Dal
aan Dalkaaga iyo dadkaaga ahayn waa dareenku joog!!
Dhibaatada tahriibka : Dal marka uu ka dhaco
dagaal sokeeye qoys ama qof kasta nafta ayuu la cararaa
si uu u helo meel uu uga badbaado dhibaatadaas, sidaa
darteed dalkeena Soomaaliya waxaa ka dhacay dagaallo
sokeeye oo galaaftay kumanaan Soomaali ah waxayna
qaarkood ku bara kaceen dalka gudihiisa kuwa kalana
waxay ka gudbeen xuduuda dalalka dariska aan nahay kuwo
kalana sidii ay u sii cararayeen ayaa waxay galeen
wadamada Yurub iyo Mareykanka iyadoo ay uga baxday lacag
aad ufara badan.
Kuwii ugu nasiibka
xumaa waa kuwii ku baaba’ay Xeebaha u dhaxeeya
Soomaaliya iyo Yaman, waxaana tiro koob la sameeyay lagu
ogaaday in ay ku dhinteen kumanaan kun oo qof oo
soomaali ah sidoo kale hay’ada Hurcos oo iyadu inta
badan diiwaan galisa qoxootiga ku dhibaatooda xeebaha
iyo kuwa ku sugan dalalka aan dariska aan nahay iyo kuwa
naga sii fog ayaa waxay sheegtay in 70% in dadkaasi ay
ku dhinteen xeebaha badda cas.
Amin Yuusuf Khasaaro
wareysanaya abuu xamza
|
Gudoomiyaha Hay’adani
Cabdiraxmaan Abuu Xamsa ayaa sheegay in hay’adoodu ay
qabatay Siminaaro fara badan oo ay bulshada kaga wacyi
galinayso dhibaatada uu leeyahay Tahriibka walibana
waxaa uu sheegay in hay’adooda baaqyo u gudbisay
maamulada goobaha ay dadka ka Tahriibaan.
Dadka ka
shaqeysa arrimaha tahriibka waa silsilad isku xiran oo
ka bilaabanaysa muqdisho ilaa Boosaaso ama Yaman ilaa
Sacuudiga iyadoo dadka ka ganacsada dadka tahriibka ah ay
yihiin kuwo ka helay lacago fara badan, mar aan booqdanay
bosteejada ay ka baxaan dadka tahriinbka ah gaar haan
halka lagu magacaabo Carwo Idko ayaa waxaad arkeysaa dad
fara badan oo halkaasi dhooban oo u badan dhalinyaro
isugu jirta Wiilal iyo Gabdho kuwaasoo intooda badan ka
yimid koonfurta Soomaaliya sidoo kale mar aan wareysanay
mid ka mid ah Kaarida ama dalaaliinta Rarta gawaarida
tagta gobolada Puntland oo lagu magacaabo Xasan Cali ayaa
waxaan wax ka weydiinay lacagaha laga qaado dadka ilaa
Boosaaso, wuxuuna yiri “dadka labo ayey u qeybsamaan, kuwa
taga magaalada Gaalkacyo oo laga qaado qofkiiba 200
kun, oo dhiganta $15 doolar, kuwo kalana si toos ah
ayey u tagaan magaalada Boosaaso waxaana laga qaadaa
qofkiiba 370 kun oo shilin oo dhiganta $25 doolar". Waxa
kaloo weydiinay celcelis ahaan immisa qof ayaa maalinkii u
ambabaxda gobolada Puntland wuxuuna yiri isagoo arintaa
ka jawaabaya “marka baddu furan tahay waxaa magaalada
Muqdisho ka baxa shan ilaa todobo gaari oo isugu
jira Kowstaro iyo Caasi ama (Homy ) waxaana raaca marka
aan qiyaaso ilaa iyo 150 qof oo dhalinyaro oo intooda
badan tahriib ah waxayna isugu jiraan qoysas iyo dad
shaqsi shaqsi ah”, waxaa kaloo weydiinay faa’iidada ay
ka helaan marka ay Raraan Gawaaridaasi wuxuuna sheegay
Xasan in qofkiiba ay ka helaan 10 kun oo shilin Soomaali
ah oo u dhiganta Nus doolar, lacagtaas soo xarootana
waxaan ku qeybsanaa dhowqof oo Kaariyaal ah ama
dalaaliin ah, ayuu yiri.
Gabar lagu magacaabo
Sacdiyo Faarax oo kula kulaney Boosteejada laga
raro gawaarida aada Puntland waxayna gabadhaasi ay
markaasi doonaysay in ay u ambabaxdo gobolada Puntland si
ay ugu sii tahriibto dalka Yaman ayaa wax ka weydiinay
ma markii ugu horeysey oo aad gasho tahriib, iyadoo ka
shekeeneysa dhacdo xanuun badan oo ay la kulantay
waxayna tiri “maha markii iigu horeysay ee aan galo
tahriib, sanadkii 1998 ayaan ka ambabaxay magaalada
Muqdisho markiiba waxaan tagay magaalada Boosaaso oo
aan ka raacay dooni saddex beri ka dibna waxaan tagay
dalka Yaman, markii aan lix bilood ka shaqeystay Yaman oo
ay ii aruurtay xoogaa lacag ah ayaa aniga iyo dhowr
gabdhood iyo dhowr wiil waxaan u dhaqaajinay dhinaca
dalka Sacuudiga markii aan galnay xuduuda Sucuudiga ayaa
waxaan bilownay in aan lugeyno waxaan socono, socodku
waa habeenkii oo kaliya maalinkii waxaan galnaa keymaha
iyo dhulka Buuraha ah waxaan sii marnaba tuuloooyin ayaa
gabar ka mid ah gabdhihii nala socday naga xanuusatay
oo wadnaha ayaa looga soo booday, waxaan sameyno waan
garan weynay, waxaan ka cabsanaynaa waa Boolis aan is
leenahay armay idin qabtaan, Waxaa habeenkii u qaadnaa
dhinaca keymaha waxaa nagu sii kordhay wewelkii iyo
welbahaarkii nasiib xumo gabadhii waa geeryootay meeshii
ayaana uga taganay anigoo ka mureygaysan sidii ayaana ku
galnay Sacuudiga, ka dibna waa la isoo qabtay oo dalka ayaa
la igu soo celiyay gaar ahaan magaalada Muqdisho, maanta
aad i arkeysana waxaan diyaar u ahay in aan maro wadadii
dhibka iyo rafaadka badneyd oo Caloolyowga iyo naxdinta
lahayd."
Waxaan weydiinay
sababta keentay in nafsadeeda aad ku biimeyso dhulkaas
dhibaatada badan waxayna ku jawaabtey “wadanka waad
arkeysaa oo nabadgalyo ma taalo, dowlad kama jirto, meel
aad ka shaqeysato malaha, marka waan ku qasbanay in aan
nafsadayda halistaas ugu bareero".
Dadka tahriibka ah
marka ay ka baxaan magaalada Muqdisho waxay sii maraan
wadooyin nabadgalyadooda ay aad u xun tahay qaarkoodna
inta ay wadada ay ku sii jiraan ayaa halkaas lagu laayay
kuwo kalana kista yar oo ay jiscinka ay u wataan ayaa
laga furtay, kuwo kale waxa ay ku tahriibaan lacago ama
dahab ay ka soo xadeen dad ay u shaqeenayeen ama dad ay
ehelo ahaayeen. Waxayna ahayd Qisadii ugu xanuunka
badneyd ee qabsata dadka tahriibayaasha markii Gabar u
shaqeynaysay qoys ay ka xaday Dahab, waxayna dahabkaasi
doonaysay in ay ku tahriibto hase yeeshee waxaa dhacday
in gabadhaasi laga soo qabto magaalada Baladweyne ka
dibna din loogu soo celiyay Muqdisho, waxaana gabadhaasi
lagu sameeyay jir dil ilaa aakhiritaankii gabadhaasi ay
ka naafowdo lug iyo gacan.
Mayara dhibaatooyinka
soo gaara dadka tahriibka ah qaarkood marka ay tagaan
magaalada Boosaaso la kulmaan kooxo qowlaysato ah oo
been u sheega dadkaasi ka dibna ka aruursada xoogaaga
lacagta ah oo ay wateen, mar aan la kulannay Wiil
dhalinyaro ah oo ka soo laabtay tahriibka oo lagu
magacaabo Ilayaas Cumar ayaa isna ka sheekeynaya dhacdo
qabsatey waxa uu yiri, “sanadka 2000 ayay ahayd markii
aan doon ka raacnay Xeebta Ceelaayo waxaan dhameyn 140
qof oo qofkiiba laga qaaday $30, markii aan Badweynta
aan ku shalwanay oo ay naga qarsoomeen berrigii ayaa
waxaa dhacday in Doontii ay u soo dhaqaaqdo dhinaca
Xeebta waxayna Naakhuudayaashii nagu yiraahdeen waa
joogtaan Yaman ee hala daato sidii ayaan dadkii ku
daateen badda, ninkii dabaal yaqaanay xeebta ayuu gaaray
kii kalana oo aan dabaal aqoona badda ayuu ku dhintay,
anigu dabbaasha ayaan aad ugu dheereeyay markii aan
tagnay xeebta anigoo ay ila socdaan dhowr dhalinyara ah
ayaa waxaa nagu soo baxay dad Soomaali ah oo ku hadlaya
luuqada afka Soomaaliga ah markaasaa waxaan iri “waa
xaggee meeshani”, waxayna noogu jawaabeen “waa
Soomaaliya”, markaa ayaan la soo booday “maaha miyaa
Yaman”, “maaha miyaa Yaman”, waxay indhaheygu qabanayeen
Maydadka fara badan oo Baddu soo caarisay.
Ilyaas wuxuu sheegay in
dadkii saarnaa doonida ay ahaayeen dad aan aqoonin
dhulka isla markaana ay khiyaameeyeen Naakhuudayaasha oo
iyagu door biday in xoogaa lacag ah u baabi’iyaan ama
nafsadooda u halligaan Boqolaal qof oo Soomaali ah,
wuxuuna sheegay in uusan mar dambe magaalada Muqdisho ka
bixi doonin. Wuxuuna uga digay dhalinyarada Soomaaliyeed in aysan nafsadooda halis galin oo ay iska
iimaansadaan dhulkooda.
Amiin Yuusuf Khasaaro oo warbixin ka
dhageysanya Abkow
.. HAYBAD WAXAAD KU
LEEDAHAY DHULKAAGA HOOYO
.. HANTIYEY MACAAN WAA
MIDAAN HOOY LAGAA ORANAYN!!
|
C/qaadir Ibraahim Gacal
Abkoow oo ah Kusimaha Guddoomiyaha Guddiga Olombikada
Soomaaliyeed ayaa isna wax ka weydiinnay qaabka looga
hortagi karo tahriibka, waxaana uu sheegay in maamulka
ka jira Puntland uu soo saaro go’aanno lagu mamnuucayo in
dekadahooda ay ka baxaan dadka tahriibayaasha ah “Hadda
ka hor ayaan tegay magaalada Boosaaso, waxaan la kulmay
dad badan oo tahriibayaal ah, waxaan ku iri…, dalkiinnu
waa Barwaaqo ee ka faa’iideysta” ayuu yiri Abkoow, oo
intaa ku daray “Waxaad ka shaqeysan kartaan magaalada
Boosaaso ee aad haatan joogtaan, naftiinnana ka maareyn
kartaan”, intaa kuma hakin hadalkiisa ee waxa uu ku
daray “Dadka Tahriibayaasha ah ee ku sugnaa Boosaaso aad
ayay ugu dhib qabeen dhinaca maciishadda, waayo dadka ku
nool Puntland ma garanayn in raashinka la kiilo-kiileeyo
ee waxa ay mar qura soo wada gataan raashinkooda, hase
yeeshee waxaan aakhirkii ka dhaadhicinnay in aan barno
waxa la yiraahdo Tumin, Rubuc iyo Kiilo, sidaasi ayaana
aakhirkii waxa ay keentay in dad tahriibayaal ah oo fara
badan oo u gudbi lahaa waddammada Carbeed ay halkaasi
noloshooda ka dabaraan”. Waxa uu sheegay in ay
sameeyeen xiriir dhinaca Dabaasha ah oo hoos yimaada
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, isagoo sheegay in
sababaha ay u sameeyeen xiriirkaasi ay tahay
dhallinyarada Soomaaliyeed ay u baran lahaayeen dabaasha,
si haddii ay ka fursan waayaan in ay tahriibaan ay isu
bad-baadiyaan.
C/raxmaan Abuu Xamsa oo
ah Guddoomiyaha Guddiga u dooda xuquuqda
Qaxootiga Soomaaliyeed ee dunida oo aan ka wareysannay
dhibaatooyinka ay la kulmaan dadka tahriibayaasha ah
ayaa waxa uu noo sheegay in dadka tahriibayaashu ay u
qeybsan yihiin saddex nooc, kuwo heysta xoogaa lacag ah
oo u tahriiba waddammada Yurub, si ay u helaan nolol ka
duwan tii ay ku heyseen Soomaaliya, kuwo kale ayaa
iyaguna ah kuwo u tahriiba waddammada Carbeed, gaar
ahaan waddanka Yemen, kuwaasoo uu xusay in ay yihiin
kuwa ugu badan ee la kulma dhibaatooyinka ugu culus ee
ay la kulmaan tahriibayaashu, wuxuuna xusay in looga
hortagi karo arrimahani iyadoo goobaha ay ka baxaan
dadka tahriibayaasha ah laga sameeyo wacyigelin, isla
markaana Maamulka halkaasi ka taliya uu soo saaro
go’aanno lagu mamnuucayo ku tahriibidda Badaha, waxaa
kale oo uu intaa ku daray in looga hortagi karo in la
ciqaabo dadka Doonyaha dadka ku daabula.
Waxaan weydiinnay in
dadka daabula tahriibayaasha, kana qaata xoogaa lacag ah
bal in ay mudan yihiin in sharciga la hor keeno iyo in
kale?, waxa uu ku jawaabay “Haa, way mudan yihiin in
sharciga la hor keeno, waayo waxay ku xadgudbeen naf qof
beni’aadam leeyahay”.
Amiin Yuusuf Khasaaro oo
wareysanaya Hinda
Eng. Siidoow Xasan
Mahdi
|
Hinda Axmed Faarax oo
ka mid ah Saraakiisha Ururka SSWC oo aan
kula kulannay xafiiskeeda ayaan wax ka weydiinnay sida
ugu habboon ee looga hortagi karo dadka tahriibayaasha
ah, waxayna tiri “Haddii uu iskaashi dhex maro
maamullada oo ay go’aansadaan in la joojiyo tahriibka,
dadka tahriibayaashu way hakan karaan, naftoodana waa ay
bad-baadi kartaa”, waxaana ay xustay in mar ay ahaataba
sharciga la hor keeni doono dadkii ka dambeeyey in
shacabka Soomaaliyeed ay ku daadiyaan Badaha.
Eng. Siidoow Xasan
Mahdi oo ah Guddoomiyaha Xuquuqda Aadanaha ee Wanlaweyn
Human Rights ayaa isna carrabka ku dhuftay in ururkoodu
ay sameeyeen wacyigelin fara badan oo ay dhallinyarada
Soomaaliyeed uga digayaan dhibaatada tahriibka, waxaana
uu u soo jeediyey maamulka Puntland in ay gacan ka
geystaan sidii looga hortagi lahaa dadka tahriibka ah.
Maryan
Xuseen Owreeye oo ah Guddoonka Xarunta Dr. Ismaaciil
Jimcaale Cosoble ee Xuquuqda Aadanaha ayaa iyana xustay
in xaruntoodu soo saartay baaqyo fara badan oo lagu
cambaareynayo dadka tahriibayaasha ah, waxaa kale oo ay
sheegtay in xaruntoodu ay ururisay tacaddiyadii ka
dhacay Badaha u dhexeeya Soomaaliya iyo Yemen, iyo
weliba badda u dhexeysa Liibiya iyo Talyaaniga, waxaana
ay caddeysay in ay dhowr jeer qoraallo u gudbiyeen
maamulka Puntland oo ay kaga codsanayaan in ay ka hor
tagaan sidii loo joojin lahaa dadka tahriibayaasha ah.
Haddana waxaan u gudbeynaa dhankaas iyo Kismaayo
dadka ka tahriiba oo u tacabura Gobolada Bari