Ra'ila Odinga:- Somalia waxa ay Khatar ku tahay Nabadda dalka Kenya.!!

Ibraahim Da'ud Abdalle "Gentleman"
ibraahim@journalist.com
Naiarobi-Kenya.
http://www.somalitalk.com/gentleman/
Asalaamu Calaykum.
"Siyassadda dalka Mareekanka waa siyaasad labo wajiilanimo ah "Double
standard"!. Afayeenka dolwda Kenya Alfared Matua
Hordhac.
August 7, 2008 goorsheegtadda magaaladda Nairobi ee dalka Kenya ay aheyd 2:30
Duhurimo ayaan booqasho ku tagay dhismihii hore ee safaaraddi dowlada America ay
ku laheyd bartamaha magaaladda Nairobi ee Qaraxa lagu bur-buriyay sanadkii 1998
iyaddoo xilligaasi ay ka goobtaasi ay ka socotay xaflad balaaran oo ay soo
qaban-qaabiyeyn dhibanaayashii Qaraxyadii safaaradii America ee Nairobi loo
geestay iyaddoo banaanka hore ee goobta xafladda ay ka socotay aan ku arkay
Teendhooyin ay ku xardhaneed Dhiig ku deeq "donate blood".

Mid ka mid waardiyaasha xarunta ay ka socotay oo
fiirinaya sawir la soo xardhay Osana Bin Ladena uu
ka muuqdo.sawirka /AP.
Horay ayaan u sii galay dhismahan oo haatan loogu magac daray "memorial park"
iyadoo meesha aan ku arkay sawir gacmeed uu ku sawirnaa Osama Bin laden iyo dad
badan oo ay ka muuqdaan dhaawacyo qaarna ay dhinteyn. Calamadda dalalka America
iyo Kenya ay meesha dhax babanayeyn goobtaasi oo ay dad badi isugu yimaadeen.
1998 Qaraxyaddii safaaraddaha dowladda America ee Kenya iyo Tanzania.!!
Bishii August 7, sanadkii 1998 abaaraha Saacadda magaaladda Nairobi marka ay
aheyd 10:30 subaxnimo waxaa Qarax aad u weyn lala beegsaday safaaradii dowladda
America ay ku laheyd bartahama magaaladda Nairobi ee dalka Kenya, Qaraxaas oo ay
ku dhinteyn in ka badan 200 oo qofood iyadoo dad tiradoodu lagu sheegay 5,000 oo
kalle ay ku dhaawacmeen dadka dhintay waxaa ka mid ahaa 12 American ah oo ka mid
ahaa Shaqaalihii ka hoolgali jiray safaaradda. Qaraxaan la yaabka ahaa ee ka
dhacay Nairobi waxaa la mataaan ahaa Qarax kalle oo Safaaradda dowlada America
ee dalka Tanzania lagu bur-buriyay waxaana sidoo kalle Qaraxaan Safaaradda
Tanzania ee dowlada America ku dhintay dad ka badan 11 qofood iyadoo tiro kalle
oo dad ahna ay ku dhaawacmeen.

muuqaakan waa dad badan oo badbaadinaya qof dhaawac ah Qaraxyadii safaaradda
Nairobi ee
dowladda America.
Qaraxyadaan Safaaradaha dowlada America lala beegsaday waxaa isla durbadiiba
eeda dusha looga tuuray Ururka Al-Qa'ida balse xilligaasi xaruntiisu ay aheyd
dalka Sudan ee dariska la ah dalkani Kenya. Dhank kalle dowlada America waxa ay
sheegtay shaqsiyaad ay sheegtay In ay ka danbeeyeen. Liiska dadka dowlada
America ay ku tilmaamtay in ay ka danbeeyaan Qaraxyadaan looguna doonista
badanyahay waxaa ka mid ah Osama Bin Laden, Ayan Al-dawahiri Fazul Abdullah
Mohamed oo reer Galbeedka ay aaminsanyihiin in uu dalka Somalia ku noolyahay,
Abdulah Axmed Abdullah oo dowlada America marar badan ku sheegtay in uu ku
dhuumaaleeysanayo dalka Somalia gaar ahaan Islaamul Gobaleedka Puntland iyo rag
kalle oo dhamaantood ah Islam. Dabcab kama marna dalkeena Somalia oo marar badan
ay dowlada America sheegto in ay gabaad u tahay argagixisadda caalamiga ah.

waa dhismihii safaaradda dowladda America ee magaalada Nairobi karhor inta
aanan Qarax lagu Bur-Burin dhismaayshana bartamaha magaalada Nairobi ayay
ku yaalaan.
Saafaradii hore ee dowladda America waxa ay ku taali jirtay Bartahama magaaladda
Nairobi , balse Qaraxyadaasi kadib waxaa loo wareejiyay deegaanka Girigiri oo ah
halka ay ku taal Xarunta UN-ka ee magaalada Nairobi waana meel aad ameenkeeda
loo adkeeyay walibana ay ku yaalaan xarumaha safaaradaha ugu badan ee magaalada
Nairobi ay ku leeyihiin dowladaha reer Galbeedka.
Dhibanayaasha Qaraxyadan iyo Xuska sanad walba..?
Dhibanaasha Qaraxyadan ayaa sanad walba waxa ay soo diyaariyaan Kullan loogu
tala galay in lagu xuso sanad walba markii uu Qaraxn dhacay, balse dhinaca kalle
sanadkii 1999 ayaa ugu danbeeysay Madax ka socota dowlada oo ka soo qeebgasha
iskaba dhaaf Madax ka socoda dowlada America. Mid ka mid ah dhibanayaasha ayaa
yiri Saraakiisa sare ee Dowlada America ee Safaarada America ee Nairobi waxa ay
noogu iman la'yihiin waxa ay tahay iyagoo amaankooda u cansanaya iyo in la
waydiiyo lacagihii mag-dhowga ahaa ee dadka dhibanayaasha loo balanqaaday. Balse
sanad walba dowladda America wax ay sameeysaa xaflado si gaara soo agaasimay
laguna dhigo magaalada Nairobi.

Muuqaalka sare ee bartamaha magaaladda Nairobi oo
ay iyo dad badan oo jidka safaran iyadoo teendhooyinka
cad-cad ee sawirka ka muuqda ay yihiin xarunta ay
xafladda ka socota ee Momorial Park sawirka/ Ap
Ra'iisul Wasaaraha dowladda Kenya Ra'ila Odinga oo ah shaqsi dadka reer Kenya
Muslim iyo Gaalba ay jecelyihiin ayaa ka soo qeeb galay xuska sanad guuradda ka
soo wareegatay 10 guuradii Qaraxyadii Safaaradda America ee magaalada Nairobi.
Ra'iisul waraare Raila Odinga ayaa inta badan khudbadiisa ooga hadlay arrimo ay
u badnaayeen la dagaalanka Argagixisadda balse haddiiba argagixiso laga hadlayo
dalka Somalia afka ayaa lagu buuxsadaa in ay tahay gabaad u tahay rag badan oo
argagixiso ah. Hagaag .

Ra'iisul Wasaaraha Kenya Ra'ila Odinga oo ubax dhigaya
Dagaxa logu qoray magaxaydda dadkii ku dhintay Qaraxyadii
safaaradda Ameica ee Nairobi.
Ra'ila Odinga waxa uu khubadiisa ku sheegay in sharci daradda dalka Somalia ka
jirta ay cabsi ku tahay amniga dalka Kenya. Isagoo dhinaca kale sheegay in ay
dadaal badan ku bixin doonaan sidii Somalia ay nabad waarta ooga dhalan laheyd.
Dhibanyashii la hilmaamay "Forgotten victims".!!
Dhibanaaysha Qaraxyadii lagu Bur-buriyay safaaradda America ee magaaladda
Nairobi ee dalka Kenya waxa ay isku magacaabeyn in ay yihiin Dhibanayaashii la
Hilmaamay "Forgotten victims" sababta magac ulla baxan maxatahay.?
Congress-ka dalka America ayaa ugu deeqay lacago aad u fara badan Dadkii ku
waxyeeloobay weerarkii Diyaaradaha ahaa ee magaalada Newyork bishii September
11, ee sanadkii 2001 iyadoo qof walba oo dhibaato ay ka soo gaartay weerarkii
mag-dhow ahaan loo siiyay lacag gaareeysa $1-2 million dadkaas waxaa ka mid ahaa
dadkii American-ka ahaa ee ay waxyeelada ka soo gaartay Qaraxyadii safaaradaha
America ay ku laheyd dalalka Kenya iyo Tanzania balse dadka u dhashay Qaaradda
Africa waxba waxaa magdhow ahaan loo siiyay lacag gaarayaa $400-9,000 iyadoo la
eegayo qof walba sida ay wax u gaareen. Wambua oo u dhashay dalka Kenya
arrintana wax laga waydiiyay waxa uu ku jawaabay "Sababta way iska cadahay anagu
waxaanu nahay African". Isagoo ulla jeeday in haddii ay dhalashadooda America
ahaan laheyd mag-dhow fiican ay heli lahaayeen. Mid kalle oo dhibanayaasha ka
mid ah ayaa ku calaacalay in haddii aysan safaaradda America ay leedahay ee
Nairobi aysan shaqaale ka ahaan laheyn aysan waxa ku dhacay aysan ku dhici
laheyn.

Michel Rennerberger safiirka dowladda dalka America u fadhiya dalka kenya oo
saxaafadda kudaha ee dalka kenya u waramaya.
"Dadkii ku waxyeelobay Qaraxyadii argagixisadda ku bur-buriyeen safaaradda aan
ku laheyn Nairobi waxay dowladda America ugu deeqday lacag gaareeysa $42
million, waxaan daweeynay dadkii ku dhawacmay, dadkii ku waxyeeloobay caruur ay
dhaleena waxan siinay deeqo waxbarasho" sidaa waxaa yiri Safiirka dowladda
America ee dalka Kenya Michel Renneberger.
Sidda uu sheegay Micherl Rennerberger lacagta America ay ugu talagashay dadka
Qaraxyadan ku waxyeeloobay waa $42 millon balse lacagtani halkeey bay aaday.?
Mid ka mid ah dadka ku waxyeelobay Qaraxan una dhashay dalka Kenya ayaa cadeeyay
in lacagahaan aysan soo gaarin iyadoo dowladda dalkani ay tahay dowlad ku
caanbaxay wax isdaba marinta iyo Musuqmaasuqa "Corruption" " Dowladda waxa ay
loona dhaqantaa sida dad Rabshad wadayaal ah oo kalle, mararka qaarna sida dad
tuugsanaya oo kalle" sidaa waxaa tiri Flore Wamukowa oo Safaaradda America ee
Nairobi shaqaale ka aheyd dhaawac xuna uu soo gaaray iyadoo waliba ay dhashay
wiil dhicis ah.

Alfred Mutua: Afhayeenka Dowladda dalke kenya.
Dhinaca kalle Afahayeenka dowlada Kenya ninka lagu magacaabo Alfared Matua ayaa
yiri "Waxa kalliya ee aan ka cabaneeyno waa in aysan dowlada Kenya awood u leyn
in dowladda dalka America ay cadaasi ku saarto sidii ay mag-dhow la mid ah midka
dowlada dalka America ay siisay shacabkeeda ay sidoo kalle siiso shacabka
dalkeena Kenya" balse dhinaca kalel waxa uu siyaasadda dowladda America ku
tilmaamay in tahay siyaasad Labo wajiilanimo ah "Double standard".
Dalka Somalia iyo Argagixsadda.?
Dalkeena Somalia waxa ka socda iyo caalamka waxa uu naga aaminsanyahay intaba
waan la soconaa. Waxaan filayaa taasi uma baahna sharaxaad balse Somalia ma dal
Argagixisadda gabaad siyaa.?
Marka taarikh dheerba aanan dib ugu laaban waaradii diyaaradeed ee dalka America
lagu weeraray kadib Somalia waxa ay noqotay meel ay farta ku soo fiiqaan madaxda
sare ee dowladda America ee uu ugu horeeyo madaxwanaha dowladda America G. W
Bush.

Abdulaahi Yusuf oo farxad ay ka muuqato dhaxdana kaga jira Jindia Frazer iyo
Michel
Rannerberger magaalada Baydhabo Ali Geedina meesha wuu ka muuqada
sawirka/Daylife.
Somalia hala weeraro iyo maxaa laga weerayaa oo meesha yaal.? waa su'aalo in
badan ay is waydiiyeen madaxda dowladda America. Balse intaas kadib waxaa dalka
Somalia wixii ka danbeeyay sanadkii 2001 ku soo yaacay Warbaahinta caalamka gaar
ahaan kuwa reer Galbeedka iyadoo ugu danbeyntii soo xaqiijiyay in aysan Somalia
argagixiso ka jirin. Raggii ugu horeeyay ee sheegay in Somalia ay argagixiso
joogto waxaa ka mid ahaa Madaxwaynaha haatan dalka madaxda ka ah Abdullahi Yusuf
Axmed.
Dhinaca kalle Midowgii Maxaakimta islaamiga ee Somalia markii ay masraxa
siyaasadda Somalia ku soo biireen kadib markii ay dagaal sanadkii 2006 socday ay
afka ciida u dareen Hogaamiyashii dagaalka ee magaaladda Mogadishu oo dowlada
America dhaqaalo xoogan ooga helayay sidii loo bur-burin lahaa awooda kooxaha
waxa ay reer Galbeedka ugu yeeraan Islaamiyiinta. Waxa ay reer Galbeedka
bilaabeen ka hadlidda arrimaha Somalia iyo in mar kalle dib loo soo celiyo in
Somalia ay joogto argagixiso. Kadib maxaa dhacay.?
Midowgii Maxaakimta Islaamiga oo ka koobnaa kooxo iyo shaqsiyaasad kalla ujeedo
ahaa balse isku ujeeda ka ahaa in somalia ay dowlad islaamiyo ah ay yeelato ayaa
garan waayay in calaamka wax lala qeebsado, iyadoo dhaliisha ugu weyn ee loo soo
jeedinayo ay aheyd kadib markii ay madaxdii Maxaakimta qaar ka mid ah ay
yiraahdaan Muslimiinta caalmka waxaan ugu baaqeeynaa in Jihaadka Somalia ay ka
soo qeebgalaan waa hadal aad u wanaagsanaa balse xilli aan loo baahneen la yiri.
Wixii ka dhashayna waan la socnaa Iyo dhibaatadda heerka an maanta
gaarsisantahay.

ciidan ka tirsanaa Midowgii Maxaakimta Islaamiga ee somalia.
Dagaalka Qarsoon ee dalka Somalia ka socda xilligan waxaa saldhig u ah waxa
loogu yeero Ladagaalanka Argagixisadda "War on terror". Iyadoo dagaalka noocaan
ahna uu yahay dagaal aan u dhamaan waxa ku baxda dhaqaalo fara badan oo ay reer
galbeedka soo siiyaan shaqsiyaad aan diinba islaam-ka shaqo ku laheyn.
Ugu danbeyntii dalka Somalia waa dal aan Argagxisadda iyo waxan la sheegayaba
aan shaqo ku lahey, Somalia waa dal 100% Muslim ah balse dhan kalle Kalmadda
Argaxiso oo marka la daba galo loola jeedo dadka Islaam-ka sheekadda way is
badaleeysaa arrintu!.

Aadan Hashi Ceyrow oo dowlada Mareekanka ay duqeyn ku dishay Alle U naxariisto .
Balse ujeedka ugu weyn ee Somalia dagaalka aan dhamaan lagula jiro waxa ay tahay
diinteena Islaam-ka ah. Iyadoo waliba shaqsiyaasad Madaxtinimo sheeganaya ay
yihiin kuwa loo adeegsanayo Bur-burinta dalka iyo diinta intaba, balse Alle
mahadi Diinta Islaam-ka ah waligeed looma awood sheegan karo Alle ayana balan
qaaday taasi. Laakinse naasib daro dalkii marba marka ka danbeysa sii
bur-burayaa.
Dagaalka dahsoon ee ladagaalanka Argaxisadda marka uu dhamaado Somalia ma noqon
doonta somalidii hore.? Mise dagaalan Argagixisadda ah lama oran karo waa dhibka
ka taagan Somalia.? Dagaalka Somalia ka socda ma Diin iyo Dal ayaa la difaacayaa
mise dano kalle ayaa laga yeelayay.? Somalia ma waxa ay gabaad u tahay
Argagixisadda.? Su'alahaas iyo kuwoo kalle oo badan Maskaxda shacabka somaliyeed
oo dhibaatadda dariska la noqday ayay ku guuxeeysaa.. Somalia Somali baa leh.
Wabilaahi Towfiiq.
Ibraahim Da'ud Abdalle "Gentleman"
Ibraahim@journalist.com
sayfudiin@hotmail.com
Nairobi-Kenya
Mohamed Dheere:- Maxaad ku tilmaami laheyd.?..
Akhri
Sawirada: Google images