SOMALITALK.COM DALSAN
Home | SIIRO | SALAT | ZAKAT | RAMADAN | Feedback

| Allah Is Great

w w w . S o m a l i T a l k . c o m
Madaxdii Adduunka: Qarniyada 20aad & 21aad:
Daabaco Boggan | Print

Fidel Castro



XULASHADA HOGAAMIYAYAASHA IYO TODOBAADKANI

Waxaan Todobaadyadii hore kaga hadalay barnaamijkani Hogaamiyahii waddanka Pakistan Mohamed Ali Jinnah iyo taariikh nololeedkiisi dheera, halgankii uu kaga jaray goboladii beriga India India inteeda kale (Pakistan), Akhristayaal Todobaadkani waxaynu diirradda saari doona Koonfurta Ameerika, waxaan bildhaan ka bixi doona Hogaamiyaha Waddanka Cuba Fidel Castro (Fiidal Kaastro), taariikh nololeedkiisi, soo koritaankiisi Saaxadda Siyaasadda ee Cuba, dhalan rogii uu Cuba ugu dhallan rogay Nidaamka Shuuciyadda iyo weliba taariikh badan oo xiiso ku reebtay dalka Cuba cahdigii dheera ee Hogaamiyahooga Fidel Castro
 

WAA KUMA FIDEL CASTRO (FIIDAL CASTRO)

Fidel Alajandro Castro Ruz Wuxuu ku dhashay magaalada yar ee Biran oo ka tirsan gobolka caanka ah ee loo yaqaano Holguin, Fidel Castro yaraantiisi wuxuu la koray qoyskiisa oo ka soo jeeday dabaqadda sare ee Waddanka Cuba oo ahaa beeralay caan ka ah gobolka Holguin, wuxuu meel kula koray Inadeerkii Angel Castro, Aabahii Alajandro Castro iyo Aayadii Lina Ruz Gonzales oo ahayd gabadh guriga uga shaqaynaysay oo ka soo jeeda waddanka Spain, Aabahii oo markii Hooyada  Fidel Castro  geeriyootay isaga oo 4 sanno jir ah uu Aabahii guursaday. 

Fidel Castro Wuxuu wax ka bartay dugsiyada caanka ah ee loo yaqaano Jesuit oo ay iska lahayd kiniisadda Roman Catholic-ga ee waddanka Cuba, wuxuuna dugsigiisa sare ku dhamaystay Dugsiga sare ee Colegio Belen ee magaalada Biran, Sannadkii 1945-kii ayuu Fidel Castro ku biiray Jaamacadda Havana (Havana University) wuxuuna ka bartay cilmiga sharciga (Master of Law) wuxuuna ka qallin jabiyey Jaamacadda Havana Sannadkii 1950-kii, intii u dhexaysay 1950-kii ilaa 1952-kii Castro wuxuu samaystay shariikad kuwa sharciga ku tacaluqa ah (Law Firm) wuxuuna dedaal u gallay inuu kor u qaad ku sameeyo aqoontiisa xagga sharciga ah, Sannadkii 1953-kii ayuu Fidel Castro damcay inuu xagga Siyaasadda Waddankiisa Cuba ku lug yeesho wuxuuna isku sharaxay inuu noqdo xubin ka tirsan golahii baarlamaanka, isaga oo iska sharaxay Magaaladii uu ku dhashay ee Biran, balse nasiib darro waxaa ka dhacay waddanka Cuba Afgambi military wax yar uun ka dib markii ay dadka reer Cuba u dareeren doorashadii golaha baarlamaanka sannadkii 1953-kii bishi april, Waxaana dalka Af-gembi ku qabsaday Janaraalkii ciidamada waddanka Cuba xukumaayey oo magaciisa la odhan jiray Janeral Fulgencio Batista isaga oo afgambiyey dawladdii rayidka ahayd ee Madaxweyne Carlos Prio Socarras, waxaana janaralkii afgambiga sameeyey Petista ku dhaqaaqday markiiba inay qaadacdo doorashadii golaha baarlamaanka oo markaasi Fidel Castro uu boqolkiiba  boqol ku rajo weyna inuu noqdo xildhibaan la soo doortay. 


Fidel Castro iyo Saaxiibadii oo ka hor doodaya Maxkamadda sare ee cuba.

Sannadkii 1953-kii ayaa Fidel Castro iyo Saaxiibo badan oo ay Siyaasadda isku barteen waxay Kiis horgeeyeen Maxkamadda sare ee waddanka Cuba iyaga oo ku eedeynaayey Janeral Petista inuu jabiyey dastuurkii qarran ee Cuba u yaallay, balse Maxkamadda Sare ee Cuba waxay daafadaysay dhammaan kiiskaasi ay wadeen Castro iyo Saaxiibadii, ka dib markii ay Maxkamadda sare ee Cuba diiday kiiskii ay Castro iyo Saaxiibadii soo hordhigeen ayuu Castro Abaabulay weeraro ba’an oo uu u gaystay ciidamadii qalabka siday ee waddanka Cuba waxaana banaanbax iskugu soo baxay kumanaan taageeraayey Castro magaalooyinka Havana iyo gobolka Moncada, waxaa ay weerar gaadmo ah u gaysteen rag u daacad ahaa Fidel Castro ciidamo joogay barxadda weyn ee ciidamada waddanka Cuba magaalada Havana waxaanay halgaasi ku dileen 60 sarkaal oo ka tirsana ciidamada waddanka Cuba, balse nasiib darro 80 ka mid ahaa taageerayaashii Castro oo weerarka gaystay ayaa goobtii lagu dilay waxaana ciidamadii Cuba ay qabteen Fidel Castro laftigiisa waxaana Maxkamadda sare ee Cuba ku xukuntay Castro 15 Sanno oo xadhig ah 15 July sannadkii 1953-kii, intii uu Castro ku jiray Xabsiga dhexe ee magaalada Havana wuxuu waraaqo u diri jiray wergeysyadii caanka ahaa ee ka soo bixi jiray xarunta waddanka Cuba ee Havana wuxuuna badanka ku caan ahaa kelmado uu kaga qiiraysiin jiray shacabka Cuba iyo kelmado kulkulul oo uu isku difaacayo kuna tilmaami jiray naftiisa inuu yahay halgama weyn, Castro ayaa Xabsiga laga sii daayey bishii May Sannadkii 1955-kii isaga oo lagu sii daayey Cafis ay siisay Haayadda caalamiga ah ee u dooda xuquuqda aadamaha ee Amnesty, Waxaana Taliskii Petista u musaafuriyey Castro Waddanka Mexico, sannadkii 1955-kii Wuxuu Castro noloshiisa ku qaatay wadamada Mexico iyo Maraykanka (U.S.A), halkaasi oo uu musaafuris ahaan u joogi jiray. 

HALGANKII CIIDAMEED EE CASTRO KALA HORTAGAY TALISKII PETISTA 

Sannad dheer oo uu Fidel Castro ku joogay Musaafuris wadamada maraykanka iyo Mexico ayuu go’aan ku gaadhay inuu guntiga dhiisha iskaga dhigo inuu halgan ciidameed kala hor yimaado taliskii Petista, Sannadkii 1956-kii ayaa Fidel Castro iyo Saaxiibo badan oo uu ku jiro waxay usoo diyaar garoobeen inay halgan kala horyimaadaan waxaanay si dhuumalaysi ah oo xagga bedda ah uga soo galeen waddanka Mexico Cuba, Fidel Castro wuxuu cagaha soo dhigay waddanka Cuba Bishii June sannadkii 1956-kii isaga oo si dhuumalaysi ah kolba meel u joogi jiray, wuxuuna aas-aasay jab-had ciidameed oo lagu magacaabo “26 July Movement” ama dhaq dhaqaaqii lix iyo labaatanka July. 

Jabhadii Castro hogaaminaayey ee 26 july waxay weeraro aan joogsi lahayn ku bilaabeen gobolka xagga waqooyi xiga ee Orient oo ah gobolka ugu kooneeyey ee xigay dhinaca Mexico, waxaanay bilaabeen inay dagaal Jab-hadeed kala hor yimaadaan ciidamadii Waddanka Cuba ee daacadda u ahaa taliskii Petista, dhaqdhaqaaqii halgameed ee Castro ayaa wuxuu ku balaadhay gudaha waddanka Cuba waxaana dhalinyaro badan oo ka tirsana ciidamadii qalabka siday ee waddanka Cuba usoo baxsadeen sida ay ugu biiraan halgankii Castro,  Sannadkii 1959-kii January 1-deedii ayuu Fidel Castro iyo Jabhadiisii dhaq-dhaqaaqa 26 July waxay galeen Magaalada Havana waxaanay qabsadeen dhammaan goobahii dawladda ee dalka oo dhan, Petista iyo dhammaan dadkii u daacadda ahaana waxay ka qaxeen dalka oo dhan, Castro wuxuu ku dhawaaqay inuu yahay Ra’isal wadaaraha  Waddanka Cuba 2 January 1959-kii. 

BILAWGII SIYAASADIISA ARRIMAHA DIBADDA EE CUBA IYO FIDEL CASTRO 

Dawladda maraykanka ayaa ugu horaysay inay aqoonsato, Fidel Castro iyo Xukunkii uu ka sameeyey Havana, balse inyar uun ka dib markii uu xukunka hayey ayuu Castro soo saaray sharciyo lagu xannibayo shariikadaha waaweyn ee dalka maraykanka ee uu iib geeya waddanka Cuba alaabaha kala duwan siiba kuwa khudradda iyo baansiinka, wuxuuna ku soo rogay shariikado badan oo laga lahaa dalka maraykanka inay bixiyaan cashuuro saa’id ah si loogu kabo dhaqaalaha waddanka Cuba oo kala daadsana waagaasi, waxaa kala jab badan ku yimid golahii Senate-ka maraykanka iyo weliba siyaasiyiintii waddanka maraykanka taageero diblomaasiyadeed oo xoogan oo ay wadaagaan labada dal waa maraykanka iyo Cuba eh, Bishii April Sannadkii 1959-kii afar bilood uun ka dib qabsashadii uu qabsaday waddanka Cuba ayuu Castro soo booqday guriga cad wuxuuna la kulmay Madaxweyne xigeenkii Waddanka Maraykanka ee waagaasi Richard Nixon, Siyaasiyiin badan oo ka tirsan golayaasha dalka maraykanka iyo Axsaabta dalka maraykanka ayaa shaki geliyey booqashada Castro ee guriga cad waxaanay ku eedeynayeen Castro inuu yahay Shuuci xidhiidh sokeeye la damacsan Gaashanbuurtii Soviet-ka ee Ruushku gadhhayeenka u ahaa.

Balse Sannadkii 1960-kii ayaa dawladdii Castro ee Cuba waxay xidhiidh ganacsi oo caalami ah la saxeexatay Midawgii Soviet-ka waxaanay kala saxeexdeen heshiis dhigaayey in Cuba ka iibsan doonto saliida iyo bansiinka Midawgii Soviet-ka, Taasi waxay layaab iyo fajac ku noqotay guriga Cad ee dalka maraykanka, iyada oo wakhtigaasi Shariikadaha baansiinka ee maraykanku ku sifayn jireen bansiinka dalka Cuba gudahiisa, inyar ka dibna wuxuu Castro soo saaray xeer wareegto ahaa oo mamnuucaaya in ay shariikadaha maraykanka ee bansiinku ku sifeeyaan saliidda waddanka Cuba dhexdiisa, taasina waxay sababtay in Dalka maraykanku ka jarto xidhiidhkii diblomaasiyadeed dalka cuba, waxaana uu guriga cad kala soo laabtay Safiirkii u joogay Havana, waxaanay eryeen safiirkii Cuba u fadhiyey Washington. 

Maamulkii Madaxweynahii maraykanka ee waagaasi Eisenhower wuxuu ku tilmaamay Castro inuu yahay Khaayin aan la aamini Karin oo ah cadawgiisa koobaad, wixii intaa ka danbaysay wuxuu Castro la saxeexday Midawgii Sovietka heshiisyo kala duwan oo iskugu jiray heshiisyo military iyo kuwo dhaqaale, waxaana Fidel Castro iyo Hogaamiyahii sovietka waagaasi Khreshuv ay noqdeen Saaxiibo xuduudo badan u dhexeeyaan, Midawgii Soviet-kuna wuxuu hellay garab uu ku khalkhal gelinaayey waddanka maraykanka oo ay waagaasi isku ahaayeen qaraf iyo Baansiin. 

17 April sannadkii 1961-kii Markii la qarxiyey diyaarad nooceedu ahayd B-26’s oo uu ku yaallay calanka waddanka Cuba oo aan asal ahayn laakiin ayaa Fidel Castro wuxuu ku dhawaaqay inuu waddankiisa kusoo rogayo Nidaamka Muxaafidka ah (Socialist), isla maalintaasi ayey maraykanku waxay sameeyeen Mu’aamaraad ay haayadda Sirdoonka ee maraykanka CIA du aad uga soo shaqaysay, taasi oo lagu tababaray 1400 (kun iyo afar boqol) oo ahaa Cubans musaafuris ku joogay dalka maraykanka, waxaana tababarkaasi qayb libaaxleh ka ciyaaray laba sarkaal oo ka tirsana CIA da oo la kala odhan jiray Gryston lynch iyo Willian Robertson, markaa waxay Filayeen maraykanku in haddii ay 1400 ee la tababaray laga dajiyo Cuba dabadeedna ay dagaal kala horyimaadan Castro markaasi uu ku bilaabmi doono kacdoon xukunkii Castro, waxay ku daad gurayeen Maraakiibta  dagaalka ee maraykanka,  kun iyo afarta boqol ee Cubans ka ah ee ay tababareen waxaana goor habeenimo ah ay ka dejiyeen meel xeeb ahayd oo ku taallay magaalada Caasimadd ah ee Havana, balse nasiib darro waxaa la socday Mu’aamaraadkaasi dhamaan ciidamada dalka Cuba waxaana markii ay soo gaadheen goobtaasi 1400 iyo weliba maraakiibtii dagaalka ee maraykanku haraareeyey ciidamada Cuba waxaana halkaasi ku fashilmay mu’aamaradkaasi waxaana lagu qabqabtay dhammaan dagaalyahanadii goobtaasi la keenay inkasta oo ay dib u firdhadeen maraakiibtaasi iyaga oo isdifaacay, waxaanay taasi dhabar jab siyaaasadeed ku noqotay Maamulkii Madaxweyne Keneddy ee waagaasi. 

Muddo bil ah ka dib shirqoolkaasi fashilmay Wuxuu Fidel Castro ku dhawaaqay inuu yahay Shuuci “Communist” dhammaan waddanka Cuba lagu dabaqi doono nidaamka “Marxist Lennist” oo ahaa hanaankii Soviet-ka ku dhaqmi jireen, Sannadahii 1960-meeyadii ayaa dalka maraykanku isku dayey inuu dhawr jeer afgambi ku sameeyo Madaxweyne Castro, waxaana ay maalgelin ku sameeyeen Cubans talxiil ku joogay waddanka maraykanka, iyaga oo doonaayey inay weeraro kaga qaadan dhinaca xuduudka, balse isku dayadaasi oo dhan maraykanku waa ku fashilmay 

XIDHIIDHKII CUBA IYO MIDAWGA SOVIETKA 

Ka dib dhibaatooyinkaasi diblomaasiyadeed ee labada dal ee Cuba iyo Maraykanka ka dhex dilaacay, waxaa dhinaca kale xoogaystay xidhiidhkii Diblomaasiyadeed ee Cuba iyo sovietka, Dhammaan waddanka Cuba wuxuu noqday qaar dhaqaale ahaan ku tiirsanaada suuqyadii waddanka Sovietka, waxaana uu Castro go’aan ku gaadhay in la sameeyo nidaam gaashandhig oo uu iskaga difaacayo maraykanku hadduu soo weeraro, isaga oo ka faa’iidaysanaayey qalabkii casriga ahaa ee Sovieteka, Waxaa hogaamiyahii Sovietku waagaasi Khreshuv uu usoo diray Cuba Saraakiil ka tirsan Haayaddii Sirdoonka Soveiteka ee KGB, waxaanay tababar siiyeen ciidamada waddanka Cuba, waxaanay u yagleeleen nidaam sirdoon oo ugu yaraan ay iska difaacayeen mawjadahii sirdoonka ee CIA da. 

Balse muddo yar ka dib ayaa waxaa soo dhex gallay xidhiidhkii Soveiteka iyo Cuba mad madow ka dib markii diblomaasiyiin Soviet ahaa oo joogay Havana lagu eedeeyey inay sameeyeen nidaamyo ka soo horjeeda dalka Cuba, waxaana taasi ay sabab u noqotay in Sarkaalkii KGB da u joogay Havana ay Soveiteku dib ula soo noqdaan, balse markii la gallay dagaalkii Qabooba ee u dhexeeyey wadamada Galbeedka iyo Midawgii Sovietka Castro wuxuu noqday saaxiib weyn oo Soveiteka la gala dacaayadahii la is weydaarsan jiray ee u dhexeeyey iyaga iyo reer galbeedka.

Bur-burkii Midawga Sovietka Fidel Castro wuxuu noqday Bartilmaameed xoog weyn oo weli ka sii taagan nidaamkii Shuuciyadda Adduunka, waxaana maantadani aynu joogno Fidel Castro oo ah Hogaamiyaha waddanka Cuba uu leeyahay Cadawga Koobaad oo ah dalka maraykanka. 

Akhristayaal Taariikh Nololeedka Hogaamiyaha Cuba Fidel Castro lama soo koobi karo balse waxaan jeclaystay inaan Todobaadkani halkaa kaga baxo, waxaan todobaadyada danbe ku soo qaadan doona Hogaamiyayaasha kale ee adduunka.

DHAMAAAAD

AKHRI::: WAA KUMA MOHAMED ALI JINNAAX

Qormadani waa tii koobaad oo ka hadlaysa Madaxda dunida oo dhan iyo taariikh nololeedkoodii ay soo mareen Shar iyo Kheyr labadaba.

QORMADII MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

KARACHI, PAKISTAN.

E-mail:
diridhaba2001@hotmail.com
Mobile: 00-92-300-2600907

LINK: www.somalitalk.com/diridhaba

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 17, 2005
 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD