Tahriibka Tahluukeeyay Dadkeena iyo Tacadiga Dalalka Shisheeye
Kadib markii ay burburtay
dowladii soomaaliya ayaa waxaa dalkeenii hooyo ka dhacay
musiibo rabaani ah oo lagu wax yeeleeyay saqiir iyo kabiir
ummadii Soomaaliyeed, falalkaas oo ay geysanayaan ninam hubaysan
ayaa waxay dadkii Soomaaliyeed nafsadoodu ku dirqisay in ay
isaga qaxaan dalkooda hooyo una qaxaan wadamo shisheeye oo aan
la dhaqan iyo diin toono aysan ahayn taasoo ay ku kaliftay bal
inay ka helaan meel ay nafsadooda ku nabad hesho.
Waxaa jira maanta kumanaan kun oo ummad Soomaaliyeed ah oo
qaxooti bilaa daryeel ku ah afarta dacal ee dunida ayadoo wali
ay indhahaagu qabanayaan dad u dhiilaysan aadida qurbaha iyo
magan galida wadan shisheey.
Haddaba dadka Soomaaliyeed ee aada wadama shisheeye ayaa waxay aadida wadamadaas
u kala maraan wadiiqoooyin kala duwan oo
inta badan nafsadooda halis galinaya, marka aad u sii fiirsatid
tusaala ahaan qaar ayaa waxay ku baxaan hab looyaqaano isxanbaar
oo sharci daro ah, qaar ayaa waxay ku baxaan responsor, qaar kalane waxay ku baxaan ayadoo loo aqoonsado
qaxooti sidoo kale waxaa jira qab kale oo ah kan ugu khatarsan oo
ay ku la'deen kumanaan Soomaali ah qaabkaas oo ah ku
tahriibida badwayenta.
Haddaba tahriibka ayaa wuxuu sanadahaan danbe ka noqday dalka
soomaaliya habka kaliye ay ku baxaan soomaalida u socota qurbaha
tasoo keentay in ay sanadkiiba ay ku la' daan dad aad u fara
badan oo soomali ah.
Soomaalida ku baxda qaabkan tahriibka ah ayaa intooda badani
waxay ka baxaan sida la sheego gobolada koonfurta soomaaliya
goboldan oo runtiin wali ay si weyn kaga muuqato coolaada ay isu
hayaan beelaha kala gadisan ee daga taas ayaan keenaysa in ay
soomaalida koonfureed ay wali sii door bidaan inay magan galaan
wadamada shisheeye.
Soomaalida koonfureed ee doorbida in ay ka tahriibto
badweynta ayaa lasheegaa in ay ka yimaadaan gobolada Jubooyinka,
Banaadir, Bay iyo Bakool iyo gobolo kale oo fara badan. Haddaba
tusaale ahaan gobolka Jubbada hoose gaar ahaan magaalada Kismaayo ayaa waxaad arkaysaa dad fara badan oo ayagu damacsan
in ay aadaan gobolada Bari oo ay halkaasi ka tahriibaan,
goboladaas oo ah meelaha ugu badan oo ay ka tahriibaan dadka
rabo tahriibka lagana saaro doon aan meel dheer gaarsiinayn.
Ma jiraan meelo gaar ah ama goobo gaar ah oo ay kabaxaan dadka u
socda gobolada bari si ay u tahriibaan ayagoo sii mara magalada
muqdisho, laakiin waxaad arkaysaa baabuurta xamuulka ah iyo kuwa
yaryar ee kabaxa magaalada kismaayo ee u socda magaalada
muqdisho ayaa dadka ugu badan ee saaran waxay yihiin kuwa u
socda ama damacsan tahriibka, lakiin bilahaan dambe waa ay
yaradeen dadkii kabaxi jiray magaalada kismaayo ee tahriibka u aadi jiray gobolada
Bari sababtoo ah waxaa adkaatay maritaanka wadada isku xirta muqdisho iyo
Kismaayo kadib markii ay roobab lixaadlahi ay halkaasi ka da'een.
Dadka ka baxa magaalada kismaayo ee u socda tahriibka ayaa
waxaa la sheegaa in ay ka baxaan qarash aad u badan tusaale ahaan
qofka doonayo in uu ka anba baxo magaalada kismaayo oo laga
dareemo in uu u socdo tahriib ayaa waxaa jirta in qarashka lagu
kordhiyo amaba laga qaado lacag kabadan mida ay bixiyaan
rakaabka kale ee baabuurka lasaaran.
Haddaba lacagta laga qaado qofka laga dareemo in uu u socdo
tahriib ee ka anba baxaya magaalada kismaayo ee sii martaya
magaalada muqdisho ayaa waxay tahay qiyaas ahaan 600,000 kun oo
shilin soomaali ah oo u dhiganta $45 doolar. Halka dadka kalena laga qaado lacag dhan 45,000 ilaa 50,000 oo
lacag soomaali ah halkaasi waxaad ka dareemaysaa farqiga u
dhaxeeya rakaabkan.
Dhanka kale waxaa jira dad aad u fara badan oo ayagu isku
dayay in ay tahriibaan oo ay u suuro gali wayday iyo dad kale oo
tiro dhowr jeer ah u tahriibay wadamada carabta kadibna dib
looga soo masaafuriyay taasoo inta badan aysan soomaalida ku
cusbeyn in laga soo masaafuriyo wadamada qaar oo ay ku tagaan
magan galyo raadiska.
Cabdiqaadir Faarax Cilmi waa aabe 4 caruur ah leh oo
daggan magaalada Kismaayo waxa uu noo sheegay in tiro labo jeer ah
ka tahriibay xeebaha ku yaala gobolada Bari, islamarkaana dib
loogu soo masaafuriy dalkiisa.
Waxaa noo suurta gashay in Cabdiqaadir Faarax aan ka
waraysano sida uu u tahriibay, waxa ku kalifay iyo waxa ka
qabsaday dalkii u magangalyada u aaday iyo waliba waxa uu la
kulmay inta uu ku sii jiray safarkiisa tahriibka ah.
Waxa uuna noosheegay in horta safarkiisii ugu danbeeyay ee u
ugu baxo wadanka sacuudi carabiya oo uu tahriib ku tagay uu ahaa
sanadkii 2001, islamarkaana 6 bilood kadib lagu keenay dayaarada
daalo Airways laguna soo dajiyay garoonka lanbar 50 ee magaalada
muqdisho ka dib markii uu mutayestay xarig iyo ciqaab uu san filaneyn.
Cabdiqaadir waxa uu noosheegay in safarkiisii ugu danbeeyay
uu ku tahriibay uu ka anba baxay goobta loo yaqaano Ceelaayo oo
xeebta dhanka galbee kaga taala magaalada Boosaaso ayadoo saacadu ay ahayd
afarsaac iyo bar habeenimo taariiqduna ay ahayd 17/4/2001 habeen
khamiis ah, waxa kale oo uu sheegay in alcagta laga qaatay ay
ahayed $70, waa sida uu isaga noo sheegaye, isla markaana ay dhib
weyn kala kulmeen safarkoodii ayagoo waqti ka badan 48 saacadood
aysan garanayn halka ay ku socdaan iyo halka ay ka socdaan,
islamarkaana ay si aad ah ula liicday doonidii ay saarayeen oo
ahayd mid gabow ah ama duqowday, markii danbana uu ilaahay ka
samata bixiyay, sidoo kale waxa uu noo sheegay Cabdiqaadir in
tahriibida uu doorbiday kadib markii uu dalka kala kulmay
dhibaatooyin fara badan oo isugu jira mid dhaqaale iyo mid jir
ahaanba.
Sidoo kale waxaa jira dad aad u badan oo goor hore u
tahriibay wadamada ay ka midka yahiin Yemen, sucuudi carabiya iya
waliba wadanka talyaaniga ayaagoo u sii marya saxaraha rafaadka
badan ee u dhaxeeya Suudaan iyo Liibiya, waxaana dadkaas dhibkaas
maray aan kala kulanay Ruqiyo Saalax Cabdi oo iyana dhib badan ka
sheegtay wadamada loo tahriibo, si kastooy ahaataba mayara dhibka
lagala kulmo tahriibida lagu tahriibo badwenta tasoo loo
isticmaalayo doonyo duq ah oo aan meel gaareyn, waxaana magaalada kismaayo ku noolyihiin dad fara badan oo laga
soo tarxiilay ama laga soo masaafuriyay wadama Carabta.
Gabagabadii waxaan u gudbeynaa
Puntland & Tahriibayaasha iyo Sida wax looga qaban
karo.. GUJI...