(Arte, Djibouti) Salaan ka dib, waxaan maanta jeclaan lahaa in aan halka idiin
ku soo gudbiyo wixii war ah sida shirku u socdo ilaa iyo hada.
Sida aad la socotaan shirku wuxuu ku guulaystay in uu gaaro qaybtii ugu danbaysay ee dib u
heshiinta Somaliyeed. Malinta Shirku furmay waxaa
furay Madaxweyne Ismaciil
Cumar Gele. Furitaan shirku wuxuu madaxweynuhu ka aqriyey qudbad aad u qiimo
badannayd kana tarjumisay dareenka qalbigiisa iyo rabitaan shacabka reer Jabuuti
ay ku donayan in lagu soo afjaro dagaalka sokeeye ee ka dheexeya shacabka
walaaha ah ee Somaliyeed.
Ka dibna waxaa halkaa lagu doortay labo shir
gudoomiye. Markii si qoto dheer ah looga baaran dagay, loona falan qeyey cidii
wadi lahayd shir gudoonka waxaa ergoyinka meesha isigu yimid si xushmad ku
jirto iyo qadarin leh u doorteen Hassan Abshir Farah iyo Cabdulqadir Deerow. Ka
dibna labada Gudoomiye waxa ay ergooyinka u soo gudbiyen qaabka shirka loo wadi
doono iyo qodabadii ugu waa weyned ee shirka looga hadli!
lahaa.
Markii taas laga soo gudbo, qofkasta oo shirka galaya waxaa laga rabaa
teesaraha shirka in uu haysto, nadaam keedana aad baa loo ilalinaya. Qofkii
doonayo in uu galo shirka waa in uu haystaa ogalasho Ismada qabiilkisa si u helo
teesaraha shirka. Kuwii ugu danbeeyey ee loo suubiyey teesaraha waxa ay ahayeen
ergayinka ka socday Puntland, qaarkaleetana waa la sugayaa ergo iyo Ismoba in ay
ka yimadan Puntland.
Lakiin waxaa farxad leh in maanta ismadii intii badnayd
ay weli joogan Jabuuti, shaqada dib u heshiisintana si aan caadi ahayn u wadaan.
Ergooyinka ka dhimana waxaa la filaya in mudo dhow la buxin doono haddi eebe ka
raali noqdo.
Ismada reer Puntland ee jooga Jabuuti tiradoodu waa afar iyo
toban ka kala socdaan gobalada iyo degmooyinka Puntland. Markii aan shirka lagu
jirin, ergooyin kala duwan waxa ay galaan shirar gaar ah oo ay ku dhamaynayan
dhibaatoyinka dhexdooda yaalo. Dadkaa mesha jooga waxaa wajiyadooda ka muqata
wanaag iyo in ay ka daleen dagaalka sokeeye, waxayna rabaan inay mar uun ka baxaan walida oo inta badan ay wadaan
shaqsiyaad donaya dantooda gar ahaaned.
Tan kale waxaan halka raba in aan
idinka sheego in shacabka iyo dawlada Jabuuti aad ay noo soo dhaweeyen Somali
oo dhan naguna hayaan ha dhicina ha jabina walalehena Somaliyeed. Dadkaasi waxa
ay naga mudan yihiin mahad balaran iyo sharaf aan dhamaan doonin.
Guud ahaan,
shirku waa ay cadahay in Arte lagu dhisi doono dawlad ku meel gaar ah oo ka
kooban Somali oo dhan maxaa dhacay cid kamaqan majirto oo nabad iyo wanaag rabto.