TODOBADKA IYO XULASHADA
HOGAAMIYAYAASHA: WAA KUMA SADDAM
XUSEEN
WAA QORMOOYINKII TAXANAHA
AHAA EE MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
KARACHI, PAKISTAN.
Todobaadkii hore waxaynu ka hadalnay
taariikhdii dheerayd ee hogaamiyahii
shuuciga ahaa ee waddanka Cuba Fidel
Castro, balse todobaadkani ayaan
jeclaystay inaynu diirradda saarno
Hogaamiyahii weyna ee Carbeed Saddam
Xuseen oo bishii April ee sannadkii
2003 xukunkii Hogaanka Ciraaq Muddo
26 Sannadood ah ka dib laga
xayuubiyey.
WAA
KUMA SADDAM XUSEEN
Saddam
Xuseen Abdul Majiid Al-Tikriti
Wuxuu ku dhashay Tuuladda
yar ee Al-awja ee
gobolka Tikrit 28 April
Sannadkii 1937-kii, Saddam
Xuseen wuxuu ka dhashay qoys
Beeralay ah, Magaca Saddam oo
macnahiisu yahay (Geesi)
ama nin aan gabban
ayaa waxaa u bixisay Hooyadii
Subha Tulfah
al-Mussallat, Saddam ma
arag Aabahii Abdul Majiid wuxuuna
Aabahii Geeriyooday Saddam oo shan
bilood oo qudha jira, Saddam Xuseen
wuxuu keliya la dhashay Wiil isaga
ka weyna oo 12 Sanno jir ah balse u
geeriyooday cudurka Cancer-ka,
Saddam Xuseen markii uu ku jiray
Uurka Hooyadii waxay hooyadii kala
kulantay dhibaato badan, waxaana ay
go’aan ku gaadhay inay iska soo
tuurto (abort),balse ilaahay ayaan
qadarin Hooyadii oo dhibaatooyin
dhaqaale hayn kari wayday ka dib
dhimashada aabahii Xuseen Cabdul
Majiid, Saddam ayey ku keliftay ay u
dirto ama siiso Abtigii Khairallah
Tulfah oo ahaa nin Askari ah oo ku
jiray ciidamadii xoogga dalka Ciraaq
waxaanu ku noola Saddam Guriga
adeerkii oo ku yaallay magaalada
Tikrit ilaa intuu ka gaadhayey
Seddex Jir.
Sannadkii 1940-kii
ayey Hooyadii Subha Tulfah ay
marlabaad guursatay saygeedii Labaad
Ibraahim Al-Xasan waxaanu Saddam
usoo wareegay guriga Hooyadii ee
cusub, waxaanu Saddam yeeshay seddex
wiil oo ay walaalo noqdeen oo
hooyadii u dhashay Ninkii ay u
dhaxday Ibraahim Al-Hassan, Saddam
Xuseen wuxuu kala kulmay Ibrahim Al-Xasan
oo ahaa ninka Hooyadii u dhaxday
caga juglayn farabadan iyo cadaadin
badan, wuxuuna u gaystay saddam oo
afar jir ah jidh dil iyo weliba
garaac badan, taasi waxay ku
qasabtay inuu Saddam marlabaad usoo
wareego gurigii abtigii noloshiisana
Saddam Wuxuu ku qaatay Magaalada
Tikrit isaga oo qaraabo badan oo uu
lahaa ku bartay magaaladaasi, Saddam
Xuseen wuxuu sheegay inuu waxyaabo
badan ka bartay ama ka faa’iidaystay
noloshii uu la soo qaatay Abtigii
iyo gurigiisa uu ku koray waxyaabaha
uu saddam sheegay ee aanu weligii
iloobin waxaa ka mid ahaa inuu
abtigii kula dardaarmay inaanu
weligii cadawgiisa u jabin darajo
kasta oo ay lahaadaan aanu noqdo nin
aan jixin jixin.
Saddam Xuseen isaga
oo raacayey markasta Tallada abtigii
ayuu ku biiray Dugsi sare oo ay
lahaayeen ciidamadii Xoogga dalka
Ciraaq oo ku yaallay magaalada
Baqdad, Sannadkii 1957-kii isaga oo
20 sanno jir ah Saddam Xuseen wuxuu
ku biiray Xisbigii hantiwadaaga is
bahaysiga kacaanka carbeed “Pan
Arab Ba’th Party” xisbigaasi oo
abtigii uu aad u tageeri jiray,
Hanaanka Kacaanka oo ahaa haldhig
adag oo 50-meeyadii hogaanka ciraaq
si weyn uga tallin jiray iyo weliba
beriga Dhexe, boqoraddii dhumucda
adka iyo weliba qoysaskii sida weyn
jirridda ugu aastay hogaanka
wadamada beriga dhexe ayaa waagaasi
ka sii xuub siibanaayey, iyada oo
jamaahiiriyaddii masar iyo juhdigii
kacaanka ee Jamal Cabdi-nasirkii
waddanka Masar ay sida bildhaanta
uga ifaysay dunida carbeed waagaasi.
HORUMARKII
BAAXADALAHAA EE KACAANKA CARBEED IYO
SAMAYNTII WADDANKA CIRAAQ
Iyadoo nidaamyadii
boqortooyo ee wadamada carabta ka
tallin jiray sida wadamada Libiya,
Masar, Ciraaq iyo Suuriya ay sii
dhumuc yaraanayeen ayaa sannad uun
ka dib markii uu Saddam Xuseen ku
biiray xisbigii kacaanka
hantiwadaaga Ciraaq, waxaa hogaanka
Ciraaq af gambi hubaysan ku qabsaday
Janaraalkii Ciidamadda waddanka
Ciraaq hogaaminaayey General
Abdul Karim Qaasim, wuxuuna
afgambiyey dawladdii Boqor
Faysalkii 2-aad, Xisbigii
Kacaanka “Ba’ath Party” ee uu
saddam Xuseen ku jiray si adag ayey
uga soo horjeedsadeen afgambigaasi
hubaysan ee xukunka lagaga
xayuubiyey boqor Faysalkii 2aad oo
muddo 18 Sannadood ah Xukumaayey
waddanka Ciraaq.
Sannadkii 1959-kii
ayuu Saddam Xuseen wuxuu ka mid ahaa
saraakiil ku jirtay xisbigii
Kacaanka oo abaabulay mu’aamaraad ay
doonayeen in lagu khaarajiyo ama
lagaga takhaluso Ra’isal wasaarahii
afgambiga ku qabsaday Ciraaq waa
Janeral Qaasim, balse afgambigaasi
waa fashilmay Saddam Xuseen
laftigiisana waxaa laga dhaawacay
lugta, balse Saddam oo aan filaayo
in uu xaynka ugu guntana talladii
adeerkii ayaa wuxuu dabbaal kaga
talaabay webiga Tigris wuxuuna
firdhad ku gallay waddanka Syria
halkaasi oo markii danbana uga
tallaabay waddanka Masar, waxaana
Maamulkii Militeryga ahaa ee Qaasim
ku xukumay Saddam Dil, Saddam Xuseen
wuxuu ku noola waddanka Masar
wuxuuna ku biiray Jaamacadda Qaahira
“Cairo Univeristy” iyada oo
uu ka barran jiray kuuliyadda
Sharciga.
Sannadkii 1963-kii
ayaa waxaa afgambi hubaysan hogaanka
Ciraaq kula wareegay kooxo is
bahaystay oo iskugu jiray xisbigii
Kacaanka ee Ciraaq ee Saddam ka mid
ahaa iyo weliba kooxo kale oo
carbeed oo ku mucaariday Nidaamkii
Maamul ee Janeral Qaasim, balse
kooxahaasi is bahaystay kuma raagin
Tallada dalka Ciraaq Muddo lix
bilood gudahood ah ayaa hadana waxaa
Hogaanka Ciraaq Afgambi hubaysan
kula wareegay Koox hubaysan oo
hogaanka u hayey Abdul Rahman
Caarif, oo ahaa isaga laftigiisu
Nin ka mid ahaa xisbul Bacath-ka
Ciraaq, balse Xabsiga ka fakaday
sannadkii 1967-kii, Saddam Xuseen oo
mar wax laga weydiiyey aragtidiisi
waagaasi ayaa wuxuu yidhi “weligay
maskaxdayda kama baxdo murankii
hogaamineed ee xisbigaan ka mid ahaa
waagaasi soo dhex gallay iyo weliba
xiisaddii siyasadeed ee ka dhex
dilaacday” balse hadana
sannadkii 1968-kii ayaa waxaa
tallada waddanka Ciraaq marlabaad
afgambi hubaysan kula wareegay
Qolooyin daacad u ahaa xisbigii
Kacaanka “bacath Party”.
Afgambigaasi
oo uu hogaaminaayey Janeral Axmed
Xasan Al-Bakr oo ahaa Nin ay
qabiil ahaan aad iskugu dhawaayeen
Saddam Xuseen ahaana Sunni reer
Tikrit ahaa, waxaana uu Janaral
Cabdiraxmaan u magacaabay Saddam
inuu noqdo ku xigeenka guud ee
hogaanka Xisbiga Hantiwadaaga
Kacaanka “Bacath Revolutionary
party” waxaa kale oo loo
magacaabay Madaxweyne Ku xigeenka
Dalka Ciraaq.
AWOODDII
SADDAM UU KU YEESHAY TALLADA
WADDANKA CIRAAQ
Sannadkii 1976-kii
ayaa Waxaa Saddam Xuseen loo
magacaabay inuu noqdo Taliyaha ama
Janaaralka Guud ee Ciidamada
Waddanka Ciraaq, wuxuuna Saddam si
deg deg ah u fuulay saaxadda
awoodeed ee hogaanka waddanka Ciraaq,
wakhtiyadaasina waxaaba lagu tirin
jiray inuu ahaa ninka ugu awood
badan tallada waddanka Ciraaq, iyada
oo waagaasi uu Madaxweyne Ahmed
Xasan Al-bakr soo itaal gabaayey
caafimaadkiisana marba marka ka
danbaysa sii daciifaayey ayaa
dhinaca kale waxaa mansabka awoodeed
ku soo durkaayey Saddam Xuseen
waxaana Saddam Xuseen uu gebi
ahaanba la wareegay siyaasaddii
gudaha iyo dibadda ee waddanka
Ciraaq iyada oo dhinaca kalana
taxadar weyn uu ka muujinaayey in ay
isku dhacaan Saraakiishii ku
wareegsanayd hantiwadaagii maamulka
sare ee waddanka Ciraaq
Sawirka Bidix Saddam Xuseen iyo
Madaxweyne Bakr
MURUQYADII BAALASHA
BAXSADAY EE SADDAM XUSEEN
Sannadahii
1970-naadkii waxay beesha caalamku
si toos ah balse gudaha ciraaq
dadban ugu aqoonsatay Saddam Xuseen
inuu yahay ninka lagala xaajoonayo
Siyaasadda Ciraaq, iyadoo Madaxweyne
Bakar uu gebi ahaanba tahli waayey
inuu sariirta ka kaco, Saddam Xuseen
wuxuu diirrada la hellay tooshkana
si fiican ugu ifiyey inuu Aas-Aaso
rukuno adag oo uu ku mideeyo
xisbigii Kacaanka “Bacath Party”
isaga oo nidaamkiisa maamul uga
dhaadhiciyey saraakiishii ku
xeernayd ee xisbigiisa ka mid ahaa
si degen, Wuxuu Saddam ka war hayey
markaasi kala qoqobnaan badan oo ka
muuqatay shucuubta wada degta
waddankiisa Ciraaq ee Sunni-ga,
Kurdiyiinta, Shiicada, Carabta iyo
weliba Kiristaanka, wuxuu sameeyey
hab casri ah oo uu maamulka ugu
wadaajiyey dhammaan qaybaha kala
duwan ee waddanka Ciraaq wuxuuna
dhaqaalaha Ciraaq ka hurgufay
boodhkii mudada badan saarna isaga
oo jeexay qorshe cusub oo uu ku
nidaameyey dhaqaalaha waddanka
Ciraaq, Sidoo kale Saddam ma moogayn
in ay Ciraaq ahayd goob ku caan ah
afgambiga wuxuu yagleelay Nabad
sugid aad u itaal saraysa oo u
daacad ah isaga iyo xisbigiisa
Bacath, wuxuu dajiyey hanaan uu ku
dhex fidinaayey shacabka Ciraaq
afkaarta aaminsanaanta Xisbul Bacath
taasi oo run ahaantii uu ku
guulaystay.
Ahmiyadda 1-aad ee Saddam Xuseen ka
guuxaysay Maskaxdiisa waxay ahayd in
uu Ciraaq ka dhigo waddan Hodan ku
ah saliidda iyo bansiinka, isaga oo
hormood u noqday Sannadkii 1972-kii
nidaam lagaga soo saarayo waddanka
Ciraaq Salliidda qaydhiin sidoo
kalana lagu rakibaayey waddanka
Ciraaq Wershadaha Saliidda qaydhiin
sifeeya isaga oo ku soo dhaweeyey
waddanka Ciraaq shariikado reer
Galbeed ahaa bishii June 1-deedii
sannadkii 1972-kii ayaa riyadaasi
dhabawday waxaana shariikadaha reer
Galbeedka ee maraykanka, ingiriiska,
faransiiska iyo weliba shariikado
ruush ahaa ka qodeen waddanka Ciraaq
Saliid iyada oo laga soo saaray,
muddo gaaban gudaheedna Maamulkii
Saddam Wuxuu ku guulaystay inuu
xoogga saaro adeega bulshada
waddanka Ciraaq si uu shacabka
taageero badan uga kasbado wuxuu
Saddam ka hirgeliyey Ciraaq olole
balaadhan oo lagaga tirtiraayey
shacabka Ciraaq jahliga isaga oo
aas-aasay haayad gaar ah oo la
dagaalanta jahliga iyo aqoon
la’aanta “National Campaign of
eradication Illiteracy”
nidaamkaasi oo lacag la’aan
adeegaayey shacabka Ciraaq inay
bartaan waxbarashada ugu qiimaha
badanleh adduunka, sidoo kale wuxuu
Saddam hirgeliyey in Jaamacado
bilaash ah loogu diro ardayda ka
baxda dugsiyada waddanka Ciraaq
dibadda (Scholarships), sidoo kale
waxaa ololahaasi Saddam ku
guulaystay in shacabka Ciraaq %99 la
siiyo damaanad caafimaad oo guud
iyada oo dhammaan dadka lagu dawayn
jiray bilaa lacag (hundred
percentage health insurance), waxaa
kale oo la siiyey beeralayda Ciraaq
taakulo badan iyo weliba qallab
badan oo dhulka ay khayraadka ku
jira kula soo baxaan.
Maamulkii Saddam Wuxuu xoogga saaray
inuu dhiso saldhig cusub oo lagu
baraarujinaayey shacabka Ciraaq inay
iskood isku dabaraan iyagoo ka
faa’iidaysanaya khayraadka
wadankooga ku jira sida saliida iyo
beeraha.
SADDAM XUSEEN IYO LA WAREEGIDDII
HOGAANKA GUUD EE WADDANKA CIRAAQ
Sannadkii 1979-kii ayaa Madaxweyne
Al-bakr wuxuu ugu yaboohay waddanka
Syria inay gaadhaan Heshiis ay
labada dal waa Ciraaq iyo Syria eh
ay ku midoobayaan oo ay ku
noqonayaan waddan Qudhaata sidoo
kalana ay ku midoobayaan xisbiga al
Bacath oo waagaasi labada dhinacba
ka shaqaynaya iyada oo Xafidal Asad
oo ahaa hogaamiyahii waddanka Syria
loogu yaboohay inuu noqdo
midawgaasi Hogaamiye ku xigeen,
taasi waxay hoos u dhigtay rajadii
Saddam ka qabay inuu la wareego
maamulka Waddanka Ciraaq dhamaantii
balse awood darro siyaasadeed iyo
caafimaad oo asiibtay Madaxweyne Al-bakr
ayaa ku keliftay inuu iska casilo
hogaanka Waddanka Ciraaq 16 July
Sannadkii 1979-kii isla maalintaasi
ayaa Saddam Xuseen waxaa loo caleemo
saaray inuu noqdo Hogaanka Guud ee
waddanka Ciraaq iyo weliba
Madaxweyne Xisbul Bacath.
Inyar
ka dib la wareegidii hogaanka
waddanka Ciraaq wuxuu Saddam qaban
qaabiyey shir guud oo xisbiga Bacath
ay iskugu yimaadaan wuxuuna Saddam
Shirkaasi ka akhriyey qudbad isaga
oo ku eedeeyey rag ka tirsana
xisbiga Al bacath inay wadeen
mu’aamaraad ay ku basaasayeen
hogaanimadiisa iyaga oo
adeegsanaayey kamarado iyo aaladaha
codka duuba, waxaana raggaasi laga
saaray iyaga oo goobtaasi shirka
fadhiya xisbiga waxaana si toos ah
looga dareeriyey kuraastii ay ku
fadhiyeen.
HOGAANKII KA DHANKA AHAA DIINTA
ISLAAMKA EE NIDAAMKII SADDAM XUSEEN
(SADDAM AS SECULAR LEADER)
Saddam
Xuseen wuxuu ku qeexay hogaankiisa
iyo weliba Nidaamkiisa siyaasadeed
mid casri ah oo la jaan qaadaya
hantiwadaagnimada kacaanka oo aanay
ab iyo isir wadaagi Karin hanaanka
Islaamka oo dadka Ciraaq u ahaa
dhaqqan maadama oo shucuubta Ciraaq
ay ahaayeen badankood dad islaam ah
ha ku kala duwanadeen madahiibta eh,
Saddam Xuseen oo mar laftigiisa laga
weydiiyey fakir ahaan wuxuu
aaminsanyahay ayaa ku qeexay
naftiisa inuu yahay Jamal Cabdi
Naasirka Ciraaq, wuxuuna tallooyin
aad u sareeya ka siiyey haweenka
Maamulkii sare ee waddanka Ciraaq
isaga oo mansabka ganacsigana gacan
weyn haweenka ku siiyey inay ka dhex
muuqdaan oo laba odhan karaayey
waxay xoog haweenka Ciraaq ku
yeesheen inay helaan hanti iyaga u
gaar ah, Ciraaq waxay noqotay dalka
keliya ee ku yaall gacanka Carbeed
ee aan lagu dhaqmin axkaamta
islaamka.
Saddam
Xuseen wuxuu ka hirgeliyey Ciraaq
mashaariic lagaga tirtiraayey
waddanka Ciraaq dhaqanka Diinta ku
xidhan iyada oo lagu faafinaayey
dhaqan ku tiirsan carabnimo iyo
weliba aaminsanaanta xisbigii uu ku
caqliyaystay ee Bacath, iyada oo
dadka tirada yar waa Sunni-ga,
Kurdiyiinta, iyo weliba dadka
diimaha kale haysta laga siiyey 20%
maamulka dalka ciraaq oo aan lagula
tartamin ama gorgortan aan la gelin,
taasi waxay necayb ku reebtay dadkii
tirada badna sida Shiicada iyo
weliba Kurdiyiinta laftigooga oo u
arkaayey nidaamkaasi inuu meel ka
dhac ku yahay dhaqankooga iyo weliba
afkooga maadama oo aanay ahayn dad
carab ah, waxay taasi gelisay Saddam
iyo Nidaamkiisi Baqdad in dadka
ciraaq ku tirada badan oo ah dadka
Shiicada ah ay xidhiidh la
samaystaan Waddanka Iran oo waagaasi
ay ka talinayeen waa sannadkii
1979-kii eh kacaankii Islaamiga ahaa
ee Ayatulahi Khumayni.
Saddam
Xuseen wuxuu dajiyey laba qorshe oo
si weyn u horyaallay inuu mid qaato
inuu xoog ku muquuniyo dadka isaga
ku mucaarida ee xidhiidh la yeesha
ayatulahiyadii waddanka Iran iyo
inuu si dadban oo dhaqaale usoo
dhaweeyo dadka shiicada ah iyo
weliba kurdiyiinta, Sannadkii
1974-kii Sadam Xuseen wuxuu u
magacaabay Taha Yasin
Ramadaan inuu noqdo hawl
wadeenka guud ee u xilsaaran amaanka
gudaha ciraaq, sidoo kale Saddam
Xuseen wuxuu u magacaabay
Barzan Ibraahim Al-tikriti
inuu noqdo Taliyaha ama maamulaha
guud ee haayadda sirdoonka waddanka
Ciraaq (Mukhabarat)
Barzan Ibraahim Al-tikriti oo ahaa
Saddam Xuseen Walaalkii Hooyo.
Saddam Xuseen wuxuu caan ku noqday
nin aad ugu dhaggan nidaamka
carabnimada iyo weliba afkaarta
bacathnimada waxay awoodiisu gaadhay
mid uu ku keeno qofkuu doonaayo
golaha sare ee kacaanka ciraaq iyo
weliba xisbiga Bacath,dhinaca kale
Saddam laguma arki jirin shakhsi
ahaan dhaqankii carbeed, wuxuuna ku
xaragoon jiray suudhka reer
galbeedka iyo weliba muraayado madaw,
sidoo kale wuxuu sawiradiisa iyo
weliba taallooyin uu leeyahay ku
dhajiyey dhammaan dhismayaasha
dawladda ee dalka ciraaq, wuxuu
sawirkiisa ku dhajiyey lacagta
waddanka Ciraaq wuxuu noqday Hogaan
aan laga daba hadli Karin.
SIYAASADDII
ARRIMAHA DIBADDA CIRAAQ IYO SADDAM
XUSEEN
Markay
noqoto siyaasadda arrimaha dibadda
ee Ciraaq Saddam Xuseen wuxuu
tooshka ku ifiyey diiraddana saaray
inaanu ka maqnaan Karin saaxadda
siyaasadeed ee beriga dhexe
Sannadkii 1972-kii Wuxuu Saddam oo
ahaa ku xigeenka Madaxweynaha
waddanka Ciraaq heshiis dhaqaale iyo
diblomaasiyadeed la saxeexday
midawgii Soveitka ee Moscow ka
talinaayey, sidoo kale Sannadkii
1978-kii sannad ka dib ayaa Soveitku
waxay Baqdad usoo direen shixnado
Hub ah, iyo weliba boqolaal khubaro
iskugu jira ciidamo iyo weliba
khubaro tababar siiyay haayadda
sirdoonka ee waddanka Ciraaq (Mukhabarat)
oo ka socday Haayaddii weynayd ee
sirdoonka Sovietka KGB.
Sannadkii 1976-kii isaga oo ah
Madaxweyne Ku xigeenka Waddanka
Ciraaq Saddam Xuseen wuxuu Booqasho
hawleed ku tagay waddanka France
wuxuuna Paris kula soo saxeexday
heshiis dhaqaale iyo weliba ganacsi
Madaxweynahii fransiiska ee waagaasi
Franco Metrand iyo weliba ku
xigeenkiisi Chaques Chirac oo ah
hadda Madaxweynaha dalka Fransiiska.
Sannadkii
1979-kii Saddam Xuseen wuxuu olole u
gallay hantiwadaag carbeed oo lagaga
soo horjeedsanaayey heshiiskii
sannadkii 1979-kii ku dhex Maray
Masar iyo Israel xerada Camp David
ee duleedka Washington ee dalka
maraykanka oo uu dhex dhexaadinaayey
Madaxweynahii hore ee dalka
maraykanka Jimmy Carter.
AKHRISTAYAAL TAARIIKH NOLOLEEDKA
DHEER EE SADDAM XUSEEN HALKAASI KUMA
EKA WAXAAN JECLAYSTAY INAAN
TODOBAADADA SOO SOCDA DHAMAYSTIRO
WAXAANAN KU SOO QAADAN DOONA
DAGAALKII CIRAAQ LA GASHAY
IRAN,QABSASHADII SADDAM QABSADAY
KUWAIT, DAGAALKII GACANKA EE
XULAFADA GALBEEDKU WAA NATO KU
WEERARTAY CIRAAQ SANNADKII 1990-KII
IYO WELIBA DAGAALKII DHAMAYSTIRKA EE
MADAXWEYNE BUSH-KA YAR DHAMAYSTIRAY
KAGANA XAYUUBIYEY SADDAM XUSEEN
TALLADA WADDANKA CIRAAQ, QABASHADII
LAGU QABTAY SADDAM MAGAALADA TIKRIT
EE UU KU DHASHAY IYO WELIBA KIISKA
KAGA SOCDA MAXKAMADAHA WADDANKA
CIRAAQ MAAMULKA MARAYKANKU KA
SAMEEYEY BAQDAD.
QAYBTA LABAAD
EE SADDAM
N.B: Haddii aad
jeceshahay hogaamiyayaasha adduunka
iyo xulashadooda soo booqo web
linksani:
www.somalitalk.com/diridhaba