SomaliTalk.com
.
Madaxweynaha Jabuuti
Ismaaciil Cumar Geelle

Somali Peace process Related Stories

SSC urges support for peace in Somalia
Somalitalk
April 14, 2000
Wafti Djibouti oo Lagasoo celiyey Somaliland Audio
BBC Laanta Afsoomaaliga
April 15, 2000
SSC urges support for peace in Somalia
Africa News Online
April 14, 2000
Djibouti leaders arrive in Somalia
BBC Africa
April 13, 2000
Kulan lagusoo dhoweeyey Madaxweynaha Djibouti
Somali Embassy Kuwait
SEJ
April 12, 2000
SSC Supports Djibouti's Peace Plan
Africa News Online
March 15, 2000
Libya warns leaders opposed to Djibouti plan
March 16, 2000
Jaaliyadda Soomaalidda Kenya oo Taageertay Shirka Jabuuti
Cabdi Dhidey Cumar
March 22, 2000
Djibouti Urged To Discuss Peace Plan With Somali Regional Leaders
Africa News Online
March 24, 2000
Interview with DAVID STEPHEN, Representative of the United Nations Secretary-General for Somalia
IRIN, March 24, 2000
Taageerada Shirka Nabada DJibouti
Yusuf Osman
Jaariyadda Somaaliyeed ee London, Canada
March 26, 2000

Ra'yiga Dadweynaha

Talo keen ama Raac
Collected Ideas
April 3, 2000


Wake Up Call!
Collected Ideas
April 4, 2000
CENTER SPOT
VOICE - COD
Soo daabac wararka soomaalida kudhaqan cariga aad kunooshahay.
Guji halkan

.Home | SomLink | Forum | Search | Feedback | News
.
SHIRKA NABADA EE JABUUTI
Click here for English Version
Khudbadii madaxweyne Ismaaciil Cumar Ku furay Shirweynaha Carta ee Nabadda Soomaliyeed

Jabuuti, 2/5/2000

Bismilaahi raxmaani raxiim

Walaalayaal, dhammaantiin waad salaaman tihin.

Marka hore, anigoo ku hadlaya magaca dawladda jabuuti, dadweynaha jabuuti iyo magacaygaba, aan idhaahdo ku soo dhawaada Carta, jamhuuriyadda Jabuuti, dalkinii labaad, Ku soo dhawaada gogol nabadeed oo ay idiin fidiyeen walaalihiina ka gilgishay dhibaatada dhamman weydey ee Soomaaliya.

Farxad weyn ayay ii tahay inaan idiin furo shirweynahaan taariikhiga ah, shirweynahaas oo lagu tilmaami karo kala-bayr taariikheed, astaan yididiilo oo beddeshay quus iyo xanuun sannado badan ku habsadey ummadda Soomaaliyeed.

Walaalayaal,

Waxa inteenaan halkan isugu keentay waa wax weyn. Waa xil culus. Waa ujeedo xaq ah. Waa dib u soonoolaynta ummad shilalka geeerida saaran. Waa dib u dhiska qaran dumay. Waa dib u soo ceelinta sharaftii u lahaan jirey magaca “ Soomaali ” ee beri dadkiisu kufaani jirey mantana la gaarsiiyey heer laga faano. Waa badbaadinta aayaha ubadka Soomaaliyeed ee ka laalaada gebiga halista ah.

Qof kastoo ka mid ah dadkiinnan shirkaan ka soo qayb galay wuxuu nasiib u yeeshay fursad qaali ah. Wuxuu nassib u yeshay in uu wax ka qoro taariikh in badan la xusi doono. Qofba si ayuu magiciisu ku gali doonaa taariikhdan qormaysa ee shirkanii u yahay astaanta. Waxaa la noqon doonaa qof la yidhaahdo “ waa duca-qabihii dadaalay maalintii dalkiisa la badbaadinayey ”, iyo ku la yidhaahdo “ waa habaar qabihii is hortaagay badbaadinta dalkiisa ”. Waxaan Illahay ka rajaynayaa in uu inna wada mariyo dhanka ducada, naguna guuleeyo xilkan culus.

Dhab ahaan waa xil aad u culus waxa maanta ina horyaalla, waana xil qofba meel kaga beegan yahay ama ay cidiba dhan kaga beegan tahay : 1) annaga reer Jabuuti ah ; 2) idinka oo ah wakiiladii bulsha weynta Soomaaliyeed iyo 3) beesha caalamka, qolo waliba kaalin ayay leedahay oo waajib ka saaran yahay. Anigu reer Jabuuti ahann waxaan qabnaa in aannnu gudanay xilka dhankii aannu kaga beegnayn.

Taa haddaan faahfaahiyo hawshaan, anigu waxaan isu xil saaray inaan ku dhiirrado tallalbadi dhaqaajinaysey geeddiga. Waxaan jeediyey dhawaaq dheer oo aan uga qol lahaa in aan gilgilo damiirka caalamka, in aan dunida dareensiyo in ay noqon doonto godob aaney taariikhdu cafin doonin haddii Soomaaliya lagu sii wado gacma laabadka ay dunidu ka gacma laabatay dal idil o dhisnaa. Waxaa intaa dheer oo aan ku dadaalay in aanan ku joogsan soo jeedintaydii Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay Sebtembertii hore, balse in aan qaado olole aan dhammaan dowladaha arrintani khusayso uga dhaadhicinayo qaddiyadda Soomaaliya iyo baahida loo qabo in ay dunidu midayso dadaalkeeda ku wajahan nabad raadinta Soomaaliya iyo in bal markan annaga reer Jabuuti ah na loogu faatexeeyo lanagu taageero dhirandhirinta arrintan murugsan.

Beesha adduunweynuhu iyagoo ku mahadsan arrintaa way naga aqbaleen, si xushmad iyo qaddarin leh. Waad ka war haysaan taageerooyinka is dabajoogga ah ee ay hindisaha Jabuuti isku barbar taagen dhammaan ururrada ay arrintu qusaysoo, sida Qaramaha Midoobey, Ururka midowga africa, Jaamacadda Carabta, Uruka IGAD iyo Uruka Waddannada Islaamka ah.

Ummadda reer Jabuuti iyagoon wax waqti ah lumin ayay u soo gurmadeen arrinta. Markii aan u baaqney, dowlad ahaan, dadweynaha reer Jabuuti iyo ururradiisa bulshaba, waxay iyagoon u kala hadhin si xilkasnimo leh ugu sara kaceen sidii ay walaalohooda Soomaaliyeed ugu gurman lahaayeen, jeebab kooda ugu baadhi lahaayeen, aqalladoodana ugu dhigi lahaayeen gogol ay ku wada tashadaan. Aad ayaan uga mahad ceelinayaa, uguna bogaadinaya dadweynha reer jabuuti iyo ururradoodaba ololayaasha naf hurka taariikhiga ah ee ay u naf hureen badbaadita walaalohood Soomaaliyeed.

Dhanka kale waxaa bogaadin mudan beesha Caalamka oo nala garwaaqsatay muhimadda ay leedahay in arrintan meel looga soo wada jeesto. Kolley waad ka warhaysaan tallaboyinkii is daba joogga ahaa ee aan ka qaabnay arrintaas : shirarkii caalamka ee aan beesha adduunweynaha uga dhaadhiciney qaddiyaddan iyo aragtida aan ka leenahay. Waad la socoteen booqashooyinkii aan ku maray Waddammada IGAD iyo dunida Carabta. Waxaan ku dadaleyney in ay dunidu cod midaysan arrinta Soomaaliya ka yeeshaan. Beesha dunidu, gobol ahaan iyo caalam aahaanba waxay go’aamiyeen in codka dunida lagu mideeyo taageerada hindisihii aan soo jeediney, in ay Jabuuti, iyadoo ka wakiil ah IGAD iyo beesha Caalamkaba, ay hoggaamiso geeddi socodka nabad raadinta Soomaaliya.

Tan kale beesha Caalamka waxay diyaar u tahay in ay taageerto go’aanka ay qaadaato ummadda Soomaaliyeed ee aad wakiilka ka tihiin, in la baritaaro, lana taakuleeyo natiijada ka soo baxda shirweynahaan.

Haddaba intaa aan soo sheegay micnaheedu waxaa weeye, kubbaddu markan garoonka waxay ka taala dhankiina. Cidda maalinka maanta ah indhaha lagu wada hayo ee laga wada sugayo in ay muujiyaan xilkasnimo iyo bisayl xal lagu gaadho waa intiina maanta halkan fadhida oo dadka Soomaaliyeed soo wakiishay. Waxaad ogaataan in aad u fadhidaan imtixaan taariikhdu idinka qorayso, Alle hortis iyo ummaddiina idin aamintay horteedaba.

Dhab ahaan dadweynuhu, ama bulshaweynta Soomaliyeed si sharaf iyo xilkasnimo leh ayay uga soo dhalaaleen kaalintii laga filayey. Lama illaawi karo niyad-wanaaggi, bisaylkii iyo waddaninimadii ay muujisay bulshaweyntu dhammaan gobollada iyo degmooyinka Soomaaliya markii ay idaacadaha ka maqleen hindisihii aan ku baaqay iyo gurmadka reer Jabuuti. Dadweynuhu weligiiba wuxuu ahaa sama-doon. Cidda markii horena dhibaatada abuurtay, sannidihii burbukana hor taagnayd in xal la gaaro waxay mar walba ahayd siyaasiyiin iyo dad yar oo dan gaar ahaaneed ka indha tirtay danta ummadda.

Dhab ahaan abaal aad u weyn ayaan u hayaa dadweynaha Soomaaliyeed meel ay joogaanba, dibad iyo gudaba, taageerada aan kala hadhka lahayn ay noo muujiyeey ilaa maalintii aan bilownay gurmadkaan. In kasto ay tahay arrin iyaga dantooda ah, haddana bulshaweynta Soomaliyeed waxaan ku ogaadinayaa bisaylka ay ku muujiyeen taageerada geedi socodka nabadda, ilaa heer dhimasho oo ay jiraan dad qaddiyaddaan u huray naftoodii qaaliga ahayd.

Haddaba xilka maanta idin saaran, intiina nasiibka u yeelatay ka soo qaybgalka shirweynaha, waxaa weeye sidii miro la taabankaro looga gaari lahaa dadaalka intaa baxaad la eg ee lagu soo jirey muddada gaaraysa ilaa siddeed bilood. Sidii aan shegay, annagu, reer Jabuuti ahaan, waajibkayagii waannu ka soo baxnay, annagoo waliba isa saarnay culays ka weyn awoodayada dhaqaale, maxaa yeeley waxaa nagala weyn waxa aanu doonayno. Waxa aanu doonaynaana wax kale ma aha ee waa in aanaan waxba kale hadhin sidii aan dhulka uga qaadi lahayn walaalahayaga Soomaaliyeed, sidii aaney iyaguba waxba noogala hadhin xilligii ay naga itaalka roonaayeen, annaguna u baahnayn. Sidii aan marar horeba u caddaynay, waxa qudha ee arrintan nagu dhaqaajiyey waa damiir aadminimo iyo dareen walaaltinimo iyo anagoo ka damqaday darxumada haysata ubadka Soomaaliyeed. Waxaa kale oon ogsoonahay burburka iyo dhibaatada Soomaaliya in ay kol walba saamayn toos ah ku yeelanayso mustaqbalka Jabuuti.

Haseyeeshee annagu gacan uun baan idin siin karaynaa, laakiin idiinma dhisi karno, wax aydaan idinku dhisan. Waa idinka cidda uu saaran yahay xilka ugu weyn ee dib u soo noolaynta qaranimadii Soomaaliya. Annaga kaalinta aan ku beeganahay in badan ayaanu caddaynay. Gogol nabadeed ayaanu idiin fidinnay. Talo walaaltinimana waanu idiin soo jeediney, taas oo ah in aad ciidda ka qaaddaan calinkiinii dhulka hoos galay. Hayeeshee waa idinka uun cidda leh go’aanka kama dambaysta ah. Annaga waad aragtaan in aan dadaal nagu harsanayn. Waxaad ka aragtaan tirada dadka aanu martigelinay oo matalaya dhammaan qaybaha bulshaweynta Soomaaliyeed. Waxaad ka aragtaan halka aanu idinku marti gelinay oo ah meel aanu bidnay buuq yari iyo hawo wanaagsan oo aad ku shaqayn karaysaan. Waxaad ka aragtaan dadka ka shaqaynaya martigalintiina oo ah dadkii waddanka u hayey hawlaha ugu culus, muddo dhawr bilood ahna u soo gacan bananaday hawshaan, howlohoodii ay Jabuuti u hayeena fadhiisiyey. Waxaanu diyaar idiinla nahay in aad fadhidaan ilaa iyo inta aad ka boganaysaan gudashada xilkaan taariikhiga ah, xataa hadday qaadato bil iyo wax ka badan, waxay doonto ha ku kacdo, waxaa muhiin ah in natiijo wanaagsan la gaaro. In la dhiso dhisme sugan oo aan dumayn, sidii kuwii hore. In dib loo dhiso qaranimo ka caafimaad qabta cudurradii hore u dumiyey dowladnimadii Soomaaliyeed, cudurradaas oo ay ka mid ahaayeen xukun-maroorsi, qabyaalad , danaysi liita iyo awood ku kooban gacanta koox yar oo caasimadda fadhida, dantooda shakhsiga ahina kale weyn tahay dantii guud ee xilkeeda lagu aaminay. Waa in wax laga bartaa dhammaan qaladaadkii hore u dhacay, lagana leexdaa jidkii hore loogu jabay. Haddii kale waxaa lagu daalayaa wax aan cirib lahayn oo marba inta la dhoobdhoobo haddana duma.

Ugu dambaystii, waxaan idiin rajaynaya Ilaaha awooda leh in uu idinla garab galo xilkaas culus ee la idinka sugayo, ay idinka sugeyso ummadda Soomaaliyeed, ay idinkuu han weyn yihiin dadka reer Jabuuti ee nafta idinla qaybsaday, ay idinku eegayaan ummadaha adduunka oo dhan oo maanta isha ku wada haya shirweynihinan, una arka tijaabadii ugu dambeysey ee lagu hubsanayey dadka Soomaali la yiraahdaa in ay yihiin dugaag is cuna uun ama in ay yihiin ummad karaama leh, dhibaato ku dhacday, cashar ku qaatay, gaareyna heer ay isa sixi karaan, dib u soo ceshan karaan sharaftoodii. Waa fursad qaali ah, waa rajadii ugu dambeysey ee shacbiga Soomaaliyeed. Waxaan ku kalsoonahay in aan la idinku hungoobi doonin.

ABSHIRTA ALLAHA NA WAAFAJIYO !

Click here for English Version

Top

Waxaan kasoo xiganey: Somalia-rebirth.dj

Posted by SomaliTalk.com Team
Allah Is Great
.
Quran


Top | Home | Somali | Forum | Search | Contact Us | Feedback

Somalitalk
Chat | Forum | Opinion | Feedback | Community | Resources | Weekly Wisdom
If You Fail To Plan, You Plan To Fail.
Copyright © somalitalk.com. All rights reserved. Privacy Statement.