
Cismaan Abokor oo ka hadlay Arinta Samsam
Axmed Ducaale oo ku xiran Hargeysa |
Waxaan fursad u helay inaan waraysi kala yeelano arinta
xasaasiga ah ee la soo gudboonaatay Samsam Axmed Ducaale oo ku xiran xabsi
ku yaal magaalada Hargaysa Cismaan Abokor oo ah siyaasi dhallin yaro ah oo
fir-fircoon, kuna takhasusay Cilmiga siyaasadda iyo dhaqaalaha, siyaasadda
Somaliland-na aqoon durugsan u leh, isagoo ahaa Guddoomiyihii Xisbigii ugu
horreeyey Xisbiyada Somaliland ee ILAYSKA. Cismaan waxa uu hadda ku sugan
yahay magaalada London ee cariga Ingiriiska.
Waraysiga oo uu qaaday tafaf tiraha Mudugonline.com waxaa
su'aalihii aannu weydiinayna Cisman Abokor u dheceen sidaan;
Su'aal: Marka hore bal siday u ogaadaan
akhristayaasha aan la socon arinta ku saabsan Samsam Axmed Ducaale waxaad
naga siisaa horudhac siday arintaan ku bilaabatay iyo halka ay marayso.
Jawaab:
Wallaahay Maxamedow, horta arrinta Sam-sam illaa bishii siddeedaadba waynu
maqlaynay, laakiin waxad mooddaa in bishii sagaalaad ee September ay
xadhkaha goosatay oo meel kasta oo Soomaali joogto laga wada maqlay. Sida
aan ku helay warka rasmiga ahna Sam-sam Axmed waxa ay ahayd ardayad aad u da'
yar oo ka timi magaalada Boosaaso, soona booqatay abtigeed oo deggan
Hargeysa kana tirsan xukuumadda Somaliland, nasiib darro inantii yarayd oo
aan aqoon fiican u lahayn Magaalada Hargeysa waxay ku dhex luntay magaaladaa
mugga weyn leh ee Hargeysa oo hore loogu maah-maahay "Nimaan hoy ku lahayn
habeenna u dumay Hargeysi maxay ku haysaa". Taas oo kelliftay in looga
shakiyo basaasnimo laguna xidho saldhigga dhexe ee Magaalada Hargeysa iyada
oo lagu eedaynayo shirqool ay u maleegaysay Madaxweyne ku xigeenka. Markaa
arrintaas illaa bilowgii bishii sagaalaadba waan la' socday, weliba annaga
oo dhowr nin oo London jooga ah ayaa si weyn isugu daynay in warkeeda
rasmiga ah aannu ogaanno maaddaama ay tahay arrin ku cusub dhaqanka
siyaasadda Soomaalida, yacnii inan Soomaaliyeed oo loo haysto basaasnimo. .
Su'aal: Waxaa jira warar sheegaya in Samsam Axmed
Ducaale markii la keenay maxkamada Hargaysa ay sheegtay in intii ay xabsiga
ku jirtay si xun loola dhaqmay oo jirdil iyo waliba faraxumayn ay ku
sameeyeen askar ka tirsan qaybta dambi barista CID-da, arintaas ma maqashay
maxaase ka jira?
Jawaab:
Arrintaas walaal waan maqlay, niman odayaal ah oo aannu u dirnay in ay soo
hubiyaanna waadigii ogaa oo waa la xidh-xidhay maalintii maxkamadda oo ay ku
jiraan laba mudane oo ka tirsan Golaha Guurtida, taas oo aannu u fahannay in
Samsam la doonayo in maxkamaddeeda aan la ogaan, mana beensanayo in
ciidamada CID-du samayn karaan kufsi iyo wax ka xun labadaba, maxaa yeelay
maaha sida Booliska iyo milateriga dad lagu soo xulay dhaqan iyo asluub, waa
dad lagu soo xulay damiir darro, dhowaanna waxay ku kufsadeen Idaacadda
Radio Hargeisa dhexdeeda gabadh dhega la'.
Su'aal: Taliyaha Booliska S/L Wuxuu laanta afka
Somaliga BBC dhawaan u sheegay in gabadhu ahayd basaasad Dawlad goboleedka
Puntland u soo dirtay inay soo ogaato meesha uu ku nool yahay Madaxweyne ku
xigeenka Somaliland si loo shirqoolo, isagoo intaas ku daray inay iyadu
afkeeda ka qiratay markii xabsiga su'aalo arintaas la xiriira lagu weydiiyay
in shirqool u maleegaysay madaxweyne ku xigeenka Somaliland. Miyaan taas loo
qaadin
Karin in gabadha la jir dilay haddiiba ay qiratay dambiyadaas culus oo aan u
ekayn waxaan suura gal ahayn?
Jawaab:
Horta Maxamedow aqoon fiican baan u leeyahay taliyaha Booliiska Somaliland,
G/Sare Maxamed Cige, waa nin aan sharciga u aabba yeelin ama aan tixgelin,
waxa aan xusuustaa waagii uu Wasiirka Hawlaha Guud ka ahaa dowladdii Sal-ballaar
ee Gen Caydiid oo uu oran jirey Somaliland dowlad iyo nabad gelyo toona kama
jirto, waxa kale oo aan xusuustaa habeenkii uu xabsiga u taxaabayey Boqor
Cismaan Buur-Madow ee uu ku lahaa anagaa sharciga ka sarrayna ee soo bax.
Markaa taliyahaas Booliska anigu hadalkiisa ma tix-gelinayo, laakiin waxa
ayaan darro ah in taariikhda Soomaalida markii ugu horreysay gabar
Soomaaliyeed lagu eedeeyo basaasnimo, waxay ila tahay in arrintaasi tahay
dembi weyn oo laga galay gabdhaha Soomaaliyeed ee sharafta iyo maamuuska
badan. Wixii dalka ka dhacay collaad iyo hirdan siyaasadeed gabdhaha
Soomaaliyeed waxa ay ka ahaayeen Xalay Dhalay, mana geyaan gefkan loo
geystay Samsam Axmed. Sidaas darteed waxan leeyahay waxa caddaan ah in meel
lagaga dhacay dhaqankii, xishoodkii, xurmadii iyo gobanimadii ay gaarka u
lahaayeen gabdhaha Soomaaliyeed markii lagu eedeeyey basaasnimo, taariikhda
gabdhaha Soomaaliyeedna waxa u furmay baal madow.
Ta kale ee ayaan darrada ah waxa weeye in gabadhaas yar sharafteeda wax lagu
yeelo waxay rabtay in ay soo aragto guriga Madaxweyne ku xigeenka, malahay
waxa uga fiicnaa in ay dembi toos ah u sameeyaan oo inta ay bastoolad u
dhiibaan ay yidhaahdaan madaxtooyada ayaannu ku qabanay oo Riyaale ayay
dilaysay. Laakiin wadaadka yar ee miskiinka ah ee madaxweyne ku xigeenka ah
ee gurigiisu ku yaallo wadada Jig-Jiga-Yar aadda ee qofkastaaba yaqaanno
ayay gurigiisa soo arkaysay waxay ila tahay in aanay dembi ahayn.
Su'aal: Dadka reer Somaliland iyo qaasatan kuwa ka
soo jeeda Beelaha bariga Somaliland sida Burco oo kale sidee u arkaan
arintaan mise ka warqabaan xaalada Samsam?
Jawaab:
Arrintani mujtamaca Soomaaliyeed oo dhan dhexdiisa waa ka caan, dadka
damiirka leh badankooduna way ka xun yihiin arrintan, waanay la' yaabban
yihiin waxaanay kiiska ku sii buuxinaysaa masuuliyiinta xukuumadda oo ku
tagri falay awooddii yarayd ee ay hayeen.
Su'aal: Dad badan ayaa Aaminsan arinta gabadhaan in
xakuumada Riyaale uga danleedahay sidii ay u abuuri lahayd xaalad adag oo
kala qoqob ah oo shacabka labada gobol aysan isku gudbin karin, arintaas
side u aragtaa? Dhib noocee ah ayaase ka dhalan kara?
Jawaab:
Labadan qaybood ee Puntland iyo Somaliland waxa ka dhexeeyey shacabkooda
walaaltinimo, deris wanaag, is jacayl, is dhex-gal iyo iskaashi, markaas
dabcan waa la oran karaa,waa la kala fogaynayaa, maxaa yeelay maaha markii
ugu horreysay ee Riyaale iyo hawl-wadeenadiisu ay ku tallaabsadaan arrintan
oo kale, hore waxa ay u xayireen isu socodkii iyo ganacsigii labada shacab,
kaddib markii ay ciidamo kala dhex dhigeen, xaalad abuurka iyo nacayb beerku
waa badnaa, hadda wad u jeeddaa waxa hargeysa ka socda. Laakiin ma
aamminsani in riyadoodaasi u rumoobi doonto, maxaa yeelay awooddooda oo
iskaba liidata siina dhimanaysa waqtigan iyo rabitaanka shacabka oo ka weyn
rabitaanka qof iyo koox labadaba.
Su'aal: Ma jiraan wax dhaq-dhaqaaq ah oo ay sameeyeen
shacabka Somaliland iyo hay'adaha xaquuq insaanka u dooda sidii loo sii dayn
lahaa Samsam?
Jawaab:
Haa walaal way sameeyeen, odayaasha la xir xirayba kamid bay ahaaayeen,
hay'adaha xuquuqul insaanka aad bay uga hadleen, saxaafaddu usbiicii ugu
dambeeyey aad bay uga hadashay, waana laga hadli doonaa, sababta oo ah
waxani waa dhaqan iyo dheg bi'in.
Su'aal: Ma jiraan Siyaasiyiin reer Somaliland ah oo
arintaan ka hadlay adiga ka hor?
Jawaab:
Walaal hadda waxan ogahay in xildhibaanada Axmed Dirir iyo Gubadle loo xiray
arrinta Samsam, inkasta oo markii dambe la sii daayey, laakiin Illaa hadda
ma ogi siyaasiyiin muhiim ah oo ka hadlay arrinta, waanan la' yaabbanahay
sababta ay taasi u dhacday.
Su'aal: Cusmaan ahaan adiga maxaad u soo jeedin
lahayd dawlada Somaliland ee arinta gabadhaas?
Jawaab:
Wallaahay wax aan u soo jeedinayaa ma jirto sababta oo ah qof aad taqaan
yaad tahay lama yidhaahdo, caqligooda ayaan aqaan, taariikhdooda ayaan aqaan,
taladooda ayaan aqaan, laakiin shacabka Somaliland iyo Samsam Axmed Ducaale
ayaan midba eray oran lahaa haddii aad ii oggolaato.
Su'aal: Waad oran kartaa Cismaan?
Jawaab:
Shacabka Somaliland waxan leeyahay, waad ogtihiin in habluhu meel kasta
joogaan caawana Boosaaso ama Gaal-kacyo laga soo helayo boqolaal hablood oo
dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, markaa waxan leeyahay haddii
damiirkiinii dhintay oo aydaan xumaanta ka dhiidhiyayn gabdhihiina kayd xun
ha u dhigina ee diida dheg-xumada dhulkiina laga wadao. Samsamna waxa aan
leeyahay iska samir Adeer waa lagugu gefay, hablaha Soomaaliyeedna ma geyaan
basaasnimo iyo been abuur midna, ogowna dhibta laguu geystay in cidda kuu
geysatay ay isku qoomamayn doonto mustaqbalka.
Waad mahadsan tahay
Waraysiga waxaa qaaday Mudugonline.com