SomaliTalk.com Tell A Friend

.Home | Somali | Forum | Search | Feedback | News
Wadahadal >> Afgarad >>Heshiis >> Nabad >> Barwaaqo
Laba Guddoomiye iyo Afar Guddoomiye Kuxigeen
Carta, Cali-Sabiix, Jabuuti

SomaliTalk
June 18, 2000
Waraka ugu dambeeyey ee kasoo baxay shirka nabadda iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya waxa ay sheegayaan in Ergooyinkii soomaaliyeed ee ku shiraya Magaalada CARTA ay soo doortay labo guddoomiye iyo afar guddoomiye xigeen, oo loo xil saaray inay qabanqaabiyaan shirka qaybtiisa labaad.

Kuwaas oo kala ah:

  • GUDDOOMIYE:
    • XASAN ABSHIR FAARAX iyo
    • CABDILAAHI DEERO ISAAQ

  • GUDDOOMIYE KU XIGEEN:
    • CABDILAAHI MACALIN MAXAMAD "FAAX"
    • CABDULRAXMAAN DUCAALE
    • CABDULCASIIS MUKHTAAR
    • Qof haween oo la soo dooran doono.
Sawirada kafiiri halkan

ZOPPO
oo jooga Carta
Warkaas yididiilada leh oo aan kasoo xiganayey bogga rasmiga ah ee walaalaha Jabuuti (SomaliaRebirth) waxa uu intaas kudaray in maalintii shalay June 17 uu magalaalada Carta soogaaray CABDULQAADIR MAXAMAD AADAN "ZOPPO", isaga oo hoggaaminaya wafti ka kooban 50 ergo ah.

SHAATIGUDUUD
oo lagasugayo Carta
Sidoo kale waxaa maanta, June 18, magaalada Carta lagasugayaa MUDANE XASAN MAXAMAD NUUR "SHAATI GUDUUD" oo ah Guddommiyaha RRA, isaga oo hoggaaminaya Wafti ka kooban mas'uuliyiin sare oo RRA ah.


Wararka Shirka Jabuuti oo faahfaahsan kalasoco:
>> SomaliaRebirth
>> Radio Jabuuti

. SOMALIS EAGER TO SUPPORT PEACE PLAN
. Natiijooyin Guul ah oo usoo ifaya Soomaaliya
. Khudbadii Furitaanka Shirka



>>DoodFuran: ka qayb qaado


Posted by SomaliTalk.com team
June 18, 2000

Kor / Up

Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin
Allah Is Great
.
.
Canug Soomaaliyeed oo reer Christian loodhiibey

Maxkamadda Sare ee Mareykanka waxa ay diidey in ay dhegeysato rafcaanka laba waalid oo Muslim ah oo deggan Portland...
Guji halkan...
SomaliTalk June 10, 2000
.
Hambalyo iyo Bogaadin Ardada Soomaaliyeed

Akhristayaasha SomaliTalk waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan ardada Soomaaliyeed ee Sannadkaan ka qalin jibeyey qaybaha kaladuwan ee waxbarashada meelkasta oo ay joogaanba
Guji halkan...
SomaliTalk 2000
.
freemail


Top | Home | Somali | Forum | Search | Contact Us | Feedback