Puntland iyo Tahriibayaasha
-
Qaybo Kamid ah Faallada SomaliTalk ee Febraayo
2005
Qaybta: 1aad | 2aad |
3aad | 4aad
Tacaburka tahriibta
Ka dib markii dagaalka sokeeya ka qarxay dalka Soomaaliya oo
xabbaddiina ka bilaabatay caasimadii dalka Bishii December 31keedii
sanadkii 1990kii. Dawaladii markaas jirtay oo 21 sano wadanka
haysatay iyo Kacdoonkii ay majaraha u hayeen ururkii USC, waxaa ka
dhashay dagaal dariiqyada iyo magaalada dhexdeeda lagu dagaalamo,
kaasoo sababay baro kac iyo qixitaan dheer oo qof walba meeshii uu
miciin bidayay u cararo. Bishii Febraayo 1991 dii Doon ka
shiraacatay Marsada Kismaayo oo siday qaxooti ku socday dalka Kenya
ayaa ku haraqday oo ugu yaraan 300 qof oo saarnaa ku dhinteen, waxaa
kale oo
marar badan isla sanadkaa dhacayay doonyo yar yar oo shiraac ah inay
dad ku le'daan jidka u dhexeeya Kismaayo iyo Mombaasa, taasoo ugu
dambayntii qaylo dhaan badan ka dib la joojiyay in dad la saaro
doonyo, nasiib wanaagna arrinkaasi wuu hirgalay oo waa laga nastay
Doonyo badda u dhexaysa Kismaayo iyo Mombaasa dad ku le'daan
maqalkood.
Maamulada ka jira Dhulka dadka ka tahriibaan ayaa ah kuwo aad ugu tabcaanay
joojinta iyo ka hortagida Tahriibta, Maamulaka Puntland ayaa in badan isku
dayay in uu joojiyo Tahriibta lakiin ay ka xoog badatay sidii uu u joojin
lahaa arimo badan awgood oo ay ka mid yihiin Dad madaxda Maamulaka ka mida
oo la shaqeysta Dadka ka ganacsada Tahriibta.
Maamulka Putland ayaa in badan sameeyay sidii ay u xanibi
lahaayeen Dadka ku dhoofa tahriibta ayagoo Qabqabtay Dadka Dhoofa, kuwa ka
ganacsada iyo Doomaha lagu qaado lakiin durba waa la sii daayey habkii
tahriibtana waa la sii Casriyeeyey.
|
Markii u horaysay ee dadka qaxayaan diiradda saaraan xaggaas iyo
Gacanka Cadmeed, waxay ahayd markii dagaalkii lagu hoobtay ee
dhexmaray taageerayaashii Cali Mahdi iyo Gen. Caydiid, dagaalkaasoo
ku magac dheeraa dagaalkii Afarta Bilood. Marsada dabiiciga ah ee
Cadale ayaa horaantii sanadkii 1992 kii waxaa ka shiraacday markab
wayn oo qaaday dad aad u faro badan geeyayna Xeebta Mukulle ee dalka
Yemen, markabkaas oo ay raaceen wixii awooday inay iska baxshaan
kharashka kirada markabka, kadibna muddo markii ay badda ku jireen
oo sii kufaa kacayeen waxay 8-beri kadib gaareen Yemen, muran badan
kadibna waxay ku guulaysteen dadkii in laga soo dejiyo Markabka oo
xero looga sameeyo agagaarka magaalada Cadan. Dadkii la dejiyay
xeradaas iyo kuwa kale oo ku soo biiray qofba nasiibkiis ayuu la
kulmay oo waxay noqdeen kuwa helay una bakhoolay dibadaha sida Yurub
iyo waqooyiga Amerika, kuwa usii gudbay Sacuudiga iyo qaar xeradii
iska iimaansaday. Wixii waqtigaas ka dambeeyay waxaa si toos ah u
furmay u bakhoolidda dhanka Yemen ee loo sii marayo xagga badda.
Sidaa awgeed suuqaas furmay wuxuu horseeday in marino badan furmaan, maadaama
soomaaliya bad dheer leedahay oo dhinaca badda cas ay xudduud la
leedahay gacanka cadmeed kaasoo noqdy xeebaha Gobalada waqooyi bari
iyo kuwa Waqooyi Galbeed.
Haddaba aan isweydiino su'aalahan:
Maxay Puntland uga Ganacsanaysaa tahriibayaasha oo wax uga
qaban la, dahay xeebaheeda?
Sidee wax looga qaban karaa murugadaan soo noqnonaysa ee
galaafatay boqolaalka Soomaaliyeed ee waliba u badan dhalinyarada?
Maxay dadku ugu qulqulayaan Yemen
Dagaalkii ahliga ahaa markii uu Soomaaliya ka
bilowday, Soomalidii waxay noqotay tusbax furmay, waxay u
kala haajireen dacalada adduunyada, waxaa muddo ka dib bilaabay tartiib, dadkii iyagu waqtigu geeyay Yurub iyo waqooyiga Maraykanka inay
usoo gacan haatiyaan qaraabadii ka jiray dalkii hooyo, waxaa bilaamay
xawilaado lacago lasoo dhigayo oo la leeyahay imaw dal hebel, waxaa hiyi
kac kusii riday dhallintii kuwa ay isku ayni ahaayeen oo malaha
nasiibkoodu ka badbaadiyay biimadii tahriibka oo intii usii gudbay
dhulalkaas cayrta laga qaato hadiiba la leeyahay huteelkaas caawa
arooskii hebel ayaa isagoo jooga wadan hebel looga tumayaa, gurigaas
waxaa loo dhisayaa heblaayadii naga sii maqnayd sanadka, hebel amase
heblaayo ayaa intaasoo lacaga soo diray/tay oo labadii waalid xajka u
qaadaya/sa sanadkaan. Waxaasoo dhan waxaa kasii daran buufiska sii galay
dhallintii guurdoonka ahayd oo xujooyinka ayaamahan socdaa ayna ka bixi
karin, kuwaasoo sabab u ah kuwa ka yimaada qurbaha oo caruuskay
samaynayaan aad iyo aad u kharash badan ayadoo kooxo iyo huteelo qaaliya
gabadhaan loo tumin aan naayaa la oranaynin, arrimahaas iyo nabad gelyo
xumo jirta iyo dagaal aan joogsi lahayn, shaqo la'aan baahsan ayaa waxay
kalifeen in dad badan ay ismiidaamiyaan oo naftooda ku haligaan tahriib
dheer oo naftooda iyo waxay haysteen kuwa badan galaaftay.
Dadka Tariibayaasha ah celcelis ahaan waxaa
u badan dhalinyarada da'doodu u dhaxayso 17sano ilaa 30 sano jir, boqolkii 65
(65%) waa rag, inta kalena waa dumar iyo caruur (qiyaas ahaan marka la eego
dadka lasoo tabiyay dhimashadoodii ilaa 1993dii). Banii'adamku sidiisaba
hadduuna helin wax awood ku joojiya khaladka uu isu gaysanayo qofku
nafsadiisa sida qof qaadanaya darooga (Xashiishad, Qaad, khamri IWM) naanaab
ka dhigaysa, isbiimaynta ay ka mid tahay badweyn iyo dulaaliin
manaxayaala nafsadaada ku halig ummadaasi waxaan shaki ku jirin inay
dhan walba ku gaabinayso ilaa ay ka helayso awood ka xoog roon oo ka
naxaysa kana joojinaysa qofkaasi halaagga uu ku hayo nafsadiisa,
awoodaasoo ah waxa loo yaqaan "Dawlad ",oo xitaa soomaalidii hore waxay
la lahayd wax dawlad aan ka dhicin oo xeer iyo kala dambayn beeleed ayaa
jiray.
Maxaa Puntland ka dhigay meesha
Tahriibyaasha laga ganacsado
Maadaama gacanka cadmeed uu xuduud la
leeyahay gobalada Somaliland iyo Puntland, dadkii tahriibyaasha ahaa
meesha ugu dhaw oo ay ka geli karaan waxay noqotay labadaas
gobal. Bilowgii qaxitaanka (1991kii) somaliland waxay yagleelatay
maamulka hadda lagu magacaabo somaliland, oo waxaa samaysay awood
kantarooli karta dhulka ay sheeganayso baddiisa, sidaas daraadeed
qowlaysatada ka ganacsata tahriibayaasha naftooda haligaya waa ku
dhiiran waayeen inay suuq ka furaan xeebaha Berbera iyo Xiis iyo Maydh,
halka halaq mareenka noqotay oo fursadda dahabiga ahi ayay noqotay
gobaladii waqooyi bari, ururkii waagaas jirayna ee SSDF awoodiisa maamul
aad ayay u koobnayd oo beelo beel ayaa daadsanaa, sidii awgeed dilaaliin
iyo doonyaalay reer aduunyo ah ayaa ka samaysmay xeebaha waqooyi bari,
waxaana loo furtay xafiisyo lagu kala waarido dadka naftooda biimaynaya
ee u haajiraya Jasiiratul carab. Waxaa samaysmay qiimo lagu raaco
doonyaha oo ku xiran tayada doonyaha, tusaale doonyaha aad u liita waxaa
loo goostay qiimo dhan $50 doolar qofkii, halkii doonyaha waawayn oo
xamuulka qaada loo cayimay $150 doolar. Waxaa samaysmay marsooyin badan
oo dadka u daabira sidii xoolihii loo iib gayn jiray sacuudi carebiya,
dhimashadii ayaa noqotay xad dhaaf, dilaaliintii ayaa dhac bilaabay oo
metelan intay dadka lacagta ka qaataan oo ka qaadaan Boosaaso ayay intay
labo maalmood soo wareejiyaan intay xeebta Caluula ag geeyaan dhahaan
waataas Yemen ee dega. Dad baa qori caaradiis badweynta lagu daadiyay kuwa
xafiisyo inta lacagta looga dhaco la yiraahdaa ka soco. qaylo dhaan
badan ka dib ururkii SSDF, sanadkii 1997 kii ayaa mar tafaxaytay oo soo
saaray amar lagu mamnuucayo ka tahriibidda badda waqooyi bari, laakiin
waxba kama hirgelin oo waaba kasii dareen dhimashadii iyo tacadigii
tahriibyaasha aduunka meel walba wuu gaaray oo maraakiibo marayaa
badweynta ayaa soo tabinayay maydad boqolaal oo babanaya badda-cas.
Sanadkii 1998dii waxaa gobalada waqooyi bari
loo sameeyaya maamul la magac-baxay Puntland oo uu hogaaminayayay
Col. Cabdullaahi Yuusuf, waxaa la sameeyay wax u eg astaan dawladeed sida
Boolis, xafiisyo dawladeed iyo Xabsiyo. Waxaana bilaabantay canshuur
ururin dekadda Boosaaso oo ah dakhliga ugu wayn ee soo gala maamulkii
lagaga dhawaaqay Garowe. Waxaase su'aashu tahay maamulkii Punland wax
maka qabtay masiibadii ka taaganayd badda udhexaysa Puntland iyo Yemen?
Jawaabta waa maya oo maamulkii Puntland innaba wax xila iskama saarin
dhalinyarada ku dhammaanaysa Badda gacanka cadmeed, oo sidii iyo si
kadaran ayaa wali looga ganacsadaa tahriibka u socda Yemen. Oday reer
Afgooya oo wiilkiisii ka mid ahaa dad ku dhammaaday doon ka shiraacatay
Boosaaso sanadkii 2002dii dadkaasoo xabbad caaradiisii loogu tuuray bad
weynta dhexdeeda ayaa isagoo ilmaynaya waagaas isagoo la hadlaya
maamulka Puntland ku yiri "reer Puntland dawladda aad sheeganaysaan ma
afka baarkiisaa, maxaa wax looga qaban kari waayay dhagar qabayaasha
dadka ku xasuuqay doontii ay lacagta ugaga urursadeen sida khiyaamada
leh". Waagaas waxaa idaacadaha adduunku sheegeen in kuwii watay doontaas
dadka xoogga looga daadiyay inay ku soo xirteen Boosaaso oo aan waxba
laga qaban, taasoo dad badani kaga yaabisay sida maamulka Puntland uuna
ugu soo jeedin inuu la dagaalamo kuwa ka ganacsada tahriibayaasha
dabadeedna dhiigooda ku daadiya badda u dhaxaysa iyo Yemen
Tahriibayaasha badi waxay ka tagaan Gobalada Bay, Bakool, Labada
shabeele, Jubbooyinka, Banaadir iyo wadanka Itoobiya, sidaas
daraadeed marka ay joogaan dhulkaas ay ka haajirayaan waa looma
ooyaan meel daran ka yimmid oo ninna xil iskama saaro wax ka
qabashada tacadiga ka jira ka ganacsiga naxariis la,aanta ah ee dad
aan waxay la kulmayaan aan ogayn oo xitaa qaarkood waligood bad arag
intee lacagtii laga furto haddana doonyo tayo daran lagu guro,
hadhawna haddii xaalku xumaado xoog badda loogu daadshaa amase
meelaan jirin oo isla soomaliya lagu khiyaameeyaa.
Sidee wax looga qaban karaa murugada soo
noqnoqonaysa ee galaafatay dhalintii soo koraysay
Horta Masiibooyinka wadanka aafeeyay ee dadku isku
gaysano aad iyo aad bay u faro badan yihiin, haba ugu darnaadeen
Tahriibka aanu hadda ka hadlayno, Qaadkaan faro ba,an ku haya
bulshada xag caafimaad, xag dhaqaale iyo midqoys, dagaalkaan aan
dhammaadka lahayn ee salka ku haya cudurka soomaali galaaftay ee
QABIIL, iyo waxyaalo kaloo badan waxaa looga badbaadi karaa iyadoo
dadku marka hore la wacyi geliyo oo loo sheego runta xitaa haddii ay
ka badbaadaan isbiimayntaas inay Yemen kala kulmo doonaa nolol ayna
waligood soo marin oo ciriiri badan. In lahelo maamul adag oo la
dagaalama kuwa ma naxayaasha ah ee ka ganacsanaya tahriibyaasha
maamnuucana oo waliba lala wareego doontii xambaarta tahriibayaasha.
In odayaasha iyo cuqaasha jooga xeebaha badda cas ee Puntland ay
iyagu xil wayn isa saaraan oo haddii ay gabtay maamulkii ay igmadeen
howsheedii ay usoo jeestaan sidii looga badbaadin lahaa dhalintaas
ku qammaamaysa meelay ogayn wax ka qabsanayaa, waxaa ku dayashu mudan
odayaasha reer Dhahar oo iyagu isku xilqaamay inay la dagaalaan kuwa
xaalufinaya deegaanka (Dhuxulayda), ka dib markii ay waayeen dawlad
ka horjoogsata ka ganacsiga xaaraanta ah ee dhirtii noloshu ku
dhisnayd; sidaa daraadeed waxaa la joogaa waqtigii ay odyaasha jooga
xeebaha laga daldalayo tahriibayaasha sida
Boosaaso,Ceelaayo,Shimbiro, Caloola iyo meelo kale oo badan oo ka
tirsan Puntland inay isa saaraan waajibaad wayn oo la dagaalamaan
kuwa ka ganacsada dadka ay soo waashay xabad iyo shaqo la,aantu oo
ah qof qoyani biyo iskama dhowro, amase leh heestii Dacar ee "Raggu
socodku wa udoor hadduu moodku daayee waa duulayaaye Deeqa ii soo
ducee". balse duulid ma jirtee waxaa ka horeeya waa dhac iyo xeebtii
geerida oo ay ugu wacantahay doonyo baaba'san oo boqolaal qof sidii
arigii lagu gurayo. ###
____________________________
Faalladdan waxaa ka qayb qaatay: Talo bixinta, Qorista & soo ururinta; Amiin yuusuf
Khasaaro, C/fatax Jaamac, Faysal Xaaji Siyaad,
Cabdi Xasan, Canab Mumtaz, Xasan Dhooye iyo
Maxamed Cali oo kala jooga: Muqdisho, Kismaayo, Boosaaso, Nairobi
iyo Woqooyiga Ameerika. Faalladan kala Xiriir:
tifatire@somalitalk.com
Faafin: SomaliTalk.com | Feb , 2005
TIXRAAC:
Soomaalida ku Geeriyoodey Xeebaha Talyaaniga
SAWIRADA:
Bogga koowaad
|
BOGGA LABAAD
LIISKA DADKII KU
DHINTAY DOONTA: XEEBTA TALYAANIGA
Waxaan halkan idiinku soo gudbineynaa
magacyada iyo beelaha Soomaaliyeed ee ay ka dhasheen 65 qof oo kamid ah
dadkii ku dhintay doonta xeebaha talyaaniga...
Guji...
Oct 24, 2003
Dadkii ka
badbaaday Doonta Magacyadooda
15ka qof ee ka badbaadey doonta magacyadoodu waa...
Guji.. Oct
21, 2003
XAGEE LAGU AASAYAA MEEDKA
DADKII KU GEERIYOODAY DOONTA
Muslimiinta Talyaaniga waxaa naxdin
kunoqotay markii Tv-yada laga soo saa walaalahoodii Muslimiinta ahaa ee ku
geeriyooday doontii oo lagu riday Sanduuqyo ay dusha uga dheggantahay
Calaamadda lagu aqoonsado diinta Masiixiga, waxaana taas ka dhiidhiyey
Qunsiliyadda Soomaalida Italy taas oo sababtay in....
Guji...
Oct 23, 2003
"Waxaan
Hoos Galnay Meedadka si aan isaga Difaacno Qabowga & Roobka"
Sidaad waxaa yiri qof kamid ah
Soomaalidii ka badbaadey doontii ay dadka badani ku dhinteen xeebaha
talyaaniga...
Guji Oct 23, 2003
Tiro Badan oo
Soomaali ah oo ku Geeriyootey Xeebta Talyaaniga
Warkaan ka akhri...
Guji...
Dhahar:
Baaq la dagaalanka
Xaalufka iyo Nabaadguurka
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|