iyo Cabdi Qaybdiid oo
Hogaamiyaashii loo awood sheegtay ka mid ah waxa sheegeen in ay dalka dib u soo
laaban doonaan markii ay soo laabteena abaalmarintooda waxa ay noqotay in Madax
ku sheeg laga dhigo. Isku haleen dameer ayaa hooyadii dabada kaga nuugay
Ethiopia ayaa markaasi la isku haleeynayay haddii dalka ay ka baxdana maxa la
isku haleen doonaane.? Rag badan waxbaa u dhiman.
Mohamed "Dheere" oo xilga laga qaaday aniga waxa ay iila midtahay "riwaayad
siyaasadeed". Mar aan magaaladda Nairobi an kulla sheekeestay mid ka mid ahaa
madaxkii Midowgii Maxaakimta xilka qaadista Mohamed "Dheer" maxay la Macna
tahay.? Baan waydiiyay wuxuuna iigu jawaabay in Mohamed "Dheere" dowlada
cadowaga ah ee Ethiopia ay damacsantahay in ay maamulkii Gobalka Sh/Dhexe loo
soo celiyo sida Muuse suudiba loogu celiyay Hubkiisii. Balse wuxuu hoosta ka
xariiqay In aysan suura gal aheyn in Mohamed "Dheere" uu maamulkiisa dib u soo
ugu laabto.
Mohamed Dheere maxaad ku tilmaami laheyd.?
Mohamed "Dheere' ma siyaasi baa mise waa Hogaamiye kooxeed.? Ma ahan nin aqoon
leh ama sidda Abdlahi Yusuf oo kalle aqoon ciidan soo bartay siyaasadda Somalia
ee hadda jirtana kaalin lixaad leh ayuu ka qaatay gaar ahaan xasuuqa shacabka
Somaliyeed marka maxaan ku tilmaami laheed Mohamed dheere.?
Ali Geedi intuu ahaa Ra'iisul wasaaraha waxa uu qabsaday hoolo badan oo ay ka
midtahay in arooska wiilkiisa uu noqday arooska lacagta ugu badan ay ku baxdo
geeska Africa sanadiihii lasoo dhaafay iyadoo Nairobi lagu dhigay madax sare oo
Somali ahna ayba arooskaasi ka ciyaareen, sidoo kalle waxa loo balan qaadary in
uu guri looga dhisay dalka USA sidda warbaahinta caalamka ay soo badhigtay.
Koleey intaas iyo in ka badan wuu shaqeestay xisaabtana maalinta aakhiro ayay
jirta marka Mohamed "Dheere" muxuu qabsaday intuu uu ahaa Madaxda.? Miskiinka
caruurba malahan sidii Ali Geedi hadduu sameen lahaa. Abdulaahi Yusuf oo kalle
maahan oo siyaasadda wax badan kama garano waa nin xoog aaminsan.
Ugu danbeentii isbadalka siyaasadeed ee dalka ku soo socda Alle ha inooga dhigo
mid Nabad iyo naruuro ah, xilligii Gumeestaha iyo Xasuuqa shacabkana waqti aan
badneen ayaa ka haray. Balse Mohamed dheere oo xilka laga xayuubiyay yaa xigii
doona.? Haddii Mohamed dheere xilgan laga qaaday xil kalle maloo dhiibi doonaa.?
Mohamed dheere qorshe sidee ah ayuu la iman doonaa.?.
inta badan qoraaladda aan soo qoro waxaan isticmalaa sawiro, maxaa yeelay
qoraalo badan oo aad soo qori lahaa ayay sawiradda waxa ay u yihiin cadeen sidda
Amin artis-ba uu webkiisa ku soo bandhigo sawiro aysan qoraalo dhaadheer
raacsaneen. sidaas daraaded ayaan sawiradda ugu xushaa qoraaladeeyda.
Somalia somali baa leh.
Wabilaabi towfiiq.
Ibraahim Da'ud Abdalle "Gentleman"
Ibraahim@journalist.com
sayfudiin@hotmail.com
Nairobi-Kenya
Ximan
& Xeeb:- Maxay soo kordhin doonaan?..
Akhri..